Sign in to follow this  
Member-sol-

Ciidamo uu horkacayo abu mansuur oo gaaray baardale

Recommended Posts

Contrary to Duke's lies, Sh. Mukhtaar was actually in Buurhakaba when the bardaale skirmish happened.

 

---Sheekh Abu Mansuur oo Muxaadaro qiiro leh u jeediyay dadweynaha degmada Bardaale,kadib markii Mujaahidintu ay maanta gudaha u galeen degmadaasi.

 

 

Arbaco 13Rajab 1429 =16/07/2008

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hogaamiye Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur(Allaha dhowree)ahna afhayeenka Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa goor dhaweyd Muxaadaro cajiib ah kuso afjaray degmada Bardaale ee gobolka Bay,halkaasi oo shalay uu ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadkii Ridada ee lagu soo anshax xumeeyay dalka Itoobiya oo kaashanaya Tigreeda.

 

Sheekh Abu Mansuur ayaa la hadlay dadweyne aad u fara badan oo ku dhaqan Bardaale kuwaasi oo kusoo xoomay Mujaahidiinta Jabhadda Bay iyo Bakool ee uu hogaaminayo Sheekha,kadib markii ay bartanka u galeen deegaankaasi iyagoo kasoo ruqaansaday goobihii shalay ay dagaalada ka galeen.

 

Allaha dhowree Abu Mansuur ayaa u sheegay dadka reer Bardaale in samraan una dulqaataan gumeysiga dalk heysta iyagoona hiil siinaya walaalahooda Mujaahidinta kana dheeraanaya kuwa la shaqeeya gaalada iyo dhamaan gaalada dalka xoogga ku qabsatay.

 

Jabhadda Bay iyo Bakool ee dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa shacbiyad weyn ku leh deegaanada gobolladaasi maadaama ay jabhadu meel marisay intii awoodeeda ah farista macruufka iyo reebidda Munkarka dhamaan deegaanadaa ay haatan ka taliso,taasi oo abuurtay jawwi isjeclaasho iyo iswalaaleysa dhex maraya ehelada deegaanadaasi.

 

Shacabka ku dhaqan degmada Bardaale ayaa khaasatan ku farxay soo gaaritaanka Mujaahidinta ee degmadaasi,iyadoona ay si weyn ugu riyaaqsanaayeen dadku howlgalladii Jabhadu ka sameysay magaalooyinka Dinsoor,Waajid,Xudur,Buur Hakaba iyo kuwa kale oo ay xidido ku leedahay iminka jabhadda Bay iyo Bakool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mujaahidiinta Alshabaab oo Gaaray Bardaale

By Somalimirror on 16 Jul, 2008 7:36 PM in Main, Wararka

 

Cutubyo ka tirsan Mujaahidiinta Alshabaab oo uu hor kacayo Afhayeenka Dhaq dhaqaaqa Alshabaab Sh.Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa galabta Gaaray degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

 

Mujaahidiinta ayaa la sheegay in ay si nabad ah ku soo galeen magalada Bardaale Salaadii Casar ka dib waxayna meel Fagaara ah kala hadleen Dadka Deeganka ayaga oo ku booriyay in ay ka qayb qaataan Jihaadka lagula jiro Gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka. Afhayeenka Dhaq dhaqaaqa Alshabaab Sh.Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur ayaa dadka si weyn ugu booriyay in ay samaystaan maamul ka madax banaan Maamulka Dawladda la shaqaysa gumaysiga itoobiya ayna deegaankooda ka hirgeliyaan Ku dhaqanka shareecada Islaamka. Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa la sheegay in ay kulamo la qaateen Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka Bardaale waxayna kala hadleen arrimo ay ka mid tahay ladagaalanka Gumaysiga iyo samaynta Maamul Madaxbanaan oo ay soo doortaan Waxgaradka deegaanku waxayna sidoo kale Mas’uuliyiintu Odayaadha kala Hadleen dhamaynta Colaadaha qibiilka ku salaysan ee ka dhaca deegaanka. Maamulkii iyo ciidamadii dawladda ee ku sugnaa magaalada Bardaale ayaa maanta isaga baxay kadib markii ay ka war heleen in ay halkaa ku soo fool leeyihiin Mujaahidiintu waxayna u jihaysteen dhinaca Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Deegaanka Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaal aad u culus kaas oo dhex maray Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Ciidamada gumaysiga Itooobiya oo galbinayay askar dawladda loogu soo tababaray dalka Itoobiya, waxaana dagaalkaas ciidamada gumaysiga iyo xulufadooda ka soo gaaray khasaaro laxaad leh oo isugu jira naf iyo maal. Degmada Bardaale ayaa ah goob aad muhiim u ah oo ay marto wadada ugu weyn ee ay adeegsadaan ciidamada gumaysiga Itoobya waxayna muhiim u tahay dhaq dhaqaaqa ciidamada Itoobiya ee u kala goosaya dalalka Itoobya iyo Soomaaliya.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this