Sign in to follow this  
General Duke

The blessed rains have arrived

Recommended Posts

ilaa Xalayna u Haalkaasi ka da'ayay iyadoo ay Dadka Reer Puntland Soo Dhoweeyen Roobaabkaasi.

 

23. September 2009

Robab Ma hiigaan ah Oo ay ku Diirsadeen Dadka Reer Puntland Dhulka ay degan yihin ayaa Waxay ka De,een Guud ahaan Goboladda Puntland Roobaabkaan ayaa Waxay yihiin kuwwo lagu Diirsadday Dhulkana qaboojiyey isla Markaasna Meelaha Qaar ka Geystay Khasaarro Fara badan Hasse yeeshe aan Dadka Waxba u arkayn Marka La Sii Eego Abaarihii ku Habsadday Dhulkaan ay hadda Roobaabku ka De,een.

 

Xalay ilaa Maanta ayaa Roobaab lagu Diirsadday Waxay ka De,een Gobollo Dhowr ah Oo ka Tirsan Puntland Sidda Gobolka Nugaal Mudug iyo Gobolka Sool Roobaabkaan Oo ah kuwwo isku Mid ah isku qaabna u Socda ayaa Xalay Waxay ka De,een Deegaano ay ka Mid Tahay Garoowe Caasumadda Puntland Degmadda ayl iyo buurtinle iyo deegaano kale Oo ka Tirsan isla Gobolka Nugaal.

 

Siddo kale Roobaab Noocaan Oo kale ah ayaa Waxay ka Da,een Qaybo ka Mid ah Gobolka Sool Sidda Magaaladda Madaxda Gobolkan Sool ee Laascaanood iyo Deegaano kale Oo ka Tirsan isla Gobolkaasi Sool Sidda uu Noo Soo Xaqiijiyey wariyaheena ee Halkaasi ku Sugan.

 

Maanta Mar aan Xiriir la Sameyey Qaar ka Mid Dadka Reer Puntland ee Jooga Magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood ayaa Waxy ii Sheegeen in ay aad ugu Faraxsan yihiin Roobaabkaan ilahay Siiyey ee aad u qaboojiyey Dhulka Puntland Waxaana ay sheegeen in ay haatan ka baxayan Guud ahaanba Abaarihii.

 

Roobaabkaan ka Da,ay Magaaloyinka ka Midka ah Saddexda Gobol ee Deriska ah ayaa Waxy ku Soo beegmaayan Xilli ay Roobaab Maahiigan ah ka Da,een Deegaano ka Tirsan Gobolka Karkaar Sidda Gobolka karkaar Oo ku laayey Xoolo lagu qiyaasay ilaa 1000 Neef Sidda ay Sheegayan Wararkii ugu Dambeyey Waxaa kaloo ay ka Da,een Roobaabkaani deegaano ka Tirsan Gobolka barri iyo Sanaag Oo ka Curteen Roobaab lagu diirsaday Dad iyo duunyabba.

Haka fogaan Allidamaale.com hadii aad dooneysid wararka dalkaagi hooyo.

 

 

Abdirahman Mohamed koronto

danjire_143@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobabkii dayrta oo ka curtay gobollada Puntland.

 

Galkacyo, Sept 22- Roobabkii dayrta ayaa si siman uga curtay meelo badan oo ka mid ah deegaannada Puntland, gaar ahaan dhulka miyiga ah oo jiilaalka ugu ba’ani ka taagnaa.

 

Roobabka oo hadda cuntay ayaa si teel-teel ah uga da’ay, inta badan gobollada iyo degmooyinka Puntland, iyo sidoo kala dhulka xoolo daaqeenka ah oo in badan xaaladdiisa nololeed laga soo darinayey.

 

Gobolka Mudug oo ka mid ahaa gobollada xaaladda abaareed ee xooggan ka jirtay ayaa la sheegayaa deegaanno badan oo ka tirsan in ay ka hooreen roobab aan badnayd, kuwaasi oo dadka iyo duunyaduba ay ku diirsadeen isla markaana miyo galiyey baraagaha qaar iyo meelaha biyo qabatinta leh.

 

Gobollada Nugaal, Sanaag, Bari iyo Cayn, ayaa iyana laga soo sheegayaa deegaanno badaan oo ka mid ah in ay roobabku ka da’een.

 

Xilli roobaadka dayrta ee hadda ka soo cusboonaaday deegaannada Puntland, ayaa ku soo beegmaya xilli abaaro xooggan oo dadka iyo duunyaba saamaysay ay ka jirtay dhammaan deegaannada hoos yimaada maamulka Puntland.

 

Waxaana maalmihii ugu danbeeyey isi soo taraysay qaylo-dhaan ballaaran oo ku aaddan xaaladda biyo iyo baad-la’aaneed ee ka taagan dhulka miyiga ah, taas oo lagu dalbanayo in gar-gaar deg deg ah lala gaaro dadka iyo duunyada abaaruhu ku habsadeen.

