Sign in to follow this  
General Duke

Laascanood update: Riyaale militia suffer major defeat at hands of PUNTLAND

Recommended Posts

Wararkii Ugu dameeyay Magaalada Laascanood IYo Ciidan uu wado Xeef cali taar oo garay halkaas

 

Ciidamadii Maamulka Somaliland Oo Dib loo riixay iyo Ciidamo Horleh oo uu hogaaminayo Xeef Cali Taar ayaa goordhawayd gaaray magaalada laascaanood......

 

Ciidamada Dawlada iskeed isu magacawday ee Somaliland OO Dharbaaxo xun laku dhuftay Dibna Loo riixay Kadib markii ay Halkaas gaareen Ciidamo Aad u qalabaysan Oo uu wado Xeef cali taar iyo Ciidamo katirsan dawlada Somaliya OO Kayimi Dhanka Galkacayo

 

Khasaraha Dagaalkaa inta uu leegyahay wali Lama garan karo Dagalka oo socda Owkeed waxan se idin Soo gudbin Doonaa saacadaha Soo socda insha alah

kala Soco Boocame Online news warbahinta qarniga Cusub

 

 

Boocame.com@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii Ugu dameeyay Magaalada Laascanood IYo Ciidan uu wado Xeef cali taar oo garay halkaas

 

Ciidamadii Maamulka Somaliland Oo Dib loo riixay iyo Ciidamo Horleh oo uu hogaaminayo Xeef Cali Taar ayaa goordhawayd gaaray magaalada laascaanood......

 

Ciidamada Dawlada iskeed isu magacawday ee Somaliland OO Dharbaaxo xun laku dhuftay Dibna Loo riixay Kadib markii ay Halkaas gaareen Ciidamo Aad u qalabaysan Oo uu wado Xeef cali taar iyo Ciidamo katirsan dawlada Somaliya OO Kayimi Dhanka Galkacayo

 

Khasaraha Dagaalkaa inta uu leegyahay wali Lama garan karo Dagalka oo socda Owkeed waxan se idin Soo gudbin Doonaa saacadaha Soo socda insha alah

kala Soco Boocame Online news warbahinta qarniga Cusub

 

 

Boocame.com@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg.deg ah

 

booliska magaalada laascaanood ayaa toogasho ku diley Nin dhalin yara ah ka dib markii ay rasaas is waydaarsadeen booliiska sidaasi waxaa radiolaascaanood u sheegay dad goobjoogayaal ahaa balse lama garanayo ilaa iyo haatan sababta dhabta ee dilkaasi ku yimid mana jirto cid ka hadashay dilkaas ilaa iyo haatan iyadoo maydkii ninkaas ay soo qaadeen booliiska magaalada laascaanood oo uu yaalo saldhiga waqooyi ee magaalada

 

ilaa iyo haatan ma jiraan wax calaamad ah oo muujinaya in uu dagaal toosi jiro iyadoo laga cabsi qabo in dhaqdhaqaaqu intaasi ka sii bato ugu danbayntiina isu badalo dagaal

 

Maxamed C/qaadir Maxamed Carab

Share this post


Link to post
Share on other sites

War dagdag ah Ciidamada [secessionists] waqooyi oo iyaga la jibiyey lana marinayo Gumays

Laascaanood 01 Oct 2007 Sida uu warka noogu soo diray tifatiraha iddaacadda laascaanood oo isagu ku sugan aaga uu dagaalku ka dhacay Ciidamada mujaahidiinta ee daraawiishta puntland ayaa galabta iyagu jabiyey ciidamada [secesisonist]ah ee laga soo taxaabay boorame ,iyagoo ka saaaray dhamaan dhufaysyadii ay ku jireen iyadoo iminka ciidamada soomaalidiidku ay ku suganyihiin tuulada gumays oo iyadu laascaanood 60km u jirta

 

Dhinaca kele waxaan kala joogsanayn gurmadaka iyo ciidamada ka kala imaanaya magaalooyinka puntland ,

 

Waxaana muuqata iminka in ciidamada waqooyi ay dibu gurasho sameeyeen iyagoo u adkeysan waayey xabadda ciidamada mujaahidiinta ee puntland

