Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Abdullahi Yousuf's claims being Arab what is true about?

Recommended Posts

C/llaahi Yuusuf “Ma ogtahay in awoowgey la yiraahdo C/raxmaan Ismaaciil C/samad Al-jabarti, waxay-na awooweyaashey ka soo haajireen dalka Yeman”

(Wareysi dheer oo xiiso leh)

 

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu asalkiisu yahay Yemani ka soo jeeda magaalada Zubeyd, Beesha Jabarti, wuxuuna wareysi dheer oo arrintan uu ku faahfaahinayo iyo xaaladda Soomaaliya siiyay weriye Wakaalada wararka ee dalka Yeman SABA oo u soo martisay.

 

“Ma ogtahay in awoowgey la yiraahdo C/raxmaan Ismaaciil C/samad Aljabarti, waxay awooweyaashey kasoo haajireen dalka Yeman iyagoo khilaaf Yeman ka dhacay ay uga soo carareen, sidaas ayaa naaneys looga dhigay beesheyda (*******), waana beesha uu ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, waana Beesha ugu badan Soomaalida” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

Wuxuu sharaxay beelaha kale ee Soomaalida isagoo yiri: “Waxaa kaloo Soomaaliya ku nool Beelaha ****** ee ay kasoo jeedaan madaxweynihii hore ee Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan, waxaa kaloo Beesha ****** aha inta badan qabqableyaasha dagaalka iyo madaxdii Maxkamadaha”.

 

Wuxuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu warrmay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho (Villa Somalia) wakaalada wararka ee dalka Yeman SABA wuxuuna weriyaha wareysiga ka qaaday inuu sheegay inuu kula hadlay hadal degan oo kalsooni ay ka muuqatay isagoo weliba ku sugnaa caasimadda Muqdisho oo aanay imaan ilaa markii la doortay sanadkii 2004-ta, waxayna u muuqataa in maxkamadihii islaamiga ay howl weyn u qabteen markiii ay ka nadiifiyeen caasimadda qabqableyaashii dagaalka.

 

C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa Warbaabinta dalka Yeman iyo kuwa Carabta inay joogaan Muqdisho iyo Soomaaliya oo iyagu xaaladda Soomaaliya tebiyaan halkii ay ka qaadan lahaayeen wakaalada reer Galbeedka.

 

Wareysigii dhex maray Weriye Axmed Alzarqa iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf Wxuu u dhacay sidatan:

 

SU’AAL: Mudane Madaxweyne sidee u qiimeyneysaan doorka dalka Yeman iyo dalalka deriska ah ee xaaladda Soomaaliya?.

JAWAAB: Madaxweynaha Yeman waa madaxweynaha kaliya ee Carbeed ee daneeya waxa ka dhacaya Soomaaliya, Yeman waxay ahayd oo ilaa iminka tahay kalain muhiim ah uga jirta arrimaheeda, Soomaaliduna ma iloobi doonto taageeradii Yeman ee guud ahaan xaalad kasta uga jirtay kooxaha Soomaalida ee iska horjeeday, taageeradii ay siineysay Soomaalida ilaa markii ay burburtay dowladii hore, madaxweynaha Yeman wuxuu taageero buuxda la daba joogaa nabadeynta Soomaaliya, dunida oo dhanna Soomaaliya ayuu uga doodaa, iyo shacabka Yeman oo wax weyn noo qabtay isagoo marti geliyay oo kaalmeeyay qaxootiga Soomaalida waxayna saameyn weyn ku leedahay dadka Soomaalida. Dhibaatada Soomaalida waa dhibaato aan Soomaaliya u gaar ahayn ee saameyn ku leh dalalka deriska ah ee doonaya nabad iyo xasilooni, waxaan dalalka deriskeena ah u qabanay shaqo weyn haddii aan la dagaalanay Maxkamadihii islaamiga maxaa yeelay waxay halis ku ahaayeen dalalka deriska nala ah iyo Gobolka oo dhan, waan in sidaas loo wada gartaa.

 

SU’AAL: Maxaad ka leedahay dalalka Afrikaanka ee deriskiina ah?

