Sign in to follow this  
Mr. Somalia

kacdoonka dadweyna Hargaysa....

Recommended Posts

 

This is a classic...! :D:D:D

 

Check out the gabey by the brave lady around the 4th minute of the clip...LOL

 

Waa anigii ku habeyyey...

Halyeey aan ku mowdey...

Aayar ku hagaayey..

Anagaa iska diidnayee...

Daahiro iska keen...

 

Anigaa ku ciyaarshey...

Calankeyga ku siiyey...

Caruurtaa kuu tumeysay...

ciroolaa ka ducleyyey...

Baarqab (something)...

Ciidan baad ku xirteynee...

Anigaa kugu diideyyoo...

Daahiro iska keen...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweyne Gadoodsan oo ka Dhiidhiyey Ficillada Rayaale kula Kacay Wakiillada oo Hargeysa Gilgilay

 

= Dalabkii bannaanbaxayaasha iyo soo dhaweyntii layaabka lahayd ee Shirguddoonka

 

= Wasiir Warancadde oo baqdin darteed taageeray gadoodkii mudaharaadayaasha

 

= Hab-dhaqankii booliska, dayaankii rasaasta iyo dadka xabsiyada lagu guray

 

= Qayladii wiil dhallinyaro ah iyo Jidhidhicadii Maxamed Xaashi Cilmi

 

Hargeysa (Jam)- Boqolaal dadweyne gadoodsan ah, ayaa shalay isugu soo baxay wadooyinka caasimada Hargeysa, iyaga oo is hortubay inta u dhexaysa xarrunta madaxtooyada Somaliland iyo cisbitaalka Hargeysa, kuwaasi oo ka dhiidhiyey tallaabada xukuumadda madaxweyne Rayaale ciidammada u duldhigtay Golaha Wakiillada ay codkooda ku soo doorteen.

 

Dadweynaha gadoodsan oo si salmi ah dareenkooda u muujinayey, ayaa goobta ku sugnaayeen ilaa afar saacadood kala dareeray, kadib markii booliska oo amar sare haystaa rasaas nool ooda kaga qaadeen, iyada oo aanay wax dhib ahi rasaasta ka soo gaadhin ciidammada oo sare u ridayey awgeed.

 

Haddaba, goodkaa shacbigu sameeyeen iyo waxyaabihii ugu xiisaha badnaa ee halkaa ka dhacay, ayaa weriyaasha Jamhuuriya oo goob-joog ka ahaa bannaanbaxaas ka diyaariyeen warbixintan:

 

“Booliska oo maalintii labaad la wareegay xarunta Baarlamanka:

 

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, ayaa maalintii labaad xoog ay u adeegsanayso ciidammo boolis oo aad u hubaysan ah maalintii labaad shalay kula wareegtay xarunta Baarlamanka Somaliland.

 

Ciidammadaas xoogga ku haystay xarunta Baarlamanka oo aad u tiro badnaa, isla markaana si ka culus sidii hore u ilaalinayey, ayaa subuxii hore loogu waabariistay iyagoo gebi ahaanba xidhay is-goysyada labada dhinac ee bari iyo galbeed ka xiga dhismayaasha Baarlamanka iyo Madaxtooyada ee jidka wadanaha oo aan loo ogolayn gaadiid iyo lug toona, marka laga reebo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka, shaqaalaha iyo sidoo kale cidda Madaxtooyada gelaysa amma ka soo baxaysa oo keliya. Waxa gebi ahaanba shalay laga xarrimay xarunta Baarlamanka inay foodda geliyaan suxufiyiinta kala duwan ee ka hawlgala warbaahinta maxalliga ah, iyadoo taliyihii ciidanka booliska hawlgalka fuliyey watay uu si cad u horistaagay liis-qoraal hay’adaha warbaahinta ah ka soo baxay Golaha Wakiillada, kagana dalbaday in la soo daayo, balse uu diiday taliyahaasi.

