Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kor iyo hoos waa socotiin ee maa isqarxisiin

Recommended Posts

Yacni, aakhiro u socotiin. That is what they told HIV-positive Soomaali people in Marka town. 'They' meaning Barbaar ku sheega. What a twisted logic. Then maxaa ka sugee kuwaas waalan.

___________________

 

Alshabaab oo bukaanada AIDSka qaba ugu baaqay in ay isqarxiyaan

 

Maamulka ka arimiya degmada Marka ee Sh/hoose ayaa dhawaan xarunta daaweynta AIDSka ee Degmada Marka kula kulmay bukaano halkaasi lagu daweynayo oo qaba cudurka HIV AIDS.

 

Horjoogaha maamulka Alshabaab ee gobolka Sh/hoose Maxamed Abuu Cabdalla Idiris ayaa ugu baaqay bukaanada AIDSka qaba in ay ismiidaamiyaan oo ay isqarxiyaan, bacdamaa uu sheegay inaysan noolaaneyn oo daawo loo heleyn.

 

Amarkaas ayay amakaag iyo anfariir la noqotay bukaanadii oo goobtaas isaga huleelay iyadoo goobtii daryeelka ee ka hortaga AIDSka albaabada la isugu dhuftay, xarunta oo ku taala Isbitaalka Istarliin ee magaalada Marka ayaa in mudo ah waday daryeel ay u fidineysay bukaanada uu haleelay cudurka AIDSka iyadoo talaabadaan ka horna ay maamulka Shabaab u xireyn xaruntii daaweynta qaaxada oo ay ku eedeeyeen in ay maamulaan hey’ado ay ku sheegeen inay yihiin Kirishtaan.

 

Dhinaca kale kooxda Alshabaab ee Maamusha Magaalada Baladweyne ayaa shalay xukun gacan goys ah ku fuliyay laba wiil oo dhalinyaro fagaaraha Xaruunta Gobalka Hiiraan ee Baladweyn ka dib markii sida uu ka sheegay Xakiimkim ka tirsan Alshabaab in ay xadeen lacag dhan 2,200,000 (laba milyan iyo laba boqol oo kun).

 

Haaruun Cabdi oo 23 jir ah iyo Liibaan Xirsi oo 22 jir ahaa min gacanta bidix looga jaray waxaana yimid dadka magaalada oo isugu soo ururiyay.

Xukunka adimo jarista ee shalay ay fuliyeen Malayshaadka Alshabaab ayaa waxaa uu noqonayaa ciqaabtii ugu weyneed marka laga soo gudbo garbaashid iyo gubista jawaano qaad ah iyo dawooyin dhacay oo maalmahii ugu dambeyay ay ka wadeen Magaalada Baladweyne.

 

Dhanka kale labadaan wiil ayaa la sheegay inay qirteen dembigaasi, hase yeeshee ma jirin qareen u doodaayay labadaasi dhalinyarada ah, sidoo kale lama oga in Dembigaasi ay si buuxda u qirteen dhalintaasi, mana aha falkii ugu horeeyay oo ay Alshabaab ka fuliso deegaanada ay gacanta ku hayso.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

** Hooba naar galaasa, bartaa ay la aragnee, tiimbooy! **

 

MMA ma anaa u maleeyay mise there some similarity between your signiture and the Alshabaab logic in this case ? ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

basically waxaan u qatay the same thing as... "koley waad dhimaneysaa ee dhakhso iska dhimo." MMA's says something along the lines of "naarta koley hadaad galeysa sink to the lowest level aan lagu arkin adoo heehaabayee." lol !

 

Sayid ma afsomali la'aan bad tahay mise xujaad ii weydiisay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

illeyn sayid sabaabbu u yidhi "ama af gaalo idinku imaado ama af muslim"

 

waxay illa tahay in aad si kale waxa meesha ku qoran u fahantay!

 

af soomaaliga aan ku hadlo waa kii qardho oo qurbaha ku qasma :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Ismalura, Sayid waa reer Qardhood!.

 

MMA, sxb sheekooyinkan waa dicaayado looga soo horjeedo Mujaahidiinta oon waxna ka jirin, isha warka waa somaliweyn.com oo lagu bartay been-abuur cad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

Maadeey I think in uu fahmay uu xujo ka waday suaasha.

 

Otherwise I just commented on another of your posts with ' mujahidinta'

 

Why did you remove the signature that said "Anaa diiiday gaal..." I really found that dignified... lest you think I am on the very far side of this debate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Inaad reer Qardhood tahay uun baan sheegaye maxaan halleeyey sxb.

 

Saxiixa, weli waa sidiisiiye mindhaa yuhuud baa iga remove-gareysay ;)

 

Edit

 

Ismalura, waan ishaaray inaad dignified lot ka mid tahay waana sababta aan wixii aan is leeyahay waa kaa qaldanyihiin kaagala doodayo, ma garatay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ismalura, Afsoomaaligaaga in uu saas qatar u yahay ma moodin. :D Laakiin you took it to mean literally.

 

Maahmaahda meesha ku dhagan waa maahmaah caan ah oo la yaqaano, literal ahaan loolama jeedo, naar galid iyo waxaas ma'aha.

 

Maahmaahdaan badanaa siyaabo kale loo micneeyaa. Micnaha koowaad loo micneeyo waa: Haddaa wax sameyneysid si fiican u samee ama iska dhaaf. Wax sameysa ha xumaadaan ama ha wanaagsadaadaan.

 

Dadka badanaa wax wanaag markee sameynaayaan laga rabi lahaa inay si idil oo dhameystiran u wada sameyaan ama iska dhaafaan. Taas camal qofka wax qaban qaabinaayo waa in uu si dhameystiran isku xilqaamaa.

 

Kuwaas Barbaarta la baxay wax sameyskooda -- ha wada xumaadee sharna ha wada ahaadee -- waa kugu raacsanahay si socoto oo dhameystiran u sameynooyaan, kala joojis maleh, oo maahmaahda dhankaas waa laga fiirin karaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this