Sign in to follow this  
General Duke

Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement: PICS

Recommended Posts

Qudhac   

Garoowe) 17.03-10 War hada naga soo gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ay halkaas ka baxeen maleeshiyo hubaysan oo wadata 5 tikniko ah. Maleeshiyaadkan ayaa waxay ku wajahan yihiin deegaanka Buura wadal oo ay ku sugan Yihiin Madaxdhaqameedyo ay ka mid yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

Maleeshiyaadkan ayaa waxaa ay u badan yihiin ilaalada Faroole, ayadoo amarkaa ay qabaan uu yahay in ay weeraraan Ciidamada SSC iyo madax dhaqameedka ku sugan halkaas,

 

Ciidanka SSC ee ku sugan duleedka magaalada Buura wadal ayaa ayaguna heegan galay waxayna diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan Cadawga soo weeraray. Hadii dagaalkani dhaco waxaa ay noqonaysa markii koowaad ee si badheedh ah uu maamulka Puntland u weeraro Madaxdhaqameed *********** ayadoo la rajeynayo in dagaalku ka wada qarxo gudaha magaalooyinka Puntland oo dhan maadaba ay joogaan askar SSC iyo shacaba kuwaasoo hubaysan.

 

Wararka ka soo kordha lasoco goor dhaw,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Wararka naga soo gaadhaya duleedka magaalada Buurawadal ayaa waxa ay sheegayaan in ay ku guul daraysteen tiknikadii loo diray in ay weerar ku qaadaan magaalada Buurawadal ka dib markii ay is khilaafeen ciidankii saarnaa tiknikadan.

 

Wararku waxay sheegayaan in askartii ka soo jeeday SSC ay sheegeen markii la marayey duleedka Buurawadal in aanay halkaasi dhaafayn iyaga oo intaasi ku daray in aanay cadayn waxa loo weerarayo madax dhaqameedka ku sugan Buurawadal iyo golaha khusuusigu, arrintan ayaa keentay in la hakiyo tiknikadii weerarka ku ahayd magaalada Buurawadal iyada oo wararkii ugu danbeeyeyna ay sheegayaan in ay Yoocadda ku sugan yihiin tiknikada weerarka ku ahayd Buurawadal oo halkaas dib loogu celiyey.

 

Dhinaca kale waxaa maanta ka dhacay magaalada Buurawadal Mudaharaad ay isugu soo baxeen shacabka magaalada iyaga oo ku hor mudaharaad goob ay ku sugnaayeen Garaad Abshir Saalax iyo Ugaas Faarax Dheere, dadweynaha mudaharaadayey ayaa sheegay sida ay uga xunyihiin go,aamada lagu minjaxaabinayo shirka Buurawadal ee lagu saxeexay madaxtooyada Garoowe, waxa kale oo ay dadweynaha is hortaageen in ay magaalada soo galaan Garaadada ku sugnaa magaalada Garoowe oo iyagu saaka u soo kicitimay magaalada Buurawadal, waxayna taasi keentay in Garaadadaasi dib ugu noqdaan magaalada Garoowe, waxaase isla markiiba ka daba tagay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo magaalada dib ugu soo celiyey taasina ay keentay in ay shacabkii gadoodsanaa ka codsadaan in ay kala dareeraan oo madax dhaqameedka laysu daayo si ay uwada tashadaan.

 

Xaaladda magaalada Buurawadal ayaa kacsan iyada oo shacabku aad uga anfariireen mudada aanay 2 bilood ka soo wareegin ee madax dhaqameedka SSC ku soo saareen laba go,aan oo isburinaya iyada oo ay shacabku sheegeen in ay kala hadalka madax dhaqameedku karaamadooda hoos u dhigtay kana dhigtay niman maqaamkii ay hore u joogeen hoos uga dhacay maalinba maalinta ka sii danbaysana isa sii qiima riday xilli deegaankoodii ay banaanka ka joogaan.

 

Madax dhaqameedka SSC ayaa laba bilood ka hor soo saaray qoraal ay ku cadaynayaan in beesha *********** deegaankeeda soo ceshato maamulka Puntland looga fadhiyo in uu garab ku siiyo isla markaana aanu dibin daabyeyn.

 

Laba maalkood ka horna waxa ay 8 madax dhaqameed ka soo saareen madaxtooyada Garoowe go,aamo burinaya kuwii hore ee loo dhamaa , kaas oo sheegaya in Maamulka Puntland loo daba fadhiisto soo celinta Laascaanood.

 

Shacabka SSC dibad iyo gudaba waxaa ku noqotay arrin la yaableh in maanta Puntland oo aan awood lahayn iyaguna qireen loo daba fadhiisto xilli hore loogu daba fadhiyey muddo 12 sanno ah arrimaha SSC oo sanadba sanadka ka danbeeya Guuldaro lagala kulmayey, ayna ugu danbaysay qabsashadii Laascaanood 15.10.2007 oo haatan sadex sanno laga joogo, ilaa maanta aanu maamulka Puntland waxba ka qaban.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya Buurawadal waxa ay sheegayaan in laba gaadhi oo Tiknika ahi ka gadoodeen Ciidan laga soo diray Madaxtooyada Garoowe ,kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Buurawadal ku biiray shacabka jooga magaalada Buurawadal.

