Sign in to follow this  
Nur

Dooddii Al Xajjaaj iyo Saciid Bin Jubeir

Recommended Posts

Nur   

Nurtel somali Language Service

 

Presents:

 

Dooddii Al Xajjaaj Bin Yusuf Iyo Saciid bin Jubeir

 

 

Sheekadan waa sheeko cibrooyin badani ay ku jirto, waa is-horrtaagnaanta xaqa iyo baadilka ee weligiis jirey, jira imminka weligiina jiri doona.

 

 

 

 

 

Waxaa khutbeeyay maalinkii Jimcaha ahaa Al Xajjaaj Bin Yusuf, markaasuu tujiyey dadka salaaddii Jumacaha, dabadeed wuxuu soo ag maray xabsiga dadka uu dulunka ku xidhay ayagoo ooyaya si uu ugu naxariisto, markaasuu maqlay oohintooda asagoo ugu jawaabaya " Ikhsa uu fiihaa waa laa tukallimuun" aayad Quraan ah oo Allah SWT uu qiyaamaha ku leeyahay daalimiinta, naarta ku dulliyooba hana ila hadlina.

 

 

 

Dabadeed Xajjaaj wuxuu amray askartiisa iney keenaan Imaamka Saciid Bin Jubeir, markaaasuu Saciid Bin Jubeir sii xidhay ( Labistay) kafantiisii, iskuna carfiyey waxa meidka lagu carfiyo, markaasuu aaday oo u tagay Al Xajjaaj asagoo Allah dhikrinaya oo leh " Ilaahayow, ka tiirkiisa aan la ridi karinow, iyo cizzada aan laga reyn karinow, sharkiisa ( Xajjaj) i dhaafi," Saciid Bin Jubeir intuu sii socday wuxuu lahaa " Laa xawla wa laa quwata illaa billaah, wey khasaareen kuwa xaqa baddala, markaasuu Saciid u galay Xajjaaj, wuxuuna ku salaamay " Assalaamu cala man ittabacal Hudaa'" oo ah salaantii Muse uu ku salaamay Fircown.

 

Markaasuu Xajjaj ku yidhi " Magacaa"?

 

Saciid Bin Jubeir: " Magaceygu waa Saciid Bin Jubeir" ( Af Caribiga , Saciid macnihiisu waa mid barwaaqeysan, Jubeir macnihiisu waa mid aan la jabin karin oo kaban"

 

Xajjaaj: " Ma tihidee, waxaad tahay kii hoogay oo jabnaa"

 

Saciid Bin Jubeir: " hooyaday baa kaa og , saa iyadaa i bixisayee"

 

Xajjaaj: " Adigana waad hoogtay, hooyadaana wey hoogtay"

 

Saciid Bin Jubeir: " Ghaibka, Allah unbaa garanaya"

 

XajjaaJ: " Ka warran Nabi Muxammad SAWS?"

 

 

Saciid Bin Jubeir: " Hanuuka Nabigeeda iyo Naxariista imaamkeeda"

 

Xajjaaj: " Ka warran Cali?"

 

 

Saciid Bin Jubeir: " Immamkii hanuunka, Allah ayuu u tagay"

 

Xajjaj: " Aniga iga warran, maxaad iga qabtaaa?"

 

Saciid Bin Jubeir: " waxaad tahay Daalin Allah la hortagi doona dhiigga Muslimiinta"

 

Xajjaaj: " Waxaad igu leedayahy dahab iyo qalin, ha la keena labo kiis oo ah dahab iyo qalin, markaa ku daadiya Saciid Bin Jubeir hortiisa"

 

Saciid Bin Jubeir: " War Xajjaajow, Waa maxay waxani? haddaad u soo aruurusay hantidan inaad kaga baxsato cadhada Allah, wanagsanaa waxaad qabatay, haddaad ka soo aruurisay maalka fuqarada se, kibir iyo xad gudub awgii, waxaan ku dhaartay key nafteyda gacantiisa ku jirto, cabsida maalinka bandhigga weyn, maalinkaas, haweenn walba oo dhasheeda nuujisa wey ka tagi doonta dhasheeda yaab dartii"

 

Xajjaj: " Waxaad igu leedahay kaban ( Guitar) iyo jaariyad ( gabadh) heesta"

 

Saciid Bin Jubeir: waa ooyay iyadoo illintiisa ay qoysay gadhkiisii

 

Xajjaaj: " Maxaa ku helay? ma mirqaantay?"

 

Saciid Bin Jubeir: " Maya, laakin waxaan arkay haweentaan lagu kallifay howl aan loo abuurin, iyo xargo ( strings of the guitar) oo la soo jaray si Allah loogu caasiyo.

 

Xajjaj: " Maxad sidaan u qosolno aad ugu qosli la'dahay?"

