Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale reaches Baardheere.

Recommended Posts

Gabbal   

Barre Hiiraale oo dib ugu soo laabtay Baardheere

 

 

Baardheere 30, Oct.06 ( Sh.M.Network) Wasiirka G/dhigga dowladda Somali Barre Aadan Shire Barre Hiiraale iyo Qaar ka mid ah saraakiishiisii Ciidamada ayaa dib ugu soo laabtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ka dib markii dhowaan dagaal uu ku dhex maray degmada Bu'aale maleeshiyo uu wato wasiirka iyo Ciidamada Maxkamadaha islaamka.

 

Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo ay wehliyaan saraakiil uu ka mid yahay Col. C/laahi Sheekh Ismaciil Fartaag iyo Ciidamo fara badan ayaa dib ugu soo laabtay degmada Baardheere, ka dib markii uu ka soo dhaqaaqay degmada Saakoow ee gobolka J/dhexe.

 

Wasiirka iyo maleeshiyadiisa ayaa la tilmaamay in ay fariisin ka dhigteen duleedka degmada Baardheere xero ku taala oo lagu magacaabo Muuri, halkaasi oo horey ugu aheyd saldhigiisii ciidamada intii aanu ka duulin Baardheere.

 

Col. Barre Hiiraale ayaa maanta waxa uu booqday Isbitalka degmada Baardheere, oo ay ku jiraan maleeshiyooyin labaatameeyo kor u dhaafaya oo ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Bu'aale iyaga iyo Maxkamadaha ku dhex maray.

 

Mana jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo Barre Hiiraale uu ka siiyay saxaafadda dagaalkii Bu'aale, [/b]iyadoo Col. Fartaag uu sheegay in dhowaan uu la hadli doono saxaafadda.[/b]

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Bal aanu aragno waxa uu usheego saxaafada. Odaygu qalad weyn ayuu horey u sameeyey which had costed him lot. Lets see what he gotta say this time...can't wait it!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Marba meel ma nala ade...no we will not wait what he says to the press.

First you listen to those who said he was 'wipped' in Bu'ale and accept that you were wrong, then we listn to his excuse. Now you accept he made a mistake , cajiib?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juuje, adeer it was you who wanted him to be defeated oo initially habaar meesha la fadhiyey beofre the kick-off :D , you know the man fought and lost the war with the minimum casualties and retrieved with his men. Of course he made mistake when he accepted the (trap) post of MD (nin aan ku furi doonin yuusan kuu rarin), he was wrong to fight without ethiopians or the TFG illee ayaguu ka raacay qolooyinkiisi hore e, the result: he paid the price. So, in my humple opinion, the only option open for him now is to stay out of any further clashes with these hell-bent maxakimta and see what happens, anothe option is to go to Baydhabo. Note that both waring sides (Barre's and large portion of maxkiimta's) are of his poeple the Gedonians. I think (i may be wrong) Gedo people are in favour of Maxaakiimta than to the weak TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Well put it Allamagan, Horn may disagree with you on most of the points you made though such as the defeat of Barre, the Gedonians are in favor of Maxaakimta etc.

 

gar laba nin kama wada qosliso, horaa loo waayey in la arko laba dhinac oo ku wada guuleesatey dagaal, waaba wax dabiici ah

 

 

But what the heck, lets support our minister of defence if he is defending the country from Tigreey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Alamagan sxb horta I did not 'habrtan' first of all, secondly I was mere echoing the scale of his defeat and his unplanned futile agrresion. If I remember you belittled my report and others who claimed his defeat and for crying out loud you insisted the man was still kicking and made gains.

Am glad to see the tone of your writing has piped down an more humble now :

So, in my humple opinion, the only option open for him now is to stay out of any further clashes with these hell-bent maxakimta and see what happens, anothe option is to go to Baydhabo.

Any sensible man will suggest no confrotation with this as you put 'hell-bent' maxakamiin and see what they can do to bring about a change into this country.

Yesterday according to how Jenerale Duke was reporting the government troops in a military camp near Baydhabo fought each other fataly over the distribution of 'qaat' that was brought to the camp. Marka kuwan wax maso wadan oo kheyr ah, bal aan aragno Maxakiinta waxy kenan. The sooner they take ovber Bay and the surrounding the better. Cause they will go and wipe the smirk out of Mr.Baro' face and take over WaqooyiGalbeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

But what the heck, lets support our minister of defence if he is defending the country from Tigreey.

