Sign in to follow this  
General Duke

A/Qasin and Mohamed Dhere make a joint press conference

Recommended Posts

Nairobi:C/Qaasim iyo Maxamed Dheere oo maanta si wadajir ah shir jaraa'id u qabtay

- Thursday, September 30, 2004 at 19:18

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa galabta si wadajir ah shir jaraa'id ugu qabtay Hotel Grand Regency ee ku yaal magaalada Nairobi C/qaasim Salaad Xasan iyo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere),oo labaduba u taagan tartanka madaxweynenimada Soomaaliya ee dhici doonta sida lagu wado 10ka bisha Oktoobar.

 

Labadaan nin oo hore u kala aragti duwanaa dhanka siyaasadda ayaa waxay ku sheegeen qoraal ay saxaafadda ugu talagaleen oo ay labadoodu ku saxiixnaayeen inay ka gudbeen khilaafaadkii hore ugu dhexeeyey,isla markaana ay taageersan yihiin doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah iyo xildhibaanadaba iyo guud ahaan natiijada shirka ka soo baxda,waxayna ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqeen inay soo dhoweeyaan ,taageeraana dawladda halkaan ka soo baxda.

 

Labada nin ayaa waxay warxaxaafadeedkooda ku sheegeen baahida loo qabo in kooxaha hubaysani ay hubka iska dhigaan isla markaana dalka oo dhan laga fuliyo hub ka dhigis si dawladdu ugu shaqayso si habsami ah .

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. C/qaasim & Maxed dheere oo galabta shir Jaraaid oo ay ku cadeynayaan in ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyey ku qabtay Nairobi Maxed dheere "Waxaan wakiil ka nahay Libooya ilaa Gaalkacyo

Nairobi

 

 

 

 

Waxaa galabta shir jaraaid si wadajir ah ugu wada qabtay hotelka Grand Regency ee magaalada Nairobi madaxweynaha dowladda KMG ah C/qaasim Salaad Xasan oo ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ee loo balansan yahay 10-ka bisha Oktoobar & xildhibaan Maxed Cumar Xabeeb (M/dheere) oo isaguna ka mid ah xubnaha musharixiint ah, iyadoo labada nin saxaafadda ay u qeybiyeen qoraalo ay ku cadeynayaan 7 qodob oo ay ku heshiiyeen waxaana qodobadii ay ku heshiiyeen ay u qornaayeen sidatan:

 

 

 

 

In ay si buuxda isku cafiyaan oo wixii dhexmaray labada hogaamiye aan dib loo fiirin

 

 

In ay si wadajir ah ugu hambalyeeyaan guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka & ku-xigeenadiisa & dhammaanba xubnaha baarlamaanka

 

 

In ay si wadajir ah u taageeraan shirka dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed si loo gaaro heshiis & nabad kama dambeys ah, isla markaana si niyad furan ay u taageeraan wixii shirka ka soo baxa

 

 

Labada hogaamiye waxey ugu yeerayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay guud ahaan is cafiyaan isla markaana bog cusub loo furo nabadda lagana baxo tartanka habka qabiilka ku dhisan.

 

 

Labada hogaamiye waxey ka codsanayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho, in ay ku soo dhoweeyaan gacmo furan dowladda cusub ee la soo dhisi doono, isla markaana ay siiyaan taageerada ay u baahan tahay dowladaasi.

 

 

Labada hogaamiye waxey ka codsanayaan dhammaan dadka hubeysan in ay hubkooda dhigaan, isuguna diyaariyaan hub ka dhigis dalka oo idil, si Soomaaliya u noqoto meel dowladi ka talin karto, sharcigana loo hogaansamo.

 

 

Waxey labada hogaamiye si wadajir ah u cadeynayaan in ay daacad ka yihiin in shirkan lagu gaaro is-afgarad nabadgelyo dhaliya, isla markaana ay shirka ka soo baxaan natiijooyin dhaxalgal ah & in ay yeeshaan aragti mideysan si loo gaaro xal kama dambeys ah.

 

 

Waxaana qoraalka ku saxiixnaa madaxweynaha dowladda KMG ah Dr. C/qaasim Salaad Xasan & guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxed Cumar Xabeeb (M/dheere).

 

Qoraalkaas kadib ayey Saxaafadda la hadleen labada nin waxaana ugu horeyn hadalka qaatay Maxed Cumar Xabeeb (M/dheere) oo hadalka ku billaabay.

