Sign in to follow this  
General Duke

12 August the End of TNG/Koxda Carta ...Analysis

Recommended Posts

TNG hangs in the balance as mandate ends

 

 

Parliament speaker - Abdallah Derow Isaak & PM Hassan Abshir Farah - We are prepared and willing to hand over power to any duly constituted government ...

 

NAIROBI, 12 Aug 2003 (IRIN) - Uncertainty hung over Somalia's Transitional National Government (TNG) on Tuesday after prime minister Hassan Abshir Farah announced that the TNG's mandate would finish on Wednesday at the end of its three-year term.

 

But TNG President Abdiqassim Salad Hassan, who sacked Hassan Abshir along with parliament speaker Abdallah Derow Isaak at the weekend, has said the interim government will continue until new institutions are formed through free and fair elections. Last month, Abdiqassim walked out of peace talks underway in Kenya saying they were leading towards the "dismemberment" of Somalia.

 

In a written statement issued in Nairobi on Tuesday, Hassan Abshir and Abdallah Derow Isaak said any attempt to extend the period of the TNG was "unconstitutional".

 

"We, as the representatives of the TNG, are prepared and willing to hand over power to any duly constituted government that emerges from this conference," they said.

 

They again accused Abdiqassim of trying to hang on to power, and said there was no quorum in parliament to sanction their dismissals.

 

In the statement, they expressed regret that many of the TNG objectives - set by the Arta conference of 2000 - had not been accomplished.

 

This, they said, was due to two main reasons. Firstly the armed opposition had made it impossible for the government to fulfil its mandate, and secondly there had been a "lack of meaningful international support to the government".

 

"In spite of the difficult stages through which the conference has passed, it is reassuring that the bright end is at long last on the horizon and we are very hopeful that it will produce a broad-based government that will get the Somali people out of the suffering endured in the past decades," the statement said.

 

 

Source: IRIN, Aug. 12, 03

Share this post


Link to post
Share on other sites

..Cabdiqaasim iyo heestii "nin Ceyra wiligii ceeb kama fogaadee"

 

Maanta waa 12kii Agoosto, lurkii carte iyo C/qaasimna xag sharci ahaan ayeey u dhamaatay laakiin su'aasho

waa taariikhdu Carte halkee bay ka gali doontaa?

 

Anigu waxaan qabaa in Carte ay horayba u gashay taariikhda, haboon tahayna in lagu qoro buugga rikoorada ee giiniyus booga sababaha soo socda darteed:-

 

1. Waa dawlad ku sheegii ugu beenta badneed ee dunida soo marta oo maleeshiyada qabiilka C/qaim ku sheegtay tii qaranka Somaliyeed.

2. Kooxdii magaca dawladnimada dhaawacday intii dunidu jirtay sida iyadoo maanta waxay yiraahdaan maalin ka dib beeniya hadana ka soo noqda , taas oo aad ka garan kartid sida ay u dhaqmi jireen intii ay ka bayacmushtarayeen magaca somaliyeed.

3. Wax dawlad la yiraahdo ee Somaliya soo maray tii ku baryoontantay in Itobiya u saxiixdo dhulka Somalida maqan .

4. Kooxdii dawlad aan jirin xoolo ku soo hela oo iskaba dhaaf wax kallee hunguriyeeya in damaanad ahaan lacag ugu qaataan hoteeladii dawladda ee burburay sida Jubba laakin Liibiyada aan xisaabtamin xataa aay diiday.

 

Gabogabadiina, Somalida oo dhan waxay isku raacsan yihiin in Beelaha USC ay geysteen dhibkii ugu badnaa ee Somaliya ka dhacay inkastoo beelaha kalena ayan maradoodu ayan cadeen sida waqooyiga oo oo dagaalkii labaad ee ugu darnaa ka dhacay, PL oo iyaguna C/qasim uu madaxa iskugu dhuftay iyo waliba Mirifle oo dhibkii loo geystau ku darsaday in ay dagaalaan.

