Sign in to follow this  
Juje

Breaking News : Qarax Is-miidaamin : Cumar Xashi (AUN)

Recommended Posts

Juje   

WAR DEG DEG AH: Qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday Hotel uu Magaalada Beledweyne ka degan yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya

Khamiis, June 18, 2009(HOL): Waxaa daqiiqado ka hor qarax is-miidaamin ah lala beegsaday Hotel uu Magaalada Beledweyne ka deganaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan.

 

Hotelka Madiina oo ay deganaayeen Wasiirka iyo xubno ka tirsanaa maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa isku qarxiyay qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana haatan gubanaya qeybo ka mid ah Hotelka.

 

Lama oga ilaa iyo haatan inta uu la egyahay khasaaraha nafeed ee qaraxan ka dhashay iyo weliba in waxyeello soo gaartay Wasiirka iyo xubnaha kale ee ka tirsan maamulkii hore ee Gobolka Hiiraan. Ciidamo ka tirsan maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray, waxayna haatan kala eryayaan dad isugu soo xoomay nawaaxiga Hotelka.

 

Wixii khasaare ah ee uu geystay qaraxaas waxaan idiin soo gudbin doonnaa saacadaha soo socda haddii Alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

It is been reported that the victims of these atrocious suicide bombing were Minister of Security Omar Hashi, Former Ambassador to Addis Laqanyo, and many others that will be revealed in due course. Kuligood Allah uu naxaristo .. amiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Wasiirki Amniga Qaranka Cumar xaashi Aadan iyo C/kiriin Laqanyo oo ku geeriyooday Qarax Ismaiidaamin oo ka dhacay Magaalada Baladweyne.

 

filecumar-xaashi.jpg

Wasiirki Amniga Qaranka - Allah u Naxaristo

laqanyo2.jpgAmbassaddor Laqanyo Allah u Naxaristo amiin!

 

Shabelle: BALADWEYNE

 

Qarax Ismaiidaamin ah oo ay ku geeriyoodeen dad ay ka mid ahaayeen wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Cumar Xashi Aadan iyo C/kariin Laqanyo ayaa goordhow ka dhacay Hoteel ku yaala gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Daqiiqado ka hor ayaa qarax xoogan oo ismiidaamin ah oo sababay dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ka dhacay Hoteelka Madiina ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasi oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.

Qaraxa oo si weyn looga maqlay guud ahaa magaalada Baladweyne ayaa waxaa geystay qof naftii hore ahaa,waxaana Hoteelka qaraxa lala eegtay horay ugu soo degay masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya oo uu horkacayay Wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya.

Hoteelka la qarxiyay ayaa waxaa deganaa Xubno uu ka mid ahaa duqqii Magaalada Baladweyne Yuusuf Daba Geed iyo safiirka Ethiopia u fadhiyay Soomaaliya C/kiriin Faarax Laqanyo iyo Sidoo kale wasiirka Amniga Qaranka iyadoo ay ku nafwaayeen wasiirka Amniga Qaranka iyo C/kiriin Laqanyo Sida uu Goordhow Shabelle u sheegay Ibraahim Macoow gudoomiyaha Maxkamadaha ee gobolka Hiiraan.

Duqqa Magaalada Baladweyne Yuusuf Dabageed oo ka mid ah masuuliyiintii dowladda ee ku sugnaa goobta qaraxa lala eegtay oo goordhow u waramayay Shabelle waxaa uu sheegay in Qaraxa ay geysteen 3-ruux oo saarnaa gaari yar kuwaasi gudaha Hoteelka isku qarxiyay.

Waxaa u sidoo kale Sheegay Gabageed in Qaraxu uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray Ciidamada Ammaanka magaalada Baladweyne iyo Dad Shacab ah kuwaasi oo uusan carab baabin tiradooda.

Qaxara ayaa waxaa la sheegay in uu geystay dhimasho iyo dhaawac dad ku sugnaa Agagaarka Hoteelka iyo gudihiisa inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tiro ahaan inta ay la egyihiin.

