Sign in to follow this  
Taako Man

Upwards of 4000 Somali troops trained and ready for work!

Recommended Posts

Dowladda KMG ah oo tababar u xirtey in ka badan 4000 oo askari.

 

Balli Doogle 09, March.07 ( Sh.M.Network) Ra’isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa maanta tababar u xirey in ka badan 4 kun oo ciidamo ah oo tababar ugu soo gabogaboobay xerada Balidoogle ee gobolka Sh/hoose, iyadoo Ra’isulwasaare Geedi uu dib ugu laabtay Baydhabo.

 

 

Ciidamadaan ayaa gaaraya ilaa Hal-gaas, kuwaasi oo Muddo 2 bilood ah tababar Ciidan ku qaadanayay xeradda Balli-dooglle ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta loo soo gabagabeeyay tababarka.

 

Rai’suwlasaare Cali maxamed Geedi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada oo ka qeybgalay munaasabad loo sameeyay xirirtaanka tababarka ciidamada dowladda KMG ah ayaa hadal uu ka jeediyay halkaasi waxa uu sheegay in ciidamada loo baahan yahay in ay ka qeybqaataan howlaha sugida amaanka iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

 

Sidoo kale xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiir K/xigeenka G/dhigga dowladda kMG ah, salad Cali Jeelle waxaana uu sheegay in ciidamada maanta tababarka loo soo gabo gabeeyay ay qeyb ka yihiin ciidamada dowladda KMG ah ee ku xareysan xerada Balli Doogle isla markaana tababarka ay siiyeen Macalimiin Ethiopian ah, ayna qeyb ka noqon doonaan ciidamada sugaya amaanka gobolada dalka.

 

Ilo muhiim ah oo ku dhow dhow dowladda ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Tababarka dhameystay ay la howl-gali doonaan ciidamada Midowga Africa ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Ra’isulwasaare Geedi iyo xubnihii la socday ee ka yimid magaalada Baydhabo ee maanta soo gaaray Baydhabo ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, iyadoo wasiir K/xigeenka G/dhigga iyo saraakiishii la socotey ay iyaguna uu soo ambabaxeen magaalada Muqdisho.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

BALLI-DOOGLE: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray balli-doogle, tababrna u xirayo ciidammo...

Posted to the Web Mar 09, 14:23

 

 

Balli-doogle (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor soo gaaray Saldhigga Milateriga ee Ballidoogle, halkaasoo lagu wado in tababar loogu soo xiro galabta cidammo ka tirsan Dowladda oo halkaas tababarro ciidan ay u dhammaadeen.

 

Prof. Geeddi iyo wafdigiisa ayaa waxay ku soo gaareen Magaalada Baydhabo dhanka dhulka, waxaana lagu wadaa in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu tababarka u xiro ciidammadaan, waxaana la sheegay in ciidankaan algu wado inay noqdaan kuwo suga ammaanka Muqdisho.

 

Ciidammada Tababarka loo soo xirayo ayaa waxay gaarayaan tiro ahaan 3-kun oo Askari oo dhammaantoo la batay qaababka looga hortago nabad-galyo darrada iyo la dagaalanka Burcadda, waxaana lagu wadaa in tababarka marka loo soo xiro la soo geliyo Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ka soo baxaya saraakiisha ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ciidammadaan ay noqon doonaan kuwo la shaqeeya Ciidammada Nabad ilaalin ahaanta loo keenay Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika iyo kuwa soo socda intaba.

 

Ciidammadaan ayaa sidoo kale la sheegay in la geyn doono Isgoysyada ku yaalla Muqdsiho si ay wax uga qabtaan ammaan xumada ka jirta Muqdisho iyo inay xakameeyaan kooxaha weerarada gaadmada ah ka geysta gudaha Magaalada Muqdisho ama madaafiicda ku tuura goobaha Muhimka ah iyo saldhiyada ciidammada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeybo ka mida ciidankii maanta tababarka loogu soo xiray Balli Dogle oo goor dhoweyt usoo dhaqaqay dhanka Muqdisho{breaking news}

 

Warar kudhow dhow saraakiisha dowladda federalka Soomaaliya ee xagga millatariga ayaa sheegaya in qeybo ka trisan ciidanka xoogga dalka oo maanta Tababar loogu soo xiray dhabaha diyaaradaha Balli doogle aygoor dhoweyt usoo dhaqaqeen dhanka magaalada Muqdisho.

 

Warar kudhow dhow saraakiisha dowladda federalka Soomaaliya ee xagga millatariga ayaa sheegaya in qeybo ka trisan ciidanka xoogga dalka oo maanta Tababar loogu soo xiray dhabaha diyaaradaha Balli doogle aygoor dhoweyt usoo dhaqaqeen dhanka magaalada Muqdisho.

