Sign in to follow this  
Maaddeey

Halgamaa (SYL)wayn oo geeriyooday!

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: NAIROBI

Halgamaagii ugu dambeeyay ee Ururkii Xornimo doonka ee SYL Cali Xasan (Cali Barduuro) ayaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenynya.

 

 

 

Alle ha u naxariistee Waxaa habeenkii xalay ahaa Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ku geeriyooday Cali Xasan Cali (Cali Barduuro) oo ka mid ahaa Dhalinyaradii Ururka SYL oo ahaa Urur Taariiq weyn iyo sumcadba ku leh Soomaalida dhexdeeda marka laga hadlayo helitaanka xoriyadda.

 

 

 

Alla ha u naxariistee Cali Barduuro ayaa waxaa uu qeyb weyn ku lahaa Aas aaskii Ururkii SYL waxaana uu ka mid ahaa dadkii sida weyn uga dhiidhin jiray Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala xukumi jiray gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofurta Soomaaliya.

 

 

 

Cali Barduuro ayaa da’diisu waxaa ay ka badneyd 90 sano waxaana uu halgan dheer u soo galay isaga iyo saaxiibadiisii SYL sidii meel ay isugu keeni lahaayeen Umadda Soomaaliyeed taasoo gumeystuhu kala qeybiyay iyagoo ugu dambeyntiina ku guuleystay.

 

 

 

Ka sakow halkangii xornimo doonka ee uu u soo galay Soomaaliya Cali Barduuro ayaa waxaa uu soo qabtay Xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa Safiirnimo.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee Cali Barduuro ayaa ahaa Halgamaagii ugu dambeeyay ee ka noolaa SYL waxaana Alla ha u naxariistee Cali Barduuro ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this