Sign in to follow this  
xiinfaniin

Heavy fighting erupts in Xamar

Recommended Posts

Dagaal ka dhacey Muqdisho iyo dad ka qaxaya

By Sep 28, 2007 - 7:48:05 AM

 

 

Caawa fiidkii ayey dadka Muqdisho iyagoo filanaya ay ka war heleen dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan iyo qaraxa qoryaha garabka laga rido ee baasuukeyaasha oo kii ugu cuslaa ka dhacay agagaarka saldhiga Booliska Hodan halkaasoo ay iska caabin xoogan ka sameeyeen Booliska iyadoo qadar 45 daqiiqo ah ay si xoogan isugu dhaceysay rasaasta.

 

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi xiliga oo habeen ah iyo dhaqdhaqaaqa oo caawa oo aan caadi aheyn, sidoo kale xoogaga ka horjeeda dowladda ayaa weeraro ku qaaday agagaarka warshada sigaarka, wasaaradda gaashaandhiga iyo xarunta ciidanka guulwadayasha halkasoo ay isku fara sareen ciidamada dowlada oo qorshaha weerarkaasi la hadal hayey ka war helay oo difaac u galay kooxaha werarada geysta.

 

Xiliga Muqdisho oo ku beegan 19:55 ayaa ilaa iyo iminkan waxaa socda hoobiyeyaal lagu garaacayo agagaarada Carafaat, Tawakal iyo deegaanka Gubta kuwaasoo waxyeelo ba’an u geystay dadka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaanadaas.

 

Ku xigeenka xafiiska warfaafinta Booliska iyo saxafadda Md. Cabdulahi Cumar Ibraahim “Shac Shac” oo ka hadlayey weerarada caawa ayaa sheegay in goobo badan ay soo weerareen kooxaha uu ku tilmaamay nabad diidayaasha isagoo xusay in la filayey caawa iney weerar soo qaadayaan isagoo beeniyay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay soo faaruqiyeen qabuuraha Barakaat iyo Jaamacadda Muqdisho isagoo sheegay iney weli ku sugan yihiin goobahaasi ayna jilibka u laabeen weerarada caawa afurkii lagu soo qaaday.

 

Dhinaca kale dadka Muqdisho ayaa ku jira heegankii ugu sareeyay bacdamaa la hadal haayo caawa oo ku began 17-ka Ramadan kuna aadan xiligii dagaalkii Badar ee Saxaabada kaasoo kooxaha Muqdisho ka dagaalama la sheegay iney xusi doonaan habeenka loo yaqaan Bankii Badar.

 

Dad ka qaxaya guryahooda

 

Waxaa magaalada Muqdisho ka jira dhaqdhaqaaq iyo barakac kii ugu weynaa maalmahan kuwaasoo ka dhacaya deegaanada Carafaat, Tawakal, Gubta, Ciise Cabdi, Towfiiq, SOS, Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha iyadoo la arkayey haween iyo caruur dusha iyo madxa ku guuraya kuwaasoo ka cararaya hadal heyn la isla dhex marayey oo shegaya in caawa oo ku beegan 17-ka bisha Ramadaan ay kooxaha ka horjeeda dowladda ay xusi doonaan dagaalkii Badar ee dhex maray Muslimiinta iyo gaalada xiligii asxaabadii ee uu noolaa Rasuulka NNKH.

 

Lama oga sababta xiligan keeni karta in dad Somaali ah ay u dagalamaan muqaawamo iyo ciidamo dowladeed oo aan lagu sifeyn karin Muslim iyo gaalo sidaa uu waxaa yiri Xaaji Cabdi Raage oo qudhiisa ka soo qaxay suuqa Xoolaha isagoo intaa raaciyay in uusan waligiis qaxin balse saan saanta iyo diyaar garowga ka muuqda labada dhinac ay cabsi ku dhalisay Xaaji Cabdi Raage.

 

Guryaha ku yaala deganadaasi ayaa ah kuwa hawanaya oo qaarkood horay ciidamada dowladda ay u degeen iyadoo qaarkoodna ay ilaalinayaan hal qof oo maalintii gala habenkiina ka soo baxa, dhinaca kale waxaa jira diyaar garoow xoogan oo ay ku jiraan ciidamada dowladda kuwaasoo la arkayey in ay sifeysanayeen qalabkooda dagaalka bacdamaa ay maqleen in caawa ay ku soo wajahan yihiin kooxaha dowlada la dagaalama.

 

Dhinaca kale ciidamada dowlada iyo kuwa Itobiya ayaa maanta ka soo baxey agagarka Qabuuraha Barakaat iyagoo xooga soo saaray Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho iyo nawaaxigiisa.

 

Xafadaha Muqdisho ee caadiga ah ayaa cabsi ka qaba in korkooda la isku weydarsado hubka culus sida Hoobiyeyasha iyo qoryaha PM-ka kuwaas oo dhaawac iyo dhimasho u gaysta dadka rayidka ah.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

this how Dayniile reported it ...

