Sign in to follow this  
QabiilDiid

Is BBC for the orphaned children of Queen Victoria?

Recommended Posts

Nin qoyani biyo iskama dhowro. Ma sida maraykanku maxaabiista ciraaqiyiinta u galo, baad ula dhaqmaysaan kuwa diidda in ay yihiin agoontii boqoradda saancaddayda? Hadda way ku maqlayaan indhacadde iyo turki!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwaan Bacadle oo gabay ka tiriyay tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil ee tacadiga loogu geystay Xabsiga magaalada Hargeysa

 

(Hida Raaca Gaaladey Tigraha kaga horeeyaane!!!)

 

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo aad uga barateen inuu inta badan Suugaan dulmi diid ah ka tiriyo isla markaana ku cabiro fikirkiisa ayaa maanta waxa uu halkan ku soo gudbinayaa gabay uu ugu magac daray (Hida Raaca Gaaladey Tigraha kaga horeyaan!!!), isagoo ka tiriyay tacadigii xabsiga Hargeysa loogu geystay wadaad lagu magacaabo Sheekh Max’ed Sheekh Ismaacil oo sida ay daabaceen qaar badan oo ka mid ah Website-yada Soomaalida iyada oo ay si xun u jir dilayaan ciidamo ka tirsan maamulka la baxay Somaliland, wuxuuna u dhacayaa sidatan:-

 

 

Gabaygani hin-buu kicinayaa waana la hubaaye

 

Hargeysoo dhan uma jeedo iyo heybahaa dega’e

 

Gabaygan I wuxuu la hadlayaa howlwadeenada’e

 

Iyo wixii u hiilinahayoo heyb u daba jooga

 

Hadhow yaan la oran beel dhambaad holaca gaarsiisay

 

Waxaan ka hadlayaa culumadii beeca loo helaye

 

Oo aad waayaradii Korontada ku holcineyseene

 

Oo aad timaha heyseen sida Gaal la soo helaye

 

Ood ku hirdiseyseen Jilbaha ha igu towxiidin

 

Magaaladan Hargeysoo Kufriga hibada loo siiyay

 

Oo Gaaladeenaad handadi lagu huruufaayo

 

Oo hiilka Buush noqotayoo Xabashidow heegan

 

Oo naasigii Hitler shaabahdoo Diinta ka huleeshay

 

Oo hilibka culimada ku nool, kuna haliileysa

 

Oo aan Hadyigii Nebiga rabin heestase u qaada

 

Oon haba yaraatee Sunnaha hoos u dhuganeynin

 

Hida raaca Gaaladey Tigraha kaga horeeyaane

 

Iimaanki-bey u huri Kufrigu hey aqoonsado’e

 

Hanka beesha iyo Gaal unbey u halgamaayaane

 

Hey haatan calan aad heshoo hibo laguu siiyo

 

Intaan Koonfurta habeynayaad hununuceysaaye

 

Huuraalayaalkaan qaxiyay iiga howlyaride

 

Kuwii dhiiga culimada harqaday waan isku hubaaye

 

Rabibaan isku haleynayaa guulna waan heliye

 

INSHA ALLAAH, Hargeysiyo Berbera waan hantinayaaye

 

Kitaabkaanan ku hogaaminn ee ma’ahan heybteyda

 

Haad geed saaran-baad ii tohoon waraf u heysaaye

 

Howd iyo Burciyo xeebta Bari kuuma heegana’e

 

Raggii aad isku haleyn jirteen hiil ALLEY noqone

 

Kuwii Xamar ka heyruubay-baad la hal wadaagtiine

 

Hareeraha markaan kaaga rido hoos unbaad dhugane

 

Hayaayda iyo qeyladana waad sii hawaawiciye

 

Hidaha Gaala raacoo dhambaa hoos u sii degiye

 

Ka huleele meeshay Furqaan ku hagranaayeene

 

Hanka beeshu Diintoo dhambey kala horeysaaye

 

Nadyiga Nebiga iyo Aayadaha ku hakan maayaane

 

Hiyi raaca Gaaladey Furqaan kaga habsaameene

 

Wax la heysan jirayoo kaley u haminaayaane

 

Helina waaye go’itaanki ay u halgamaayeene

 

Dulcad iyo *****i Sheekh mar waan kuu hantaaturine

 

Har-cadbaa la geli oo la qaban howlwadeenada’e

 

Daroogada markaan ka hurgufney Khabar helaayaane

 

Hurdada waxay ka kici waa markaan how-da ma qashiiyo

 

Rabbi kuwo u hiilinahayuu hibada siiyaaye

 

INSHA ALLAHU hadalkeenu waa noo hirgelayaaye

 

Haamaha markii laga quboo holac la leefsiiyo ama

 

aan Qabriga ku hubsaney Khabar helaayaane

 

Wan humbulan kor ma haleelayee hoos unbuu dhugane

 

Cirkaba woxowgu hora maalintii helayo Gaal-leefta

 

 

Hadana waxaan idiin soo gudbineynaa tix Shirib ah:-

 

 

Safar badnaa Somaliland

 

Madax Ahlu sunney sidaan

 

 

Madax garleh Mareykan geey

 

Malyan ha kugu maalgelshee

 

 

Riyaale

 

 

Raa’ix iyo Rujuuc dhowaa

 

Illeyn ru’uus dadoow raraa

 

 

Howshiisi mow hilmaamayaa

 

Hilib dadow horuu bartee

 

 

Bahdow hogaamiyaa ba’doo

 

Bilad basaasnimow sitaa

 

 

Ugu dambeyntiina Abwaan Abshir Bacadle oo aan wax ka weydiinay waxa uu ula jeedo shiribyada ceykan oo kale ah ayaa ku jawaabay

 

 

“Waxaan aaminsahay in madaxda maamulka Somaliland ay Cajaladaha Vedeo-ga ah oo ay ka duubaan dadka Muslimiinta ah ee ay Xabsiyadooda ku ciqaabaan u iibgeeyaan Mareykanka iyo Tigreega, uuna dhaqaalaha ugu badan halkaasi ka soo galo, nasiib darase waxaa ku ah in Cajalkii ugu dambeeyey oo lacagta badan goyn lahaa in laga soo xaday iyadoo duuban, lana keenay magaalada Laasacaano halkaasna lagu daawaday oo caalamkana la wada gaarsiiyayâ€.