Sidaas oo ay tahay ayaa hadana Somalida + Mudulood waxay qabaan in garbkii Ceydiid ay dadka oo dhan ay dambi ka galeen.

Haddaba, kooxdii dambiilayaasha lagu qiray ee Caydiid ayaa sheega in ayan isku mid aheyn balse beesha hoose ee C/qasim ay ahaayeen kuwii falay inta badan dambiyada ay galeen. Marka soo ma oran karo, aniga oo fiirinay C/qasim iyo Cartaba in xaalkoodu uu taagan yahay, "Nin Ceyri Waligii Ceeb Kama Fogaadee Maantay u Darantee Xagee Baan Xuskadaa"

Jawaabtuna Waa Meelna...........

 

A.Dirir

 

www.mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdalla Deerow & Xasan Abshir oo sheegay in dowladda KMG ahi watigeedii uu dhamaaday ayna iyagu sii haynayaan xilalka .

Nairobi

 

 

XasanAbshirookoruhayaliiskaxildhibaanada

 

Xasan Abshir iyo Cabdalla Deeroow

 

Waxaa saaka kulan balaaran oo ay ka qeybgaleen qaar ka tirsan xubnaha golayaasha TNG-da ee ku sugan magaalada Nairobi, qeybo ka tirsan ururada bulshada rayidka, wakiilo ka socday kooxaha SRRC-da, odayaasha dhaqanka & tiro ka socotay ergada rasmiga ah ee shirka ka qeybgaleysa lagu qabtay hoolka shirarka ee college-ka Mbagathi ee magaalada Nairobi, waxaana kulankani qabtay guddoomiyaha baarlamaanka dowladda KMG ah Cabdalla Deerow ***** & ra’iisul wasaare Xasan Abshir Faarax, iyada oo halkaasina ay labada mas’uul ka jeediyeen qudbado ay ku soo bandhigeen waxqabadkii dowladda KMG ah xilligii ay jirtay, turun turooyinkii la so gudboonaatay muddada 3 sano & xaalada kala qeybsanaan ee haatan ay ku aqdaamatay dowladda KMG ah.

 

 

 

 

Cabdalla Deerow ayaa sheegay in xilalkii ay ummada Soomaaliyeed ugu soo dhiibatay shirkii Carta ee Jibuuti mandate-keedu in uu maanta ku egyahay, ayna xilalka sii haynayaan inta shirkan loo fadhiyo ay ka soo baxeyso dowlad loo dhan yahay isla markaana ay xilalkoodu ku wareejin doonaan dowladdii shirka ka soo baxda.

 

“Waxaa nasiib darro ah in madaxweynaha dowladda KMG ah, C/qaasim Salaad Xasan, uu goostay in uu shirka ka baxo, sababaha uu sheegay in uu shirka uga baxay waxaa ka mid ah in axdiga cusubi uu qorayo: in wadanka la kala googooynayo; in diinta islaamka laga leexanayo, & in luqada carabiga laga tegayo.

 

Hadaba arrimahaasi ma ahan kuwo run ah waxaana lagu caddeeyay axdiga cusub, waxaana cad in arrimahaasi uu C/qaasim ka dhiganayo marmarsiiyo ee ujeeddadiisu tahay in uu dheereysto mudada madaxweynenimadiisa, waxaana taasi inoo caddeynaya sheegashadiisa ah in uusan oggolaaneyn go’aamadii shirka ka soo baxa (Xittaa markii ay beenowday arrimihii uu axdiga ka sheegay) & ku adkeysigiisa ah in shircigu u ogol yahay in uu mudada dheereysan karo isaga oo aan si sharciga aan waafaqsaneyn u cuskanaya dastuurkii 1960-kii ee Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Abshir Faarax oo halkaasi ka aqriyay qoraal dheer, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in xilalka ay sii haynayaan ayna ku wareejin doonaan dowladdii lagu soo doorto shirka.

