Sign in to follow this  
Emperor

Sheikh Shariif in bed with Ahlu Sunna, funny how things turn so quick

Recommended Posts

Emperor   

Wafdigii uu hogamineyey SH Shariif Sh AXMED iyo culumada dariiqada xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca kumo yeeshay maanta (daawo Sawirad)

 

Qaar kamid ah culumada ahlu suna waljameeca oo salaam iyo booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Jabuuti, Sh Shariif Sh Axmed oo iminka dagan Hotelka Lafweynaha ee Magaalada Muqdisho

 

Hoolka weyn ee kulanku ka socday ayaa waxaa soo buuxdhaafiyey xubno ka tirasan jameecada ahlu suna waljameeca oo aad looga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxaana qadka talephonka qar ka mid ah isla jameecada Kulankan oo looga hadlayay xaaladda uu dalka marayo gaar ahaan dagaalada Labadii Maalmood ee aynu soo dhaafnay u dhaxeeyay kooxaha Diimeedka xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca iyo Al Shabaab ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xaaladda taagan loo xakameyn lahaa iyo sidii xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca u taageeri lahayd dadaalka dib u heshiisiinta ee ka socda dalka Jabuuti.

 

Sheekh C/llaahi Tawasul oo ka mid ah Dariiqada xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca oo kulankaas ka hadlay ayaa waxaa uu yiri” sida idinka aad u taageersan tihiin ayaan anaguna u rabnaa ,waxaana ku taageernay nabada laba qodo oo kala ah in aad tiraahdaan shareecada islaamka dalka halagu xakumo iyo aad xabada joojisaan waana idinku tageeraynaa waxaad ku noqon kartaa sidaa dowlad cadilah”

Isagoo ka hadlayay wararka sheegaya in degaano ka tirsan Jubbooyinka ay ka socdaan faaqida ama burburinta Qabuuro muddo fog halkaas ku yiilay ayaa waxa uu afhayeenka warkiisa ku bilaabay”Qaburaha la faagayo, meyd sanado duugnaa in aan waxba laga faaiidaynin waa la iska ogyahay ee waxaa la abuuryaa dagaal diinmeed ku salaysan oo ay isu bedesho wixii runta ahaa maadaama la ogyahay wadankaan dadka joogo %100 in ay muslin yihin”.

 

 

 

 

Somaliya oo dhan meel ay joogaan murtadiin iyo gaalo ma jirto laakiin hada ayaa la abuurayaa urur diimeed ,Hadii aad dhawaaqeysaan cadaalad ku dhawaaqa .In la abuuro marxalad tii hore ka duwan oo ku dhisan caqiidada islaamka ayuu sii daba dhigay warkiisa Sh C/llaahi Tawaasul oo ku dheeraaday xaaladaha xilligan dalka ka taaqan.

 

 

 

 

Sh Shariif Sh Axmed oo dhinaca fadhiyay Wadaadka kale Sh C/raxmaan Maxamud Faarax Jinniqow oo isna ka mid ah Culimada waa weyn ee Soomaaliya isla markaana xubin sare ka ah wafdiga Sh Shariif ayaa waxay ballan qaadeen xubnaha Isbaheysiga inay ka shaqeyn doonaan dib u hesiisiinta.

“Waxan ka mahad celinaynaa booqashada iyo taageerada aan nagu taageerteen dadaalka dib u heshiisiinta,waxaan ku faraxsanahay booqashadan qiimaha leh ee aad noogu timaadeen,intaas kadib waxaan la og yahay in Diin Haddii la fidiyay waxaa soo bilaabay Culimada Suufiyiinta ah”ayuu yiri Sh Shariif Sh Axmed.

 

 

 

 

Dhibka gaaray Culimada ma aha mid diimeed ee waa mid ka turjumaysaa Siyaasad,ayuu si kulul u yiri Sheekh Shariif oo intaas raaciyay inaan dadka lagu qasbin dagaal waayo ayuu yiri dagaala waa laga soo daalay,waxaase aaminsanahay in dadka qoorta loo geliyo dagaal”ayuu yiri Sh Shariif Sh Axmed oo hadaladiisa ka muuqdeen inuusan ku taageersanayn Xoogaga Al Shabaab dagaalka ay ku qaadeen xarakadda Ahlu Sunna Waljameeca.

 

 

 

 

Amiirka ayaa isaga oo ka hadlayey kulanka maanta soo hadal qaaday ku dahqanka shareecada islaamka wuxuuna si cad u shegay in dadka intiisa badan ay afka ka sheegayaan in ay rabaan in lagu xakumo shareecada islaamka waxayna sameynayaan buu yiri wixii ay doonaan .

Sh Shariif “Anagu waxaan xoojineynaa ku dhaqanka shareecada islaamka waana ilaalineynaa waxayna ku haboon tahay in dowlada amrkeedu uu fulo marka dowladii aan raadino diintana ha nagu dhaqdo “.

 

 

 

 

Marka laga reeebo gudoomiyaha wafdiga sh shariif ayaa xubnaha waxay kala ahaayeen Sh Caraxman Maxamuud faarax Janaqow , Sh Axmed Cabulaahi Fanax ,Maxamuud Axmed Nur ( tarsan ) , Axmed Macalin Yuusuf ,Axmed Bile cabdi Gaboobe , Dr Maxamuud Cadow Ibraahiim, Sh Adan Cilmi Cumar, Sh cabdulaahi Mad Mad , Sh Xasan Xuseen Cusman ( Qoryooley ) , iyo kuwo kale oo qaarkood fadhiga ka maqnaayeen .

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Bakaaro Somalia

00252-1-5576666

00252-50-907666

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

sh2.jpg

 

sh5.jpg

 

sh6.jpg

Heh, Even Tarzan has to be presented as a member of Ahlu-Sunna :D , indeed he is, by the meaning of it

 

In Mogadishu Ahlu-Sunna iyo Alshabaab ayay kadhaxbilaaban rabtaa, which Ahlu-Sunna is the new found name of the Sharifites...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Nothing new like we all know, the clan is turning against and hunting down the youth, see whats happening in North Mudug, and all the activities and moves in Mogadishu and listen to Axmed Diiriye latest release.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this