Sign in to follow this  
Kamaavi

Al-shabaab oo gaadmo ku toogatay Sh. Barre Ali Barre

Recommended Posts

Kamaavi   

jhd57d.jpg

 

Al-shabaab oo gaadmo ku toogatay Sh. Barre Ali Barre

 

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Barre Cali Barre oo ahaa Abaanduulaha ugu sareeya Ururkii Raaskambooni islamarkaana ku sugnaa Magaalada Muqdisho ay si gaadmo ah ku dileen ururka Al-shabaab.Marxuumka ayaa sida la sheegay ku sugnaa suuqa bakaaraha halkaas oo ay niman ku hubeysan bastoolado toogasho ku dileen.

 

Barre ayaa hadda ka hor badbaadey isku dey dil oo lala beegsadey isago ku sugan gurigiisa isla Muqdisho. Marxuum Barre waxuu ahaa hoggaanka ciidamada Raaskambooni ee ku sugan magaalada Muqdisho waxuuna ka mid ahaa saraakiisha ugu sareeysa ururka Al-isbul Islaam.

 

Marxuum Bare waxuu dhawaan ka hadlay heshiiskii Sh Xasan Turki uu la galay Al-shabaab isagoo sheegey in ciidamada Raaskambooni ayasan shaqo ku lahayn hashiiska dhexmaray Alshabaab & sha. Xassan Turki islamarkaana ay kamid yihiin urrka Al-xisbul Islaam , hadalkaas oo aayan jecleeysan Ururka Al-shabaab oo maalmo kadib sheekha la beegsaday weerar fashilmay oo loo adeegsaday Bamka gacanta la tuuro.

 

Khaarijinta sheekh Barre ayaa ku soo beegantay xilli Gudoomiyihii Degmada Dhoobleey & Abaanduule dagaal oo labaduba ka tirsanaa Ururka Al-shabab islamarkaana ay isku jifo yihiin Shiikha la khaarijiyay lagu hayo magaalada Kismaayo ayagoo lagu eedeeyay in ay la shaqeeynayeen Mareeykanaka iyo Sh. Ahmed Mahammed Islaam. Eedahaas ayaa ah kuwa loo cuskado dadka ladoonayo in la khaarajiyo, sidii horay ugu dhacday Marxuum Abdi raxmaan oo ku magac dheeraa waldiire.

 

Sikastaba ha ahaatee waxaa sii fogaanaya cadaawada u dhexeeysa Kooxaha ku dagaalama magaca diinta, iyadoo ay doowlada ku meelgaarka ah oo kaashaneeysa Shacabka Soomaaliyeed & Beesha caalamka ay ku jiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee looga hortagi lahaa Kooxaha dagaalama.

 

Wararka Soomaaliya

******today.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Caruurtii Xasan turki, ee raaskanboni, waxaa u gaadhsanaya Alshabaab, isna Baydhabo ayuu joogaa Akhyaaray ka warama?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Bare Ali Bare a senior military leader was killed in a Mogadishu market.

 

Gunmen on Tuesday killed a Somali Islamist military leader critical of his group's recent merger with the al-Qaeda-inspired Shebab movement, officials and witnesses said.

 

Bare Ali Bare was a senior military leader for the Ras Kamboni group but had made no secret of his opposition to a decision by his leader, Sheikh Hassan al-Turki, last month to join Shebab, who control most of the country.

 

He was killed in a Mogadishu market.

 

"Armed militiamen shot the commander dead in Bakara market and we are still investigating who the assailants are," senior insurgent leader Sheikh Mohamed Adan said.

 

21amkp3.jpg

 

"He was a senior member in our group and we are very concerned about his killing, it is a blow to us," he added.

 

Ras Kamboni had been a component of Adan's Hezb al-Islam insurgent group, which is theoretically allied with the Shebab in a drive against the UN-backed government but has been at odds with its larger partner.

 

Bare Ali Bare had merger and remained loyal to overall Hezb al-Islam leader Sheikh Hassan Dahir Aweys.

Loose alliances

 

Witnesses said they saw Bare shot down by two men as he walked near a pharmacy in Bakara market, a northern Mogadishu neighbourhood and Shebab stronghold.

 

"They shot him several times in the head near a place with several pharmacies in Bakara market and they ran away after the shooting," Abdi Moalim Leb, a local grocer, said.

 

The Shebab and Hezb al-Islam, the two main Islamist insurgent groups in Somalia, are loose alliances of clanic militias and military fiefdoms that often fight between themselves.