 

Dalabkii Mudaharaadayaasha iyo soo dhaweyntii Layaabka lahayd ee Shirguddoonka:

 

Waxa subaxii hore lagu waabariistay dadweyne boqolaal sare u dhaafaya oo mudaharaad isugu soo baxay agagaarka xarunta Baarlamanka, kuwaas oo si weyn uga cadhaysnaa tallaabada xukuumaddu ku cabudhinayso Golaha Wakiillada, kuwaas oo ciidanka Boolisku ku horistaageen is-goyska dhinaca bari kaga dhegan Wakiillada, halkaas oo muddo ka badan afar saacadood la isku hortaagnaa.

 

Mudaharaadayaasha oo aad u tiro badnaa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa, isla markaana muujinayey taageeradooda ay u hayaan Baarlamanka iyo xisbiyada mucaaradka. Waxaanay dadweynahaasi diideen inay halkaasi ka tagaan ilaa Shirguddoonka Wakiilladu u soo baxo, sidaa daraadeedna waxa muddo kadib dadweynihii mudaharaadayey lug ugu yimi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyeen ku-xigeenkiisa koowaad Md. Cabdicasiis Samaale iyo koox mudanayaal golaha ka tirsan. Waxaanay mudaharaadayaashu ku qaabileen soo dhaweyn diiran, sacab iyo mashxarad, kadibna waxay dhulka kor uga qaaday Guddoomiye Cirro. Intaa kadib hadal uu Guddoomiyuhu u jeediyey dadkaasi waxa uu ugu mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaannu u sheegay in Golaha Wakiilladu fadhiistay, isla markaana guddi ka arrimisa khilaafka taagan la saaray, sidaa daraadeed ay si nabad ah u kala hoydaan.

 

“Aad ayaad u mahadsan tihiin taageeradiina aad muujiseen, waxaanuna idiin sheegaynaa in aannu fadhigii dib u dhignay ilaa Salaasada,”ayuu yidhi guddoomiyuhu.

 

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo markii fadhiga Golaha Wakiillada ka soo dareereen shacabkii isku soo baxay ayaa la hadlay, ayaa isna yidhi; “Fadhigii Golaha Wakiilladu maanta [shalay] khayr ayuu ku dhammaaday, xildhibaannadii fadhiga laga joojiyeyna way fadhiyeen, waxaanuna isleenahay bal inuu Ilaahay soo haddeeyo, waxaannu guddoomiyuhu go’aansaday in laba casho dib loo dhigo ilaa Salaasada, weli waxa socota waanwaan ku saabsan sidii goluhu u hagaagi lahaa.”

 

“Inqilaab sharciyadeed kii u dambeeyey ayaa lagula kacay Golihii Wakiillada, ciidanna waa lagu wareejiyey, waxana maanta [shalay] fadhigii la isla qaatay in ilaa Salaasada dib loo dhigo.”

 

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Md. Maxamed X. Yuusuf (Waabeeye) iyo Md. Maxamed Faarax Qabile, kuwaas oo dadweynaha gadoodsanaa kula dardaarmay in ay nabadgelyada iyo xasilloonida ilaaliyaan.

 

Wasiir Warancadde oo baqdin darteed taageeray ujeeddadii mudaharaadayaasha:

 

Dadka mudaharaadayey waxay halis gelinayeen masuul kasta oo xukuumadda ka tirsan oo jidka lagu horjoogay ee wadnaha magaalada soo mara oo ay qaylo, shiid iyo erayo ka dhan ah kula kacayeen.

 

Masuuliyiinta dadweynaha mudaharaadayey soo dhexgalay waxa ka mid ahaa Wasiirka Duulista Gaadiidka Cirka iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde, kaasoo doonayey inuu dejiyo dadweynaha cadhaysnaa, balse kala kulmay waxaannu ka filayn, kadib markii bannaanbaxayaashu ku khasbeen inuu si cad u taageero, uguna dhawaaqo ujeeddada isu-soo-baxooda. Dadweynuhu si fiican ayey u soo dhaweeyeen Wasiirka oo ay ku ammaaneen waxqabadkiisa iyo sida uu uga suntan yahay maamulka uu ka tirsan yahay, waxayse u soo bandhigeen mabda’ooda ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Rayaale, kaas oo ay aakhirkii ku khasbeen inuu la qaato.

