Sign in to follow this  
Liibaan

Pics:Jaliyada SSC AUSTRALIA Oo Tageertay Hogaanka SSC Cabaraysayna Farole.uDigtay SNM

Recommended Posts

Liibaan   

Shir balaadhan oo siweyn loo soo agaasimay ayna isugu yimaadeen jaaliyada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) ee ku nool magaalada Melbourne ee dalka Australia, ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 14/06/2010 ka dhacay magaalda Melbourne, shirkaasoo lagu lafoguray dhamaan xaaladaha guud ee deegaanka SSC iyo guud ahaanba soomaaliya, halkaas oo ay ka hadleen odayaasha, wax garadka, aqoonyahanada, culimaa’udiinka iyo qaybaha kale ee bulshadu, wada tashi dheer dabadeed waxaa ka soo baxay baaqyadan hoos ku qoran Daawo Sawiradd a.

 

 

 

 

TAAGEERO: [Ku socota Hogaanka SSC, Golaha Khusuusida, Garaadada, iyo Waxgaradka SSC]

 

 

Annagoo ah dhammaan jaalliyadda SSC (Sool Sanaag iyo Cayn) ee ku dhaqan Magaalada Melbourne, Australia, waxaannu si buuxda u taageersannahay hoggaanka midaynta iyo badbaadada SSC.Waxaannu ku taageeraynaa dadaalka ay ugu jiraan soo celinta deegaannada SSC ee maamulka Soomaali-diidku gardarrada kusoo galeen.

 

 

CAMBAARAYN: [Ku socota Faroole iyo Maamulkiisa]

 

Waxaanu si toos ah u cambaaraynaynaa maamulka Cabdiraxmaan Faroole faro-gelinta qaawan iyo hagardaamada cadaawadda leh ee uu ku hayo soo celinta deegaannada ka maqan SSC.

 

Sidoo kale waxaannu ku cambaaraynaynaa Faroole aflagaadadii uu u geystay isimmada iyo hogaanka beelaha SSC ee ku howlan soo celinta deegaannadooda maqan.

 

 

DIGNIIN: [Ku socota Somalidiidka/SNM]

 

Waxaanu digniin u diraynaa maamulka Soomali-diidka ah inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah uga baxaan deegaannada SSC ee ay soo galeen. Sidoo kale waxaanu maamulka Soomali-diidka ah ku eedaynaynaa xasuuqii ay ka geysteen magaalada Buuhoodle iyagoo adeegsadey maleeshiyaad-beeleed loo soo geliyey shaadhka askarta Ethiopia.

 

 

MAHADNAQ: [Ku socda shacabka Soomaaliyeed ee 1. Caabudwaaq, 2. Galmudug, 3. Mudug, 4. Bari, 5. Nugaal]

 

Waxaanu u mahadnaqaynaa beelaha Caabudwaaq iyo Galmudug taageeradii ay u muujiyeen shacabka SSC, waxaanu sidoo kale ugu mahadnaqaynaa beelaha deggan gobolada Mudug, Bari iyo Nugaal sida ay u taageersanyihiin halganka SSC.

 

 

Wabilaahi Towfiiq.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Thanks Liban for the update. Gorgeous pics.

 

well done reer Australia..

 

Xaji just avoid these threads if you dont have anything good to say.

 

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Libaahe the Diaspora members are mostly individuals that are driven by clan interest or even want to fill their pockets we witnessed that before , the thing is they don’t really care what happens back home, they just want to inject their clan ideology on the peace loving people of eastern Somaliland. Even if they have to sacrifice human lives to accomplish their goal, it wont effect them they live abroad.

 

But Somaliland will protect its citizens from these foreigners

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this