 

Dagaal culus oo laysku adeegsanayo hubka noocayadisa kala duwan ee caawa ka dhacay Muqdisho oo gooba badan ay ku qabsadeen kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho

 

 

Dagaalkani oo bilawday abaaro 6.15 daqiiqo ayaa waxa uu kabilawday qayba kamid ah Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho

 

 

Dagaalkani oo ah Dagaal aad iyo Ad u xoogbadan ayaa waxa uu kadhacay agagarka Shiirkole .Waddada Warshada Degmada hodan ee Magaalada Casimada ah ee Muqdisho

 

 

Dagaalkani oo ah Dagaal aan Waxba laysku Reban ayaa waxa ay Isdhaafanayan labada dhinac Hubka Noocyadiisa kala duwan sida baasukayaal Hobiyayaasha Zuka iyo waliba kuwa kadhaca qoryaha u dhaca Sida Darandoorika ah

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal qaraar oo fiidnimadii caawa ay fooda isku dareen ciidamada muqaawimada ah & kuwa Itoobiya in kooxaha muqaawimadu ay la wareegeen gacanta ku haynta goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin saldhiga degmada Hodon & xeradii Guulwadayaasha , iyadoo maxaabiistii ku xirneyd saldhigana ay ooda ka qaaden ciidamada muqaawimada.

 

 

Dagaalka caawa ayaa ahaa mid aad u culus, iyadoo ay weli jirto cabsi in dagaalku uu ku sii baaho goobo hor leh.

 

 

Gaashaandhiga .saldhiga Hodan. Madaxtooyada , Isbartiibo,iyo jidka Geed Jaceel oo dadka degan oo qiiqa baaruuda ku afuray caawa iyagoona arintu noqotay qof walbaa in uu sariirta hoosta ka galo

 

Ilaa iyo hada Lama Xaqiijin karo Qasaaraha Dhabta ah ee soo gala Gaaray Labada dhinac Iyo waliba dadka Rayidka ah

 

 

Inkastoo Hubka Cawada Kadhacaya magalada Muqdisho oo ay isdhaafsanayaan labada Dhinac ayaa Ladhihi karaa Waxa uu gaystay Qasaaro isukujira naf iyo maalba

 

 

Sida ay kusoo waramayan dad kusugan Melaha ay kadhacayan dagaladani culus ayaa waxa aya xaqijinayan in wali uu socdo Dagaalka uuna ku fiday gooba kale oo cusub

 

 

Waxa gabi ahanba Xiran melaha Qaar ee caasimada iyadona magalada Muqdisho laga daremayo Saan Saan colaadeed ee ay udhaxeyan ciidamada Dawlada fd oo kashanaya Kuwa Ithopia iyo Waliba kooxaha diidan jookitaanka Ciidamada Ithopia

Wixii soo gordho kala soco wararkena danbe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho oo Caawa Maqribtii kadib huguntay

 

Jimco, September 28, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay sugan yihiin Ciidamo ka amar qaayta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku yaala magaalada muqdisho, iyadoo hugunka madaafiic ay labada dhinac isu adeegsanayeen-na laga maqlayay xaafadoo badan oo Muqdisho ku yaala.

 

 

 

Ciidamada Dowladda Federaalka ee la weeraray ayaa waxay ku kala sugnaayeen Saldhigga degmada Hodan, Tareebuunka iyo Xeradii Guul-wadayaasha, iyadoo sidoo kalena ay jiraan warar sheegaya in iyana la weeraray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.

 

 

 

Rasaas xooggan oo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayay abada dhinaca caawa isu adeegsadeen, taasi oo ahayd mid aaney labada dhinac in muddo ah isu adeegsan.

 

 

 

Ilaa iyo haatan lama yaqaano khasaaraha uu geystay dagaalka labada dhinac dhexmaray oo ahaa mid aad u xoogganaa, walow ay jiraan warar sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare dhimasho ah oo soo gaaray dad rayid ah oo ay haleeshay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

 

 

 

Dagaalka Caawa dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid dagaal xooggan uu ku dhexmaray Ciidamo halkaas fariisin ku lahaa iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo maalmo sii horeeyayna uu isla aaggaas dagaal kale ka dhacay.

 

 

 

Dagaalka caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu dhacay iyadoo ay dadku u fadhiyeen afurkii Soonka bacdamaa ay maanta oo dhan soomanaayeen, waxaana xaafadaha dagaallada ka dhaceen qaarkood lagu arkayay dad guryahoodi ka qaxaya iyagoo aan xitaa afurin.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa weli laga maqlayaa xaafado ka mid Magaalada Muqdisho rasaas aan la ogeyn cidda rideysa dhinacyadii caawa uu dagaalka dhexmaray.

 

 

 

Wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Muqdisho kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Not really adeer this is no professional jealousy if that's what you meant to say. I am not excited about it at all. This is a blessed month hence all sides should observe it.

 

Imagine people fleeing at their ifdhaar time :mad: . Pray to Allah to lift this siege of hostility from Somalis.

 

Reporting it is useful in many ways.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

The way I see it, collectively our actions are calling for the reign and continuum of the curse of Allah in our land for sometime to come. With that said, Allah Almighty is the most Gracious and compassionate therefore Illaahay kurbada ha ka qaado masaakiintaa sidii yuhuudda wareegaalaysanaysay 17-kii sano ee la soo dhaafay, ee aan weliba waxba galabsan, hore baa Soomaalidu i tidhi "Dab munaafaq shiday, muumin baa ku gubta"

 

[ September 29, 2007, 12:35 AM: Message edited by: Mansa Munsa ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Kashafa:

Fatxun minnallahi wa nasrun qareeb.

 

Ilahoow umadaas masaakeenta uugargaar.

Amiin...!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this