Sign in to follow this  
Xudeedi

Sanag/Haylan/W.Bari Lower Juba Elders Warn Secessionist and Send a Piece Call to GY

Recommended Posts

Xudeedi   

Boosaaso: Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland Ayaa Waxa Xalay Kadhacay Shir Beesha Gobolada Sanaag, Hihgland, Bari iyo Jubada Hoose Waxana Shirkaas Lagu Qabtay Hoteelka Sanaag ee Gudaha Magaalada Boosaaso Waxana Halkaas Sooxaadiray Isimo Dhaqameeyo Siyaasiyiin Ganacsato Iyo rag Maamulka Puntland Xilal Kahaya Xildhibaano iyo Qaar kale oo Bulshada Magaalada Kamid Ah.

 

Shirkan Ayaa Waxa Sooqaban Qaabiyey Isimada Gobolada Sanaag, Hayland, Bari Iyo Jubada Hoose Waxana Arintaas Siweyn Isugarabtaagey Ganacsatada Iyo Siyaasiyiinta oo iyagu Soodhoweyey Markii Ay Maqleen Waxana Kulankaas Looga Hadlay Dhowr Qodob oo Ay Ugu Horeyso Dagaalka Degmada Gaalcayo kasoocusboonaaday Iyo Xaalada guud ee Somalia Waxana Shirkaas Iyadana Diirada Lagu Saaray Wefti Somaliland Ahayd ee Doraad Duleedka Degmada ceelbuh ee Gobolka Sanaag laga Eryey.

 

Isimada Ayaa Ugu Horeyntiiba Baaq Nabadeed oo Xabad Joojin Ah Udiray Garabyada Gudaha Magaalada Gaalkacayo Dagaalku Kudhexmaraayo Waxana Baaqaas Lagu Cadeeyey In Xabada Lajoojiyo oo Wada Hadal Iyo Masaaloxo Walaltinimo Iyo Muslinimo Wax lagu Dhameeyo Islamarkaana Lajoojiyo Dhiiga Dadka Muslimiinta Ah ee Somaliyeed ee Macano Darada udaadanaya.

 

Baaqaas Ayaa Lagu Sheegay In Dagaalka Maagalada Gaalkacayo Kadhacay uu Yahay Mid Nasiib Daro Ah oo Xiligan Aan loobaahnayn Ayna Hoboonta In Cidii Dooneysa In Dagaal Ay Huriso Meel Looga Soojeensado.

 

Shirkan Ayaa Dhanka Kale Waxa Lagu Soohadal Qaaday Xaalada Somalia ee 20 Sano Dowlad La Aanta kajirtey Waxan Gargeertii Halkaas Fadhiyey Ay Sheegeen In Umada Somaliyeed Ay Dhibta Haysata Kaga Bixi Karto oo Keliya iyaga oo Nabada Uhugaansama oo Qoriga Layska Dhigo islamarkaana Meel Looga Soowada Jeensado Danta Somaliyeed Iyo Aayatiinta Qaranka Somaliyeed ee Mudada Dheer Burbursanaa.

 

Shirkan Ayaa Lagu Cambaareyey Dagaalada Aan Joogsiga Lahayn ee Gudaha Magaaalda Muqdisho kasocda Waxana Ay Isimadu Garabyada Islaamiyiinta Ah Ugu Baaqeen In Dagaalka Ay Wada Hadal Kubedelaan oo Ay Noqdaan Muwaadiniin Somaliyed Si looxaliyo mushkulada Haysata Umada Somaliyed Islamarkaana Aaney Jiri Doonin In garabyadaas Dagaalka Hadii Ay Siiwadaan Waxa Natiijo Ah oo Ay kasooxeryn Doonaan,

 

Waxana odayaashu Sheegeen In Ay Umada Somaliyeed Iyo Cidii Han kahayo Gobolka Sanaagba Usheegayaan In Aaney Masuul kanoqondoonin Cidii Iskutimaada oo Gobolka Sanaag Aan udhalan Iyo kuwa udhashayba ee Maamulada Somaliland Uadeega.

 

Qodobadii Shirkaas Laga Soosaaray

 

1:Beesha Gobolada Sanaag Higland Bari Iyo Jubada Hoose Waxay Maamulka Somaliland UCadeynayaan In Hadii faraha uu Kala Bixiwaayo Gobolka Sanaag Ay Cawaaqib Xumada Kadhalata Noqon Doonto mid Horay Aan udhicin.