 

Dhinaca kale waxaa madaxtooyada Puntland laga soo diray Tikniko hor leh kuwaas oo haatan ku sugan Dooxada Bixin ee magaalada Duleedkeeda ah , iyada oo hadda shacabka iyo tiknikadan soo ogaal celisay ay isku dulfadhiyaan halkaasi.

 

Madax dhaqameedka saaka soo gaadhay ayaa shir iswaraysiya ku yeeshay magaalada Buurawadal iyada oo markii danbe ay qaarkood ku noqdeen magaalada Garoowe.

 

Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan iyada oo dadweyne badani ka soo kicitimayaan dhinaca magaalada Garoowe kuwaas oo ku biiriya shacabka magaalada Buurawadal oo haatan u muuqda in maamulka Puntland weerar ugu soo dhiila dhaansaday, wixii ka soo kordha saacadaha soo socda ayaan idinla soo socodsiin.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Garoowe 18.03-10 Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in lagu guul Daraystay duulaankii lagu qaaday Magaalada Buurawadal oo ahaa in la soo qabto Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

Maxaa keenay fashilkii maanta?

 

Kadib markii ciidamada iyo Tikniko ay la hayd Jaaliyada SSC kuna jiray Geerash garoowe ayaa lala soo baxay, loona soo kaxaystay dhinaca madaxtooyada oo ay joogeen tikinkadii Faroole iyo C/samad oo aad iyo aad u jecel innay maruun soo qabtaan Labadaas Garaad.

 

Markii dooxada Buurawadal ayaa soo gaadheen tikniko dhan 10 gaadhi ayaa waaxba markiiba ka hor yimid ciidamada ka soo jeeda deegaanada SSC kuna hubaysan labo tikniko ah, waxaana markiiba raacay ciidamo badan oo gaadhi wayn saarnaa. Kadib sarkaalkii wadatay ciidamadaas oo ah nin ka soo jeeda Deeganka Garoowe ayaa aad iyo aad ulla yaabay wax away ku kaceen ciidamadani, weexyna ciidamadan u sheegeen aysan weereri Karin Magaalada buurawadal oo ay ku sugan yihiin ragii ugu karaamada sareeyay deeganada SSC. Ciidamadii SSC ayaa ku biiray ciidankii joogay buurawadal halka kuwii reer garoowena ay ku dhaqaaneen dhinaca garoowe.

 

Maxuu ugu hor yimid Col. Dayr hogaaminta ciidaka weerarka ku haa Buurawadal?

 

Col. Dayri oo ah nin ka soo jeeda Deegaanada SSC ayaa ku gacan saydhay inuu weeraro Ciidamada iyo Garaadada ku sugan Magaalada buurawadal iskaga uu sheegay innay tahay mid sharici daro tahay in Ciidamada Puntland weeraraan Issim ka mid ah issimada Puntland. Halkaas ayaa waxaa ka Cadho kala tagay Faroole iyo C/samad.

 

Maxaa ka socda Magaalada Garoowe?

 

Saacada hada waxay tahay 6:30 habaynimo, waxay wararku sheegayaan in Madaxtooyada Garoowe ka socdaan shir sadex geesood ah oo ah kala ah Saraakiisha Puntland oo dhac ah, Issimada SSC qaarkood oo dhinac ah iyo Faroole iyo C/samad oo dhac ah, waxaan looga tashanayaa sidaa dagaal qaawan loogu qaadi lahaa Magaalada buurawadal oo ah meeshii maanta lagu fashilmay.

 

Puntland ma jabisay Sharciga?

 

Waxaa hubaal ah in maanta Puntland ku talaabsatay qorshe jabinaya Axdiga Puntland ay dhigteen xiligii 1998kii. Sharicgaasoo qoray inaan marnaba la taaban Karin Issimada ama Qoborada ***** iska daa weerare.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You sound desperate adeer, and a little confused even for a secessionist.

 

Everything is going as we planned, your biggest asset is hype, ours is time and the fact that the land and people embrace the blue flag. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I think you are far to excited for no reason. Which again shows your weakness. Puntland will not go to war with anyone least of all its own people. Victory will come because it is our land, our people and a small clan can not stop us, let alone one led by the likes of Riyaale. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

duke

 

wuldnt it be embrassing if the pirateboys did another runner agains few khasuusi boys heheheheheheheheh

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Only one group gets Mugged adeer, and thats the ones who serve Riyaale in Villa Morgan. Like I said you have never won a war, and even now are scared to death that something might start.

 

The aim of the whole SSC is to raise that Blue flag over SOOL. Guess who the target is? Not the unionist adeer, the secessionists. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Hore ayuu cade muse u yidhi faroole ama cid puntland ka mid ah oo ni xoreenasa magaladiina ma jirto waa sheko idinka ni taala hadad ssc tihiin markaa maanta markaan hogaan sameesanay oo wax isku daba ridanay in ay nasoo dhex galaan oo isku kayn diraan wa sheko aan anigu ka xumaaday. way ogyihiin sifiican in ay waxba no qabaneen marka waxa wanaagsan in ay banaankooda naga jogaan. Laakin shekadu waa waxna nima qabanano waxna ma rabno in aad qabsataan.aduun!!

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Sister, I think that’s an outrageous comment. How many Puntlanders, from every region of the state served and died fighting for SOOL, through out the years?

 

Sub clan talk is meaningless, the problem with SOOL, is the division within the community, and Puntland has played so far made the right moves, we will not kill our own people. Also all this emotions and hyperbole will not do, cool, calculation is whats required, and that’s what Faroole is doing thus far.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this