 

Saciid Bin Jubeir: " Markaan xasuusto maalinka qubuurta laga soo dhex baxayo, oo quluubta wixii ku jireyna la soo saarayo, ayuu qosolka iga tagaa"

 

Xajjaaj: " Hadaba , annaka maxaan u qosollaa?"

 

Saciid Bin Jubeir: " Quluubtu isku mid ma aha"

 

Xajjaj: " Waxaan kaaga yeeli doonaa dunidaa dab holca haya"

 

Saciid Bin Jubeir: " Haddey taasi dhab tahay, intaan Allah iska dhaafo ayaan adiga ku caabudi lahaa"

 

Xajjaj: " Waxaan ku dili doonaa dil aan weli cid kale loo dilin, ee hadaba dooro"

 

Saciid Bin Jubeir: " Mayee, adiga dooro, wallaahi ima dishid dil , ayadoon sidaasoo kale laguu dilin qiyaamaha"

 

Xajjaj: " Ha la dilo"

 

Saciid Bin Jubeir: " Waxaan wajigeyga i jeediyay kii abuuray cirka iyo dhulka, anoo u iilanahaya ( Allah) oo Muslim ah, oonan ka mid aheyn mushrikiinta"

 

Xajjaj: " U jeediya meel an qibla aheyn"

 

Saciid Bin Jubeir: " Fa aynamaa tuwalluu fa thamma wajhu Allah" aayad Quraan ah, " meeshaad u jeedsataan ba, Waa wajiga Allah"

 

Xajjaaj: " Dhulka dhiga"

 

Saciid Bin Jubeir asagoo muusoonaya (smiling) ayuu akhriyay aayaddan:

 

" Minhaa khalaqnaakum wa fiihaa nuciidukum wa minhaa nukhrijikum taaratan ukhraa" macneheedu ( iyada ( dhulka) ayaan idinka abuurray, iydaanad ku noqon doontaan, haddana iyada ayaa markale la idin ka soo saarayaa"

 

Xajjaaj: " ma qosleysaa?"

 

Saciid Bin Jubeir: " Waxaan ku qoslayaa dulqaadka uu Allah kuu leeyahay, iyo sidaad ugu indho adagtahay inaad ku caasiso"

 

Xajjaaj: " Ha la gawraco"

 

Saciid Bin Jubeir: " ilaahayow, dabadey mujrimkan ha ku saalladin cid kale"

 

Waa la dilay Saciid Bin Jubeir, Allahna waa aqbalay ducadiisii, dabadeedna Xajjaaj waa uu bukooday, wuxuuna u taahayey muddo bil ah sida dibiga, asaga oon dhadhamineyn cunno iyo cabitaan, iyo hurdo la'aan, wuxuuna dhihi jirey, " wallaahi ma seexan habeen aan ku riyoonin anigoo ku dabaallanaya wabiyaal dhiig ah,

 

Xajjaj wuxuu dhihi jirey:

 

" Maxaa ii geeyay Saciid, Maxaa ii geeyay Saciid"

 

Intuusan dhiman ka hor, Xajjaj wuxuu odhan jirey: " waxaan ku riyooday qiyaamihii anigoo naf walba oon dilay la iga abaalmariyey in hal jeer la ii dilo, laakin Saciid bin Jubeir dartii waxaa la ii dilay todobaatan jeer"

 

Allah wuxuu Leeyahay:

 

" Waxa la idiin ballan qaadayna, waa wax iman doona, mana tihidin kuwo baxsanaya"

 

 

 

 

Waxaa Tarjumay Al Faqiiru Ilaa Raxmati Rabbih

 

Nur

 

2003 Nurtel Softwaano Series

 

Somali Language Service

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Originally posted by Nur:

Nurtel somali Language Service

 

Presents:

 

Dooddii Al Xajjaaj Bin Yusuf Iyo Saciid bin Jubeir

 

 

Xajjaj: " Waxaan kaaga yeeli doonaa dunidaa dab holca haya"

 

Saciid Bin Jubeir: " Haddey taasi dhab tahay, intaan Allah iska dhaafo ayaan adiga ku caabudi lahaa"

 

 

Xajjaaj: " ma qosleysaa?"

 

Saciid Bin Jubeir: " Waxaan ku qoslayaa dulqaadka uu Allah kuu leeyahay, iyo sidaad ugu indho adagtahay inaad ku caasiso"

 

 

Waxaa Tarjumay Al Faqiiru Ilaa Raxmati Rabbih

 

Nur

 

2003 Nurtel Softwaano Series

 

Somali Language Service

Labadaas jawaabood waa labo dhaxalgal ah.

