Sign in to follow this  
Suldaanka

Wararkii Somaliland oo Goosgoos ah

Recommended Posts

1. Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliland oo La kulantay Xoghaya Guud Ee Jamacadacarab

2. Garaad Cabdi Qani oo sideed sano ka bacdi soo gaadhay Hargeysa

3. Wafti Heer Qaran ah oo ay ka mid yahiin Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimah

4.Madaxweyne riyaale oo lafilaayo inuu Booqdo Burco iyo Odwayne

5. Xaflado maanta Qariyey Magaalada Caasimada ah Oo loo Qabtay Shacbi ku soo Biiray Kulmiye.

 

 

1. Wasiirka Arimaha Dibada Soomaliland oo La kulantay Xoghaya Guud Ee Jamacadacarab

 

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Adna Adan ayaa waxa ay la kulantay xoghaya guud ee Jamacada Carabta Camruu Muusa mar ay booqosho ku joogtay caasimada wadanka Masar ,

 

wargaysa ka soo baxa wadanka Qatar oo la yidhaahdo Alwadan ayaa ku qoray safxadaha ugu horaysa ee bejkiisa waxa uu waragaysa oo ku daray in wasiirka arimaha dibada iyo xoghaya guud ee jamacada Carabtu,

 

ka wada hadleen sidii jamhuuriyada Somaliland ay wadamada carabtu ay uga cawin lahayd sidiii logu heli lahaa sidii xoolaha Somaliland logu dhoofin laha

 

wadamada Carabta , wargaysku muu sheegin xiliga ay la kulantay wasiirka arimaha Dibada Somaliland xoghaya guud ee jamacada Carabta ,

 

waana markii u horaysay oo wasiir ka socda Somaliland la kulmo xoghaya guud ee jamacada Carabta.

 

 

2

Garaad Cabdi Qani oo sideed sano ka bacdi soo gaadhay Hargeysa Hargeysa(hrg)-Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac, oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada caanka ah ee Beesha *********** , ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac, oo aan Magaalada Hargeysa cag soo dhigin muddo Siddeed Sannadood ah,

 

ayaan ujeedada socdaalkiisa si rasmi ah loo ogayn. Hase yeeshee, xubno ka tirsanXildhibaanada Baarlamaanka Somaliland oo ka soo jeeda Beesha Garaadka ayaa Hargeysa News u sheegay in ujeedada Safarka Garaadku ay la xidhiidho arrimo Caafimaad, balse aanu u socon arrimo siyaasadeed iyo ujeeddo kale toona.

 

Weriye Hargeysa News ka tirsan oo xalay booqday Hoteelka Paradise ee Magaalada Hargeysa, oouu Garaadku degganyahay ayaanay u suurto gelin inuu la kulmo Garaadka,

 

iyada oo Maamulka Hoteelkuu sheegay, in Garaadku xannuunsanayo, xaaladdiisuse ay fiicantahay, balse aan loo oggolayn in loo galo.

 

Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, waxa Magaalada Hargeysa ugu dambaysay sannadkii 1997, wakhtigaas oo uu Hargeysa ka socday Shirweynihii Saddexaad ee Beelaha Somaliland ee dib loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

 

Wakhtigaas ayaa Garaadka iyo Marxuum Cigaal waxa ay isku khilaafeen xulista xildhibaanadii Beesha *********** uga qayb galayay Golihii Wakiilada Somaliland, arrintaas oo sababtay in Garaadku cadho kaga tago Hargeysa, isaga oo u ambabaxay Magaalada Laascaanood oo uu ku sugnaa.

 

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo

Email: editor@hargeysanews.net

Qarannews

 

 

3. Wafti Heer Qaran ah oo ay ka mid yahiin Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimah

Waxa Gordhow lafilayaa in wefi ballaadhan oo heer Qarana inay uduulaan Jamhuuriyada DJibouti, weftigan oo ay horkacayaan wasaarada Maaliyada Ambassador Xuseen Ali Ducaale,

 

iyo Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo ka imanaysa Qaahira Dalka Masar ayaa la filayaa in ay dalka Djibouti kula kulmaan waftiga balaadhan ee ka socoda Maamulka Madaxweyne Bush iyadoo ilo madax banaan oo ku dhow dhow Waftigaasi ay noo xaqiijiyeen in weftigu ay kala hadli doonan waftiga culus ee ka socoda Congress-ka Maraykanka Qadiyadda Somaliland iyo iskaashiga Argagixisada Caalamiga.