 

Over the past year, the Shebab leadership has changed to integrate foreigners with ideological ties to Osama bin Laden's al-Qaeda, while Hezb al-Islam remained a movement with a more political agenda.

 

Since the start of the year, Mogadishu and other parts of central and southern Somalia under insurgent control have been bracing for a major offensive by the government and the African Union peacekeeping mission.

 

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo lagu toogtay bartamaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

28jhah2.jpg

 

War deg deg ah oo goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa xaqiijinaya in kooxo bastoolado ku hubaysan ay goor dhaweyd gudaha suuqa bakaaraha ku toogteen Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa Ururka Xisbul islaam.Barre Cali Barre ayaa horay uga bad baaday qarax lala maaganaa in lagu khaarijiyo iyadoo qaraxaasi uu yimid ka dib kolkiii uu Marxuumku si cad uga soo horjeedsaday Kulankii ka dhacay magaalada Baydhabo ee lagu sheegay inay ku midoobeen Mucaskarkii Raaskambooni iyo Al-shabaab.Faah faahinta dilka Barre Cali Barre dib ayaan ka soo tabin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

^Saas mowtaqaanaan ninkan? Wuxuu ahaa nin boqol kala bax ah aadna u caqli badan oo geesiya.

 

Alshabab kaas oo kale ma rabaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Al.shabaabul-Mujaahidiin oo ku Jihaaday Barre Cali Barre, maxaa xigi doona!!!!!!!!

 

xejryr.jpg

 

Waxaa shalay lagu khaarijiyay Magaalada Muqdisho Barre Cali Barre oo ahaa hogaamiyaha Cutubka Raskaabooniyinta ee ku sugan Caasimada Muqdisho ahna taliye dagaal oo ka tirsanaa Ururka Al-xizbul islaam.

 

Hadaba waxa ay dadka qaar isweeydiinayaan cidda ka dambeysay dilka ama khaarijinta marxuum Barre Cali Barre, oo ahaa nin da'yar oo lagu xusuusto, dagaal yahan nimo Geesinimo iyo Codkarnimo intaba.

 

Waxaa lagu xasuustaa hadallo kul'kulul oo uu ka baahin jiray warbaahinta Muqdisho, waxuuna haa Hoogaamiyaha geliya ee ka tirsan Kooxaha kasoo horjeda Doowlada oo ku sigtay in uu gaaro Villa Soomaaliya ama Guriga madaxtooyada oo uu jirsaday ilaa 300 oo mitir oo kaliya, waxaana dib usoo wabiyay Taangiyada Amisoom.

 

Waxuu soo shaac baxay ama la bartay markii ay ciidamada Etiopiya la wareegeen Caasimada Muqdisho, waxuuna ka mid ahaa Taliyayaashii fara ku tiriska ahaa ee ku qasbay Ciidamada Etiopiya in aay dim uga gurtaan dalka Soomaaliya, laakiin maanta waaxaa ku jihaaday oo khaarijiyay Shababbul Mujaahidiin markuu ka fikir duwanaaday.

 

 

Inkastoo aayan jirin Cid illa & hadda sheegatay dhagarta lagula kacay hogaamiyahan da'da yar ayaa hadana waxaay dadka farta ku fiiqayaan Ururka Al-shabaab oo ay is hayaan Ururka Al-xizbul islaam.

 

Dadka u kuurkale siyaasadaha Kooxaha dagaalama, ayaa sheegaya in khaarijinta taliyahan sare ay sii hurin karto dagaalada u dhexeeya Ururada Al-shabaab & Al-xizbul islaam.

 

 

Inkastoo uusan Ururka mayalka adag ee Al-shabaab uusan sheeganin dilka Marxuumka, laakiin hadana ilaa hadda ma beeninin.

 

 

Laakiin goobta lagu dilay Taliyaha oo ah Suuqa weeyn ee Bakaaraha oo ay ku xoog badanyihiin Kooxda Al-shabaab & marka la qiimeeyo hadala uu dhawaan siiyay warbaahinta oo uu ku weeraray siyaasadaha Alshabaab kuna taageeray Sh. Ahmed Mahammed Islaam, & weliba cambaareeyn kulul oo uu jeediyay hashiiskii magaalada Beeydhabo ku dhex maray Sh. Hassan Turki & Al-shabaab, ayaa dadka la socda siyaasadaha Somaliya ay qirayaan in dhagartu ayan ka fogeeyn Kooxda Al-shabab oo aan inta badan qiranin falalka noocan ah.