 

Diinaari

Waxaa maanta shirka soo camiray waxey ahaayeen SRRC & qeybo ka mid ah ururada bulshada rayidka oo ay xiriir siyaasadeed leeyihiin SRRC-da, waxaana saaka madasha shirka ka muuqday xubno sheeganayay xildhibaano oo sitay kaarar been abuur ah, tirada xildhibaanada ah ee shirka saaka ka qeybgashay waxey ahaayeen 32 xildhibaan, iyada oo ay jireen xildhibaano u haystay in shirkaasi lagaga gol lahaa in xilalka loogu wareejiyo Kiplagat” ayuu yiri xildhibaan ka mid ah golaha baarlamaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

 

Sidoo kale, waxaan Juhdi & dedaal u galnay siddii aan u heli laheyn tirada rasmiga ah ee ah xildhibaanada sharciga ah ee ku sugan magaalada Nairobi, waxaana soo xuuraansanay in tirada xildhibaanada & beelaha ay ka soo jeedaan, waxeyna kala yihiin sidatan:-

 

 

Wariye Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile,Muqdisho,Somaliya

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka kmg Ah Oo La Sheegay In Maanta Mudadii Loo Kordhiyey

 

Iyadoo ay maanta ku ekeyd muddadii ay jiri lahayd Dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa dadku ay u dhegataagayeen waxa ka soo yeeri doona masuuliyiinta dowladdii kmg ahayd oo dabcan si wayn u kala jajabay xilli uu waqtigoodii dhamaaday. Maanta ayaa haddaba ku xigeenka koowaad ee guddoomiyihii

 

 

baarlamaanka ninka la yiraahdo Maxamed Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay in Baarlaaanka kmg ah oo maanta waqtigiisii ay ugu ekeyd uu sii wadi doono howlihiisii caadiga ahaa, inta laga helayo dowlad soomaaliyeed iyo baarlamaan si sharci ah loo soo doortay oo uu yeesho dalka Somaliya .

 

 

Maxamed Cabdi Yuusuf oo saxaafadda saaka la haydlayay ayaa waxa uu sheegay in shir dib u heshiisiin ku sheegga ka socda dalka Kenya uu yahay mid lagu kala qaybinayo shacabka Soomaaliyeed ee dagaallladu ay waa hore dilloodeen. Maxamed Cabdi Yuusuf waxaa kaloo uu sheegay in shirarka lagu sheegayo in soomaalida lagu heshisiiyayo ay waqti badan ka lumiyeen dowladdiisa oo shaqooyin badan oo ay qaban lahayd ay ka hor istaageen.

 

 

Isagoo intaas ku daray in dowladda kmg ahi intii ay jirtay ay yeelatay shan kal fadhi oo kaliya taasina ey sabab u tahay shirka ka socda dalka Kenya oo ay waqti badan ku bixisay si loo gaaro xal Soomaali dan u ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

 

Lama garanayo hadalka kan xiga ee ka soo yeeri doona xubnaha sar sare ee dowladdii xijaabatay ee c/qaasim salaad xasan madaxwaynaha ka ahaa, oo walibana maanta afka ciidda darsanaysa, iyadoo aan lahayn towfiiq iyo talo la isku ogyahay oo lagu wajoho waxa ka dambeeya dhicitaanka oo maanta ah iyo haddii waqtiga la kororsan lahaa iyo inkale.

 

Dowladdan oo saddex sano soo tukubaysay iyadoo aan qabanin wax la taabankaro oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed inta u dan ah, waxay maanta u muuqanaysaa mid dabbaqaysa mah maahda Soomaalilyeed ee ahayd “nin daad qaaday xumbo cuskay”

 

 

Dulucda hadalkaasi waa waxa aannu indheheenna ku aragno haddii aannu nahay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta dalka Somalia oo hadal haynta dowladdaasi xijaabatayi u badnayd, waaba hadii ay jirtay wax saamayn ah oo ay bulshada ku lahayd marka laga reebo muddadii ay curdinka ahayd oo dadku inta badan u sacab tumayeen

 

 

