Sign in to follow this  
Paragon

Puntland Ultimatum, Cade in a tight spot

Recommended Posts

Paragon   

Golaha Wakiilada Puntland oo ugu baaqay Cade Muuse inuu soo galo Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe ugu Danbayn ilaa Maalinta Sabtida ah

 

Garoowe:- Golaha wakiilada Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Madaxwayne Cade Muuse Xirsi inuu soo galo Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe, taas oo in mudo ah ay ka maqnayd Xukuumada Cade Muuse Xirsi, Goluhu waxay kaloo sheegeen inay ugu danbayn Cade Muuse laga rabo inuu soo galo Garoowe ilaa Maalinta Sabtida ah si loo lafa guro Amaanka Caasimada oo aad uga soo daraya ayaamahakan oo ay soo bateen dhaca gawaadhida Xukuumada iyo kuwa Hay"addka,

 

 

Gudoomiya Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafada u sheegay in Madxwaynaha la waydiin doono arimo la xiiriira waxqabada Xukuumada iyo Amaanka oo ka sii daraya maalinba maalinta ka danbaysa, gudoomiye Axmed Cali Xaashi,waxa kale uu intaas ku daray in loo baahanyahay Inuu Madaxwaynuhu ka soo qayb galo shir maalinta sabtida ah ka dhicidoon Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland, iyadoo ay shirkaas goobjoog ka ahaan doonaan Gudida joogtada ah ee golaha wakiilada puntland laguna jeex jeexi doono Amaanka Puntland sidii wax looga qaban lahaa.

 

 

Shirkaas maalinta sabtida ah la filayo inuu qabsoomo ayaa waxa ka soo qayb galaya Gudiga joogtada ha ee golaha wakiilada Puntalnd, Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisaba

 

 

Maamulka Puntland ayaa ayaama hakan waxa ka soo darayay amaankiisa iyadoo ay u badan tahay Caasimada Garoowe oo aad looga soo dayrinayo amaankeed, oo ay ka dheceen falal amni xumo, oo hurseedi kara Amaanka,oo faraha ka baxa iyo Maamulka Cade Muuse Xirsi oo Burbura iyadoo awalba laga caga jiidadayay, Maamulka Puntland,oo Bulshadu ka biya diid sanayd

 

 

Jaamac Ayaanle Feyte

 

 

LaasqorayNet/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Madaxweyne Cadde Muse oo Garowe looga yeeray

22 May 22, 2007 - 3:48:19 AM

 

 

 

Faddhi ay yeeshen Guddiga Jogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland maalinimadii Isniinta 21/05/2007, ayaa waxaa ka soo baxay in Madaxwenaha DGPL oo hadda ku sugan magalada Bossaso dhaqso u yimaado magala madaxda Garowe, iyada oo uu soo dhawyahay furitaankii kalfadhiga GW ee bisha June.

 

U yeeritanka Madaxweynaha ayaa waxa lala xiriirinaya kadib gudomiyaha ku-xigeenka koowad ee GW uu xukuumada u jeediyay in ay dib ygu soo noqdaan magaalo madaxada isla markaan xukuumada ka xaq baxdo shaqaalha Puntland oo in muddo ah aan qaadan mushaarkoodii.

 

Dhinaca kale waxaa la ogsoon yahay in khilaaf ka dhexjiro xukumadda laftigeeda, kaas oo wejiyo badan leh isla markaana kallifay in Wasiirki Xanaanada Xoolaha is casilo, ka dib markii heshiis ku saabsan dhoofinta xoolaha, oo muran badan dhaliyay, ay isku khilaafeen Madaxweynaha. Ka akhri halkan

 

Waxaa kale oo jira muran la sheegey ka dhex aloosan yahay Wasiirka Maaliyada iyo Madaxweynaha, sida lagu shaciyey Warsidayasha qaarkod kaas oo la xiriira dhagxaan Puntland laga dhoofinayo iyada oo Maxamed Cali Yusuf (Gaagab) ka hadley, iyo Madaxweynaha oo la sheegey inuu Wasiirkiisa eedeeyay markii uu dibadda ka soo laabtay.

 

Shacabka Puntland oo maamul-xumada ka jirta MGPL ay saameyn weyn kaga yeelatay xagga bulshada iyo dhaqaalahaba, ayaa is weydiinaya muranka u dhexeeya GW iyo Xukumadda in uu yahay kii hore looga bartay oo ahaa geedka rux-rux qobcadu ha ka daadatee iyo in arrintu marakan tahay mid salka ku heysa xisaabtan dhab ah oo shacabku ku qanco.

