Sign in to follow this  
Paragon

Ulema rulling on collaborators (read at your own discretion)

Recommended Posts

Paragon   

Culaamaa ’udiinka dalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda casriga ee dalka Soomaaliya qaatay mowqif ay ku midaysan yihiin iyagoo isku raacey in diinta islaamka looga baxayo oo lagu gaaloobayo in laga dhinac dagaalamo ciidanka dalka Itoobiya iyo taageerada joogitaanka ciidanka Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

 

Muqdisho, Soomaaliya

 

Markii ugu horeysa taariikhda casriga ee Soomaaliya ayaa culumaa’udiinka Soomaaliyeed waxa ay mowqif mideysan ka qaateen xaalada dalka Soomaaliya iyagoo ku baaqay in ciidamada Itoobiya inay ka baxaan dalka Soomaaliya haddii kale ay waajib diini tahay in qof walba oo muslin ah ay waajib diini ku tahay inuu la dagaalamo ciidamadaas si looga xoreeyo dalka Soomaaliya.

 

Culimadaas ayaa shaaca ka qaaday in wax shaki aysan ku jirin in qofkii naftiisa waaya isagoo la dagaalamaya ciidamda Itoobiya ee jooga dalka Soomaaliya uu galayo janada.

 

Waxaa kale oo ay culimada Soomaalida ay sheegeen in qofkii dhinta isaga oo ku jira safka ciidanka Itoobiya aysan wax shaki ku jirin inuu naarta galayo sida diinta islaamka ay noo sheegtay.

 

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa uga digay dadka Soomaalida inaan lagu beer laxawsan magac qabiil si loo taageero gaalo isla markaana loola dagaalamo dad muslimiin ah isla markaana waxaa ay sheegeen inaan loo baahneen inuu salaad iyo soon isku daaliyo oo muslinimo been ah uu afka ka sheegto qof ka baxay diinta islaamka oo la saf noqdey gaalo ku kufrisay ilaah S.W. iyo nabigiisii maxamed ahaa N.N.N.K.H.A.

 

Culumadu waxa ay aad uga digeen taageerada la siiyo gaalada in diinta looga baxo ha yaraato ama ha badnaatee isla markaana islaanimadu aysan aheen in qofku magac muslin leeyahay ama in aabihiis iyo hooyadii ay muslimiin yihiin oo lagu dhalay diinta islaamka.

 

Bayaankaa ayaa waxa ku muujiyay dhamaan mowqif mideysan dhamaan kooxaha kala duwan ee leh aragtiyada kala duwan ee ah qaabka dowlad islaam ay ku imaan karta iyadoo bayaanka ay ka dhex muuqdaan kooxaha wadamada reer galbeedka ay ku tiriyaan qunyar socodka iyo kuwa ay ku sheegaan seef laboodka taasoo runtii ah miisaan culus oo u baahan in maamulka dalka Itoobiya u dib u gurto ciidamadiisa jooga dalka Soomaaliya maadaama hadda arintu ay u muuqan karto inay yeelato waji kale oo halgan wadaniyeed oo mideeya dhamaan kooxaha kala aragtida duwan ee ka jira dalka Soomaaliya kuwaas oo in badan oo ka mid ah ay ku baaqi jireen in la joojiyo dagaalada hubeysan ee laga dhex wado gudaha dalka Itoobiya maadaama aanan wax natiijo oo aan aheyn burbur iyo barakicis aynaan keeneen.

 

 

 

 

 

Haddaba Bayaankaas ayaa u qornaa sidatan:

 

QORAALKII CULUMAA’UDIINKA WAXAA U QORNAA SIDATAN:-

 

Ilaahay waxa uu ku waajibiyay culimada in ay dadka xaqa u caddeeyaan. Allaah wuxuu yiri: (( Kuwa qarinaya aayadaha iyo hanuunka cad cad ee aan soo dajinay, ka dib markaan dadka ugu caddaynay kitaabka, kuwaas Allaah ayaa lacnadaya, kuwa wax lacanadana way lacnadayaan)).