 

Waftigan Maraykanka ah ee balaadhan ayey sheegayaan ilaha aanu helnay in uu ahaa kii ugu horeyay abidkeed taariikhda Somaliland ee Maamulka Dalka Maraykanku U Soo diro Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka maaliyada Somaliland Mudane Hussein ali ducaale ayaa dhawaan sheegay in Somaliland heli doonto aqoonsi caalamiya bilaha soo socodda halkaana loogu laalaabi doono cadowga ka soo horjeeda qadiyadeena.

 

Madaxweyne Daahir Reyaale Kaahin Mar ay Hadhwanaagnews la yeelatay waraysi bishii hore Dabayaaqadeedii ayuu tilmaamay madaxweyne Reyaale in la joogo xilligii la aqoonsan lahaa Somaliland oo aduunkii soo Eegayo,

 

Waftigan balaadhan ee ka socoda Congress-ka maraykanka waxa ay soo af-jaraysaa muddo badan oo cadowga Somaliland ku naaloonayeen in aanay Somaliland heli doonin aqoonsi oo ay ka mid ahaan doonan somaliya iyadoo rajaddii laga qabay somaliweyn ay maraykanka u cadeysay in aanay rajo lahayn Somaliland-na noqotay dal wax qabsaday.

 

Dhinaca kale waxa aan meesha ka madhnayn mar hadii ay doorashadii ugu danbaysay ee ka hadhay dhamaystirka nidaamka dimuqraadiga ay qabsoomi doonto 15 Sep2005,

 

oo ay xukuumadu usheegto shacabkeeda markaydoorashadu dhacdo ayaa soomaaliland aqoonsiga helidoontaa oo ay arintaa ay kala hadli doonaan. Hadhwanaagnews

 

qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

4. Madaxweyne riyaale oo lafilaayo inuu Booqdo Burco iyo Odwayne

 

Har(HRG)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda booqasho uga bilaabanto Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Sidaa waxa Hargeysa News u cadeeyay ilo xogogaala oo ku dhow-dhow xarunta Madaxtooyada Somaliland.

 

Sida ay ilo wareedyadani tibaaxeen Madaxweyne Rayaale waxa uu Magaalada Burco ka geli doonaa dhinaca Degmada Oodweyne oo uu ku horayn doono.

 

Ilahani waxa ay sheegeen in ujeedada socdaalka Madaxweynaha iyo weftigiisu la xidhiidho ololaha doorashada Baarlamaanka Somaliland., waxase ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan Maalinta uu Madaxweynuhu u socdaalayo Magaalada Burco iyo weliba mudada uu ku maqnaanayo.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Cabdi Idiris Ducaale, oo Hargeysa News, wax ka weydiisay socdaalka Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday ka hadalka arrinkaas. Waxase laga warqabaa in Madaxweyne Rayaale maalmo ka hor uu booqasho ku tagay xarunta Gobolka Awdal ee Boorama,

 

halkaas oo la tuhunsanyahay in ujeedada u weyn ee uu u tagay ay iyana la xidhiidhay hawsha ololaha doorashada Baarlamaanka.

 

Degmada Oodweyne, ayaa ah Magaalo ay inta badan siyaasiyiinta Somaliland u maraan Magaalada Burco, iyada oo sida laga warqabo Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,

 

safarkiisii u dambeeyay ee uu ku tago Magaalada Burco oo ku horeeyay degmada Oodweyne, halkaas oo loogu soo dhaweeyay si balaadhan iyada oo lagu qaabilay Fardo.

 

Sidaas oo kale guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna mar uu bishii April ee sannadkan socdaal ku tagay Magaalada Burco waxa uu ku horeeyay Degmada Oodweyne oo uu Burco ka galay,

 

halkaas oo isna si ballaadhan loogu soo dhaweeyay isla markaana lagu qaabilay Caano Geel oo Lis ah.