 

JAWAAB: Ma iloobi karo kaalinta taageerada Itoobiya siisay nabadda Soomaaliya, sidoo kale Kenya oo saaxiibadeen ah, laakiin mowqifka Jabuuti su’aalo badan ayaan ka qabnaa, sida aan soo sheegay dhibaatada Soomaaliya waxay waa dhibaato Gobolka oo dhan saameyn ku leh, sidaas darteed ayaan u aaminsanahay in nabad lagu wada noolaado Gobolka, anagu waxaan ka hortagnay Maxkamadihii inagoo dalalka deriska ah wakiil ka ah, waxaan maxkamadihii ula dagaallannay danaha Soomaalida iyo tan Gobolka guud ahaan.

 

SU’AAL: Mudane madaxweyne kadib markii ciidamada dowladda ay qabsadeen Caasimadda Muqdisho, lagana adkaaday Maxkamadihii Islaamiga ahaa, maxay yihiin waxyaabaha ugu waeweyn ee dowladiina waqtiga soo socda qaban doonto si loo afjaro fowadda 16-ka sano socoyay?.

 

JAWAAB: Run ahaantii, waxaa na horyaala arrimo muhiim ah oo fara badan, intooda badanna waxay ku xiran yihiin dhinaca ammaanka iyo habeynta maamulka caasimadda Muqdisho, magaaladan wa balaaran tahay waxayna u baahan tahay dadaal xoog leh si nabad loogu soo celiyo kadib cabsi ay ku jirtay 16 sano ka badan oo xilligaasna la burburiyay adeegyadii Bulshada, waxaana loo baahan yahay in dowladu dhisto maamulka 16-ka degmo ee magaalada, loona magacaabo mas’uuliyiintoodii, in la dhiso saldhigyadii Booliska, la soo nooleeyo Maxkamadihii, la dhiso Xabsiyadii,, haddii aan baahidaas la buuxin ma awoodi kareyno inaan ammaanka kusoo celino magaalada, hadda waxaanu magacawnay Duqa magaalada Muqdisho, wuxuuna bilaabay howshiisa maalmo gudahood waxaan magacaabi doonnaa guddoomiyeyasha degmooyinka caasimadda, waxaan diyaarinay dib u furista saldhigyada Booliska, waxaan bilownay soo nooleynta Maxkamadaha, waxana ku dhow nahay inaan diayarino goobaha lagu xiro dembiilayaasha, qeybta kale waxay la xiriirtaa ammaanka guud si loo gaaro waxaanu magaalada ka nadiifin doonnaa haraagii Maxkamadaha oo aan ka guuleysan doono, sida aan ogtihiin: qaarkood waa carareen, qaarkoodna halkan Soomaaliya ayay joogaan, waxayna hadda ku jiraan diyaargarow waxaana qasab ah inaan burburino qaab kasta haddii aysan hubka dowladda ku soo wareejin oo ay ku adkeystaan inay hubka sii sidaan waanu ladagaalami doonnaa.., arrinta saddexaad ee xukuumadda ku dhaqaaqeyso waa inay nabad iyo xasilooni ku soo celiso Soomaaliya oo dhan, xukuumaduna ay hubka dadka ka dhigto maxaa yeelay hubkaasi inta uu gacanta ugu jiro wuxuu nagu keenayaan dhibaato fara badan, marka shacabku hubeysan yahay wuxuu ka fekerayaa dagaal.

 

Waxaan bilownay hub ururinta, toddobaadkii tegay waxaan soo dhameynay hub ka dhigistii qabqbaleyaasha dagaalka, kii ugu danbeeyay ee hubkiisa wareejinaya wuxuu ahaa Maxamed Dheere, waxaan ku dhex wadnaa qof waliba oo hubka iska dhigeysa inaan ka qaadno, sababta aan hub dhigista ugu bilownay Qabqableyaasha waa inay suuragal tahay inay dib ugu laabaan dagaalkii haddii hubku gacantooda ku jiro, waxaan ognahay inay awoodaan mar kale inay noqdaan qabqableyaal dagaal, haddii taasi dhacdana shacabka kuma kalsoonaanayo dowladda oo waxaan weyneynaa aaminkii nalagu qabay, mar dhowna waxaan u howlgeli doonna sidii dadka hubka looga qaadi lahaa, tallaabada labaad waxay noqon doontaa inaan ganacsatada hubka ka dhigno, waxayna heystaan hub fara badan oo kala duwan, waxayna u heysteen ammaan la’aan si ay ugu ilaashadaan hantidooda iyo ganacsigooda, markii sababtaasi meesha ka baxday oo dowladii ay soo laabatay, baahidii ay hubka u qabeen aad ayay u yaraatay.

