Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab turn to HOT AIR as AMISOM expand in Mogadishu...

Recommended Posts

AMISOM oo isku fidisay Muqdisho

8 Oct 8, 2010 - 6:55:01 AM

 

Sarkaalka ku xigeenka u ah Ergayga AU-da ee arimaha dalka Somalia Wafula Wamunyinyi, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in AMISOM ay gacanta ku hayso 45% Magaalada Muqdisho, kadib dagaalo ay hal todobaad kula jireen Al-shabaab iyo Xisbul Islam.

 

“Ciidamadeena waxay ku sugan yihiin qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan, horay ayayna u sii soconayaan, inta aysan bishan dhamaana waxay qabsan doonaan 50% Muqdisho” ayuu yiri Wamunyinyi, isagoo sheegay in hadii ay ciidamo dheeraad ah heli lahaayeen ay guulo intan ka badan gaari lahaayeen.

 

Ururka Al-shabaab iyo Xisbul Islam, ayay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Uganda waxay ka qabsadeen Isbitaalkii Xoogga iyo jid muhim ah oo ay kooxahaas gacanta ku hayeen, taasoo keentay in muddo todobaad ah ay dagaalo ka socdaan Muqdisho.

 

Wafula, wuxuu sheegay in ciidamadooda ku sugan Muqdisho oo gaaraya 7,200-askari ay iska difaaceen weeraro kaga yimid kooxaha hubeysan, isagoo xusay in dowlada Somalia inay difaacaan ay tahay waajib saaran.

 

“Waxay ciidankeenu dageen 11-goobjood oo cusub, iyagoo kaashanaya kuwa DF, mana ahan sababta aan Muqdisho u joogno inaan dagaal galno, balse waa inaan kooxaha dagaalka kula jira dowlada aan curyaamino” ayuu yiri Wafula.

 

Ergay xigeenkan, wuxuu sheegay in Ururka Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay xoojiyaan ciidankooda ku sugan Muqdisho , si ay ugu guuleystaan inay amaanka dalka oo dhan sugaan.

 

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in kala jab ku yimid kooxda Al-shabaab ay sabab u tahay in la jabiyo awoodooda, waxaana sarkaalka u hadlay Midowga Afrika uu sheegay inay ka faa’iideysan doonaan qaybsanaanta kooxda Shabaab.

 

Al-shabaab ayaa beenisay in laga qabsaday saldhigyo ay ku lahayd Muqdisho, sidoo kale sarkaal u hadlay Xisbul Islam ayaa isaguna beeniyay in laga adkaaday, waxaana dagaalada ka dhacay Muqdisho ku dhintay ku dhawaad 55-qof oo shacab ah, iyadoo boqolaal qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

GAROWEONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Amistad   

While many wage their own little propaganda wars on SOL, what Duke says is correct. AMISOM has slowly been taking back Mog, recent estimates by all accounts (UN, non partisan NGOs etc)put the number at just short of 50%.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this