Sign in to follow this  
checkmate

Daroogada Sheekh Yuusuf Indhacade iyo xiriirka Dr.Cabdiqaasim

Recommended Posts

Posted to the Web Oct 14, 04:21

 

 

Warbixin ay dhowaan soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in hogaamiye kooxeedka Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) uu gacanta ku hayo beero lagu abuuro maandooriyaha daroogada, isla markaana uu maandooriyaha uga soo go'a beerahaas u suuq geeyo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.

 

Qaramada Midoobay oo baaritaan ku sameysay dhaqdhaqaaqa Sheekh Yuusuf Indhacade ayaa soo ogaatay in hogaamiye-kooxeedkan gacanta ku hayo beero tiradood lagu qiyaasay ilaa 10 oo dhamaantood lagu beero maandooriyaha Xashiishka, isla markaana suuqgeynta maandooriyahan uu ka helo lagac gaareysa $600,000 (Lix Boqol Kun Doolarka Mareykanka) sanadkii.

 

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa toosh cad ku ifisay hogaamiye-kooxeedkan sheegta in uu Sheekh yahay mujtamacana isu tusa in uu yahay nin diin, damiir, iyo dadnimo leh.

 

Waa kuma Sheekh Yuusuf Indhacade?

 

Indhacade oo haatan sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuu ka tirsanaan jiray maliishiyooyinkii gacanta ku dhigay degaanka Shabeelaha Hoose dagaaladii sokeeye kadib, waxaana la sheegay in uu mar madax ka ahaa isbaaro tiilay wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo degaanada uu haatan gacanta ku hayo.

 

Dowladdii Carta intii aanay dhalan wuxuu Indhacade madax u ahaa koox maliishiyo ah oo gacanta ku haysay magaalada Marka.

 

Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Yuusuf Indhacade

 

Dhalashadii dowladdii Carta kadib, Cabdiqaasim Salaad Xassan oo madax ka ahaa dowladdaas ayaa Indhacade u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna Cabdiqaasim gacanta u geliyay Yuusuf Indhacade hub iyo dhaqaale fara badan.

 

Hubkii uu Cabdiqaasim gacanta u geliyay Indhacade iyo dhaqaalihii faraha badnaa ee uu Cabdiqaasim ku taageeray Yuusuf Indhacade ayaa sababtay in Indhacade u awood sheegto hogaamiyeyaashii Maliishiyooyinka ee gacanta ku hayey degaanada Gobolka Shabeelaha Hoose, sida Jannaale, Shalambood, Qoryooley, Buulamareer iyo Kurtun Waarey, wuxuuna Indhacade noqday hogaamiye ay ka weecdaan hogaamiyeyaashii maliishiyooyinka, isla markaana ay maamulka degaanadaas isaga uga dambeeyaan.

 

Taageerada uu Cabdiqaasim siiyo Indhacade waxey aheyd mid socotay sadexdii sano ee uu Cabdiqaasim madaxweynaha ka ahaa Dowladdii Carta, wuxuuna Cabdiqaasim dhaqaale fara badan oo uu magaca Soomaaliyeed uga soo qaaday Beesha Caalamka u leexiyay taageerada Yuusuf Indhacade iyo laba nin oo iyaguna gacanta ku haya degaanada Baraawe iyo Afgooye.

 

Burburkii Dowladdii Carta kadib, wuxuu Cabdiqaasim wixii hub ay laheyd dowladdii Carta gacanta u geliyay Yuusuf Indhacade, waana hubka maanta Yuusuf Indhacade ka dhigay hogaamiyaha ugu awooda badan Koofurta Soomaaliya.

 

Baaritaan uu sameeyay Warsidaha ayaa lagu ogaaday in ilaa maanta uu Yuusuf Indhacade ka talo, tusaale, iyo amar qaato Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan, isla markaana aanu marnaba fulin qorshe uusan Cabdiqaasim la ogeyn.

 

Hadaba su'aasha cid kasta is weydiineysaa waxey tahay hadii Sheekh Yuusuf Indhacade qorshe kasta oo uu fulinayo uu kaga amar qaato Dr. Cabdiqaasim, raad intee la'eg buu Dr.Cabdiqaasim ku leeyahay daroogada uu Yuusuf Indhacade ku beero degaanada Shabeelaha Hoose, isla markaana uu u suuq geeyo magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya iyo dalka debediisaba?.

 

Warsidaha, wuxuu weli ku guda jiraa xiriirka u dhaxeeya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo daroogada uu Yuusuf Indhacade ku beero degaanada Shabeelaha Hoose, iyo weliba xiriirka u dhaxeeya Indhacade iyo shakhsiyaad kale iyo ururo diimeed ka jira Muqdisho, wixii kasoo baxa baaritaankeenana waan idiin soo gudbin doonnaa ee ha u daymo la'aanina.

 

Source: www.aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this