 

SU’AAL: Sidee ula macaamileysaan qabqableyaashii dagaalka?.

 

JAWAAB: Waxaan bilownay inaan kala wareegno maleeshiyooyinkii taabacsanaa, waxaan ku xareyneynaa xeroyoin lagu tababarayo, kadibna waxaa lagu biirinayaa ciidamada dowladda, ciidamada la dhisayo waxay ka imaanayana marka hore dalbeyda maleeshiyooyinka ahayd, kadib ayaa loo furayaa dadka doonaya in ciidamada loo qoro oo markaa la dhisi doono ciidankii Qaranka Soomaaliya ee Gobol waliba oo dalka ka mid ka imaan doona si ay waajibaadkooda u gutaan si aan ugu baahan ciidamo dibadeen.

 

SU’AAL: Dhibaatada Soomaalida waxaa ku xalismeysaa in hubka la ururiyo, maleeshiyooyikana la mideeyo?.

JAWAAB: Dabcan.. intaasi kuma dhammaanayaan dhibaatooyinka Soomaaliya, waxaad ogtihiin in muddo 16 sano ah ay dagaallo iyo fowdo ka jirtay dalkan, waxaan hub dhigista barbar wadnaa wadahadal aan la yeelaneyno beelaha Soomaalida si dib u heshiisiin qaran Soomaaliya oo idil looga gaaro, ilaa markii aan imid Muqdisho waxaan bilaabay inaan la kulmo beelaha kala duwan Soomaalida maalin waliba oo beel ama laba beelood aan la shiro, waxaan la hadleynaa is fahamka iyo xalinta khilaafaadka Muqdisho inagoo ku qancineyna inay la shaqeeyaan dowladda, waxaan ugu yeernaa inay wixii tegay isla iloobaan.

 

SU’AAL: Wadahadal mala yeelaneysaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa, mase ku jiraan qorshihiina dib u heshiisiinta?.

 

JAWAAB: Arrinta Maxkamadaha waa wax kale.., marka hore Waxaan maxkamadihii ula macaamileynaa laba qaab: Qaar waa kuwii madaxda u ahaa ee dhiigga badan daadiyay ee balaayada u soo hooyay Soomaaliya, iyo kuwo la adeegsaday oo u dagaalamyay kana amar qaadanayay madaxdaasi. Kuwa madaxda ah iyo mas’uuliyiinta sare gaar ahaan kuwa xagjirka ah lama cafin, maxaa yeelay waxay sababeen dagaal iyo burbur, kuwaasi waa dembiilayaal wax heshiis ahna lama galeyno, laakiin qolada labaad ee u dagaalantay haddii ay hubka iska dhigaan oo shidadda iska daayaan nabaddana qaataan, waan cafineynaa waxna loo raacan maayo, waxaan raadsneynaa kuwa xagjirka ah iyo madaxdii oo kaliya.

 

SU’AAL: Ma jirtaa wax rabitaan ah oo aad lku dooneysaan inaad wadahadal kula yeelataan Sheekh Shariif Axmed?.

 

JAWAAB: Lama hadleyno, sida aan u sheegayba waa madaxdii waaweyneyd ee kooxdaasi balaayada waday.

 

SU’AAL: Ciidamada Itoobiyaanka ah ee aad u yeerateen oo gudaha Soomaaliya ku adeeegsateen sow dowladda dhibaato uma keenin maadaama colaad xasaasi ah ay Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeysay?.