 

Wasiir Warancadde oo saarnaa gaadhi uu gaar u leeyahay oo uu gacantiisa ku watay, ayaa dadweynaha mudaharaadayey waxay ka dalbeen inuu ka dego gaadhiga oo uu dhulka kula hadlo, kadibna markii uu dhulka cago-dhigtay ayaa inta ay kor uga qaadeen dhulka ay ammaaneen kaalinta uu kaga jiro dalka, iyagoo u sheegay inuu yahay wasiir fiican oo waxqabta, sidaa daraadeed si sharaftiisu u sii waarto uu iska casilo xukuumadda uu ka tirsan yahay. “Cali Warancadde wasiirka ugu fiican baad tahay xukuumadda Rayaale, Sharaf baad leedahay ee si aad u dhawrato sharaftaada ku dhawaaq inaad iska casishay xukuumadda Rayaale,” ayaa ka mid ahaa hadaladii iyo soo jeedimihii ay u bandhigeen dadweynihii kor u siday Wasiir Cali Warancadde, waxaannu isaguna kaga jawaabayey dalabkooda erayo ay ka mid yihiin; “Waayahay, waan idinka aqbalay.”

 

Hab-dhaqankii Booliska, dayaankii Rasaasta iyo dadka xabsiyada lagu guray:

 

Ciidanka booliska ee shalay la duldhigay xarunta Golaha Wakiillada oo aad u tiro badnaa, ayaa muddo badan hab-dhaqan fiican kula dhaqmayey dadweynaha mudaharaadayey oo aanay wax dhibaato ah u geysanayn, inkasta oo ay dhawr qof xabsiga u taxaabeen, waxase inta badan ku koobnaayeen inay hortaagnaadaan mudaharaadayaasha, si aanay is-goyska ku dhegan xarunta Baarlamanka u dhaafin.

 

Haseyeeshee abbaaro 11:15 oo ku beegnayd waxyar uun kadib markii Wasiirka Duulista Md. Cali Warancadde uu ka badbaaday inuu ka dhexbaxo dadweynaha mudaharaadayey ee uu u gudbay dhinaca ciidanka boolisku ku sugnaayeen, ayaa waxa mar qudha ciidanku bilaabeen inay rasaas nool u adeegsadaan mudaharaadayaasha si ay u kala eryaan, iyada oo goobtii nabadqabka lagu wada joogay mar qudha isu bedeshay goob fawdo ah, iyada oo dayaanka rasaasta iyo qaylada dadkii rayidka ahaa isla oogsadeen.

 

Waxaanay qabqabteen tiro dad ah oo ay xabsiga u taxaabeen qaar kamid ah dadkii sida salmigga ah isugu soo baxay ee darreenkooda ku cabirayey sida ay uga xunn yihiin ciidammada qabsaday Golaha Wakiilada iyo hoggaaminta Rayaale oo ay sheegeen inay khaatiyaan ka joogaan.

 

Dadka la xidhidhay waxa ka mid ah Khadar Xasan Like oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee degmada 26 Juun Mr. Jamaal Maxamuud Axmed, Mr. Maxamed Cabdillaahi Cali, haween iyo dhalinyaro kale oo ay noo suurto galiweyday inaanu magacyadooda soo helno, dadkaas boolisku xabsiyada ku gureen oo qaar kood suuqa laga soo qabqabtay, ayaa sida wararku nagu soo gaadheen qaar ka mid ah xorriyadooda loo soo celiyey, kadib markii ay saacado badan xidhnaayeen, halka ay ilaa hadana waar kale xukuumadda u xidhan yihiin.