Waa ismiidaamintii koowad ee sanadkaani ka dhacda gudaha magaalada Baladweyne iyado aysan jirin cid ilaa iyo iminka sheegatay in ay ka dambaysay qaraxaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Shabelle.net hadii uu Illaah Insoo Samaxo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

War deg deg ah: Wasiirka Amniga Qaranka DF Somalia iyo mas’uuliyiin kale oo ku geeriyooday qaraxii Ismidaaminta ah ee ka dhacay magaalada B/weyne

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka amniga Qaranka DF Somalia Col. Cumar Xaashi Aadan iyo masuuliyiin Kale oo ka tirsan kuwa Midowga Maxaakimta Islaamka ee gobolka Hiiraan ay ku dhinteen qarax ismidaamin ah oo lala beegsaday hotelka Madiina ee magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan oo ay degenaayeen ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey uu nin naftii hure ah la galay hotelkaasi

Warkan ayaa waxa bogan waxaa bogan u xaqiijiyey masuuliyiin sare oo ka tirsan DF Somalia oo diiday in magacoodaa la soo xogti kuwaasoo intaa ku daray in sidoo kale dadka dhintay uu ku jiro Danjire C/kariin Faarax Laqanyom oo aha oo ahaa danjira DF Somalia u fadhya dalka K/Afrika iyo weliba madaxa amaanka maamulka islaamiga ah ee magaaladaasi Sheekh Ibraahim Yuusuf waxaana sido la xaqijiyey iney halkaaasi ku dhinten dad aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen ciidamada DF Somalia.

 

Ma jiro ilaa hada war rasmi ah oo DF Somalia hase ahaatee qaraxan ayaa gilgilay magaalada sababayna qasaare balaaran oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad aad u fara badan oo ku sugnaa ilinka hore ee hotelkaasi, kuwaasoo ilaa hadda aan la ogeyn tiradooda saxda ah.

 

 

dayniilecom@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Geerida Wasiir Cumar Xaashi,Amb Laqanyo iyo dabageed oo la xaqiijiyay

 

Meeydad fara badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Qaranka ee dowladda Federalka Col Omar Hashi Aadan.Amb Abdi Kariim Farax Laqanyo iyo Yusuf dabageed ayaa laga soo saaray Hotelka Madiina ee Magaaladda Beledweyne oo lala beegsaday gaari ay ka buuxeen walxaha qarxa.

 

Gudoomiyaha Maxaakiimta ee gobolka Hiiraan Sheekh Ibrahim Macoow ayaa Waagacusub u xaqiijiyay geerida sedexda masuul iyo lix iyo toban ka mida saraakiishii dhinaca amaanka ee Maxaakiimta.

 

Wariye Tawane oo Hotelka Madiina ee Magaaladda Beledweyne wax ka yar toban tilaabo u jiray marka uu qaraxa dhacayay ayaa sheegay inuu indhahiisu ku arkayay Hotelka oo afaafkiisa hore dhulka galay.uuna isku qaaday gaari ismiidaamina.

 

Weriyaha oo shoogsanaan laga dareemayay hadalkiisa wuxuu yiri "Meeydadka hada laga soo saaray Hotelka waxay gaarayaan tobaneeyo,laakiin anigu ma arag Cumar Xaashi Aadan"

 

Kooxda Khawaarijta Shabaab ayaa sheegatay qaraxa lagu dilay madaxda sare ee dowladda Federalka iyo golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

 

Waa qaraxii ugu weynaa ee ka dhaca Magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan,waxaana dowladda Federalka ka go-ay gacan weyn oo wax ku oola sida dad badan rumeeysan yihiin.

 

Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ahaan jiray Ciidamadii xooga dalka waa Korneyl wax ka dhisay dowladda cusub ee Somalia wuxuuna u joogay Beledweyne sidii uu gobolka Hiiraan uga sifeeyn lahaa Khawaarijta.

 

Weerarka ismiidaaminta ee lagu dilay Cumar Xaashi,Laqanyo iyo Yusuf dabageed wuxuu digniin hordhaca u yahay madaxda dowladda ee isku adkeeyneyso xafiisyadooda.

 

Waxaa qaraxa dhacay uu si cad u muujinayaa in Khawaarijta ay cidaan halkeey joogaan ugu tegin,iyaga u tegi doonaan.

 

Dowladda Federalka Somalia waxaa la gudboon inay is casisho ama iclaamiso dagaal jihaada oo ka nasahan naf jecleeysi iyo raajicin wada hadalo nabadeed.

 

Geerida sedexda masuul ee ugu sareeysa gobolka Hiiraan lama ogga waxay ka bedeli doonaan xaaladaha murugsan hasse yeeshee waa hubaal inaysan Magaaladda Beledweyne sina kula wareegi doonin Khawaarijta Isbaheysatay ee Somalia.

 

Abdi Waahid Baadshaa

 

koonaa6@hotmail.com

 

Waagacusub Office

 

A.U.N Hashi iyo Laqanyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Somali minister killed in attack

 

 

Somalia's security minister has been killed in a suicide bombing at a hotel in Beledweyne, just north of the capital, Mogadishu, the country's information minister and witnesses said.

 

Reports also suggested that the Ethiopian ambassador to Somalia had been killed in the blast on Thursday, along with at least 10 other people.