 

JAWAAB: Soomaalidu 16 sano ah ayay is dileysay oo dhexdooda ay dagaalo sokeeye soo dhex mareen, waxayna ahayd sababtii ay u burburtay dowladda iyo qarankiiba, waxaa dhici kartay inay xasaasiyad labada shacabka ee Itoobiya iyo Soomaaliya u dhaxeyso taasina waxay ahayd waqatigii hore, laakiin iminka markii dagaalada sokeeye dhaceen kadib shacabka Soomaaliyeed ee 16-kii sano soo joogay ee dagaalada sokeeye ee dhexdooda ka dhacay ma garanayaan taariikhdii naceybka iyo coddowtinimada, waxayna hadda Itoobiya iyo imaanshaheeda Soomaaliya u arkayaan inay tahay ka badbaadinta xaaladii ay ku jireen, sidaas darteed waxaan qabaa inuusan jirin qof ka mida dadka Soomaaliyeed oo aaminsan in Itoobiya ay u timid isticmaar.

 

SU’AAL: Ilaa goorma ayay ciidamada Itoobiya joogayaan Soomaaliya?.

 

JAWAAB: Sidaan hore kuugu sheegay waxaan dalbanay ciidamo nabad ilaalin Afrikaan ah, sababta dalabkaasina waa inay howsha kala wareegaan ciidamada Itoobiyaanka oo marka ay ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay la wareegaan kuwa Afrika, joogitaankooda ma dheeraan doono ciidamada Itoobiya si uusan shacabku u dareemin inuu waqtigoodu dheeraady, waxaan intaas ku darayaa Itoobiya uma imaan rabitaankeeda, ee waxay ku timid codsiga aanu annaga uga dalbanay howshan, wayna aqbashay iyadoo ku mahadsan, gaar aan markii aan aragnay inay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin dariiq kasta oo colaadda looga badbaadiyo.

 

SU’AAL: waxaad ka hadashay muhiimada dib u heshiisiin Qaran, miyaysan arrintaasi waxyeeleyn karin xilkii laga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka, ma wuxuuse eersaday inuu Maxkamadaha u debecsanaa?

 

JAWAAB: Wax saameyn ah arrintaasi kuma yeelaneyso dib u heshiisiinta, Shariif Xasan wuxuu noqday Khaa’in, dadkuna waa ku faraxsan yihiin in xilka laga qaado, wax shaki ahna kama jiraan, waxaa xilka looga qaaday xubnaha Baarlamaanka oo cod u qaaday, cod aqbaliyad ah ayaana lagu casilay, haddii shacabku nala jiro wax dhibaato ah kama imaanayaan.

 

SU’AAL: Goormuu Baarlamaanka u soo laabanayaa magaalada Muqdisho oo Baydhaba ka soo guurayaa?.

 

JAWAAB: Baarlamaanku wuxuu Baydhaba ku degay go’aan Baarmaanka xubnihiisu qaateen, marka waxaan u baahan nahay qaraar kale oo Baarlamaanku gaaro si uu Muqdisho u yimaado.

 

SU’AAL: Dhismooyinkii, ilihii dowladda miyaaney ku jirin gacanta qabqableyaasha dagaalka?.

 

JAWAAB: Waxaan qabqableyaasha kala wareegnay xarumo fara badan iyo kuwii Qaranku lahaa sida Garoomada iyo Dekadaha, waxaan mar dhow bilaabaneynaa inaan diyaarino oo dib u howlgelino oo xukuumadu ku shaqeyn doonto si aanu canshuurihii u qaadno, laakiin taageero dhinac waliba leh ayaan uga baahanahay dalalka Carabta iyo kuwa caalamiga ah. Waxaana qasab ah in beesha caalamka ay nagu taageerto si aanu uga gudubno marxaladan. Waqtigii nala taageeri lahaa waa la joogaa ciddii dooneysa inay Soomaaliya caawiso.

SU’AAL: Wax taageero ah miyaad ka hesheen dalalka Carabta iyo Beesha caalamka?.

 

JAWAAB: Ma jiraan wax taageero ah oo na soo gaaray ilaa hadda, Yeman oo weligeedna na caawin jirtay ilaa wax yar ka hor inta aanan Muqdisho soo gaarin marka laga reebo dowladaha kale ee Carabta ma ogi waxa ay sugayaan si ay noo caawiyaan,, dowladaha Carabta ee Afrikaanka ah waxaan ka codsaneynaa inay na taageeraan, waxaan kaloo rajeynayaa inay Yeman qeyb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya haddii Qaramada Midoobay ay u saamaxdo. Haddii ay Yeman dooneyso inay ciidamo noo soo dirto anagu waan soo dhoweyneynaa, waxaan dooneynaa Soomaaliya inay nabad noqoto oo wadankan buburtay dib loo dhiso.

