Sign in to follow this  
Juje

Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka + PICS

Recommended Posts

Juje   

Golaha Wasiirada DKMG ah oo isku raacey ku Dhaqanka Shareecada Islaamka

Kulan Maanta uu yeeshay Golaha Wasiirada ee Xukuumada KMG ah oo qaatey muddo Saacado ah ayey ku ansixiyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka, sida uu Saxaafada u sheegay kulanka ka dib Wasiirka Warfaafinta Ninka Ugu qaabilsan DKMG ah oo lagu Magacaabo Farxaan Cali Maxamuud.Shirkan ay Maanta Yeesheen Golaha Wasiirada oo uu Shir Gudoominayey Cumar C/rashiid ayey warbixin uga dhageysteen Guddi horey Goluhu ugu saarey Fulinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka.Gudiga arintan loo saarey ayaa soo jeediyay Talooyin dhowr ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, in ugu horeyn Xukuumadu Go’aansato in Wadanka lagu dhaqo Shareecada Islaamka, markaa ka dibna Baarlamaanka ay ka ansixiso ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Gudiga ayaa sidoo kale Golaha Xukuumada u soo jeediyay in Hay’ada Culimada Soomaaliyeed iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka KMG ah loo saaro Gudi, sidii ay u soo dejin lahaayeen Dastuur waafsan ku dhaqanka Shareecada Islaamka oo DKMG ah qaadato.

Intaa ka dib Golaha Xukuumada KMG ah ayaa isla Go’aamiyay in Wadanka lagu dhaqo Shareecada Islaamka, sidoo kale loo gudbiyo Golaha Baarlamaanka si uu uga doodo.

Farxaan Cali oo Kulanka ka dib Saxaafada la Hadley ayaa yiri:“Golaha Wasiiradu waxa uu Maanta si qoto dheer uga doodey oo isla qaada dhigey fulinta qodobkan isaga ah waxaan Umada Soomaaliyeed ee Islaamka ah waxaan ugu gudbinayaa Saxaafada in Maanta Golaha Wasiirada si aan kala har laheyn u ansixiyay qodobkan ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka, taasna waxa ay leedahey Ahmiyadeeda waxaana ugu bishaareynayaa gaarsiinayaana ahmiyadeeda Umada Soomaaliyeed ee Islaamka ah intaas ayuu ku koobnaa wixii Maanta golaha wasiiradu ay ka wada hadleen”.

In kasta oo Golaha Xukuumada KMG ah isku raaceen qaadashada Qodobka ah ku Dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaanse la ogeyn in sidoo kale Baarlamaanku la qaadan doono iyo in kale, waxaan sidoo kale la ogeyn in arintan DKMG ah ka dhabeyn doonto iyo in kale.

 

110.jpg25.jpg

 

43.jpg

 

66.jpgFarxaan Cali, Wasiirka Warfaafinta

 

74.jpgProf Ibrahim Cadow & Sh C/qaadir

 

82.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Abu_Diaby- Al Zeylaci:

sharica over dinner, eh? Funny how sharicatul Islam became used for political purposes.

So now it is not whether to impose it or even discuss it but the form - cajiib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^ bro I just see the TFG and Sharica as a film. Sharica means honouring the property, deen, land, and blood of Muslims. They are the same men that gave all those cheaply to Tigrey Generals.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOol thats good one mate, who cares if it is over dinner or under tree... Diaby where do u think is the most appropriate to do it if you have any suggestions, perhaps in the Masjid after Salaatul Fajri, that's good and will ensure that not many cabinet ministers will turn up for the discussion Loool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Abu_Diaby- Al Zeylaci:

sharica over dinner, eh? Funny how sharicatul Islam became used for political purposes.

Are you in a parallel universe of yourself? Where did you get the idea of 'sharica over dinner'? Perhaps you should take off your 'dinner' tinted goggles and look at the pictures again. Read the writing too.

 

It's a board meeting too. mate. smile.gif Or have you been briefed otherwise.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Abu_Diaby- Al Zeylaci:

^^ bro I just see the TFG and Sharica as a film. Sharica means honouring the property, deen, land, and blood of Muslims. They are the same men that gave all those cheaply to Tigrey Generals.

74.jpg

 

Sxb cajalka meel bu kaga dhegey - look at the above charecters they were among the few who discussed the implementation of Sharia law this morning - I doubt whether you can accuse them of collaborating with tigres.

Diaby canjeelo sidey uu kala koreysa aya lo kala qada - sxb slowly we will get there Insha Allah, bal marka hore aan ka wada hadalno oo aan so celiino heykalki dowladniimo - am sure we can progress from there. lakiin hadi la yirah koka kola ayey cabayeen marki ay ka hadlayeen Shareecada Islaamka weligeen horey uma soconeyno..

wa sidey aniga ila tahey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

inshallah khair, sheikh, well said.

 

 

ps. it's just the picture man: 43.jpg it looks like one of those times when your in a nikah and patiently waiting for the baris to come.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this