Sign in to follow this  
xiinfaniin

Riyaale’s frustration with International community can no longer be hidden.

Recommended Posts

Madaxweyne Rayaale oo ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay aragtidiisa ku wajahan in Maxkamad la soo taago Madaxweynaha Sudan

 

Isniin, April 13, 2009(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Axsaabta Mucaaradka ah ku dhaliilay in ay ka hor jeedaan in dalka ay ka dhacdo Doorasho waadix ah, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay iin uu ka hor jeeday Diiwaangelintii iyo in Doorasho toos ahi dalka ka dhacdo. Waxaanu iska fogeeyay eedaymo sheegaya in uu masuul ka yahay dib-u-dhigista Doorashada Madaxtooyada.

 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka hadlay Argagixisada oo uu sheegay in ay hawlgallo argagixiso ka fuliyeen Somaliland, isla markaana ay ka mid ahayd Weerarkii lagu qaaday meelo ka mid ah Magaalada Hargeysa. “Argagixisadu way na weerartay, waxay Sheekh ku dileen Macalimiin dhalashadoodu Ingiriis tahay..Waxaanay Argagixisadu qarxiyeen Gurigayga hortiisa.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale oo habeenkii Jimcuhu soo galayay Qasriga Madaxtooyada ugu waramay Suxufiyiin ka kala socday Hay’ado Warbaahineed oo Caalami ah, kuwaas oo Suxufiyiin ka tirsani ay dalka booqasho ku joogaan.

 

Waxa kale oo uu M/weyne Rayaale ka hadlay dib-u-dhaca Doorashada oo uu ku macneeyay in ay keentay ka dib markii ay Komishanka Doorashooyinku go’aansadeen in ay kala hufaan oo ay kala saaraan dadkii is-diiwaangeliyay. “Dib-u-dhaca Doorashada waxa keenay Guddida Doorashooyinka ayaa kala-saaraya dadkii is-diiwaangeliyay ee ku laba jeer noqday. Sidaa darteed, waqti walba waxa jira tartan” ayuu yidhi Rayaale.

 

Mar M/weyne Rayaale la waydiiyay su’aal la xidhiidhay dhinaca xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo sidoo kale aqoonsiga Somaliland, ayaa wuxuu Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay dhegaha iyo Indhaha ka furaysteen qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. ‘Beesha Caalamku waxay daneeyaan Soomaaliya oo aanay Dawladi ka jirin, Dal shaqaynaya oo ay Dawladi ka jirtana oo Somaliland ah way iska indho-tiraan, waxaanay aqbaleen Soomaaliya oo aanu Qaran ka jirinLaakiin, nasiib-darro, walaalahayaga Afrikaanka ahi waligood may marin jidkan (Aqoonsiga S/land). Sidaa darteed, dhawr jeer ayaan waydiiyay Beesha Caalamka, Dalalka Afrika iyo kuwa Yurub, maxay Beesha Caalamku u taageertaa Soomaaliya oo aan awoodin in ay wax kastbato ee ay isaga indho-tirtaa Somaliland oo horumar gaadhay, iigamay jawaabin.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

Mar Madaxweynaha la waydiiiyay su’aal ku saabsanayd Server-ka ama agabka kala safaynta Is-diiwaangeliyayaas ha iyo waqtiga laga yaabo in uu hawsha dhammeeyo, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Waxa jirtay is-laba Diiwaangelin, waxaanay kala saarayaan dadka is-diiwaangeliyay mar wax ka badan, waanay socotaa hawshu. Waxaan filayaa Beesha Caalamka ayaa naga caawinaysa, waxaanan filayaa in ay soo gebo-geboobi doonto.”

 

Waxa kale oo Madaxweyne Rayaale la waydiiyay su’aal ku aaddanayd dhinaca khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan shidaalka, waxaanu sheegay in saadaalin lagu sameeyay, isla markaana Cilmi-baadhis la sameeyay ka dib, ay Wershadaha Caalamka indhahoodu hayaan Somaliland.

 

Mar Madaxweyne Rayaale la waydiiyay su’aal ahayd, sida uu u arko Xadhigga Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ee ay amartay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC, ayaa wuxuu ku jawwaabay, “Waxba kama sheegi karo, sababtoo ah, waa markii ugu horraysay ee aynu maqalno Madaxweyne Xil haya oo la yidhi Maxkamad baa la geyn karaa, markaa ma garan karo wax aan ku sharaxo, mana jirto fikir wacan oo aan ka haysto sharcinimada Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah. Markaa ma garanayo cidda ay yihiin kuwa awoodda u siiyay, u saxeexay, isla markaana aqbalay in ay Maxkamad u qaadaan.”

 