 

SU’AAL: Laakiin waxaa jira warar sheegaya taageero aad ka hesheen Mareykanka & Midowga Yurub?

 

JAWAAB: Inta aan ogahay waa in Mareykanka uu balanqaaday 40 Milyan doolar oo Soomaaliya uu ku saacidayo, waxaan maqalnay in Midowga Yurub ay Soomaaliya siinayaan 47 Milyan oo Euro, balanqaadyadaasi waan maqalnay oo kaliya, wax naga soo gaarayna ma jiraan.

 

 

 

 

 

Waxaan ka soo xiganay wargeyska Codka Xorriyada,

 

 

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Adduunka waxaan ugu necbahay qof Soomaali oo dhaho waxaan asal ahaan ka soo jeednaa Arab, waa hadal foolxumo, aflagaado, doqonimo iyo nacasnimo ku jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

What is wrong in being an Arab? I do believe we are either Arabs or a mix of Arab and Cushites(pharaoeh). Some of my cousins do exactly look like Arabs and they are pure Somali all the way to the last Grandfather I am descendent of. It makes me wonder how in the world they look so Arabs that the claim to relate to such roots merits the charge of mythical corruption into our culture? Can anybody explain why?

Share this post


Link to post
Share on other sites

A second type of direct evidence is formed by statements, whether as formal legends or personal information, regarding the age or relative sequence of events in tribal history made by the natives themselves.

Edward Sapir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jebertis origin is Horn of Africa.

Jebertis are all Muslims and the term came to encompass all East Africans and, later, other Africans who have converted to Islam. Although this usage was later dropped as Islam spread across Africa, the original meaning is still evident as any Tigrinya or Amharic speaker who converts to Islam is called "Jeberti".[2]

 

http://en.wikipedia.org/wiki/Jeberti

 

After this initial advent, Islam became stronger in the coastal centers and gained substantial footholds in the interior during the period of 850-1000 A.D.
The Jabarti community, a Muslim Somali,
expanded from the northern coastal regions of Zayla'a and Sang around the middle of 9th century. Zayla'a became a well known place by outside Muslims after 850, a sign of Muslim presence in the city. In fact, the Awdali document, written around 1290, states that descendents of one of those settlers in the period of khalifa Umar founded the Emirate of Shawa in A.D. 896. The Emirate of Shawa appears to have been an offshoot of the Empire of Awdal, variously known as Jabarti or Zayla'a. Few decades later, however, Al-Masudi wrote that there was a Muslim community in Zayla's, albeit of a minority status. The regions of Zayla, Sanaag and later Harar, were the centers of dispersal for the founders of many Muslim communities to further reach out to outlying provin!

( Extract from abysinian invasion a reminder of seven century animosity,Said Alinuri)

Share this post


Link to post
Share on other sites

uu yemen maxa geeyee decented of abraha de de Ethiopian any ways u got 2 know so is abdilahay yusuf jeberti soo he is related 2 tigrinya

-----------------------------------------------

 

Which is fine because Tigray rules east africa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Language Family Trees at Jeberti could be a sub-branch of Semetic as you can see here meheri and Hobyot a listed closer to Amharic then Arabic.

Afro-Asiatic, Semitic

Afro-Asiatic Central (57)

Central

Arabic (35)

Arabic, Dhofari Spoken [adf] (Oman)

Arabic, Hadrami Spoken [ayh] (Yemen)

South (20)

Ethiopian (14)

North (3)

Geez [gez] (Ethiopia)

Tigré [tig] (Eritrea)

Tigrigna [tir] (Ethiopia)

South (11)

Outer (6)

Transversal (5)

South Arabian (6)

Bathari [bhm] (Yemen)

Mehri [gdq] (Yemen)

Hobyót [hoh] (Oman)

Harsusi [hss] (Oman)

Shehri [shv] (Oman)

Jabarti [jbrt] (Yemen)

Soqotri [sqt] (Yemen)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this