 

Dhimashada ciidamada ciidamada waqooyi ayaa kor u dhaafaysa 31 askari iyadoo dhaawacuna intaa ka badan yahay ,

 

Dhinaca kele ciidamada puntland ayaa waxaa soo gaadhay dhimasho laba nina iyo afar askari oo dhaawac fududi soo gaadhay, marka laga reebo laba gaadhi oo tikniko ah oo isku galay badhtamaha magaalada laascaanood ,labadan gaadhi ee isgalay ayaa waxaa ku dhintay 3nin waxaana ku dhaawacmay afar nin,

 

Wixii Wara ee ka soo kordha dagaalada waxaan idiin balanqaadaynaa akhristayaal inaan idinla soo socod siino iyadoo qaar ka tirsan wariyeyaasha idaacaduna ay ku suganyihii goobya dagaalka

 

 

 

C/qani C/laahi Irbad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ba'an oo ka socda Laascaano dafaheeda

1 Oct 1, 2007 - 6:31:53 AM

 

Magalada Laascaano iyo daafaheeda oo saakey arroortii ka bilowdeen iska-horimadyo u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wararka ugu dambeyay oo ka soo baxa sheegayaan dagaal ba'ani ka socda meel magaalada u jira 10km halkaas oo lagu magacaabo Canjiid.

 

Dagaalkan ayaa subaxnimadii saakey looga awood roonaadey ciidamada Puntland iyada oo dib looga soo riixey fariisamahoodii hore balse warar dambe oo soo baxaya ayaa sheegaya in dib isaga cabiyeen ciidamada Somaliland kadib markii uu soo gaarey gurmad ka yimid Garowe.

 

Magaalada Lascaano gudaheeda ayaa waxaa ka jira jahawareer ba'an iyada oo ay jirto iyada oo laga baqayo in halkaas isku farasaraan ciidamo beeldyo kala tagersan labada maamul.

 

Dhimashada iyo dhaawaca ayaan ilaa hada cadeyn balse waxaa jira warar soo baxaya oo shegaya in ay is herdiyeen labo baabur oo kuwa dagalka ah kuwas oo ciidamada Puntland saarnaayeen.

 

Baaburtan oo si xowli ah ku socotey ayaa fooda isku darey dariiqyada magalada iyada oo wararka hordhaca ah shegayan in ay ku dhinteen ciidamo badan askari oo ka tirsan Puntland.

 

Dhinaca kale waxaa saakey magaalada Laascaano lagu diley nin ganacsade ah oo magaciisa lagu magacaabi jirey Jamaal Axmad Maxamad Cadde kadib markii ciidamo beeleedyada [ Sool] oo tageersan MGPL ay dileen.

 

Marxuumkan oo ay dileen ciidamo wata Tekniko sadex ah ayaa ka soo jeeday beelaha Howdka oo tageera maamulka Somaliland.

 

Xaalada Magaalada ayaa weli aad u kacsan iyada oo dadka magaalada cabsi wayn ka qabaan in dagalkan isu badalo dagaal beleed kaas oo keeni kara khasaaro badan.

 

Magalada Garowe ayaa waxaa ka baxey ciidamo gurmad ah oo aad u hubeysan kuwas oo ku wajahan maagalada Lascaano.

 

Wararkeena dambe ayaan idinku soo gudbin doonaa tafaasiil dheraad ah.

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeyshiyaddii Daahir Riyaalle soo diray iyo Shakhsiyaadkii uu soo diray oo Jab kala dulmay damacoodii

 

Oct 01, 2007 By:

 

Laascaanood(Jidbaale.com) Dagaal qadhaadh oo hubka nooocyadiisa kala duwan laysu adeegsaday ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka socday goobaha ay isku horfadhiyaad Ciidamadda Dowlad Goboleedka Puntland iyo Maleyshiyadda laga soo diray Hargeysa oo kaashanaya shaksiyaad lacag la soo siiyay waxaana waxay kala dulmeen jab iyo hoog, firxadkoodiina waa lagu daba jiraa

 

Dagaalkan oo dadweynaha SSC ay mid saadaalinayeen ayaa la ogaa inuu maruun faraha loola tagi doono maleyshiyadda ee ka soo duulay Hargeysa iyo inta ka shisheysa iyadoo loo soo maleeygay qorshe la doonayo in caasimadda Gobolka Sool ay xoog ku qabsadaan

 

Dagaal saacado badan socday, ayaa saaka aroornimadii bilowday, waxaana ka qeyb galay bulshadda SSC oo kaashanaya Ciidamadda Puntland iyo kuwa Dowlada Federaalka, waxaana ugu horeyn la kiciyay maleyshiyaddi Riyaalle.