 

A doctor from a nearby hospital said that most of the dead have been burnt beyond recognition.

Omar Hashi Aden, the Somali minister, had moved to Beledweyne at the beginning of June with heavily-armed troops in an attempt to regain territory from fighters of the al-Shabab group.

"I am sending condolences to the family of the Security Minister Omar Hashi who was killed in an explosion in Baladwayne," Sharif Ahmed, the president, told reporters.

Mohamed Abdi, a shopkeeper near the hotel, said smoke was rising from the building.

 

Hotel Medina, the scene of the blast, is known to be frequented by members of Somalia's government.

A senior al-Shabab official had warned after a deadly suicide car bomb attack on police headquarters in Mogadishu on May 25 that there would be more suicide strikes in the near future.

Al-Shabab, which Washington claims has ties to al-Qaeda, have vowed to topple the government of Sharif Ahmed, who they consider to be a traitor.

Beledweyne is the capital of the central Somalian region of Hiran, which is close to the border with Ethiopia.

Somalia has not had an effective government since 1991 when former Mohamed Siad Barre, the former president, was overthrown, plunging the country into chaos.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

May he get from Allah(SWT) what he deserves. Every soul will reap the seeds of what it sowed in this world.

 

From a strategical point of view, the elimination of Cumar Xashi and Lanqanyo(both long-time Ethiopian assets) and a unknown number of Ethiopian officers is a huge disaster for the TFG. Xashi and Laqanyo were the go-to guys for inciting clan hate and strife in the Hiiraan province, just as Salaad Cali Jelle and Muse Suudi are currently tryna stir up xamiyatul jaahiliyah in Kaaraan and North Mogadisho(which is about to fall very soon inshallah).

 

That diabolical clan scheming in Hiiraan is now in shatters with the baqtification of Mr. Xashi and Mr. Laqanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

1st batch of reactions from Somali netizens on the elimination of Messrs. Xashi and Laqanyo:

 

Ninkii soo joog laga waayo soo jiif ayaa laga helaa marka arintaan rag kale oo qabqbalayasha cusubna ah waa sugeysaa ha u diyaar garoobaa.

ilaah waa cadaali soomaalidu wexeeydhahdaa deb ninkii shita isagaa ku gubta. meequ dhalinyaro ayuu u diyaarinaayay in eey wax dilaan ama ladilo

Allahu Akbar Allahu Akbar Allahu Akbar ilaah Baa Mahad iska leh Allxamdulilaah Marba haduu Dhintey Cadawga Islaamka Murtatkii Cumar Xaashi & Laqanyo Insha ALlah Ninka fuliyey Qaraxaan waxaan u rajeyn doonaan in uu alle ka akhbalo Shahaaddiisa madaamada uu qarxiyey cadawga Alle & Cadawga islaamka

Waa guul usoo hoyatey umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto gaar ahaan dadka dega gobalada uu 80 jirkaan rabey inuu dagaalo lagu halaagsamo ka rido

waxaan filayaa in markaa Ethiopia aysan haysan qof ay ku aamini karto maliishaiyaadkii ay u hubeysay inuu halaag wade cumar xaasho ku haligo soomaalida ay abaaruhu haysteen ee ku sugan goboladaas…

Allaahu akbar..alaahu akbar walilaahil xamdu…ninkii gaal la la dilay barina waa la la soo bixin ilaahay waxaan uga baryeynaa mujaahidki musliminta ka farxiyey in uu ugu bishaareeyo jannatul fardows.

NINKII MOODAY IN GAALO DIFAACI DOONTOOW KU CIBRA QAADO WIXII BOOTO KASOO YEERI JIRAY NINKA BAKHTIYAY EE CUMAR XAASHI .

 

MUJAAHIDIINTA GEESIYADA AH EE AL SHABAAB WAXAAN LEENAHAY GUUUUUUUUUUUUUUUUUUU UUL

Culled from jowhar.com and somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Kashafa:

the baqtification of Mr. Xashi and Mr. Laqanyo.

How dare you?

 

And your top quotes are from the likes of you - sick, demented and mentally retarded charecters who joy at the misery of others.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

^^ How dare I what ? I even added the title, Mr., before their names. See, I'm a nice guy, yo. But I guess I forgot to add more honorifics like: His Excellency Mudane Xaaji Cumar Xaashi, wazeerka Amniga ee Dowlada Fadaraalka ee Soomalia.

 

Yo, those are the freely-stated views of Umada Somaliyeed, as gathered from jowhar.com and somalimirror.com. You got a problem with that ? Take it up with them. Don't take it out on me if His Esteemed Excellency was universally loathed, despised, and scorned for being a proper Xabashi b!atch by every Somali with a pulse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this