Sign in to follow this  
Jacaylbaro

WAA INOO DAGAAL

Recommended Posts

Col.C/Casiis Garam Garam Oo Sheegay Inuu Dagaal kala Hortegi Doono Maamulka Somaliland

 

 

Col-ka la magac baxay c/casiis garam garam oo ku caan baxay dagaaladii qabiileysiga ee ka socon jirey koonfurta soomaaliya gaar ahaan gobolada jubooyinka ayaa shaaca ka qaaday inuu dagaal jabhadayn ah la geli doono maamulka Somaliland ee ku sugan magaalada laascaanood .

 

Garam garam oo habeenkii xalay ahaa u waramayey qaar ka tirsan Idaacadaha magaalada muqdisho ayaa sheegay inuu dagaal ku dhufoo ka dhaqaaq ah la geli doono ciidamada jamhuuriyada somnalind ee ku sugan magaalada laascaanood taasoo uu ku micneeyey inay wadankoodii kusoo duuleen waa siduu hadalka u dhigaye .

 

Col-ka oo saxaafadu weydiisay dhowr su,aalood oo kala ahaa cida ay ka amar qaataan jabhada uu sheegay inuu madaxa u yahay ayaa sheegay inay jabhadiisa oo magaceeda la yiraahdo SSC aysan labada maamul ee punt-land iyo somalind-ba ay ka madax banaan yihiin islamrkaana ay doonayaan oo keliya inay wadankooda ka saaraan ciidamada somaliland ee iminka ku sugan .

 

Sidoo kale garam garam ayaa la weydiiyey maadaama uu maamulka Somaliland ay kamid yihiin dadka deegaanka sool ,sanaag iyo buuhoodle ma waxa aad la dagaalamaysaan dadka beesha dhul-bahante isagoo ku jawaabey ninka kasoo jeeda beesha *********** ee ka tirsan maamulka somalind ama ciidamadeeda waxuu noola mid yahay eey dhintay waxaanuna ugu hormarainaynaa dagaalka kuwa beesha *********** kasoo jeeda .

 

Hadalka sarkaalkan ayaa kusoo beegmaya xili ay dhowaanahan ka jireen magaalada laascaanood weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo la sheegay inay ku Jihaysan yihiin ciidamada maamulka somalinad eek u sugan magaalada laascaanood .

 

 

Afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Garamgaram means qofka afka Soomaliaga markuu ku hadlaayo yara shigshigo, not too much shigshigid balse xoogaa ku yara adagyahay :D

 

Oo kan Af Soomaaligii ayaaaba dhibayee muxuu dagaal gali

Share this post


Link to post
Share on other sites

haduu run sheegayo oo dagaal raadis yahay .. xininyahaas meel looga baahi badanyahay baa jirta.

 

nacasnimo inteeda le'eg weeye ... dhulkaagi xabashi baa ku dhex faakihaysanayso markaas buu somaliland iyo waxaan loo jogiin dagaal ula tagayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wadadii deyr iska tooss uun buu maraya kaasii . isagu jeell ka soo dhex toosay uun buu is arki.

dadka nocaas wa enemy of the state wa ina dill toogasho lugu diila dhagta dhiiga loo darro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WHO IS GARAM-GARAM

 

 

Col Garam-Garam oo ka mid ah dagaal oogayaasha gacmaha dhiiga ku leh ee 18 sanadood daadinayey dhiiga dadka Soomaaliyeed,ayaa isaga oo markii la jabiyey jabhadii Moorgan ee uu ka mid ahaa saraakiisha malayshiyadaas,ee Col Barre Hiiraale ka soo eryey Kismaayo ayuu cararkii ku tegey Kenya,halkaas oo uu ku sugnaa ilaa intii uu maqlay in uu jiro jaanis kale oo uu mudo ku urursado dhaqaale.

 

 

 

Garam-Garam oo ah dadka Soomaalidu u taqaan "Sujuu" ama dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Kenya,iyo Yugaandha,ee aan afsoomaaliga aqoon,ayaa ka soo goostay ciidamada Kenya,kadibna ku biiray ciidankii Soomaaliya ee dawladii hore.