Dad badan ayaa aamminsan in hagardaamooyin shacabka Soomaaliyeed ka dhan ah oo ay ku kacday dowladdii Carta oo intii karaankeeda ahayd jeebka ka kuusatay kistii bulshada magaceeda looga soo tuugay dalal carbeed, iyo deeq bixiyayaal u calool nuglaaday cabaadka rag isu muujiyay in ay shacabka Soomaaliyeed samata bixinayaani, ay sabab u tahay kala jabka iyo is lacnadidda ilaa heerka hadda aan aragnay gaaray, ee soo kala dhax galay xubnihii dowladdii Carte ee ka hor intii aanay kala fiigin, kuwaasoo isku soo dhawayn jiray isugna dhawaaqi jiray hadalka kiisa macaan ee is xushmayntu ka muuqato oo dabcan ahaa mid ay ka dhadhamayso in nin walbaba mansabkiisa maduufikada ah ee uu macaashka yar ku helayo ilaashanayey.

 

 

Waa dowlad maanta oo Talaado ah dhacday oo muddo dheer ka hor kalsoonida shacabkeda lumisay , isla markaana aan lahayn r/wasaare iyo raiisul baarlamaan!!! Waxaaba kaaga sii daran isku dhejinta xilka oo aanay kuba tala jirin in ay ka dagto mar haddii waqtigeedii murugada iyo mashaqadaba badnaa ee muranka iyo kala qaybsanka badan dhaliyay uu u dhamaaday.

 

 

C/laahi Khadar, goobjoog, Muqdisho

budbud33@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dib u eegid kooban Caawa oo ugu dambaysa jiritaanka DKMG ah/Kooxda Carta

- Tuesday, August 12, 2003 at 18:18

 

Muqdisho, (AllPuntland)- Lixda saac ee saqda dhexe ee caawa waa xilliga ugu danbaysa ee C/qaasin loogu yeeri doono inuu yahay madaxwaynaha DKG/kooxda carta maadaama ay caawa ku egtahay xilligii rasmiga ahaa ee 3da sano ahayd ee dadkii sadexda kun gaarayay ee isugu tagay tuulada Carta ee Jabouti ay u dhiibteen xilka.

 

Maanta ayuu waxa uu shir la yeeshay golayaashiisa baaqiga kaga ah magaalada Muqdisho oo uu u sheegay sababta maamulkiisii sadex jirsaday uu u noqday fadhiid aan waxba qaban tan iyo intii uu dhisnaa .

 

Marka laga reebo eedayntii awalba uu ujeedin jiray dawladda Itoobiya C/qaasin wuxuu eedayn u soo jeediyay maamulkiisa iyo dadka Muqdisho oo ku sheegay inay ayagu masuul ka ahaayeen socod la'aanta maamulkiisa.

 

Qofba ama kooxba markeeda wax ha eedayso waa wax lagu yaqaan Soomaalida, C/qaasin Qudhadiisa marka laga soo tago dadka Soomaaliyeed ee uu magacooda ku qaraaban jiray isla markaana uu ka hungayn jiray waxa uu magacooda ku soo qaatay waxaa cambaarayn u soo jeediyay dadka uu ka dhashay ee Muqdisho ku sugan kuwaasoo in badanba C/qaasin ku eedeeyay inuu iska maamushay malaayiin doollar oo ay dawlado Carbeed si aysan ka fiirsan u soo siiyeen , si khaldan wax halloo maamulo waa wax dhacda balse C/qaasin lacagihii la soo siiyay waxa uu u adeegsaday inuu ku kala dilo , kala kexeeyo isla markaana uu cadaawad gaamurtay dhex dhigo dad waligood is jeclaa , waxa uu cadaawad ka dhaliyay dadka gobolada Baay iyo Bakool taasi oo illaa iminka ay la tiihayaan, Maamulka Puntland ayuu lacag badan ku baxshay si ay nabaddii ay caanka ku ahaayeen uu uga dhigi lahaa warqad gubatay, in kastoo ay iminka ka soo kabteen , Somaliland oo in muddo ah maamul lahayd ayaa khatar ku gashay inay kala daadato, si kastaba ha ahaatee maanta maamulka C/qaasin ma qaban wax lagu faani karo xataa allaha ka dhigeen in uu isbaaro meel ka qaaday, haddii uu ka qaadayna labo bari ka dib waa mid meesheedii taalla.