 

Cidna kama qarsoona gumaysiga Xabashida ee Maraykanku kaalmaynayo ee Soomaaliya qabsaday iyo khasaarooyinka ka dhashay ee naf, maal iyo kuwa kaleba leh oo aan la soo koobi karin. Duullaankaan wuxuu ka mid yahay ololaha caalamiga ah ee Maraykanku hoggaaminayo ee lagula dagaallamayo ummadda muslinka ah iyada oo loogu soo gabbanayo waxa loogu yeero: la dagaallanka argagixisada. Haddaba waxaan soo jeedinaynaa baaqaan waqti bulshada reer Muqdisho uu ku soo wajahan yahay dagaal ciribtir ah oo cusub kaas oo abbaaraya dadka rayidka ah oo leh carruur iyo haweenba. Duullaanka Xabshidu waxa uu xoog saarayaa xaafadaha dadweynuhu daggan yihiin. Waxaas oo dhani waxay dhacayaan iyada oo caalamku arkayo, uun maqlayo wax tillaabo ahna aan laga qaadayn.

 

Bayaankii

 

  • Waxaan ugu baaqaynaa shacabkayaga in uu kaga hortago gumaysiga wax kasta oo uu awoodo ilaa cadawgu dib uga gurto dalkuna xoroobo. Waxaa ka xaaraan ah qof kasta oo ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed in uu gaalada uga hiilliyo muslimiinta; si ay u gaaraan ujeedooyinkooda gumaysi. Qofkii la soo safta gaalada waxa uu kala xukun yahay axkaamta oo dhan, wuxuuna noqonayaa taargad muqaawamada u calaamaysan. Waxaan uga digaynaa kuwa u hiillinaya gaalada in ay ku sii socdaan u adeegista gaalada.
  • Waxaa socda xilligaan diyaargaraynta duullaan weyn oo cusub oo looga jeedo in lagu gumaado dadweynaha reer Muqdisho, laguna burburiyo hantidooda, sidaa aawadeed waxaa ugu baaqaynaa bulshaweynta Soomaaliyeed in ay u kacaan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas soo fool leh iayaga oo adeegsanaya wax kasta oo ay heli karaan. Caalamka intiisa kalena waxaan ugu baaqaynaa in uu u hawlgalo sidii looga hortagi lahaa masiibada weyn eel ala damacsan yahay dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.
  • Waxa xilligaan ka socda Muqdisho ma aha dagaal u dhexeeya laba qoys oo Soomaali ah ee waa dagaal u dhexeeya Xabashida oo ay dabada ka waddo Ameerika, ayna hor socdaan dabadhilifyo Soomaali ah oo qabiilooyinka oo dhan ka dhashay. In dagaalka socda loo badalo dagaal sokeeyena waa waxa ay doonayaan cadawgeennu; sidaa darted waa in aynu ka digtoonaano in aynu ku dhacno shirqoolka cadawgu inoo maleegayo.
  • Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Soomaalida kala qaybqaadanaysa Xabashida dagaalka ay ku soo qaadday shacbiga Soomaaliyeed in ay Rabbi u toobad keenaan oo ay ka waantoobaan xasuuqa ay ku hayaan dadkooda, ayna faraha kala baxaan fal dambiyeedka foosha xun ee ay ku dheceen.

    Waxaan ugu baaqaynaa shacbiga Soomaaliyeed, qabaa'ilkiisa iyo kooxihiisaba in ay ku dhaqaaqaan heshiis dhab ah, ayna mashaakilkooda iyagu xallistaan iyada oo aanay cid kale soo faragalin.

