Sign in to follow this  
The Zack

Jig-Jiga Mourns

Recommended Posts

The Zack   

Sidee Caasimadda Jijiga looga dareemey qaraxii magaalada Muqdisho?

 

 

Waxaa si weyn Magaalada Jigjiga iyo Shacabka ku noolba looga naxay Dhacdadii maalinimadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ahayd dhacdo aad looga naxay Qaraxii loo gaystay Xafladii Qalin Jabinta Ardaydii ka baxday kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, kaasoo ahaa fal aad looga xumaaday.

 

Haddaba Maalinimadii shalay iyo kaddib Qaraxii Magaalada Muqdisho Magaalada Jigjiga waxaad moodaysay in Qaraxu iyada ka dhex dhacay sida ay Shacabka Magaaladu u anfariirsanaayeen, waxayna Dadku ku taxnaayeen Warbaahinada Caalamka siiba kuwa Soomaalidda oo lagala socday Wararka iyo kolba xaaladdu halkay marayso, iyadoo qof waliba uu madaxa haystay Dadka qaarkiisna Muraaro dilaac ay la ooyayeen.

 

Waxaana Masaajidda qaar laga Tukaday Salaadda Janaasatul Qaa'ib loo Tukanayay Dadkii Qaraxaas ku le'day kaddibna loo duceeyay iyadoo sidoo kale habaar aan loo kala hadhin dusha lagaga tuuray ciddii ka dambaysay Qaraxaas ee soo abaabushay iyo kuwii fuliyayba.

 

Qaraxa Muqdisho ka dhacay maalinimadii shalay ma ahayn mid Dadka Muqdisho kaliya ku saabsanaa balse Caalamkii intiisii kale oo dhan bay saamayn ku yeelatay siiba meelaha ay Soomaalidu degto oo ay ugu horeyso Dhulka Soomaaligalbeed oo gabi ahaantiisba shalay ilaa Maanta ay u ahayd Maalin Murugo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

 

Odayaashaan janaazada aan loo dirsanin tukanaya, ma garan waayeen iney caruurtooda iyo dadkooda kala baxaan Urur kusheegyadaan maati leyska ah?

 

Askar jinniga maatadaan xasuuqaya, intooda badan waa kuwa iyaga ku abtirsada, marka caruurtooda iyo dadkooda iney urur shaydhaankaan Al Shabab layiraahdo iney ka badbaadiyaan hadii kale, shaley tii dhacday iyo wax kadaranah wey soo wadaan.

 

p.s

Zack:

Now that we all agree Al Shabab are the devil's children, do you still support Hassan Turki or have you changed your mind?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Nin tiisa daryeelo baa tu kale ku dara, ma adaaba odayaal la talin.

 

 

As for supprting Turki, unlike you I don't base my support on clan lines.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Mr. Somalia:

Odayaashaan janaazada aan loo dirsanin tukanaya, ma garan waayeen iney caruurtooda iyo dadkooda kala baxaan Urur kusheegyadaan maati leyska ah?

**************

 

[ December 05, 2009, 04:41 PM: Message edited by: Admin ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Hunguri saxiib qabyaalad kama wadin lakiin ninkan ina adeerkeen ah ee meesha la soo istagay odayaal baa janaazo aan loo dirsanin tukaday uun baan ducfi nimadiisa tilmaamayey.

 

Tan magaca reerka la xidhiidha, raali halaga ahaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this