 

Qayladii Waiil dhallinyaro ah iyo Jidhidhicadii Maxamed Xaashi Cilmi:

 

‘Adeer Maxamed Xaashi-yoow, walaahi ha hadlin baa la igu xidhay, waa la i cabudhinayaa, car juuqdheh baa la I leeyahay, adeer wallaahi keliday baa ku dhex xidhan gaadhiga, adeer igala hadal.’ Sidaa waxa ku tiraabay wiil dhallinyaro ah oo ciidamada boolisku ku xidheen gaadhi qufulan oo kuwa maxaabiista lagu guro ah oo yaalay ishaarada dhinaca bari kaga toosan madaxtooyada oo ah halkii mudaharaadku ka socday.

 

Waxa wiilkaas yari la hadlayey Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo markaa ishaarada dhinaceeda la taagnaa wasiirka duulista hawada Md. Cali Maxamed Warancade, markii uu Maxamed Xaashi hadallada ka soo yeedhaya wiilka yar ee xidhan dhegihiisa ku soo dhaceen, ayaa isaga oo jidhkiisa ay ka muuqato jidhidhico badan inta wiilkaasi gacanta u haadiyey ku yidhi; ‘adeer waayahay ee iyara sug,’ dabadeedna wasiirka ayuu ku yidhi ‘waar ninka meesha ka soo daaya.’ Waxaana lagu guulaystay in wiilkii yaraa ee xidhnaa xorriyadiisii dib loogu soo celiyo.”

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Mr. Somalia:

[

Halyeey aan ku mowdey...

]

Halyeeyoow xaal qaado...kuwii isaga ka hooseeyey amaba la shaqayn jireyn iyo xitaa kuwii ay isla shaqada ahaayeen ee Baydhabo ka shaqayn jirey weligoodna Hargeysa imaan waa dembiileyaal miyaa isna halyeey buu noqday?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr Ligle   

War kuwani awoowahey ayaa ii sheegi jirey. Wuxuu yiri "reer hargeysa weligood kama baxan kacdoon, mar siyad ba gumaysto, mar rayale" their whole history nin baa haysto!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Mr. Somalia:

^^^

 

Adiga, horta wax walba maxaad mucaarad ugu tahay...Jaw!

 

Abwaan, yaa maanta nool, oo aad halyeynimo u ogolshahay??

So if I don't agree with waxaad adiga rabtid wax walba waan mucaaradaa?! Shimbirayahow heesa miyuu xaalkii noqday!

 

I just don't like the hypocracy saaxiib...halyeey ruuxii u qalma ayaan u ogolahay not kuwa lagu kabkabayo...and who aniga aan personally u ogolahay waxba macno ma samaynayso ee qofkii u qalma ayaa macne samaynaya!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

oo hada waxaad na leydahay, qof u qalmo majiro. Cajiib! Dadka kale markey iyagu ay sheegtaan, waa ka hor imaanaysaa, adiguna mid ah noo ma sheegi kartid. This is called a surreal travesty of the imagination! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

its funny how all the vultures of puntland come out when they smell blood, only to find a small scratch on a mighty lion who only consumes them and there pathetic little dessert waste land.

 

 

looooooooooooooooooo l, LONG LIVE THE REPUBLIC OF SOMALILAND.

 

I WILL BE HERE FOREVER, AND YOU BETTER PRAY I GET RECOGNITION, OR I WILL EXPAND (LIBUNSRUM).

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL this is rich:

 

"YOU BETTER PRAY I GET RECOGNITION, OR I WILL EXPAND"

 

From the same guy who tirelessly calls the land of the vulturous Puntlanders a "pathetic little dessert waste". Praytell, exactly what good would achieve from expanding into a toxic wasteland?

 

LMFAO. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Mr. Somalia:

^^^

 

oo hada waxaad na leydahay, qof u qalmo majiro. Cajiib! Dadka kale markey iyagu ay sheegtaan, waa ka hor imaanaysaa, adiguna mid ah noo ma sheegi kartid
. This is called a surreal travesty of the imagination!
:D

Soomaalidu waxay tiraahdaa "Si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahay"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this