 

Waxa soo weriyay Maxamed-Rambo

Email: editor@hargeysanews.net

 

 

5. Xaflado maanta Qariyey Magaalada Caasimada ah Oo loo Qabtay Shacbi ku soo Biiray Kulmiye.

waxaa maanta ka dhacday Caasimada Somaliland xaflado si miisaan leh loogu soo dhaweenayey degaanadii, beelihii iyo degmooyinkii ka soo jabay xisbiga UDUB, kuwaas oo ku soo biiray Xisbiga Kulmiye, waxaa ka mid ah reer Dacar Budhuq oo iminkadan ay ka socota Hotelka Araweelo ee magaalada Hargeysa xafladoodii.

 

Halkaasna waxa jooga Gudoomiyihii xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamud iyo Xubno badan oo guddiga fulinta ah. Weli xafladaasi waa socotaa, waxaana ka muuqda qiiro badan iyo isciilkaambi ay muujinayaan xubnaha goobta ka hadlyey, xubnahaas oo doorkii hore u codeeyey UDUB oo u arka in ay xisbigii ay u codeeyeen aanu tixgelin karaamadii degaankaas iyo beelahaas.

 

Xaflad kale oo ku soo biiris Xisbiga Kulmiye ah oo iyana hadda ka socota Xaafadda Maxamed Mooge ee Degmada Maxamuud Haybe, ayaa si balaadhan iyana loo soo agaasimay, waxaana khudbado dhaadheer iyo kaftanba ay is dhaafsanayeen dadka dekaankaas, xubno ka mid ah Xisbiga Kulmiye, oo ay ka mid yihiin Guddoomiayaha Gobolka Hargeysa Cusmaan Hindi, Cabdilaahi Geel-jire iyo Guruuje, ayaa xafladaasna hormuud ka ahaa dhinaca Xisbiga Kulmiye. dadka soo biiray labada xafladood magacyadooda lama soo soobi karo waayo, waa ddegaano dhan.

 

Waxaanuse idiin soo gudbin donaa Khudbadihii halkaas lays dhaafsaday marka xafalduhu dhamaandaan. waxaad kala socotaa wararkaa Somalilandfuture online.

 

Somalilandfuture online

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

You better post this news in Togdheer.com, this forum is called SOMALIAONLINE and has got nothing to do with so called Somaliland, so please post this garbege in there, we don't give a monkee of Riyaale and gangs. I thought you hated somalia and wanted nothing to do with it, so why use their forums,

 

:D:D:D BAKHTIGA MA CUNO, FUUDKIISANA WAAN CABAA. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ali_baba sxb you never say a word when the forum is bombarded with news events from other areas, so what gives you the right to complain now?

 

Suldaanka sxb to be honest, I am exteremely ignorant (for the most part) on the happenings of that part of the Somali peninsula, so thanks for starting this thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Johnny B   

Originally posted by HornAfrique:

Suldaanka sxb to be honest, I am exteremely ignorant (for the most part) on the happenings of
that part of the Somali peninsula,
so thanks for starting this thread.

Is it so hard to say Somaliland?

come on SOL politician ..say it after me ..

S.O.M.A.L.I.L.A.N.D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

On the contrary Johhny, it's not hard for me to say "Somaliland", though my opinion on its secessionist ambitions is not a secret. icon_razz.gif

 

Suldaanka sxb then why the il-jabis. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

You better post this news in Togdheer.com, this forum is called SOMALIAONLINE and has got nothing to do with so called Somaliland, so please post this garbege in there, we don't give a monkee of Riyaale and gangs. I thought you hated somalia and wanted nothing to do with it, so why use their forums,

 

 

alibaba That was uncalled for.This is news is about part fo Somalia and has a right to be here just as the rst of Somalia's news.My suggestion is you apologise to Suldanka

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

So people who are "part" of Somalia have right to be here and others do not, is that what you are trying to say Mr. ORGILAQE. :rolleyes:

 

 

LOL@H.A.

prolly, saxar ayu ahaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

You better post this news in Togdheer.com, this forum is called SOMALIAONLINE and has got nothing to do with so called Somaliland, so please post this garbege in there, we don't give a monkee of Riyaale and gangs. I thought you hated somalia and wanted nothing to do with it, so why use their forums,

 

War isku xiishood nin weyn baad tahay ee, side docil la laguursadey haa uu hadlin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

same here sxb

 

I sense that you think I am being fulsome in my replies. Perhaps you were not as honest as I thought in your comment b4. hmmm :confused:

 

dhagar qabe dhulka u dhaqdhaqaaqa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this