 

Dad ku sugan agagaarka degmada ********* ayaa iyana u sheegay warqabadka shabakaddan carmooyin.com in ay arkayeen ciidamadan oo kasoo baxay xerada islamarkaana wadada dhanka Muqdisho usoo baxda cagta soo saaray.

 

Wararka laga helayo dhanka sarakiisha gaashandhiga dalka Soomaaliya aya sheegaya in ujeedada ciidamadani ay usoo dhaqaaqeen ay tahay in ay ciidanka midowga Afrika ee dalka Jooga kala qeyb qaataan howsha amaanka lagula soo dabalayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdosho oo wali kooxo qarandiid ahi ay ku fir firconyihiin.

 

Maanta ayaa markii uu tababarka soo xirayay waxaa uu ra'isul wasaraha Soomaaliya sheegay in ciidankani ay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda gali doonan gudashada waajibaad qaran oo lagu xqiijinayo amaanka magalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska warqabdka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:inf@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: 4,000 Somali troops complete military training

Fri. March 09, 2007

By Mohamed Abdi Farah.

 

(SomaliNet) Somali’s interim prime minister Ali Mohamed Gedi has attended Friday a ceremony for closing a military training course of four thousand Somali troops at Bali-dogle camp 100km west of the capital.

 

Three battalions of government forces had been given two months training. Giving speech at the scene, premier Gedi said the troops that finished the course are needed to take part in establishing peace and security in the country.

 

After addressing, Gedi went back to Baidoa city 240km southwest of the Somalia capital.

 

Among the others government official who delivered speeches there was salad Ali Jelle, the deputy defense minister saying that Ethiopian trainers had trained the troops.

 

He stated that the new trained forces will involve in the tasks aimed to restore the stability in the Somalia capital Mogadishu.

 

Sources close to the transitional federal government say the newy trained Somali soldiers will operate with the African Union peacekeepers in the restive capital of Mogadishu where frequent insurgent attacks happen almost daily.

Somalia: 4,000 Somali troops complete military training

Share this post


Link to post
Share on other sites

4000 troops/police for Xamar from Xamar is a nice start. They've received their uniforms and they've received their training. Hopefully they receive their steady income and police their city to the best of their ability inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Taako Man:

4,000 Somali troops complete military training

However, they lack the courage to sacrifice themselves for the occupiers or the clan government. This shall be clear when they march to the frontlines.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ These guys are former militiamen. Some have been fighting for the last 10-15 years. They are men who know one thing and that war. They've rehabilitated over the last two months and hopefully they get ongoing training as they go.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Taako Man:

These guys are former militiamen. Some have been fighting for the last 10-15 years. They are men who know one thing and that war. They've rehabilitated over the last two months and hopefully they get ongoing training as they go.

You can't rehabilitate one in two months for what one was doing for 10-15 years. And as I have said, they lack courage because they are moderate Muslims. They will be around doing inefficient tasks as long as the occupiers are there. If they are the same militiamen who have been killing, raping, looting and taxing innocent Somalis for the past 15 years-- then good luck to the clan government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Ofcourse they are men who killed for many years. Other then being police/troops they have virtually no other options for a career. 2 months of training and more ongoing training is what they need and hopefully they are brought that.

 

 

Remember the ICU militias were militiamen just like these guys, who looted raped and maimed civilians. They were given one month of training and bada bing bada boom they were wadaads when they put the cimaamaad on. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Taliban what are you prostesting about .....

 

The only comment you should make is positive one and optimistic one sxb , These are mens who in habit in and around xamar .

 

Au troops , TFG troops all have one goal in common which is to secure somalia and make safe enviroment to live.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Taako Man:

Remember the ICU militias were militiamen just like these guys, who looted raped and maimed civilians. They were given one month of training and bada bing bada boom they were wadaads when they put the cimaamaad on.

However, Islamic rehabilitation differs from secular rehabilitation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Yes the same rehabilatation that Indhacadde, Cirfo, Seraar, Deylaaf, Bacadle and many more received?

 

Two Step 'Islamic Rehabilitation':

 

1. Meet a wadaad

2. Put cimaamaad on your head and your now a wadaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^^What about, fly or wave a Somali flag as your signature and you automatically turn into natinalistic and very patriotic Somali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Taako Man:

1. Meet a wadaad

2. Put cimaamaad on your head and your now a wadaad.

Not so. It involves rigorous rehabilitation and followup. For example, the person being rehabilitated is required to memorize the Qur'an, with frequent tests checking the parts of the Qur'an he memorized.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this