Sign in to follow this  
Saalax

TAARIIKH NOLOLEEDKA - Musharaxa Madaxweynaha Somaliland - Faysal Ali Waraabe

Recommended Posts

Saalax   

25551mu.jpg

 

 

Faysal Cali Waraabe, musharaxa madaxtinimada xisbiga UCID ee doorashada Somaliland ka dhacaysa 26 June, 2010.

 

Feysal Cali Waraabe, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1948.

 

Waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sannadihii 60-yadii. 1965kii ilaa 1968kii wuxuu ku jiray machadkii tababarka macallimiinta Lafoole ee Afgooye.

 

1968 ilaa 1973 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee engineeringka dhismaha ku soo qaatay Jaamicadda Leningrad ee dalka Ruushka. 1974 ilaa 1976i wuxuu Feysal Cali Waraabe ahaa isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobollada Bay iyo Bakool ee Soomaaliya.

 

1976 ilaa 1981 wuxuu ahaa Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Dhismaha ee wasaaradda hawlaha guud. 1981i ilaa 1984, Feysal Cali Waraabe wuxuu noqday Madaxii engeneerada dowladdii Hoose ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

1984 ilaa 1990, wuxuu guddoomiye u ahaa Shariikad xagga dhismaha ah oo la yidhaahdo Ayaan.

 

Burburkii dawladdii Dhexe ee Somaaliya 1991kii wuxuu Feysal Cali Waraabe iyo qoyskiisu u qaxeen Dalka Finland. Jaamicaada Helsinki ayuu ii sheegay in uu galay, oo uu ku soo Bartay Xidhiidhka Caalamiga ah. Feysal mudada uu joogay Findland wuxuu madax ka noqday ururada Jaaliyadaha Somaliland ee dalkaasi iyo Yurub.

 

1994 ilaa 1996, wuxuu Afhayeen u ahaa Feysal Cali waraabe koox aqoonyahanno qurba-joog ahaa, oo Reer Somaliland ah, oo u soo gurmaday xallinta colaadihii la soo dersay xilligaasi Somaliland.

 

Sannaddii 2001, wuxuu ka mid ahaa aasasayaashii xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID, oo guddoomiye uu ka noqday, iyadoo uu sidoo kale ahaa musharaxa madaxweynaha ee tartanka doorashadii Somaliland sanadkii 2003.

 

Feysal wuxuu mar kale hadda u taagan yahay murashaxnimada kursiga madaxweynaha ee Xisbiga UCID, iyadoo jagada madaxweyne ku xigeenka uu xsibiga u soo sharaxay Dr Maxamed Rashiid Sh. Xassan.

 

Feysal Cali Waraabe wuxuu leeyahay sagaal Caruur ah 8 wiil iyo gabadh, xaaskiisana waa Cibaado Sh.Cali Cabdillaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

1968 ilaa 1973 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee engineeringka dhismaha ku soo qaatay Jaamicadda Leningrad ee dalka Ruushka. 1974 ilaa 1976i wuxuu Feysal Cali Waraabe ahaa isu-duwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobollada Bay iyo Bakool ee Soomaaliya.

 

1976 ilaa 1981 wuxuu ahaa Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Dhismaha ee wasaaradda hawlaha guud. 1981i ilaa 1984, Feysal Cali Waraabe wuxuu noqday Madaxii engeneerada dowladdii Hoose ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

1984 ilaa 1990, wuxuu guddoomiye u ahaa Shariikad xagga dhismaha ah oo la yidhaahdo Ayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Nuune, and what is your point for highlighting those 4 parts? it's all true he was a engineer in mogadishu and later was a head of a construction company called ayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Waraabe was informer who works for the NSS, that is why Waraabe and his ucid are not serious candidate. waraabe is a side kick for NSS senior spy riyaale

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

'Liibaan', in your world everybody is NSS or SNM lol i feel sorry for you niyohow paranoia ba kugu dhacday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this