 

Dadka reer Muqdisho badankood waxay farxad ka muujiyeen waqtiga ka dhammaaday DKG/kooxda carta in kastoo ay mar walba is ciil kaambiyayaan dhibaatada ka soo gaartay maamulkaasi intuu jiray jirrida sida bareerka ah u dhacda xoolohooda, isla markaana gabdhaha u kufsada dad badanna maxaabiis ahaan u qafaasha .

 

Alloow nabad nasii waa ducada ay Soomaali dhammaanteed ka siman tahay balse Reer Muqdisho waxaa u dheer allow na daba qabo.

 

Lama garanayo tallaabada xigta ee maamulka C/qaasin ee xilkii ka dhammaaday waxa uu samayn doono maalmaha soo socoda , dadka qaar waxay qabaan in uu dib isku caleemo saaari doona halka dadna ay ka qabaan inuu ka mid noqon doono hogaamiyeyaasha ku hardama gobolka Banaadir.

 

C. C. Farayaamo

 

AllPuntland, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Only in Somalia... :D Do we really need another warlord in Mog city? But more then half in parliament, his pm, and parliament speaker are all in Kenya. Insha'Allah this will be the last conference for Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Somali tension as mandate ends

 

The future of Somalia remains highly uncertain on Tuesday as the mandate of the three-year old Transitional National Government (TNG) expires.

 

But Prime Minister Abshir Farah says the TNG will be illegitimate from Wednesday, and accused the president of deliberately trying to make Somali reconciliation talks in Nairobi fail to justify prolonging his stay in office.

 

The TNG was established on 13 August 2000 after a conference of Somali elders and given a three-year mandate to reconcile the numerous warring factions in Somalia.

 

Fear

 

The Somali capital, Mogadishu, is reported to be tense with residents worried about the consequences of the stand-off.

 

They point out that powerful warlords who control parts of the capital have disagreed with President Hassan and have opted to continue participating at the talks.

 

The residents say that if a new parallel government is formed in Nairobi then renewed fighting is likely.

 

The president, who quit the talks on 29 July, accused the peace conference of taking an anti-Islamic direction saying that a transitional constitution being negotiated in Kenya would create a federal state that would divide Somalia.

 

Row

 

President Hassan's opponents have accused him of running scared.

 

"Abdulkassim wants the failure of the peace efforts we are pursuing in Kenya so that he can keep power. He felt he would lose out at this conference," said a spokesman for Prime Minister Farah.

 

There is no indication as yet of what action may be taken by President Hassan's opponents if he continues to ignore the Nairobi talks.

 

Over the weekend both the prime minister and the Speaker of parliament, who remain in Nairobi at the talks, were sacked in Mogadishu.

 

But the sacked prime minister - the TNG's chief negotiator - said the sacking was meaningless as the parliament did not have a quorum when the vote took place.

 

http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/3143733.stm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

It is unfortunate that Abdiqasim left the conference. His concerns are legitimate, but as the Puntland delegate Awad Ashara said "Let everybody who cares about the political problem of our country get on board. The issue of pulling out of the process will not hold water, not at this juncture".

 

It is sad, but the peace of Somalia will not be held for one man. I just hope a president worthy of the post succeeds.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What do u guys think is the rationale for the actions of President of the TNG?? And is he right to think that he can still retain power after the end of the period of the TNG??

 

The impression i get after following the developments of the conference and many different articles is that although he raised some fair complaints and arguments, sadly though his decision to leave the conference whilst his priminster and other collegues from the TNG remained seems to be motivated by a desire prolong his position as President of a 1/5 of Mogadisho :rolleyes: , which is disheartning to see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is sad indeed, because Abdiqasin could have played a more significant role to offset the blanace in favour of creating a new state and a strong government. He has chosen to reck the meeting by joining Osman Ato and Musa Sudi ho where his greatest adversaries when he was claiming t be president, now he works with them?