 

Garowe Online,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Warar sheegaya in Dowlad Goboleedka Puntland ay qarka u saaran tahay bur bur

 

Garowe:- Warar si kalsooni ah nagu soo gaarey ayaa waxay sheegayaan in Dowlad Goboleedka Puntland ay qarka u saaran tahay in lagu kala dareero iyadoo ay is mari waayeen masuuliyiinteeda sar sare oo isku haya siyaasada ay qaadan lahayd Puntland.

 

 

Wararkan oo naga soo gaarey ilo war qabeen ah oo ku sugan magaalada xarunta u ah Puntland ee Garowe ayaa waxay intaa ku darayaan in is qab qabsashada hogaanka sare ay keentey in beelaha qaarkood uu ku yimi gadood iyagoo ka biyo diidan qaabka wax loo wado.

 

 

Waxaa intaa dheer in siyaasada ay inta badan ee xubnaha wasiiradu kasoo horjeedsadeen uu rabo inuu meel mariyo Cade Muuse oo wasiiradiisu qaar ka mid ahi ay ku eedeyeen siyaasad xumo iyo jaah wareer.

 

Continue reading

 

LaasqorayNET/Garowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

BOOSAASO : Xaaladda ammaan ee Boosaaso oo aan wanaagsanayn

Posted to the Web May 23, 16:00

 

 

Boosaaso:-Xaalada-ammaan ee Boosaaso ayaa ka soo daraysa beryahaan , waxaana muuqata cabsi laga qabo in ay magaalada ka bilaabmato fawdo salka ku hayn-karta arimo-siyaasadeed iyo waliba kuwo burcadnimo.

 

Waxaa magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaan ciidan oo ay wadaan dad horay uga tirsana maamulka Cadde oo laga saaray , iyo kuwo aan ku qanacsanayn siyaasada Cadde ee wakhtigan.

 

Cadde Muuse M.waynaha Puntland , ayaa dhawaan mar uu ammaanka magaalada dakada ah ee Boosaaso ka hadlayay wuxuu sheegay in ay xaaladdu ay khatar tahay , oo ay jiraan dad doonaya in weeraro bambaanooyin iyo waxyaalo kale loo adeegsado ay ku weeraraan xafiisyada dawlada iyo kuwa hay’adaha samafalka , wuxuuna sheegay in Boolkisku ay qabteen dad badan oo qorshanayay weeraradan.

 

M.waynaha , ayaa sheegay kadib kulan uu la yeeshay saraakiisha ammaanka ee gobolka Bari in uu fariisan doono xafiiska taliska Ciidanka Booliska ee Boosaaso ilaa laga xalinayo xaaladda ammaan ee magaalada.

 

Xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso , ayaa waxaa ku nool kumanaankun oo qof oo isugujira dadka deegaanka iyo kuwo kale oo yimid Koonfurta dalka iyo waliba dalka Ethiopia ku waa soo kugadajira hawlaha ganacsiga ee magaalada ka socda.

 

C/laahi Cali Ciise

Boosaaso , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon sxb reerbarigu waxeey dhahaan

 

ARABOOWE AA LATAHAY!

BUT THE REALTY IS PUNTLAND NEEDS ADMINISTRATION CHANGE. CADE MUSE AND CO NEEDS TO RESIGN

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

Things are deteriorating there--not that wish it to be that way but that’s what we hear happening.

Is this deterioraton deliberate? Its just suspicious to see things spiraling down out of control in such a short period.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is this deterioraton deliberate?

LooooooooL@Faarax..You are becoming more conspiratorial.

 

The old man get to go. We need people with fresh ideas and hopefully least corrupt.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Che-Guevara:

quote: Is this deterioraton deliberate?

LooooooooL@Faarax..You are becoming more conspiratorial.

 

The old man get to go. We need people with fresh ideas and hopefully least corrupt.
Oh come on Che, You know damn too well the ins & outs of African politics & governance. A single fat cat(pun intended) could bring down an entire adminstration,Its even much easier to bring down if that adminstration is someone's creation(real,percieved or otherwise).

 

Now,Cadde has been in power for quite sometime now & you and I know very well that he was put in there by the regional warlord of Puntland now national warlord Yussuf. His popularity aside, Cadde's downfall,to some degree,has something to do with This President. That’s my hunch~

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by me:

how about Pland needs to go?

I think its going,I have a feeling this is part of the reason why Cadde is under the spotlight here. There is only one president for Puntland and he is leading a bunch of Warlords in Xamar~

 

Btw,I just was wondering,How can you call an adminstration Dowlad Goboleed and then name its leader Madaxweyne? :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this