 

2:Beeshu Waxa Ay Maamulka Somaliland Ucadeyneysaa In Waqooyiga Magaalada Ceerigaabo Wixii kasoobaxsan Ay Noqodoonto In Dagaal Ceerigaabo laga Abaabulaayo Islamarkaana Aaney Udulqaadan Doonin Daandaansi Iyo Wiilal Lacag loosoodhiibo Waxa kasoo Horeeyaana uu noqon Doonaan In Naftooda Ay Haligaan Ama Ceerigaabo kaqaxidoonaan.

 

3:Beeshu Waxa Ay cadeyneysaa In Dulqaadkii kadhamaaday cidii Damaaci Iyo Daandaanti Waxana Ay iska Difaacidoonto

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Bosaso:Dhawaan ayay ahayd markii rag ka socda maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland ay soo gaadheen qaar ka mid ah Degmooyinka Sanaag, Hase Yeeshee taasi ayaa waxay kala kulmeen dagaal is difaac ah oo ay abaabuleen dadka deegaanka ah oo diidan maamulkaasi.

 

Rag la sheegay inay asal ahaan u dhasheen Gobolka laakiinsi u adeega Maamulkaasi ayaa yimi duleedka Magaalada Ceelbuh, waxana ay damceen inay u gudbaan gudaha Degmada, taasina uma suuroobin oo waxa ku kacay dadkii deegaanka.

 

C/Xakiin Wahaabi oo ah Gudoomiye uu dhawaan u Magcaabay Riyaale Kaahin iyo C/raxmaan Siciid Xuubay oo ah Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Sanaag ayaa la sheegay inuu hor boodayay Wasiiru Dawlaha maamulkaasi Ninka lagu Magcaabo [Qadh Dhegayste.]

 

Rag ka mid ah ayaa la sheegay inay markii danbe u dhaqaaqeen dhanka Degmada Xinaglool ee ka tirsan Gobolka Haylaan, laakiin iyana kama yareysan shacabkii ayaa Bilaabay banaanbaxyo xoogan oo lagu diidan yahay maamulkaasi.

 

Warka hada isoo gaadhaya ayaa sheegay in raggaasi u hoydeen Ximanka duleedka Magaalada Xingalool kuwaasi oo lagu go'doomiyay goobtaasi waxana ay qorshaynayaan inay u laabtaan dhanka magaalada Hargaysa.

 

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxaxmuud Siciid Dabayl ayaa Warbaahinta u sheegay inay qori faraarle iskaga qabteen wufuudaasi la sheegay inay ahaan Somaliland.

 

Xog aanu ka helnay iyana Bosaaso ee ah magaalada Ganacsiga ee Pl ayaa sheegaya in Odayaasha Gobolada Sanaag, Hayland iyo Galbeedka Bari ay xaley kullan balaadhan ku yeesheen magaalada kuwaasi oo ku Jeex jeexayay xaaladaha, Sanaag, iyo sidii mawqif midaysan looga yeelan lahaa.

 

Qof ka gaabsaday inuu magaciisa sheego sababa jira awgood ayaa ii sheeegay saaka hirtii waaberi in Gudi loo xil saaray arrrinta xaaladan soo cusboonaatey Sanaag, Gudigaas oo dhawaan gaadhaya Gobolada Hayland Sanaag iyo Galbeedka Bari.

 

 

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Sanaag:-Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur Dabayl ayaa ****olka ka qaaday inay jiraan khilaafyo Maamulka Somaliland iyo Puntland ah oo ka jira dhinaca degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag kaasi oo uu sheegay inuu yahay mid ay ka dhallan karaan dagaalo labada maamul ay iskaga horyimaadaan. Lakiinse marnaba aysan dowlada Maamulka Puntland doonayn inay dagaalo oogto oo ay isku daydo inay la dagaalanto dowladaha yaryar ee Jaarka la ah.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay jirto saan saan colaadeed oo laga dareemayo Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag halkaasi oo aysan guud ahaan ciidamada Maamulka dowlada Puntland aysanba ka arrimin marka laga reebo is-maamulka beelaha Ceerigaabo oo ka soo jeeda axdigii lagu kala sixiisdey heshiisyadii Ceerigaabo ee dagaalka sokeeye ka dib sanadku markuu ahaa 1993.

 

Gudoomiyaha ayaa wacad ku maray in Gobolka Sanaag ee Maamulka dowlada Puntland inay ciidamadoodu is difaacayaan.

 

Gudoomiyaha oo aan waydiinay inay jiraan dagaalo ka dhacay Sanaag ayaa beeniyey wararkaasi isagoo sheegay inay dhici karto In Somaliland ay isku daydo inay la dagaalanto lakiinse ka maamul ahaan dowlada PL aysan marna horseedin dagaalo iminka ka dhaca Gobolada Sanaag iyo Hayland oo hore loogu bartay dad qadiyad leh inay ku dhaqanyihiin oo aan iyagu dalkooda dagaal u soo oogin.

