Sign in to follow this  
Jacaylbaro

WEFTI CULUS OO KA KOOBAN SADEXDA XISBI QARAN IYO WAKIILADA OO MAANTA KA DHOOFAY HARGA

Recommended Posts

Jaylaani   

Originally posted by xox ogaal:

jaylaani

 

Are you suggesting Somaliland was supporting Yey and butland militia? I think you’re living in LaLA land saaxiib. Get your facts straight.

 

The only thing that i said was give us a feed back when they come back. if the people of sland pland care about xamar there would've been demonstration, but then i don't see that .......siilaanyo hanoo laado the only man who got the guts to say anything.

Faisal said the same thing. He actually went further saying we should assist them financially.

 

Butland are part of the aggressor. How would you expect them to do anything against Xabashis?

 

Look at the forum and see the signature of its supporters. They have one thing common. They wave the blue flag and they all from Bunland

 

 

BTW, My statement was directed to Tahliil not you walaal. You didn't say anything!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

My Dear Brothers it is one thing indhaha in aan maro iska saarno and walk blindly around the facts right in our faces...for whatever reason, And it is altogether another thing to admit like men instead of dancing around the reality... that Somalia and Somalis are in deep shyt regardless of the little Enclaves you live in Pland, Sland, HLand, Kland...

 

Time is the deciding factor and we will wait and see the next development...I bet it is gonna be uglier and we r gonna be justifyin it to suit it to our taste

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sxb, no one is denaying that somalis are in a deep shyyyt but it is all what they did to themselves ,,,,,,,,,,

 

I agree with you it is gonna be uglier soon but depends on you and other somalis how they react to the situation like this ,,,,,,

 

Somalis will never be they way they should be unless they stop eating each other and dancing for external bodies like Ethiopia and Eriteria ,,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Lol@Jacaylbaro..

 

Tollow ma ku fahmayaa mahayaa willkan muraaqaysani.

 

Somalis need to stop generalizing issues and deal with their political situations individually.

 

Hadii mid calooshu xcanuunto waxay ku odhanayaan adigan ila qufac. Waxaasi ma caqlibaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

QRN-Weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka

JSL Md. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa shalay fiidnimadii ka degay

garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee dalka Ethiopia halkaas oo loogu soo dhaweeyey

qaab maamuus dawladnimo ah, sidaana waxa sheegay warar rasmiya oo naga soo gaadhay

waftiga. Kedib waxa uu waftigu u gudbay hoteelka Hilton oo ay ku dageen kuna

sugnaandoonaan inta ay joogaan Addis Ababa.

 

 

Isla subaxnimadii waxa weftigu 10.00-kii subaxnimo booqasho-sharafeed (Courtesy

Call) ugu tageen Madaxweynaha dalka Ethiopia Mr. Girma Wolde-Giorgis. Intaa

kedib waxa weftigu booqday madxafka qaranka (National Museum) taariikhiga ah.

Isla maanta duhurnimadii markay saacaddu ahayd 13.00-kii waxa weftigu booqday

safaaradda dalka Ingiriiska iyaga oo halkaa kula kulmay sii-hayaha safaaraddaas.

 

Galabnimadii laga bilaabo 15.00-kii waxa weftigan oo ah kii noociisa ugu

horeeyey u bilaabmay hawshoodii rasmiga ahayd ee u dhaxaysay labada baarlamaan.

Waxa hawluhu ku bilaabmeen kulan weftigu la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka

Wakiilada Dawladda Federaalka (The House of Peoples Representatives of the FDRE)

ee Ethiopia Hon. Amb. Teshome Toga iyada oo kulamadaasi ka dhacayeen xarunta

Baarlamaanka. Barnaamijkan hordhaca u ah hawlaha ku xiga ayaa kusoo

khatinmidoona Casho-Sharaf Guddoomiyaha Baarlamaanka Ethiopia u fidiyey

dhiggiisa iyo weftiga uu wato kaas oo caawa ka dhicidoona Huteelka Sheraton.

 

 

Guddoomiyeyaasha Guddiyada Baarlamaanka JSL ayaa berrito la kulmidoona dhiggooda

Baarlamaanka Ethiopia, kulamadaas oo socondoona labada gelinba. Wararka dambe ee

Weftiga khuseeya halkan kala soco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa, Ethiopia, (Somaliland.org) – Weftiga Golaha Wakiillada iyo Axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa shalay booqashadooda ay ku marayaan saddex dal oo Afrika ah ka bilaabay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya. Waxana uu shalay weftigu kulan la yeeshay Madaxweynaha Itoobiya, Mr. Girma Woldegiorgis iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.

 

 

Sida ay ku warrantay Wakaalladda Wararka ee dowladda Itoobiya (ENA) Madaxweynaha Itoobiya Atto Girma iyo weftiga Baarlamaanka Somaliland, waxay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo arrimo la xidhiidha socdaalka weftiga Somaliland ku marayaan saddex dal oo ka tirsan Gobolka Afrikada Bari oo qayb ka ah ololaha aqoonsi raadiska Somaliland.

