Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

PL-Cabinet dissolved a new prosperous Era about to start

Recommended Posts

The president and vice-president were given a maxium dead-line of 21 days to establish a new cabinet and to fill the ministerial posts with people who are more educated and able then their predecessors.

 

Garoowe: Baarlmaanka Puntland oo isku raacay in madaxwaynaha Puntland laga sugo inuu xukuumaddiisa wax kabaddalo.

- Tuesday, December 20, 2005 at 14:20

 

Garoowe(AllPuntland)- Golaha baarlamaanka Puntland oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay dood xasaasi ah kalahaa arin kusaabsan in isku shaandhaynta xukuumadda laga sugo madaxwaynaha iyo in madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa loo qabto waqti cayiman oo ah 21 maalmood .

 

Baarlamaanka ayaa doodidda arintan ay ka dhex dhalisay muran iyo canaanno kul kul oo ay is waydaarsadeen xubnaha baarlamaanka Puntland ee fadhiga soo xaadiray.

 

49 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka ayaa maanta soo fariistay hoolka shirarka ee baarlamaanka Puntland , waxayna 27 kamid ah u codeeyeen in madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland laga sugo xilliga uu wax ka badalka ku samaynayo golihiisa xukuumadda oo aanan loo gacan dhaafin.

 

21 Xubnood ayaa soo jeediyay in madawaynaha Puntland iyo xuxigeenkiisaba loo qabto 21 maalmood oo ay golaha xukuumadda wax uga baddalaan haddii ay uga baddali waayaanna ay baarlamaanku tallaabo qaataan, hal xubin ayaana ka aamustay.

 

Gabogabadii codaynta ayaa waxaa shir guddoonka baarlamaanka wuxuu si rasmi ah u caddeeyay inay codayntu ay si fiican u dhacday , loona batay in madaxwaynaha laga war sugo.

 

Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse naf ahaantiisa ayaa wuxuu sheegay inuu muddo todobaad ah waqti siinayo golaha wasiirada inay kusoo gudbiyaan waxqabadkooda dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay , wasiirkii laga waayo waxqabad buuxana uu xilkiisa waayi doono.

 

Guud ahaan Puntland ayaa waxaa heerkii ugu saraysay maraysa hadal haynta kusaabsan waxa uu samayn doono madaxwaynaha Puntland , ma gole cusubbuu madaxwaynuhu soo magacaabi doonaa? , Ma kuwii hore ayuu sidoodii u dayn doonaa? mase wuxuu samayn doonaa isku shaadhayn? dhammaan su'aalahaasi waa kuwo lagu hadal hayo majlisyada siyaasadda lagu falan qeeyo.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde: “Dawladda cusub waxaan ku soo xulayaa aqoonâ€

 

Boosaaso - 20.December.2005

 

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ka dhawaajiyay in dowladda cusub ee uu soo dhisi doono

uu ku salayn doono rag aqoontoodu aad u sarrasyso isla markaana uusan cidna waydiin doonin.

 

Madaxweyne cadde wuxuu sheegay in wadanka uu doonayo horumar islamarkaana ay ka shaqayn karaan horumarkaasi rag aqoon leh.

 

Madaxweynuhu wuxuu si aad ah carrabka ugu adkeeyay adkaynta nabadgelyada oo uu sheegay in ay tallaabada koobaad ee maamulku wax ka qaban doono.

 

Cadde Muuse Xirsi wuxuu sheegay in caafimaadka iyo waxbarashaduna ay ku jiraan qodobada ugu sarsareeya ee ay dowlad goboleedka Puntland wax ka qaban doonto.

 

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in caddaaladdii ay yaraatay isla markaana la adeegsaday in caddaalada laftigeeda lacag lagu iibsado.

 

Maxamed Deeq Cabdalla

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Dowlada Cusub waxaan kusoo xulayaa Aqoon†Cade muuse

 

Boosaaso 20 Dec 2005 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ka dhawaajiyay in dowladda cusub ee uu soo dhisi doono

 

uu ku salayn doono rag aqoontoodu aad u sarrasyso isla markaana uusan cidna waydiin doonin

 

Madaxweyne cadde wuxuu sheegay in wadanka uu doonayo horumar islamarkaana ay ka shaqayn karaan horumarkaasi rag aqoon leh.