 

 

Natiijada ka dhalan karta ama Saameeyta ay dhagartani ku yeelan karto Kooxaha Al-shabab & Alxizbul islaam waa mid muuqata, waxaana la dhihi karaa waa bog cusub oo u furmay labada koox oo markii hore ka war'wareegayay isku dhac baahsan oo saameeya dhammaan goobaha ay ku wada sugan yihiin labada Koox oo markii hore dagaalkooda ku koobnaa Gobollada Jubooyinka.

 

 

Waxaa la rumeeysan yahay in ay labada kooxood u bilaabantay marxalada adag oo ah is ugaarsi & in aay iska laayaan hoogaanka sare & taliya'yaasha, taasoo sababi doonta aakhirka in aay meel cidla ah soo fariistaan.

 

 

Ilaa iyo hadda Muqdisho waxaay aheyd aag aay ku kala wareegtaan labada kooxood ee Al-shabaab & Al-xizbul islaam waxaadna mooday in uu jiray heshiis qarsoodi ah oo ahaa in colaada u dhexeeysa labada dhinac lagu koobo Gobolada Jubooyinka Muqdishana lagu kala weeydaarsado, welibana mararka qaar laiska kaashado la dagaalanka Doowlada ku meel gaarka-ah iyo Ururka Ahlusunna waljamaaca.

 

 

Laakiin waxaad moodaa in dilka Bare Cali Barre oo ahaa sarkaalka hogaamiyo Cutubka Kaambooniyiinta oo ka tirsan Alxizbul islaam ay khaarijintiisu u fureeyso bog cusub labada dhinac.

 

Waxaa xusid mudan in Afhayenka Ururka Al-xizbul islaam ninka lagu magac'aabo Sh. Mahammed Macalim uu ka gaabsaday cidda ka dambeeysay dilka Sarkaalka, asagoo si aan rasmi aheyn ugu eedeeyay Kooxa burcad ah.

 

Waxaa xusid mudan in Ururka Al-xizbul islaam uusan ka gaabsan jirin in uu eeda dusha u saaro Doowlada Ku meelgaar-ka ah & Amisoom, marka ay wax ka dhacaan magaalda Muqdisho, sidaasi darteed ka gaabsiga uu ururka ka gaabsaday in uu meel u yeelo khaarijinta Sarkaal sare oo katirsan taliya'yaashiisa oo weliba lagu dilay meel aay ku xoogbadanyihiin Maleeshiyada Al-shabaab ayaa ah mid ay saarantahay Calaamatu Cajiib!!!

 

Afhayeenka ayaa waxaa ka muuqatay hadalasiisa taxaddar & foojignaan Zaaid ah oo la dhihi karo waxuu dareemayay baqdin in asagana la khaarajiyo haduu farta meel ku fiiqo.

 

Is ugaarsiga laba dhinac ayaa waxuu libin u yahay Doowlada Ku meelgaar-ka ah & dadka kasoo horjeeda siyaasadaha Ururada ku dagaalama magaca Diinta. Dad badan ayaa qaba in uu meesha ka baxay kala weeydaarsigii u dhexeeyay labada Kooxood islamarkaana uu hadda u furmay bog cusub oo is ugaarsi ah.

 

Is ugaarsigan labada kooxood ayaa ku soo beegmay waqti ay Doowlada Ku meel gaar-ka ah ay Boolalkii ugu dambeeyay ku dhuujineeyso hoowgal aay mudada badan foolaneeysay oo ay weliba taageerayaan Doowlada Mareeykanka & Shacabka intiisa badan, kaasoo ka dhan ah Kooxaha ku dagaalama magaca Diinta.

 

Hadii uu hoowgalkani bilaawdo iyadoo ay is ugaarsanayaan labada Kooxood, waxuu shakki la'aan hoowsha u fududeeynayaa Doowlada Kumeelgaarka ah & Xulufadeeda.

 

Sikastaba ha ahaatee Khaarijinta Taliye Barre Cali Barre ayaa ah Qodax kasiibatay Doowlada ku meel gaarka ah & Ciidamada Amisoom, waxaayna dhabar jab ku tahay kooxda Al-shabaab oo aad moodo in uu Kontroolka ka lumay .

 

Wararka Soomaaliya

Beder Haji beder114@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by General Duke:

Nothing has happened the late mans boss is in talks with Al Shabab right now.

Bare Ali Bare has met his highest boss, Allah. Let him rest in peace awowe!

 

As for Shabab & HIS, yet they have lot of time to correct their paths. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this