 

Garam-Garam ayaa waxa uu ahaa ciidamadii dawladu u diri jirtey gobolada Jubooyinka si ay u barakiciyaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Waamo,waxaana lagu xasuustaa dhibaatooyinkii uu ka geystey jasiiradaha Kismaayo,sida Jula-Jawaay,iyo raaskanbooni,iyo dhamaan dhulkii ay joogeen dad ka soo horjeedey maamulkii dawladii hore.

 

Intaas hore waxba ma ahayne,markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye,Garam-Garam wuxuu qayb libaax ka qaatay dagaaladii qabiiliga ahaa ee ka dhacay koonfurta Soomaaliya,isagoo ahaa ninka hogaamin jirey ciidankii Gen Morgan ee 15 sanadood dagaalka ka waday gobolada Jubooyinka,dagaaladaas oo ay ku nafwaayeen kumanaan dad soomaaliyeed oo isugu jirey dhamaan qaybaha bulshada oo dhan.

 

Garam-Garam wuxuu ahaa ninkii miinada ku xidhay buundadii ugu weyneyd koonfurta Soomaaliya ee Kamsuuma,buundadaas oo isku xidha gobolada Jubada Dhexe iyo jubada Hoose,wuxuuna ka qirtay idaacada BBC-da inuu isagu qarxiyey buunadaas,taasoo ilaa iyo hada dunsan,danbigaasna waa mid aan soomaali ilaawi doonin.

 

Garam-Garam waxa loo diri jirey boqolaal kun oo doolar oo laga soo ururiyo jaaliyadaha dibada,isaga iyo Moorgan,waxayna lacagtaas u isticmaali jireen dilka iyo bara-kicinta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna Garam shaqo iyo ganacsi ka dhigtay inuu dadka ku beerlaxawsado inuu Kismaayo xoreynayo,siduu maanta u leeyahay Laascaanood baan xoreynayaa,aanu weligiis cag soo dhigin noloshiisa,balse waxa is weydiin leh meesha Kismaayo ku danbaysey.

 

Qurbajoogta ayaa noqotay meel lacago bilaash ah oo colaad horuniya laga soo doonto,iyadoo Garam-Garam iyo raga noociisa ahba ay ka dhigtaan ganacsi iyo lacag fudud oo ay si sahal ah ku heli karaan,kadibna dagaal maalin ka badan aan soconayn ku laaya boqolaal dhalinyaro ah oo aan waxba galabsan.

 

Garam-Garam ayaa mar ay waraysatay idaacada BBC-du waxa uu sheegay inuu dib ugu noqon doono meeshuu ka yimid markuu Laascaanood tago,taasoo ku tusaysa inuu yahay nin aan dani ka hayn dhulkaas nabada ah ee uu dadka walaalaha colaada ka dhex abuurayo,kadibna uu ka tegi doono markuu dab dhex dhigo.

 

 

READ MORE ......

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Colonel Garam Garam miyaa meesha tagayna :D , walle meeshan dhib waa kasoo socota... ninkaan ma dab yara Ilaahay hafududeeyo Amuuraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col Garam-Garam oo ka mid ah dagaal oogayaasha gacmaha dhiiga ku leh ee 18 sanadood daadinayey dhiiga dadka Soomaaliyeed,ayaa isaga oo
markii la jabiyey
jabhadii Moorgan ee uu ka mid ahaa saraakiisha malayshiyadaas,ee Col Barre Hiiraale
ka soo eryey
Kismaayo ayuu cararkii ku tegey Kenya,halkaas oo uu ku sugnaa ilaa intii uu maqlay in uu jiro jaanis kale oo uu mudo ku urursado dhaqaale

Warlordkani muxu jab u soo taagnaa. redface.gif

 

Waa in ninkan inta nolol lagu soo qabto maxkamad lasoo taago dhibaatooyinkii Jubooyinka u ka gaystay oo waliba u doonaayo inu xageena u soo raro. I am sure putting him on trail for warcrimes would capture the headlines for few days. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this