 

Madaxweynuhu wuxuu si aad ah carrabka ugu adkeeyay adkaynta nabadgelyada oo uu sheegay in ay tallaabada koobaad ee maamulku wax ka qaban doono.

 

Cadde Muuse Xirsi wuxuu sheegay in caafimaadka iyo waxbarashaduna ay ku jiraan qodobada ugu sarsareeya ee ay dowlad goboleedka Puntland wax ka qaban doonto.

 

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in caddaaladdii ay yaraatay isla markaana la adeegsaday in caddaalada laftigeeda lacag lagu iibsado

 

rlaascaanood1@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barlamanka PL oo cod u qaadey Mooshin

 

•Golaha Barlamanka Maamul G. Puntland ayaa Maanta waxaa ay u codeyeen barnaamij qabyo ahaa oo shalay soo bilowday kaas ku saabsanaa soo..

 

Magacaabidda Golaha xukumadda ee laga sugayo Madaxweynaha waxayna xubnaha Barlamaanka Cod u qadeen mooshinkii shaley la soo hordhigey kaas oo ahaa in waqtigii xukuumadu dhacey.

 

Golaha Barlamanka ayaa go'aan ku gaarey cod bixintan ka dib in Madaxweynaha la sugo inta uu imaanayo Garowe iyada oo ay isku raaceen 27 xubnood halka 21 ka mid ah xubnaha Barlamanka ay soo jeediyeen in 21 cisho loo qabto Madaxwayne Cade in uu ku soo dhiso xukuumada

 

Dhinaca kale Golaha xukumadda ayaa Maanta waxaa ay cod u qaden in la kala qaado jagoyinka Duqa degmada iyo Gudomiyaha golayaasha deeganka iyo in xilalkaasi uu hal qof isku hayo waxaana ay ku codeyeen in labo loo kala saaro loona kala magacabo labo shaqsi, horay ayaa cod loogu qaaday qodobkaan waxaa uu noqday mid qeexayey in ay hal qof uu isku hayo xilka halka cod qaadisti Maanta uu ahaa mid kala jabay maddama qodobka dastuuriga uu dhigayo in labo cod loo qaado.

 

Nuux Muuse Birjeeb

Radio Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

GAROOWE : Golaha Wakiilada DG Puntland oo Cod ku ansaxiyay in aan M/waynaha iyo kuxigeenkiisa aan loo qaban wakhti ay ku soo dhisaan dawlad cusub

Posted to the Web Dec 20, 15:51

 

 

Garoowe:-Golaha Wakiilada DG Puntland oo ilaa shalay si adag ugu dooday in M/waynaha iyo kuxigeenkiisa loo qabto muddo 21 maalmood ah in ay ku soo dhisaan Xukuumad cusub iyo kale , ayaa u coddeeyay in aan wakhti loo qaban M/waynaha iyo kuxigeenkiisa in ay ku soo dhisaan dawlad cusub.

 

Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland oo ka kooban 66 Xubnood , ayaa maanta waxaa fadhiday hoolka Golaha 49 Xubnood 27 ka mid ah ayaa u codaysay in aan wakhti loo qaban M/waynaha iyo kuxigeenkiisa in ay soo dhisaan Xukuumad Cusub , 21-ka Xubnood ee kalana waxay u coddeeyeen in 21 maalmood loo qabto M/waynaha iyo kUxuigeenkiisa in ay ku soo dhisaan Xukuumad cusub.

 

Doodaan , oo ahayd mid aad u culus , ayaa ka dambaysay kadib markii 6 Xildhibaan ay maalinimadii shalay ahayd ay Golaha soo hor dhigeen Motion ama mowduun oranaya , in M/waynaha iyo kuxigeenkiisa lagu amro muddo 21 casho ah in ay Xukuumad ku soo dhisaan.

 

Hase ahaatee , maalinimadii shalay ahayd , ayay doodaasi Golaha ka dhex dhalisay buuq lixaad leh , taa soo sababi gaartay in Xildhibaanadu gacmaha iskula tagaan.

 

Walow , aysan jirin gacan qaad rasmi ah ee maalinimadii shalay ahayd ka dhex dhacay Golaha , hadana waxaa jiray Xildhibaano gacmahii ay ku cadaynayeen la qabtay.

