Sign in to follow this  
General Duke

Hotel Shaamow: Twist as new Pics emerge : Shocking

Recommended Posts

cabdir.jpg&cat=1&pid=4730&cache=false

 

Sawir Muujinaaya Wiilkii La Sheegay in uu Isku qarxiyey Hotel Shaamow

 

December 16, 2009 Kadib markii uu dhacay qaraxii Hotel Shaamow 3.12.2009 ayaa waxaa ciidanka Dawladdu soo bandhigeen nin ay ku sheegeen in uu yahay ninkii qaraxa geystey, kadib waxaa dhexyaacay saxaafadda sawiradiisa. sirdoonka dawladda Denmark ayaa sheegtay in ninkaasi uu ka tegay dalka Denmar isaga oo deganaa tan iyo markii uu jirey 5 sano, waxaana uu sanadkii hore 2008 dhamaadkiisi sii watay xaaskiisa iyo cunug uu dhalay.

 

Aabaha dhalay Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in wiilkiisu uu sameeyay falkii naxdinta lahaa isla markaasna sheegay in wiilkiisa lagu casumay xafladda uuna ka mid ahaa dadkii dhibanayaasha ahaa.

 

Ciidanka Dawladda ayaa sheegay in ninkaani qabay Jalbaab iyo indhoshareer markii uu qaraxa samaynaayey taas oo uu ku soo galay xafladda isaga oo ay dhexda kaga rakibantahay aaladaha qarxa ama jaakada qaraxa loo isticmaalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Kuwii igu soo xoomay ee hareeraha iga soo galay, tolow maxay sheegi doonaan??

Copenhagen: (pp)- Marxuumkii lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey Qaraxii Muqdisho ka eeg Sawirkan , waa ninkan ugu horreya ee Qaba shaatiga Cad oo Kaamiradu qabatay isagoo Indhaha isku haysta.

 

Maqaal qeexaya arrimo badan oo wax ka taabanaya Marxuum C/raxmaan ayaan gadaal ka soo saaraynaa. Su'aashu waxay tahay Sawirkan iyo kuwo kale oo soo bixi doona mustaqbalka dhow maxaa loo qariyey ?

 

Marxuunka oo Cameradu qabatay isagoo indhaha isku hasta?....

 

Waxaa la isweydiinayaa Aaway Canbuurkii uu qabay , haduu qaraxa ka danbeeyey? ma dadka ayuu ka duwan yahay , mise wax kale iyo dano qabiil ayuu eersaday? .

 

Inaan Xaqa la isku sheegin ma u tahay marqaati dhacdani?

Qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow Khamiis 3-dii Desember 2009-ka , oo ay ku dhaawacmeen kuna geeriyoodeen dad Soomaaliyeed oo u badnaa Arday Jaamacad ka qalin jebinaysay Maalinkaas , Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Waalidiin soo xaadiray goobta qalin jebinta.

 

Dhammaantood intii Dhimmatay ilaahay waxaan uga baryeynaa Naxariistii Janno inuu ka waraabiyo intii ku dhaawacantayna Caafimaad deg deg ah inuu Illaahay siiyo.

Haddii Xafladdaas wanaag ku soo gaba-gaboobi lahayd waxay ahaan lahayd mid Farxad gelisa shacabka Soomaaliyeed oo dhan, laakiin nasiibdaro waxaa meesha uu Qaraxaas ka dhacay laga qaaday Niyad xumo aad u weyn.

Qaraxaas ka bacdi waxaa Saxaafadda Soomaaliya laga sheegay haddalo badan oo Isqilaafsan , qaar waxay sheegeen in Ninka isqarxiyey uu deggenaa Hoteelka mudo 6 maalmood ah , qaar kale waxay sheegeen in Shaqsi soo xirtay Dhar dumar oo markaa yimid goobta qaraxaasna uu fuliyey , qolooyin kalena waxay sheegteen waxyaalo kale oo aan la fahmi karin.

Desember 5-dii , waxaa la soo geliyey webabka Soomaalida qaar ka mid ah Sawir la leeyahay Waa ninkii qaraxii ka danbeeyey, magaciisana lagu sheegay Maxamed Khaliif , kana yimid Dhoobley Jubbada Hoose.

 

Xaqiiqda Marka loo noqdo , C/raxmaan Yare wuxuu deganaa Magaalad Marka Sannadkii ugu danbeeyey , wuxuuna la noolaa Xaaskiisa oo deegaanka Marka ka soo jeeda , Labo maalmood kahor Qaraxa, ayaa C/raxmaan Xamar soo gaaray , isagoo qalab adeeg u doonayey Xaaskiisa oo markaa ku dhoweyd inay Dhasho , Markii uu Xamar Soo gaaray waxaa C/raxmaan ay is arkeen Wiil ay saaxiibo yihiin , kaas oo u sheegay inuu Qalin-jabinayo berri oo Xafladda u raaco, sidaas oo uu Dhibbane C/raxmaan yare uu ku aqbalay inuu saaxiibkiis kala qaybgalo Xafladda.

C/raxmaan iyo Saaxiibkiis, Qaraxii markii uu dhacay labaduba waxay ka mid noqdeen dadkii masaakiinta ahaa ee Qaraxaas ku dhintay, Dadkii kale Maydadkoodii waxaa aqoonsaday dadkoodii wayna qaateen , Laakiin C/raxmaan wuxuu ahaa nin Meesha Qariib ku ahaa oo aysan waqtigaa Reerkiisu ay Xamar ku noolayn , Wax gartana waa la waayey, taasi waxay keentay 24-saac kaddib in Caloosha intii laga Jeexo dusha laga saaro inuu Marxuum C/raxmaan Yahay Dhagar-qabihii fuliyey Qaraxii Shaamow.