 

 

Wuxuuna Abwaanku intaasi sii raaciyay in falkaasi ay ku kaceen madaxda maamulka la baxay Somaliland aan marnaba loo cafin doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Xasan Turki “Waxaan jecelnahay Sh. Max’ed Ismaaciil inaan xabsiga Hargeysa xoog uga sii deyno, maamulka halkaa ka jirana wuxuu mari doonaa halkii ay mareen..

 

 

Abaanduulaha ciidamada maxkamadaha ee gobolada Jubooyinka Sheekh Xasan Turki ayaa sheegay in deegaanada Afmadow, Bu’aale iyo Saakow oo isaga iyo ciidamo la socda ay gaareen si diiran loogu soo dhoweeyey, isla markaana ay ugu tageen dadweyne doonaya, una hamuun qaba ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 

 

Sheekh Xasan Turki ayaa intaa ku daray in waxgaradka iyo dadweynaha ku dhaqan goboladaasi ay uga waramaeen guulaha maxaakiimtu ay ka gaareen magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan gobolada dalka, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in maxaakiimtu ay qorsheynayaan weerar ay ku qaadaan magaalada Baydhabo oo fariisin ku meel gaar ah u ah dowladda federaalka.

 

 

Sheekh Xasan Turki ayaa sidoo kale sheegay in ujeedada maxaakiimta ay ugu dhowaanayaan magaalooyinka ku yaala xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya aaney macnaheedu aheyn iney Qatar ku yihiin xasiloonida dalkaasi, balse ay tahay oo kaliya iney halkaasi ka difaacaan wax uu ugu yeeray ciidamada cadowga ee doonaya iney halkaasi ka soo gudbaan.

 

 

“Kenya kuma wajahnin, intii aan ku sugnaa Raaskambooni-na waxaa naga dhexeeyey xiriir wanaagsan iyo iskaashi la xiriira sugida nabadgelyada†ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo intaa ku daray inuusan jirin wax wel-wel ah oo dowladda Kenya ay ka qabto tegitaankooda halkaasi.

 

 

“Shiikha ku xiran Somaliland ee la jirdilay waxaan jecelnahay inaan xoog uga sii deyno xabsiga, maamulka Somaliland-na wuxuu mari doontaa halkii ay mareen isbaheysigii Sheydaanka, maadaama uu la yimid dhaqamadii uu lahaa isbaheysigaasi,†ayuu yiri Sheekh Xasan turki oo ka hadlayey aragtidiisa ku wajahan xariga iyo jirdilkii naxariis darada ahaa ee ciidamada Somaliland ay kula kaceen mid ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Ismaaciil, isagoo tilmaamay in maxaakiimtu ay doonayaan iney dalka oo qabsadaan iyadoo ujeedada kaliya ee ay leeyihiina ay tahay hirgelinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The vidoe is a fake.

but those attempting to harm the intrests of somaliland like this fellow here will cease to exist.

 

this so called shiekh is lucky to be alive and well.

 

so are the many people that would have died as a result of thier attempted terrorist attack

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oda_ what is this man accused of?

Why torture him?

Is it because he happens to be from the wrong clan as was the case with Samsam?

 

Will Somaliland deal with Shiekh Ali Warsame the same way?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

oh here we go again

 

the calaacal crew once are shedding more crocadile tears.

 

if this so called shiekh doesnt want to be tortured then why go to all that trouble to try and assasinate foriegners not to mention killing three police offers in uniform on duty.

 

the truth is these people are demented in their hate for somaliland and its people therefore somaliland should not show mercy in its defence of its people whether they called themselves wadaad or warlord somaliland must crush these mercinaries and hate mongers who only know how to kill and destablise peacefull people in their persuit of power.

 

indeed the CID must be given all the tools it needs to combat these deranged fanatics who are obsessed with power.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

general

 

yes that what he was charged with and doing time for.

 

 

i mean its simple message if you want to plot and destablise somaliland kill those thaT reside in it as forign guest all in the name your deluded dreams then go ahead, but please dont cry about the consiquences because we will not show you mercy.

 

 

these people pray day and night for the sky to fall on somaliland so why should we listen to them calaacal now, please ama marka hore fadhiista ama baroorta joojiya oo and take it like men.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

general duke

 

why how do you think he ended up in hargeisa central prison in the first place?

 

he was with the group of men who were captured days before the palimentary elections whom planned several assasinations and there was shoutout between this group and police early in the morning when the house was raided early in the morning which lasted for several hours, in which several police officers were killed

 

 

most of those group who have now gone through the courts and have been sentenced including this particuler guy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Justice for all!! Sheikh Max'ed Sheikh Ismaciil is a martyr for the Islamic cause in Somalia. The man is persecuted for his political views. Inshalah Sheikh Max'ed Sheikh Ismaciil will be freed and the Somali Islamic movement will capture the North West and unite Somalia under Islamic law.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this