 

Inkastoo dhammaan Puntland oo dhan ay abaaruhu ka jireen misna deegaannada qaar waxay qarka u saarnaayeen xooluhu in ay dadka farahooda ka martaan, waxaana sidoo kale laga shaki qabay nolosha dadka haddii ay xooluhu dhammaadaan.

 

Meelaha ay haatan roobabku ka da’een, waxaa laga dareemayaa xaalad daganaansho oo xagga nolosha ah waxaana deegaannadaasi roobabku qabteen ku soo hayaabay reer guuraa badan oo ka soo hayaamaya dhulka abaarta ah ee ay roobabka bilowga ahi ay seejiyeen.

 

C/fitaax Cumar Geeddi’

Idaacadda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Pictures below of Las canood rain.

 

roob1.JPG

 

roob2.JPG

 

roob4.JPG

 

roob.JPG

 

Ps: I heard other parts of puntland recieved just as much rain and infact alot more rain in karkaar. Karkaar was overflowing so badly that the water even swept a few people away. No casualities al-hamdulilah. However Once I find the rain pics for each region I will update this section.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Originally posted by General Duke:

^^^Even the rain makes you upset, you need help adeer.
The regions
were facing a devestating drought and even these rains might not help the rural communities.

Well, Alhamdulilah that it rained in ALL OF SOMALIA. I was just amazed about the level of Puntland-orientednes s of some zealots which even leads to reporting rain falls specifically for a region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ All you did was highlight yet again your ignorance and hatred. The rains have arrived as a mercy from Allah SWT. The regions have been facing severe drought and this was good news. If you have news then post it but keep your weak comments to yourself.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Roobab Xoog leh oo 48 saac ka da’aya Qardho

 

September 23, 2009 filed under NEWS IN SOMALI

 

Horseed Media

News Desk

 

Wararka aanu ka helayno Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa wax ay ku sheegayaan in Mudo ku dhawaad 48 Saacadood uu halkaas ka da’ayo roob aad u xoog badan kaas oo dadka degaanka ay ku qaboobsadeen.

 

 

Buundada Xingood ee koonfurta magaalada waxaa weli maraaya Biyo aad u xoog badan, kuwaas oo ka imanay Dhanka Galbeed ee Magaaladda Qardho.

 

Dadka degaanadda Miyiga ah degan ayaa Horseed Media wax ay u sheegeen in roobabkii ka da’ayey Miyiga uu saameyn weyn ku yeesha ka dib markii uu cagta mariyey in ka badan 100 Neef oo Xoolo ah kuwaas oo intooda badan uu roobku la kala tagay.

Sidoo kale wax ay dadka degaanka Miyiga ah soo sheegaan in degaano dhowr ah ay dadku ay awoodi la yihiin in ay isku socdaan ka dib roobka oo ah mid aad u xoog badan.

 

 

Magaaladda Qardho ayaa sidoo kale roobabkii ka da’ayey waxa uu saameyn weyn ku yeeshay isku socodka xaafaddaha qaar ka dib markii ay wadooyinka buux dhaafiyeen Biyo aad u xoog badan , kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay degaanka.

 

Roobabkaan ayaa wax ay imanayaan xilli Degaanadda qaar ee Gobolkaas ay ka jireen abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka Miyiga degan oo xaalkoodu uu gaaray meel khatar ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Roobab Xoog leh oo 48 saac ka da’aya Qardho

 

September 23, 2009 filed under NEWS IN SOMALI

 

Horseed Media

News Desk

 

Wararka aanu ka helayno Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa wax ay ku sheegayaan in Mudo ku dhawaad 48 Saacadood uu halkaas ka da’ayo roob aad u xoog badan kaas oo dadka degaanka ay ku qaboobsadeen.

 

 

Buundada Xingood ee koonfurta magaalada waxaa weli maraaya Biyo aad u xoog badan, kuwaas oo ka imanay Dhanka Galbeed ee Magaaladda Qardho.

 

Dadka degaanadda Miyiga ah degan ayaa Horseed Media wax ay u sheegeen in roobabkii ka da’ayey Miyiga uu saameyn weyn ku yeesha ka dib markii uu cagta mariyey in ka badan 100 Neef oo Xoolo ah kuwaas oo intooda badan uu roobku la kala tagay.

Sidoo kale wax ay dadka degaanka Miyiga ah soo sheegaan in degaano dhowr ah ay dadku ay awoodi la yihiin in ay isku socdaan ka dib roobka oo ah mid aad u xoog badan.

 

 

Magaaladda Qardho ayaa sidoo kale roobabkii ka da’ayey waxa uu saameyn weyn ku yeeshay isku socodka xaafaddaha qaar ka dib markii ay wadooyinka buux dhaafiyeen Biyo aad u xoog badan , kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay degaanka.

 

Roobabkaan ayaa wax ay imanayaan xilli Degaanadda qaar ee Gobolkaas ay ka jireen abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka Miyiga degan oo xaalkoodu uu gaaray meel khatar ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

LAST TIME I CHECKED, LAS CANOD WAS IN SOMALILAND....LOOOOL !

 

have the rains hit, bosaso,garowe etc.

 

if it does congrates ...you better stock up, cause it might not come back for another 20 years.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this