 

Taa soo , sababtay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cismaan Dalmar Yuusuf , uu albaabada u laabo kulan kaasi isagoo ku dhawaaqay si caro leh in uu kulanku xiran yahay , kadib markii uu lumay kantaroolkii kulanka.

 

Dhammaan , Xildhibaanada Golaha Wakiilada DG Puntland , ayaa u muuqday kuwo isku raacsan in la soo dhiso Xukuumad Cusub oo uu dalku yeesho , hase ahaatee waxay si wayn isugu aragti kala duwan yihiin , in muddo loo qabto M/waynaha iyo in kale.

 

Xukuumada Puntland , ayaa wakhtigii Goluhu siiyay Xasaanada ama jiritaankooda , wuxuu ku ekaa 10 Novembar ee aynu ka soo gudubnay.

 

M/wayne Cadde Muuse , ayaa shalay mar uu ka hadlayay Xukuumada Cusub ee laga filayo , wuxuu sheegay in uu si dhakhso ah uu u soo dhisayo Xukuumad , taa soo loo soo xushay aqoon iyo karti.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Cadde has realized that clanism destroys home. I hope he doesn't repeat the same mistakes he did before in being selective of his cabinet ministers. One edge that Abdilaahi has over him is that Abdilaahi knows the most qualified and capable men that can lead a nation. Thus far, Abdilahi has been very successful in his political campaign and goal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^In that case all Cadde needs to do is to imitate Cabdullaahi and keep his men since they were most qualified and capable men :D . Why reinvent the wheel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Xinfanin, All he has to do is restore some of the qualified ministers he 'sacked' before to their former portfolios and then keep those with the good record of task achievement. He has already rationalized his call that he will get rid of those who didn't do their job, so upon probes on their record, I hope to see some changes and the reasons for which the changes had to be materialized.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Not quite, good Caamir. The failure of Cadde’s leadership is many levels. But for Allah’s sake the man has been sick and I should withhold judgment.

 

I also hold the view that the old man and his crew stood what has been wrong with that region. That he used Puntland as a platform to launch himself in to the leadership of greater Somalia. That he neglected every aspect of Puntland’s development that was not security related. That he lacked managerial capacity and accountability was an alien concept for him. And that the men in his cabinet were anything but qualified and capable. If anything, Cadde needs to sack the rest of old man’s ministers and bring new and fresh blood to that region.

 

Time will tell if Cadde is meant to be…..till then I should wait and see.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Pr. Adde was sick won't be excuse I think, let us be honest to ourselves, since when Cadde has been sick?, doesn't Cadde have the authority to hand pick who will or will not be in his cabinet?, doesn't the responsibility of the region rest on his shoulders?, do you guys aware of the number of leaders in the world who are more severe than Pr. Cadde's situation yet their governments run superbly?, it is about time we should evaluate the person on his/her merit rather than reer hebelnimadiisa. Remember power comes with responsibility, and if it neglected on God's sake we should on consensus bases point out where the criticism is due to.

 

All in all, I think Pr. Cadde has still enough time left in his tenure to change the living conditions of his people for the better, in the rest I am in line with xiinfiniin's motto of "let us wait and see scheme"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yeniceri   

^^

 

Surely, Cadde Muuse was ill for the past two months. He had kidney surgery in Germany, so do reserve judgment for the ill, as advised by XIIN.

 

However,

 

Originally posted by Mansa Munsa:

doesn't Cadde have the authority to hand pick who will or will not be in his cabinet?

That's the million-dollar question. C/llahi Yusuf was interviewed by Radio Garoowe upon landing in Boosaaso on Dec. 20. This is my transcript of some of what he said in the interview around the 2:46th minute:

 

"...Laga yaabo beri iyo inaan idinla joogno. Inta ka danbeyso waxaan ka tashaneynaa...ee...Madaxweynaha Puntland iyo dowladiisaan ka tashaneynaa..."

 

Maxaa laga tashanaa is the question Cadde should ask? Isn't Cadde Muuse supposed to confer with his VP, Xasan Dahir Afqurac, or is C/llahi Yusuf still calling the shots? "Do your job and let me do mine" should be Cadde's attitude towards C/llahi Yusuf's clear violation of his authority. It makes Cadde look like a weak leader who needs the consultation of an old, confused Colonel in Jowhar when making vital decisions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this