 

It seems as ever greed has gotten its hold on most of these warlords/presidents but I think his days as a leader is numbered once the meeting concludes. A strong federal government will mean no clan will have more power than they deserve and thus will bring trust back to the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The president, who quit the talks on 29 July, accused the peace conference of taking an anti-Islamic direction saying that a transitional constitution being negotiated in Kenya would create a federal state that would divide Somalia.

 

 

how much of a valid point is the above

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Dhaxan Oo Maanta Magaalada Muqdisho Lagu Toogtay

War Deg Deg Ah: C/laahi Dhaxan oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan booliska DKMG ah si weyna looga yaqaan magaalada Muqdisho, isagoo hada ka hor dhowr jeer dagaalo dhex mareen maleeshiyooyin daacad u ah Maxamad Cumar Xabeed (Maxamed Dheere), ayaa saakay lagu toogtay magaalada Muqdisho. Dilka C/laahi Dhaxan ayaan

 

 

ilaa iyo haatan lagaranayn sababihii ka danbeeyay ka dib kolkii gaari dablay badani saarnayd uu ku rasaaseeyay inta u dhaxaysa kilomitir4 iyo Carwadii hore ee qaranka.

 

 

Dadkale oo ka tirsanaa dablaydii la socotay iyo rayad tiradooduna u dhaxayso 5-7 ruux ayaa iyaguna halkaa ku qurbaxay. DKMG ah ayaan ilaa iyo hada wax hadal ah ka soo saarin dilka loo geystay sarkaalkaas, oo ay si aad ah isugu dhowaayeen wasiirka arrimaha gudaha mudane Daahir Dayax.

 

 

C/llaahi khadar, goobjoog, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Cabdullaahi Dhaxay oo galabta lagu dilay meel guriga Cabdiqaasim u jirta 100 Tilaabo

 

- Thursday, August 14, 2003 at 21:21

 

Muqdisho, (AllPuntland)- 7 qof ayaa ku geeriyootay dad kaloo tiradooda aan la suginna way ku dhaawacmeen ka dib markii dablay hubaysani ayaa maanta rasaas oodda uga qaadeen gaari uu watay Col. Cabdullaahi Dhaxan oo ahaa taliye ku xigeenkii booliskii maamulkii C/qaasin Salaad Xasan.

 

Dablaydii ayaa isla goobtiiba ku dilay C/laahi Dhaxan iyo 5 ka mid ah ilaaladiisa oo saarnayd gaari nooca loo yaqaan Mini Bus (Caasi) sida uu AllPuntlnad u xaqiijiyay wariye madax banaan oo lagu magacaabo Axmed Shariif.

 

Sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ah haweenay jidka maraysay oo ay xabaddu meesheeda ugu tagtay.

 

Wariye Axmed Shariif waxaa kaloo uu noo xaqiijiyay in dhacdadaani ay ka dhacday xaafadda Taleex meel guriga C/qaasin Salaad Xasan u jirta 100 tillaabo (Mitir)

 

Tan iyo markii ay dhacdadaani dhacday ilaa fiidnimadii caawa waxaa aad u yaraa dhaq dhaqaaqa dadka magaalaada Muqdisho.

 

C. C. Farayaamo

AllPuntland, Somaliya

 

 

Your Excellency Abdiqaisn where are all the police, where is all the money, forget Somaliland and Puntland where is Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The president, who quit the talks on 29 July, accused the peace conference of taking an anti-Islamic direction saying that a transitional constitution being negotiated in Kenya would create a federal state that would divide Somalia.

 

how much of a valid point is the above

Shujui

 

Bro the reporter was obviously inexperienced. Abdiqasim accused the conference of being anti-Islamic, because Arabic was dropped as co-first language, and Islam as state religion.

 

Because of his stance those two were replaced in their respective posts. Are those not valid points? Although I fail to see why Abdiqasim is still in Muqdisho. Only Allah, subxanawatacala, knows if he will go back :(

 

Whether or not he goes back, he is the most deserving visible Somali politician to become president. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this