 

Maxamed Axmed Ciise

Radio Dhahar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Maxamed Siciid Nuur Oo Ka warbixiyay iska hor imaadkii shalay ka dhacay Ceelbuh

October 29, 2009 -

 

Maamulka Gobbalka Sanaag ee waqooyi bari dalka somaliya ayaa waxa uu manta ka warbixiyay iska hor imaadkii shalay ka dhacay Ceelbuh,wuxuna sheegay in magaaladu deggan tahay.

 

Mas’uulka ugu sareeyo Gobbalka waqooyi Bari dalka Somalia”Maxamed saciid Nuur”aya waxa uu ka warbixiyay is-raasaasayntii shalay dhex martay Wasiir soo booqday Ceelbuh iyo ciidanka Puntaland ee halkaa ku sugan. Wasiirkaas oo ah Wasiiru Dawlaha Waxabarashada ee dalka la magac baxay Somaliland, lana yiraahdo Maxamuud Garaad Maxamed iyo meeshaa dib uga laabtay.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa Laasqoray.org u xaqiijiyey in wasiirka iyo kooxdiisu Ceelbuh u yimaaddeen inay ka dhisaan Iskuul. Hase ahaatee, lagu gacan sayray, oo taas loo arkay ‘dhuxul dambas huwan.’

 

Gudomiyaha Gobbalka Sanag”Maxamed Saciid Nuur”ayaa waxa uu marka horay uu sheegay in guud ahaanba xaaladda magaaladu ay deggantahay oo aysan hada wax colaad aysan jirin,waxa uu intaasi ku daray in wasiirkii doolka ahaa ee somaliland iyo askartiisii ay dib uga laabteen. Wasiirka ayaa lagu tuhmay inuu meesha u yimi indha indhayn siyaasadeed oo carqaladayn karta nabadda gobolka. Guddoomiyuhu wuxu sheegay in shaqaaqadaas uu ku dhaawacmay hal qof.

 

Ugu damabyntii wararka been abuurka ah ee ku soo baxay allpuntland, Hadhwanaag, iyo kuwa kale oo fara badan oo raba inay belaayo meeshaas ka abuuraan, ayaan waxba ka jirin iska hor imaadka ciidan oo ay sheegeen inuu dhex maray ciidammo ka kala socda Puntland iyo Somaliland.

 

Wixii ku soo Gordha arrimahan akhristayal kala socda Page-ka www.laasqoray.Org

 

Laasqoray Online

 

Furqaan_04@hotmail.com

 

Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Xingalool: Waxaanu helay xog Tifatiran oo ku saabsan Amuurtii aadka loo hadal hayay taasi oo ku aadan iska Horimaad la sheegay inuu Sanaag ka dhacay, Odayaasha deegaanka iyo Masuuliyiinta Puntland ee Sanaag ayaa Beeniyay warkaasi Ganafka ku dhuftay kuwaasi oo wax kama Jiraan ku Tilmaamay in dagaal Sanaag ka dhacay.

 

Xidhiidho Kala Gadisan ayaan la samaynay Deegaanka Ceelbuh iyo Xingalool oo Horay loo sheegay in Iska Horimaad ku dhex maray Malayshiyaadka Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland.

 

Duqa Degmada Xingalool Yuusuf Siciid [Carab Laawe] oo aan khadka Telefoonka ku Tiigsada isaga oo Jooga Degmada Xingalool ee Puntland ayaa waxa Laga Xumaado ku Tilmaamay warkaasi la sheegay inuu yahay dagaalka Sanaag ka dhacay.

 

Duqa Ayaa Yiri”aad baan Uga xun nahay in La Faafiyo war aan sal iyo raatoona lahayn kaasi oo ku aadan Is rasaasaynta Sanaag Maha wax Jira warkaasi Degaanka Guud ahaan waa Xasiloon yahay waxana ku Gadaaman Ciidamada Puntland”Ayuu yiri Duqa Xingalool ee dhanka Pl.

 

Duqa Xingalool ayaa Faah Faahiyay Masuuliyiin la sheegay inay dhanka Somaliland ka soo socdaaleen, isaga oo Beeniyay inay soo gaadheen Xingalool, Hase Yeeshee waxa uu Cara baabay inay Jiraan Rag Gobolka u dhashay oo Reerahoodii soo Booqday.