 

In kastoo Dagaalku uu lahaa tab xaleedadeed oo looga digo rogtay aagihii ay madaafiicdoodu ku soo dhacaysay, hadana waxaa adeegsaday farsamo kale oo lagu sameeyay dhabar jabin, ciidamo tiro badan ooo ku hubeysan hubabka noocyadiisa kala duwan ayaa ka soo galay dhinaca koonfureed kuwaas oo ka soo kicitimay dhinaca Gaalkacayo.

 

Mudo ka yar saacad ayaa lala fuqey Maleyshiyaddi Riyaalle waxaana wali lagu raad joogaa firxadkoodiin, wixii warar ee ka soo kordhana waau idinla socod siin doonaa

 

Sidoo kale shakshiyaadkii u adeegayay Riyaalle iyo oo maalmihii ina dhaafay ku sugnaa Laascaanood qorshahooduna ahaa inay magaaladda qabtaan marka xabadu isku dhacdo ayaa iyaduna ka cararay Magaaladda iyadoo u firxaday dhinaca toga weyn ee magaaladda laascaanood koonfurta ka xiga, kadib markay hayn waayeen sawaxan dadka iyo gadoodkii shacabka, walina wax war ah lagama hay meeshay aadeen.

 

Jidbaale Disk news

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Somaliland oo la dhaafiyey deegaanka Canjiid oo u dhow Ari cadeeye.

 

Laascaanood Monday, October 01, 2007

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland dagaalkii maanta looga geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo sidoo kale laga qabsaday maxaabiis aad u badan.

 

Dagaal qaraar oo weli dhexmaraya ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa soconaya iyadoo labada ciidan ay is weydaarsanayaan hubka culus iyo kan fudud.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland dagaalkii maanta looga geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo sidoo kale laga qabsaday maxaabiis aad u badan.

 

Ciidamada Somaliland ayaa imminka la dhaafiyey deegaanka Canjiid iyadoo taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolka Sool G/sare Saciid Showdhe mar aan qadka telfoonka kula xiriirnay uu sheegay in inta aaney qoraxda dhicin ciidamada Somaliland ay dhaafin doonan jiida Ari cadeeye iyadoo imminka saacadu tahay 5:30 saacada geeska Afrika dagaalkuna uu si xoog leh weli u soconayo.

 

Ciidamo badan oo gurmad ah ayaa ku sii qulqulaya jiida dagaalka kuwaas oo magaalada laascaanood si weyn looga dareemayo gurmadka ku sii jeeda jiida dagaalka, waxana maanta sidoo kale jiida dagaalka gaaray ciidamo uu wato Col Xiis oo ah taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

 

Col Xiis oo wata tikniko fara badan iyo ciidamo ayaa maanta dhaafay magaalada Laascaanood, iyadoo gurmadka ciidamada Puntland ee gaaray deegaanada ay ka socdaan dagaalada ay isa soo tarayaan.

 

Dhinaca kale laba gawaari oo kala ahaa gaari Taransate ah iyo gaari tikniko ah ayaa maanta si lama filaan ah isagu dhacay wadada laamiga ee goolada laascaanood kuwaas oo si xowli ah ku socday.

 

Gaariga tiknikada ah oo ay saarnaayeen ciidamo gaaraya Sideed Askari ayaa waxaa geeriyooday Afar Askari iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Afar kale kuwaas oo imminka lagu daweenayo isbitaalka magaalada Laascaanood.