 

 

 

 

Waxaa qoraalka la idiin qeybiyey soo saaray aniga & madaxweynaha dowladda KMG ah C/qaasim Salaad Xasan, waxaana mid isaga noqonay jidka lagu soo nooleynaayo qarankii Soomaaliya farqiyada noo dhexeysana intaas ayey aheyd, waxaan kaloo ka heshiinay oo xalay dhalay aan ka dhignay wax kasta oo dhibaata ah ee na kala gaartay aniga & C/qaasim, waxaana isla garanay in aad dib isula baadi-goobno qarankii Soomaaliya ka burburay, xilka mugaasi lehna ma ahan mid fudud maadaama aan wakiil ka nahay Libooya Kenya ilaa Koofurta Gaalkacyo awooda u dhexeysa anaga ayaa wakiil ka ah, dowladnimada marka la helana waa in la helaa cid sharcigaas fulin karta, waana in la tixgeliyaa miisaanka dowladnimada ee aanan la lumin"

 

C/qaasim Salaad Xasan oo isna fadhigaasi ka hadlay waxa uu yiri "Waajibaadka na saaran oo 2 sano halkan loo fadhiyey waxey aheyd dib u heshiisiin, heshiiskaasoo ummadda Soomaaliyeed dan u ah ILLAAHEY xagiisana qiima weyn ka leh waana isaga midka aan maanta hortiina ku saxiixnay oo la idiin qeybiyey hadaad saxaafada tihiin, heshiiskanini wuxuu xoojinayaa dowladda halkan ku dhismi doonta in ay tagto caasimadii haddii ALLE yiraa oo dadkiina ay iyagu hubka iskood u dhigaan oo aanan loo baahan ciidamo shisheeye oo dhibaato u geysta dhaqanka dadka & dalka, balse is afgarad wax waliba lagu dhameeyo lana tago caasimadii iyada oo gacmaha lays haysto"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by SmithNwestern:

Waxaa qoraalka la idiin qeybiyey soo saaray aniga & madaxweynaha dowladda KMG ah C/qaasim Salaad Xasan,....... maadaama aan wakiil ka nahay Libooya Kenya ilaa Koofurta Gaalkacyo awooda u dhexeysa anaga ayaa wakiil ka ah,

How much do you agree with the above statement Smith, bearing in mind that Dheere maxamed Dheere is an ally of Colonel yeey, or is it 'was'? Am loosing track now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdiqasim is playing his cards close to his chest, one more alley won.

 

 

----------------

 

Heshiis dhexmaray Cabdiqaasim iyo Maxamed Dheere

 

 

Burtinle-Online

Jimce, October 01 2004

 

Shir jaraa'id oo ay galabnimadii Khamiista qabteen Dr.Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Madamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayey ku sheegeen in ay gaareen heshiis ka kooban dhowr qodob.

 

Labada hogaamiye ayaa saxaafada u sheegay in ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:

 

1- In ay is cafiyaan, iskana iloobaan khilaafkii hore ee dhexdooda ka jiray

2- In ay si wada jir ah ugu hambalyeeyaan Hogaanka Baarlamaanka ee dhowaan la doortay

3- In ay si wada jir ah u taageeraan shirka dib u heshiisiinta iyo dadaalka lagu doonayo in nabad loogu dabaalo dalka Soomaaliya

4- In guud ahaan ummada Soomaaliyeed loogu baaqo is cafis iyo dib u heshiisiin

5- In ay shacabka reer Muqdisho ugu baaqaan in ay gacmo furan kusoo dhoweeyaan dowlada la filayo in ay kasoo baxdo shirka Mbagathi

6- In ay aragti mideysan ka yeeshaan shirka dib u heshiisiinta

 

Dr.Cabdiqaasim iyo Maxamed Dheere ayaa ahaa laba hogaamiye oo aad u kala fog, iyadoo Maxamed Dheere xubin firfircoon ka yahay Isbaheysiga taageerada ka hela Itoobiya ee SRRC, halka Dr.Cabdiqaasim dowlada Itoobiya ku eedeeyo in ay majo xaabisay dowladiisii lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

 

Xiriirkan cusub ee dhex maray Dr.Cabdiqaasim iyo Maxamed Dheere ayaan la saadaalin karin waxa uu ka bedeli doono ololaha doorashada Madaxweynaha ee ka socota magaalada Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How much do you agree with the above statement Smith, bearing in mind that Dheere maxamed Dheere is an ally of Colonel yeey, or is it 'was'? Am loosing track now.

I think this was a posative development. The two men have been bitter rivals for a while, Mohamed Dhere use to say that Abdiqasin was a terrorist and Abdi used to call him an Ethiopian stooge. So what you have is a shifting of positions, which proves to the Somali's that these leaders, groups and clans have very little differences between them.

 

As for the Liboi Road to Galkacyu statement, why not between the two geographic points these men represent some of the most Powerful clans and armed factions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this