  • Ugu dambayntii waxaan uga tacsiyaynaynaa dhammaan dadkayaga, gaar ahaan kuwa dhibaatooyinku ka soo gaareen xasuuqa gaaladu ku hayso dadkeenna, waxaana xasuusinaynaa in ay leeyihiin Rabbi u hiillinaya oo cid kasta ka awood badan, waxaan kale oo ku boorrinaynaa dadkayaga in ay noqdaan kuwa mutaysta hiilka Alle, ayna ku kalsoonaadaan Rabbigood, isla markaana ay badiyaan baryadiisa.
  • Gabagabadii Waxaan ka baryaynaa Allaha sare ee awoodda leh in uu ka dul qaado ummaddayada dhibaatooyinka iyo shiddada, isaga ayaa sidaas u ahal ah oo kara'e. Alle ha u naxariisto, hana nabadgaliyo Nabigeenna Muxammad ah, aalkiisa iyo asxaabtiisaba.
Muqdisho 26/03/1428 - 14/04/2007

 

 

 

Culimada Saxiixday:

 

 

 

Sh. Shariif C/nuur Shariif Xasan

Sh. Max'ed Nuur Qawi

Sh. Cali Warsame Xasan

Sh. Cumar Iimaan Abuubakar

Sh. C/laahi Cali Xaashi

Sh. Max'ud Ciise Max'ud

Sh. Nuur Baaruud Gurxan

Sh. Nuur Macallin C/raxmaan

Sh. Jaamac C/salaam Warsame

Sh. C/risaaq Aadan Macallin

Sh. Xasan Xuseen Axmed

Sh. Cilmi Dhuxulow Gacal

Sh. Max'ud Macallin Nuur

Sh. C/laahi Max'ud Ciie

Sh. C/laahi Daahir Jaamac

Sh. Muuse M. Daahir Aweys

Sh. Xasan Max'ud Takar

Sh. Yuusuf Cabdi Cawad

Sh. Cismaan Ibraahin Faarax

Sh. Bashiir Caddow Calasow

Sh. Max'ed Shukri Xasan

Sh. C/laahi Cali Afrax

Sh. Jaamac Cismaan Axmed

Sh. C/laahi Sh. Nuur

Sh. Axmed Bile Xasan

Sh. Max'ed Barow Max'ud

Sh. Basiir Axmed Salaad

Sh. Yuusuf Cali Caynte

Sh. Max'ed Bashaar C/kariim

Sh. Nuur Cali Jaamac

Sh. Max'ud Cabdi Ibraahim

Sh. Xasan Axmed Max'ud (Xasan dheere)

Sh. C/raxmaan Axmed Cilmi ( Abyad )

Sh. Yuusuf Tuurxume Jumcaale

Sh. Max'ed Ibraahim Xayle

Sh. Max'ed C/laahi (Casoowe)

Sh. Axmed Cabdi Dhicisow

Sh. C/laahi Axmed Cali

Sh. Jibriil Ibraahim Cali

Sh. Max'ud Ibraahim Suuley

Sh. C/qani Qorane Max'ed

Sh. Axmed Max'ed Suleymaan

Sh. Axmed C/laahi Carab

Sh. Xasan Max'ed Ibraahim

Sh. C/qaadir Sh. Max'ud Sh. Nuur

Sh. Faarax Cali Xuseen

Sh. Max'ed Aadam Buraale

Sh. Max'ed Muuse Cabdulle

Sh. C/casiis Xasan Faarax

Sh. Xuseen Buulle Axmed

Sh. Axmed Cabdi Aadam

Sh. Cali Max'ed Cumar (Suule)

Sh. Cumar Max'ud Cabdi

Sh. Cali-nuur Axmed Max'ed (xogsade)

Dr. Cali Saalix

Sh. C/raxmaan Max'ud Faarax

Sh. Axmed C/samad

Sh. Max'ud Sh. Axmed Xasan

Sh. Cumar Daahir

Sh. Max'ed Tahliil Warsame

Sh. C/qaadir Xasan Warsame

Sh. C/samad C/laahi Cabdi

Sh. Xuseen C/laahi Barre

Sh. C/fataax Xasan Axmed

Sh. Faysal jaamac

Sh. Muuse Cabdi Caraale

Sh. Xuseen Sh. Cali Fiidow

Sh. Xasan Sh. Max'ud

Sh. Kamaal Xasan Cawl

Sh.C/nuur Xirsi (dhoolweyn)

 

 

FG: Waxaa af hayeen u ah culimadaan Soomaaliyeed oo kala joogta dunida daafeheeda waxaa af hayeen u ah Sh. C/nuur Xirsi (dhoolweyn)

 

Tel:252-1-5572466

 

News Update in English www.dayniileone.com

 

Another source: Goobjoog

Share this post


Link to post
Share on other sites

Culimadaas ayaa shaaca ka qaaday in wax shaki aysan ku jirin in qofkii naftiisa waaya isagoo la dagaalamaya ciidamda Itoobiya ee jooga dalka Soomaaliya uu galayo janada.