 

Magaalada Laascaanood ayaa imminka laga dareemayaa xiisad colaadeed iyadoo ay kacsan tahay shacuurta dadwayanaha waxa ayna dadka u diyaar garoobayaan sidii ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen dagaalada ciidamada Somaliland ay ku soo qaadeen deegaanadooda.

 

Cakaarra.com

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Puntland oo dib u riixay kuwa Soomaaliland ka gurmad xooggan

 

L/caanood (WNT)-Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo manta dagaal xooggani uga bilow duleedka magaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramayaan in ciidamada Soomaaliland aad dib loogu xiiray ka dib markii gurmad xoogan u yimid kuwa Puntland.

Dagaalka oo saakay bilowday ayaa lagu soo waramayaa in subaxnimadii hore aad loo riixay ciidamada Puntland laysuguna keenay duleedka magaalada Laascaanood,waxaase arintaan badalay ka dib markii gurmad xoogan oo ka yimid dhanka magaalada Garoowe oo wata ilaa 11 baabuur oo tiknikada loo yqaan ah, waxaana si weyn loo xiiray ciidamada taabacsan dhinaca Soomaaliland.

 

Dagaalka ayaa keenay dhimasho iyo dhaawac welina lama xaqiijin tiradu inta ay gaarayso, waxaana iyana dhimasho xoogani ay soo gaartay ciidamada Puntland ka dib markii sida la sheegay ay isku dheceen laba baabuur oo nooca tiknikada loo yqaan ah.

 

Magaalada Laascaanood ayaa qasan waxaa jiray malayshiyo beeleedyo horay magaalada loo soo geliyey loogu tala galay in lagu khal khal geliyo xasiloonida magaalada waxaana magaalada laga maqlayaa dhawaaqa rasaasta wallow aysan sidaas u badneyn.

 

Dagaalkan oo ah mid aad xooggan ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid sii daba dheeraada kala qaybina ku keeno dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood oo iyagu nabad gelyo ku soo gudbay 18 sano ee aan ka soo gudubnay.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

What there is war going on. I was away from reading somali websites and all of sudden the world is in a mess.

 

Duke,

 

I find those news articles misleading. Because if you read, they are saying once the SL 'militia' are in Laas Canood area, once inside Las Anod and then they are saying they are chased 60km away from the city. Which one is it?

 

According to www.widhwidh.com. They are saying something totally different.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer, whidhwidh report stopped at the beggining of clashes. boocame.com, Jidbale, garoweonline, waayahe.net. Confirm the whidwhid report but have updated it.

 

War is never good, but why on earth should you claim others lands and then try to be clever.

adeer stop wishing for a major clash.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Red Sea breaking news from no other site than whidwhid.com

source

Puntland Oo guul Weyn Ka Gaadhay dagaalkii Maanta::Guul::Guul:::

 

(Laascaanood}1.10-7

Dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka culus iyo midka fudud ayaa ka soconaya duleedka magaalada Laascaanood ee deegaanka Abeesaalay.

 

Dagaalka oo laysku habeen saday ayaad moodaa inuu yara qaboobay haatan iyadoo noqotay xili gudcur ah.

 

Warku wuxuu sheegayaa in degaanka uu dagaalkaa ka curtay ee Abeesaalay oo magaalada Laascaanood u jirta 18Km la iskala soo durkay oo magaalada Laascaanood loo soo jirsaday wax ka yar 10-km, waxaana hubka labada dhinac isu adeegsanayaan laga maqlayaa magaalada Laascaanood oo dadka degani ay argagax xooggani ka qaadeen.

 

Dagaalkaa oo ku bilowday si xawli ah ayaa waxaa la sheegayaa in uu gaystay khasaare naf iyo maalba leh, inkastoo aan weli la ogaan Karin khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalkaasi geystay inta ay la'eg tahay.