 

Waxaa la isweydiin karaa oo kale , maadaama uu C/raxmaan dhintay see lagu ogaaday inuu ka soo jeedo deegaanka Jubbada hoose? Taas oo na tusinaysa in C/raxmaan uu ahaa nin la ogaa oo la aqoonsaday Qabiilkiisa , maadaama dadkiisa aysan ka soo jeedin Muqdishana in Eeda dusha laga saaro Dhibbane Marxuum C/raxmaan yare, Beelaha Muqdisho ku harayna ay u kala badbaadaan.

 

Waxaa kaloo isweydiin leh oo maskaxda bani’aadamka fiyow ay diidaysaa , sidee nin Miino isku qarxiyey u fiyoobaan karaa jirkiisa meelihii ugu jilicsanaa sida Beerka , Kelyaha, Caloosha oo kulligood banaanka yaala , Qaarka korena waa Nadiif. Waxaan ognahay dadkii meesha Qaraxu ka dhacay u jiray 15 mitir in qaarkood hilbahooda dhulka laga aruuriyey.

 

 

Waxaa isweydiin mudan marka arrinka laga hadlaayo Qaraxaas iyo Ciddii fulisay waxaa loo dhigi karaa inay labo arrin midkood noqoto , mid waa wax shaki ku jiraan , midina waa wax dhab ah oo cadaynteeda la hayo ama Muuqato , haddaba maxaa lagu cadaynayaa inuu C/raxmaan ka danbeeyo inuu qaraxaas fuliyey Waa su’aal la weydiinaayo dadka Soomaaliyeed ee caadifada qabiilka iyo Dulmigu intuu ka batay Eeda dusha ka saaray Marxuumkaas.

Waxaa kaloo isweydiin mudan in Soomaaliya ay ka dhacayeen sannadihii u danbeeyey Qaraxyo Cajiib ah oo ugu horeeyey Kii Baydhabo loogu dhigay Madaxweyne C/laahi Yuusuf , kii loo dhigay Prof. Cali Maxamed Geedi , kii Muqdisho loogu dhigay Haweenkii dhulka xaaqayey ee Gurriga shaqaalaha , Kii Beledweyne ee Wasiirkii Amniga iyo Rag badan lagu qaarajiyey iyo kuwo kale oo badan, Qaraxii hargeysa iyo Kii Boosaaso, markaa Su’aashu waxay tahay kuwaas iyo dadkii qarxiyey waa la yaqaanaye maxaa loo sheegi waayey iyo Beelaha ay ka soo jeedaan? Maxaa marxuumkan gaar ku noqday? iyadoo aan weli la qaadin talaabo ah in Labaaro cida sida tooska ah uga danbaysa Qaraxii shaamow.

 

Waxaa la isweydiin karaa sababta Wiilyar oo masaakiin ah oo Sawirkiisa Qofkii arka u garan karo inuusan ahayn nin Ismiidaamiyey sababta dusha looga saaray? Ujeedada lama garane maxay tahay?

 

Waxaa kaloo cajiib ah markaa maqalnay madaxdii dowlada oo ugu danbeeyey Aadan Madoobe inay dusha ka saareen wixii Xamar ka dhacay Dhibane Marxuum C/raxmaan Yare , iyadoo ilaa hadda aan loo hayn wax caddayn ah cid baartayna aysan jirin.

 

Dowlad waxaa lagu yaqiin in Wax tuhun ku jiro aysan wax ka sheegin , laakiin dowlad ay faafin karto oo kaliya wixii caddayn leh ama loo hayo caddayn dhammaystiran.

 

Waxaa looga fadhiyaa Aadan madoobe iyo kuwa kaleba oo ku doodaya in Dhibbane C/raxmaan Yare uu ka danbeeyo Falkaas wixii caddayn ah ee ay ku qancin karaan shacabka Soomaaliyeed ama Eheladii iyo waalidkii dhalay Dhibbane Marxuum C/raxmaan yare inay banaanka keenaan oo ay soo bandhigaan, Arrinkaasna ay goobjoog ka ahaadaan quburo Caalamiya oo ku taqasusay baaritaanka dadka Ismiidaamiya.

Haddii intaas la waayo, Dhibbane Marxuum C/raxmaan yare wixii uu Adduunka ku waayo, Aakhiro ayuu ku helayaa Maalinka Qiyaamo oo aan ninna la duudsin karin Xaqiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ I suspect it's that guy who was Chief Of Police, got sacked and now, after the bombing, was returned as the Minster For Water & Mineral Resources. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

There is no person who will look for elsewhere who the culprit is. It is Alshabab. There is only one devil capable of such mayhem in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In fact this is truly a shameful and embarassing discovery for those who rushed with their conclusions and accusations.

Now most of these people quickly and rightly point their fingers to blame the puppet government for its lies..

But where was their own reason and conscience when they were simply parroting its propaganda machine without determining whether there was any clear evidence for the story that they were presented with?

The truth is that these people didn't even take into consideration to just wait and see before accusing anyone of anything due to fear of being labeled as a supporter of this attack because of that stance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this