Sidoo kale waxa Madaxweyne Rayaale la waydiiyay sida uu u arko eedaymo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyaaan isaga, taas oo ku saabsan in uu masuuliyadda dib-u-dhaca Doorashada leeyahay isagu, waxaanu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Maya, run maaha ee waad u tagi kartaa Guddida Doorashooyinka, sababtoo ah Anigu wax uma yeedhin karo. Awoodaha dalkanina wuxuu ku dhisan yahay talo-wadaag, Garsoorku wuu ka madax bannaan yahay Dawladda..sidee baanu wax ugu yeedhin karnaa? Komishanka Doorashooyinka ayaana leh awoodda ay waqti ugu cayimi karaan Doorashada, sidaa darteed way cayimeen, Aniguna waan saxeexay Digreetadii. Taas oo ahayd waxaan qaban karayay, mana aha tani wax run ah. Walaalahay (Mucaaradka) iyo Anigu aad baanu uga nasiib badannahay walaalahayaga kale ee reer Somaliland, waxaanu helnay fursadda aanu ugu tartannay Jagada Madaxweynenimo. Waxa jira dad badan oo laga yaabo inay naga wanaagsan yihiiin Aniga iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad. Sidaa darteed, markii aanu helnay fursaddan oo waliba ay dadku na taageerayaan, ma jirto ujeeddo aanu u samayno cudur-daar. Waa inay u tartamaan Doorashada. Waxaynu ognahay in Dalalka kale ee Afrikaan ay dadku murmaan Doorashada dabadeed, laakiin in la murmo Doorashada horteed caqli-gal maaha. Sida la ogyahay waxa uu Kulmiye ka dagaallamayay in la qabto Doorasho waadix ah, waxaanu ka hor jeeday Diiwaangelintii, dalalka Afrika dhammaan Mucaaradku waxay u ooyayaan Doorasho waadix ah, laakiin, halkan Mucaaradku waxay u dagaallamayaan Doorasho aan waadix ahayn.”

 

Madaxweyne Rayaale oo la waydiiyay waxa uu u jeedinayo Beesha Caalamka, ayaa waxa uu marti-qaad ugu fidiyay Beesha Caalamka inay yimaadaan Somaliand, isla markaana ay arkaan waxa ka socda. “Waxaan leeyahay kaalaya oo Indhihiina ku arka, isla markaana rumaysta waxay Somaliland qabsatay oo aqoonsada..Sababtoo ah, waxaad aqoonsateen dalal qiimo iyo dhisme ahaan ka liita Somaliland.” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

this man has led alot of people on the merry go around. sometimes i am ashamed to see some of my people supporting these tyrant and a thief.

 

he needs to be put in jail for his crimes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

‘Beesha Caalamku waxay daneeyaan Soomaaliya oo aanay Dawladi ka jirin, Dal shaqaynaya oo ay Dawladi ka jirtana oo Somaliland ah way iska indho-tiraan, waxaanay aqbaleen Soomaaliya oo aanu Qaran ka jirinLaakiin, nasiib-darro, walaalahayaga Afrikaanka ahi waligood may marin jidkan (Aqoonsiga S/land). Sidaa darteed, dhawr jeer ayaan waydiiyay Beesha Caalamka, Dalalka Afrika iyo kuwa Yurub, maxay Beesha Caalamku u taageertaa Soomaaliya oo aan awoodin in ay wax kastbato ee ay isaga indho-tirtaa Somaliland oo horumar gaadhay, iigamay jawaabin.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaa

They are all frustrated. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ignore them, Xaaji. When one is unable to build a house and lives in a festering quagmire, yet continuously calls your already-built house defective, what can you say in return?

 

How does one reason with the criminally insane? You can't. Munaafiqnimo and Xaasidnimo are the hallmarks of certain groups within the former Somalia (not all, but some groups)!

 

One more attempt to take attention off their glaring deficiencies by pointing to the 'Somaliland' boogieman that rallies the clan. Unfortunately, the days that will continue to rally the clan are limited and coming to a close. What then?

Share this post


Link to post
Share on other sites

you guys are totally clueless.

 

our president has not set foot in burco since when.

 

our president does not follow the rule of law. cracking down on opposition and freedom of press.

 

food aid coming from america which is supposed to be free is sold by riyaale's henchman.

 

our president has lavished huge scale parties for his wife. He had his fill from the treasury.

 

Inflation is up, there is no jobs, no standard of living and somalis are drowning in red sea trying to escape the harsh realities of life.

 

sometimes you guys should wake up and stop drinking the kool aid. if you can't see riyaale for what he is then there is no hope for you guys.

 

Then again, pride and qabeelinimo does that to some people

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Riyaale is not frustrated, he's acting clever to sound serious and wastes seccessionists energy and time... Waar nimankaan ayuu bartay ninka, all he needs is to act to be die hard seccessionist and attack south Somalia most of the time, that works for him and prolongs his life as the supreme don of the seccessionist enclave.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Riyaala is a somalilander he is seriouse he is a true somalilander, ina rayaale yaad moodaysa soo anaga maha, ma konfuurian baad mooday.dadkani walaana

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Abdirahman Tuur the man who delcared the "independence" of this entity did not belive in it.

 

Egaal a former Somali PM, could hardly be taken serious with regards to "Soamliland".

 

Riyaale the man who used to round up the SNM is no different to these men, its all about making a quick buck.

 

Only the mindless belive NW Somalia is a different country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abduraxman tuur he dident believe isaga iska tagay waanu iska diirnay siida ola soco

 

Cigaal somaliland wa ba ninki dhisay dastuurka na oo sameyee wa geeriyooday aun.

 

Rayaale na sii fiican buu ku socda waddada

 

Abduraxmaan so s n m muu ahayn soo somaliland kamu hor iman isagu s n m ah oo mujaheed ayanu iskaga tag somaliya,.rayaale oo somaliland ka dacaad ah waanu soo dhaweynayna ciidu doona ha diilo. Somaliland wa somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

This man is clever. he told some of his old SNN friends if we knew this people how I know now. we would not use force by than.

Share this post


Link to post
Share on other sites

you know what's so funny.

 

for years how SL people used to talk about how siyad barre did this and that.

 

Yet they have a siyad barre henchmen who killed alot of SLanders as president.

 

Proof if ever was needed on the sheer scale of ********* of some people.

 

And now he wants to hold on to power. He has learnt from his former master very well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this