 

waa dagaalkii ugu khaasaraha iyo dhimashada badnaa ee ka dhaca laascaanood taniyo inta la xasuusto taariikhda

 

Dhanka somaliland waxaa naloo xaqiijiyay in dhimashdu ay xagooda kor u dhaafayso ilaa 48 nin oo isugu jira saraakiil ciidan iyo askar waxaana maydadkaas lagu daad gureeyay Burco iyo caynaba halka saraakiishiina loo qaaday dhanka magaalada hargeisa

 

Sida ay ii sheegeen saraakiil katirsan ciidamada dowlad goboleedka somaliyeed ee puntland dagaalka wuxuu geystay khasaarooyin naf iyo maalba leh waxaana ku dhimatay tiradii ugu xooga badnayd ee ka dhimata labada ciidan taniyo intii ay dagaaladu ka dhex qarxeen somaliland iyo puntland.

 

Tirada dhaawaca iyo dhimashada ah ee yaala dhakhtarka weyn ee magaalada laascaanood ayaa ah mid aad u badan walow maanta reer laascaanood ay gebi ahaantoodba dagaalamayeen ayaan loo kala saari karin dhaawaca iyo dhimashada inay yihiin askar iyo shacab

 

Ciidamada maamulka isku magacaabay somaliland ayaa fadhiya buuraha ku hareeraysan magaalada laascaanood halka ciidanka dowlad goboleedka Puntland-na ay dhufays yo adag samaysteen .

 

shacabka iyo ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa niyadoodu ay tahay mid saraysa waxayna hadiyo jeer ku taamayaan inay gacan sareeyaan guushana ay iyagu leeyihiin

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Puntland Oo Awood Dheeraada keensaday Gobolka Sool

 

(Laascaanood}1.10-7

War Deg Deg Ah::: Ciidamo aad u xoog badan oo ku gaashaaman baabuurta dagaalka ee tiknikada isla markaana ah kuwo si gaara u tababan ayaa haatan dul hoganaya jiida hore ee dagaalka....

 

Sida ay noo sheegeen masuuliyiin katirsan dowlad goboleedka puntland ciidamadan ayaa ah kuwo si gaara u toba baran isla markaana gaashaaman puntland-na ay ugu talo gashay inay sigaara u galaan dagaalka ayaa haatan buux dhaafiyay magaalada kuwaas oo isu diyaariyay dagaal aan soo jeesad lahayn.

 

walow ciidamada dowlad goboleedka puntland markii hore ey dhinac koone ah ka fadhiisteen magaalada ayaa hadana ay si dar darleh kusoo galeen casarkii kuwaas oo in badan eryayday ciidamadii duulaanka soo qaaday ee somaliland .

 

Ciidamada daraawiishtu waxay eryanayeen ilaa iyo buuraha xargaga walow markii danbe ay puntlandtu dibu gurasho sameeyeen taas oo ay saraakiisha puntland ay ku macneeyeen taatiko dagaal.

 

Caawa oo ay magaalada guux iyo buuq badan kajiraan meel kastana laga maqlayo dhawaaqa rasaasta ayaa hadana waxaa ay inta badan magaaladu ay tahay wada askar waxaana laguu sheegayaa in dagaalkan uu yahay kii lagu kala hadhayay.

 

war aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga puntland oo ah rug cadaa ku xeel dheer dagaalada isla markaana ahaa ninkii gobolka ka eryay daahir riyaale xiligii uu imanayay magaalada uu haatan isaga iyo ciidamo xoogan uu wato kusoo fooleeyay magaalada.

 

Axmed Cabdi xaabsade oo laba maalmood kahor Garoowe looga yeedhay si xilkiisii loogu soo celiyo ayaa la sheegayaa in caawa uu difaac adag ku jiro isla markana uu hogaaminayo ciidamo gaara oo tikniko huwan walow warkaasi uu san siweyn usoo shaac bixin.

 

Liibaan Jordan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke,you always make me laugh with most of your report coming from Puntland sites loool, i wait to hear it from International news like BBC, NPR, more honest sites. As people we have not yet put found a way to write things in honest un-bias way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gurmad Aad U Tirobadan Oo Goor Dhaweyd Soo Gaadhay Magaalada Laascaanood

Oct 01, 2007 By:

 

news.jpg

Laascaanood(jidbaale.com):-Waxaa magaalada Laascaanood goor dhaweyd soo gaadhay gurmad aad u xoogbadan oo ka kala yimi garoowe iyo Gaalkcayo, waxaanay magaalada Laascaanood isu rogtay goob milatari.

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this