 

 

Madaxweynaha Itoobiya, Atto Girma oo ka hadlaya xidhiidhka labada dal ayaa sheegay in xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu sii xoojin doono iskaashi dhaqaale oo dhexmara labada dal.

 

 

"Xidhiidhka quman ee ka dhexeeya labada dal wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa dedaalka wadajirka ah ee labada dal ugu jiraan la dagaalanka Fakhriga, " ayuu yidhi Madaxweyne Girma, markii uu shalay xafiiskiisa ku qaabiley weftiga Golaha Wakiillada Somaliland.

 

 

Waxana uu intaas ku daray oo uu u rajeeyey xubnaha weftiga Baarlamaanka Somaliland inay deris ama casharro muhiim ah ka qaadan doonaan kulamada iyo wadahadalada ay la yeelan doonaan mudanayaasha Baarlamaanka Itoobiya.

 

 

Dhinaca kalena, xubnaha Weftiga Baarlamaanka Somaliland ayaa ammaanay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay sheegeen inuu fududeeyey inay si xor ah isugu gudbaan, isuna dhexmaraan dadyowga labada dal.

 

 

Weftiga Baarlamaanka Somaliland, waxa kale oo ay kala hadleen Madaxweynaha Itoobiya arrinta Aqoonsiga Somaliland. Waxana uu sheegay weftigu Somaliland ay aad u jeclaan lahayd haddii Itoobiya ay sare u qaaddo meeqaamka xafiiska Ganacsi (Trade office) ee Itoobiya ku leedahay Somaliland, isla markaana gaadhsiiso Safaarad ama wakiil Diblomaasiyadeed oo buuxa.

 

 

Wakaaladda Wararka Itoobiya waxay ka soo xigatey sarkaal Itoobiyaan ah oo ka qaybgalay kulankaas, in weftiga Baarlamaanka Somaliland ay uga sheegeen Madaxweynaha Itoobiya Atto Girma muddadii ay wadahadlayeen in xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland iyo xukuumaddu ay ka wadashaqaynayaan iyaga oo heshiis ah danta guud ee dalka.

 

 

Weftiga Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa ka mid ah Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha, mudane Baashe Maxamed Faarax iyo 8da Guddoomiye ee Guddi-hoosaadyada golaha. Waxa kale oo weheliya Saddex xubnood oo ka kala socda Saddexda xisbi ee Qaranka, UCID, UDUB iyo KULMIYE.

 

 

Waxana uu weftigu dalka ka ambabaxay Isniintii dorraad, isaga oo bilaabay socdaal laba toddobaad ah oo uu ku soo marayo dalalka Itoobiya, Yugaandha iyo Kenya.

 

 

Waa markii u horreysey ee wefti noocan oo kale ah oo xisbiyada mucaaridka ahi ka mid yihiin ay u baxaan dibadda, iyaga oo ka qaybqaadanaya ololaha aqoonsi raadiska Somaliland.

 

 

Itoobiya ayaa iyadu aad uga duwan nidaamka dimoqraadiyadeed ee Somaliland, halkaas oo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ahi ay isku yihiin Jiir iyo Bisad, gaar ahaan intii ka dambeysey doorashadii Baarlamaanka ee sannadkii hore kacdoonadu ka dhasheen.

 

 

Weftigu waxa kale oo ay shalay la kulmeen Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya, iyada oo guddoomiyuhu xalayna casho sharaf u sameeyey weftiga, taas oo ay kala qaybgaleen guddoomiyayaasha Guddiyada Baarlamaanka.

 

 

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Itoobiya Ambassador Teshome Toga, ayaa sheegay in Itoobiya baahi weyn u qabto inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland. Waxana uu muujiyey in Baarlamanka Itoobiya uu diyaar u yahay inuu baarlamaanka Somaliland la wadaago khibradda iyo aqoonta dhinaca dejinta shuruucda.

 

 

"Labada dal waxay in badan ku naaloonayeen xidhiidh wanaagsan oo dhinacyada gaadiidka cirka, dhulka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo nabadgelyada ah, " ayuu yidhi Teshome.

 

 

Waxana uu sheegay in booqashooyinka iyo khibrad isweydaarsigu uu markii hore ku koobnaa Waaxyaha Fulinta [Xukuumadaha] labada dal, isla markaana booqashada baarlamaanka Somaliland uu furayo iskaashi dhexmara labada baarlamaan.

 

 

"Go'aankan Baarlamaanka Somaliland ku doonayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka Itoobiya waa mid ka turjumaysa aaminsanaanta ah in Itoobiya tahay deriska ugu dhow ee Somaliland Bariga Afrika, " ayuu yidhi Ambassador Teshome.

 

 

Weftiga Golaha Wakiillada Somaliland, waxay shalay soo booqdeen labada Muusiyam ee ugu waaweyn Itoobiya iyo goobo kale oo taariikhi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this