Nuune, he is strong anti-ethiopians and I think it would have been good for him to fight against these filthy creatures. Would he do that job, would he resign from MD, would he keep on that track we'll see. Lets wait and see what he gotta say. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Juje:

Alamagan sxb horta I did not 'habrtan' first of all, secondly I was mere echoing the scale of his defeat and his unplanned futile agrresion. If I remember you belittled my report and others who claimed his defeat and for crying out loud you insisted the man was still kicking and made gains.

Am glad to see the tone of your writing has piped down an more humble now :

quote:

So, in my humple opinion, the only option open for him now is to stay out of any further clashes with these hell-bent maxakimta and see what happens, anothe option is to go to Baydhabo.

Any sensible man will suggest no confrotation with this as you put 'hell-bent' maxakamiin and see what they can do to bring about a change into this country.

Yesterday according to how Jenerale Duke was reporting the government troops in a military camp near Baydhabo fought each other fataly over the distribution of 'qaat' that was brought to the camp. Marka kuwan wax maso wadan oo kheyr ah, bal aan aragno Maxakiinta waxy kenan. The sooner they take ovber Bay and the surrounding the better. Cause they will go and wipe the smirk out of Mr.Baro' face and take over WaqooyiGalbeed.
Juje sxb, re. that post I didn't like your early, ok lets now say that as your "prediction" the war has just begun and you without hesitation jumped to conclusion sxb. Your post were solely based the first report that you got from the likes of Qaadisya etc. Anway you also used strong words habaar u ekaa. Tan kale honestly speaking Maxkamadaha seems to have something to offer nabdu ha ugu horeyso compared to TFG. So agree with you lets wait and see.

 

Lool @ qaadka la isku dilay. waxaas aa wax difaacaya ayaa la oran hadhooweto. [edit]....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wasiirka gaashaandhiga dowladda fedraalka Barre Hiiraale oo dib ugu laabtay magaalada Baardheere.

 

October-30 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Wasiirka gaashaandhiga dowladda fedraalka Barre Hiiraale ayaa dib ugu laabtay magaalada Baardheere ee hore uu uga soo ambabaxay kaddib markii uu ku guuldareystay duulaan uu ku soo qaaday magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhaxe.

 

Wasiirka gaashaandhiga oo hogaaminaya qaar ka tirsan saraakiishiisa dhinaca ammaanka ayaa habeenkii Axadii soo gaaray degmada Baardheere.

 

Wasiirka gaashaandhiga oo safarkiisa ku wehliyaan qaar ka mid ah maleeshiyaadkiisa ayaa markii ay soo gaareen duleedka magaalada Baardheere waxaa soo dhaweeyey boqolaal dadweyna ah oo xilligaas ku sugayey duleedka magaalada.

 

Ma jiraan warar faahfaahsan oo tilmaamaya sababta keentay in xilligan wasiirka gaashaandhiga dowladda iyo ciidamadiisa ay dib ugu soo laabtaan magaalada Baardheere balse wasiirka iyo maleeshiyaadkiisa ayaa dagaal kula galay sida la ogyahay magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhaxe qaar ka mid ah ciidamada maxaakiimta Islaamka.

 

Dhinaca kale, dhibaatooyinka fatahaada wabiga Jubba oo ku fatahay in ka badan 200 oo beerood oo ku teedsan ilaa saddax degmo oo ka tirsan gobolka Geddo ayaa saameyn balaaran ku yeeshay nolosha boqolaal qoys.

 

Goobaha uu sida weyn uga fatahay wabiga Jubba ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo degmada Baardheere.

 

Fataahada ayaa saameyn iyo barakac u geystay qoysas tiradooda lagu qiyaasay ilaa Sideetan qoys oo haatan gabaad ka dhiganaya gooba kale duwan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

For me he is no longer Wasiirka gaashaandhiga dowladda fedraalka Barre Hiiraale He is from this day forth. Sheik Barre Hiirale yup i got his sheiknimo. Allah has made him a Sheik mashallah

LOng live Sheik Abdiallahi Yusuf

Death to the United southern Courts

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this