 

Waxaa kale oo ay culimada Soomaalida ay sheegeen in qofkii dhinta isaga oo ku jira safka ciidanka Itoobiya aysan wax shaki ku jirin inuu naarta galayo sida diinta islaamka ay noo sheegtay

Well,I guess thats a Fatwa eh?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shid! :D

Mine uncle is on there!

 

This is a very powerful statement made by the Culamaa, making their position in the current mess that is Somali politics quite clear indeed.

 

A symbolic green light for thousands of additional fighters to enter the fray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Do you recognise the names in the list yaa Che?

 

It's houses most of Somali Muslim scholars adeer. That ammounts to something, methinks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well Xiin, i saw him two weeks ago, he was attending the Diaspora conference in Leicester, and he never said anything so i'll stay, thank you very much :D

 

Para, although i am no expert on Culamaa rankings and the sort, i recognise several very significant names (including the senior members of the ICU, as you can see). Another thing is that the list compromises of sheikhs from virtually every clan, this bears additional political importance, and gives this message extra leverage among the populace.

 

How authoritative this missive is can only realistically be measured by the subsequent actions it induces on the ground, but it has all the potential of creating a much, much larger insurgency.

 

All out war?

We can but watch, ultimately i doubt two score sheiks can induce a full scale war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Paragon:

^Farax, it sure looks like it.

Oh well,May allah have mercy on every Muslim.

 

You think this a sign? Lke,theres gonna be a heavy war?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

^^Do you recognise the names in the list yaa Che?

 

It's houses most of Somali Muslim scholars adeer. That ammounts to something, methinks.

What does it mount exactly?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Faarax, I have this gut feeling that this is simply the seal of approval needed to wage dagaal kama dambeys ah. This fatwa divides between right in the middle- it sure does give the go ahead to rid Ethiopia out of Somalia, and more importantly, this fatwa ends all previous grey areas for those fighting alongside the Ethiopians. You are no longer considered Muslim, the fatwa declares.

 

Cent, thanks for the information. I have this strong feeling that my uncle is in the list too. I remember him organizing demonstrations in all over Sanaag in support of the UIC. He has a great affinity to Mogadishu (where he ran a Madrassa in Madina) and has felt heartbroken when the Ethiopians invaded it.

 

The Cullama's message sure is a welcome relief. Very much appreciated.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa kale oo ay culimada Soomaalida ay sheegeen in
qofkii dhinta isaga oo ku jira safka ciidanka Itoobiya aysan wax shaki ku jirin inuu naarta galayo
sida diinta islaamka ay noo sheegtay.

 

.. isla markaana waxaa ay sheegeen
inaan loo baahneen inuu salaad iyo soon isku daaliyo oo muslinimo been ah uu afka ka sheegto qof ka baxay diinta islaamka oo la saf noqdey gaaloj
ku kufrisay ilaah S.W. iyo nabigiisii maxamed ahaa N.N.N.K.H.A.

These parts of the statement are crucial, like Para said they leave no middle ground for Somali combatants. This has the potential to cause mass mutinies within TFG ranks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^I am not very sure, Centurion. But if this message spreads to all Somalis and Muslims, you may see a great deal of people with a troubled conscience.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, it will do what religious fatwas do adeer. It will sanction and give a theological validity to the war in Mogadishu.

 

And as Cent said, it's different because most Somali scholars are represented in it. That introduces a united front and takes away the perception of this war being a tribal one...

 

ps--Somehow my uncles's names didn't show up in this list :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this