 

Thanks Nur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Muraad walaal

 

Runtii, dooddan waa mid aad iiga yaabisay, laakin, dhab ahaantii dad yar ayaa u fiirsada macnaha badan ee sheekadaan ku jirta, Allaha nagu sugo diinteenna, waxaanan ka baryeynaa al caafiya dunida iyo aakhiro.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

thanks nur for sharing that wonderful story, indeed it is a very interesting dood, micna weyn bay xambaarsantahay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaabir   

Originally posted by OG_Girl:

Nur, could u translate in English please !.

 

salaam

walaashiis.. here is the arabic version.. i will try to search for an english vesion of the said story..

 

Jazaak alaah khayr ya Nur.. and thank you so much for taking the time to translate this piece....

May aalaah bless the soul of Sacid Ibin Jubair

==============================

 

سعيد بن جبير: كان كثير العلم حتى قيل عنه:

 

« ليس على وجه الأرض من هو مستغن عن علم ابن جبير »(23).

 

إعتقله رجال الحجاج يوماً، وجاءوا به عنده، فقال الحجاج: انت شقي بن كسير لا سعيد بن جبير(24).

 

فقال سعيد: ان اُمي

 

اعلم حينما سمتني سعيداً.

 

فقال الحجاج: فما ترى في أبي بكر وعمر في الجنة هما أم في النّار؟ (يريد أن يقول سعيد شيئاً يقتله به).

 

فقال سعيد: اذا دخلت الجنة ورأيت أهلها فسوف أعلم من هم أهلها، وان وردت النّار ورايت اهلها فسوف اعرفهم.

 

فقال الحجاج: ما ترى في الخلفاء؟

 

قال سعيد: لستُ موكلا بهم.

 

الحجاج: فأيهم تحبه اكثر من غيره.

 

سعيد: من كان أرضاهم لله.

 

الحجاج: فأيهم أرضاهم لله.

 

سعيد: الله العالم بالخفايا والأسرار يعلم ذلك(25).

 

الحجاج: لم لا تضحك؟

 

سعيد: كيف يضحك من خلق من تراب وقد تحرقه النّار.

 

الحجاج: فلماذا نضحك نحن؟

 

سعيد: قلوب النّاس ليست سواء.

 

فأمر الحجاج ليؤتى بالمجوهرات وتوضع إمام سعيد.

 

فقال سعيد: ان إدخرت هذه لتنجوبها من عذاب القيامة فلا بأس عليك وإلا فاعلم انّها تذهل كل مرضعة عما أرضعت، فلا خير في ادخار الثروة الاّ ما كان زكيّا خالصاً.

 

فأمر الحجاج ليؤتى بالآت اللهو والطرب فبكى سعيد.

 

قال الحجاج: كيف تريد ان تقُتَل؟

 

قال سعيد: كما تحب، والله ما قتلتني قتلة إلا قتلكَ الله مثلها يوم القيامة.

 

قال الحجاج: أترغب أن أعفو عنك.

 

قال سعيد: ان كان هناك عفو فهو من عند الله ولن اطلب صفحاً منك أبداً.

 

فأمر الحجاج ليمد بساط القتل فقال سعيد، (وَجَّهْتُ وَجْهِيَ للَّذي فَطَرَ السَّمواتِ وَالاَرْضَ حَنيفاً وَما أنا مِنَ الْمُشْرِكينَ(26).

 

فقال الحجاج: حوّلوا وجهه عن القبلة.

 

قال سعيد: فَاَيْنَما تُوَلُّوا فَثَمَّ وَجْهُ اللهِ(27).

 

فقال الحجاج: اجعلوا وجهه الى الأرض.

 

قال سعيد: مِنْها خَلَقْناكُمُ وَفيها نُعِيدكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تارَةً اُخْرى(28).

 

فقال الحجاج: افصلوا رأسه.

 

قال سعيد: أَشْهَدُ أَنْ لا إلهَ إلاَّ اللهُ وَحْدَهُ لا شَريكَ لَهُ وَاَنَّ مُحَمَّداً عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ. (صلى الله عليه وآله وسلم).

 

ثم دعا فقال: اللهم لا تسلّطهُ على أحد من بعدي.

 

ولم تمض سوى لحظات قليلة حتى كان دم سعيد بن جبير الطاهر يجري بأمر من الحجّاج

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaabir   

Originally posted by OG_Girl:

Darman , mashkor 7abeby, al3arbi a7san wayed bess ana goltah yakteb engilizi l2na 3ala baly may3ref 3arabi
:D

 

salaam

da i7na ta7t amr sa3adik ya OG-Girl.. :D:D;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nur   

Nolosha iyo geeriduba waa xaq, waana la wada marayaa, waxaase laysku dhaafaa habka loo noolaadoo, iyo habka loo dinto, sheekadani waa mid cibrado badani ay noogu jirto, gaar ahaan maalmahan, dulunkii la boqray, beentiina loo yeelay lugo ay ku socoto, baadilkii loo soo bandhigay sidii badeeco fiican, xaqiina la fool xumeeyay.

 

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this