 

“Way Jiraan Rag la sheegay inay qaar ka mid ah Degmooyinka soo Gaadheen Hase Yeeshee waa Rag Gobolka ka soo Jeeda kuwaasina Xaasaskooda ayay Soo Booqdaan, Laakiin Maha kuwa Hub iyo Gadiid Dagaal la soo Gala Gobolka Arimahaasi waxaan ahayn oo Cusub aniga ma Ogi”Ayuu Yiri Mr Carablaawe oo Shabakada Laasqoray.Org warsiiyay.

 

Arinkan ayaa yimi ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Somaliland ay soo gadhay qaar ka mid ah Gobolka Sanaag Hayland iyo Galbeedka Bari, Hase Yeeshee Arinkaasi ayaa Odayaasha Gobolka ayaa Beeniyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Ceelbuh; Degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag Ayaa Waxa Maanta Duleedkeeda kadhacay Is Rasaaseyn Dhexmartay Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Puntland Iyo Maamulka Lamagac Baxay Somaliland Waxana halkaas Laga Eryey Kooxdii Maamulka Somaliland oo Lasheegay In Ay Horkacayeen Kooxo Dhuuniqaatayaal Ah oo uu Madaxkayahay ninka Lagu Magcaabo C/xakiin Wahaabi oo **** ****** u Ah Maamulka Magaalada Haregeyso Ka Arimiya.

 

Taliyaha Ciidanka Daraawiisha Gobolka Sanaag gaashanle Sare C/laahi Cumar Cashuur Ayaa Goordgoweyd Xiriir Khadka Telfonka Ah oo uu Shabkada Ceerigaabo lasoosameyey Isaga oo Kusugan Magaalada Ceelbuh Waxa uu sheegay In Halkaas uu Ka eryey Galabta kooxo Qaab Dhuumasho Ah Kuyimi oo Wasiiro Iyo Kuxigeeno Iskugu Jira Islamarkaana uu Hugaaminaayo Wasiirka Waxbarashada Maamulka Somaliland oo isaga Kasoojeeda Gobolka Sanaag.

 

Taliyaha Ciidanka Daraawiisha Gobolka Sanaag C/laahu Cumar Cashuur Ayaa Intaas Kudaray In Is Rasaaseyn Yar oo Kooxdaas Lagala Hortey Ay 2 Ruux Kaga Dhaawacmeen kadibna Ay Halkaas Diiq kaga Baxsadeen Waxana uu sheegay In uu Kuraad Joogo Firxadkii Kooxihii Halkaas Soogaarey Taliyaha Ayaa Sheegay In Ciidamada Heegan Sare Kujiraan Islamarkaana Ay Dhanka Degaanka Biyo Guduud Uruqaansan Doonaan Saacadaha Sosocda

 

Taliyaha Ayaa Kuhanjabey In uu Talaabo kaqaadi Doono Cidii Horkeceysa Kooxaha Maamulka Somaliland Uadeegta.

 

Ceerigaabonews/desk Boosaso Puntland Somalia

 

Maxamed Aamiin Yare

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

The SNM tactic is unfruitful as it had been duplicated numerously and yet there exists no rationale on their end to address its failures. Ministers and other employees in Riyaales mugging team arrive to visit their wife’s and offspring’s in the region and secessionist cheer hopefully that it might be an attempt to close the colonial borders.

 

The community is much stronger and much more organized as Bosaso today is a sister command center of Sanaag and Haylaan. Many developmental projects are taking place in the region as the future looks much brighter for the people of Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mr.Paragon:

Nimanku ma niman reerahooda iyo xaasaskooda soo booqday baa mise waa wafti?

^^ :D:D

 

Inay reerahoodii yimaadeen bay u badan tahay, laakin to Xaaji Xanduf they are specail forces conducting operation Xir Xuduuda :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xudeedi:

The SNM tactic is unfruitful as it had been duplicated numerously and yet there exists no rationale on their end to address its failures. Ministers and other employees in Riyaales mugging team arrive to visit their wife’s and offspring’s in the region and secessionist cheer hopefully that it might be an attempt to close the colonial borders.

 

The community is much stronger and much more organized as Bosaso today is a sister command center of Sanaag and Haylaan. Many developmental projects are taking place in the region as the future looks much brighter for the people of Puntland.

Who can go without their family? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

this all coming from odagaay who sit in bossaso and cannot set foot in ceerigabo and they talk about sanaag loool

 

sanaag is under key and lock no matter how much few qoxoonti scream from afar :D:D

 

 

DUKE

i would worry about defending garowe rather than worrying about sanaag :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon: Adeer ha u yimaadaan reerahooda ama yeysan u imaanin. Virus bey keeni lahaayeen kor iyo hoos. In laga hortago muhiimbey ahayd :D

 

Xaaji xundhuf:

 

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

Dadka guura Dhulku ma guuro

Ninkii dhoof ku yimi bey geeridu dhibeysaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this