Sign in to follow this  
General Duke

Mohamed Dheere usefull no more: Warlords united : meet in Jowhar.....

Recommended Posts

Salaan...

 

Soomaalida waxa maanta is dabayaacaayo are siyaasi ku sheeg, not a seasoned politicians who mastered the ultimate tricks of the game.

 

Siyaasad waxeeda waa iska qaacinimo, laakiin maanta kuwa is daba rooraayo waxooda ka dareey waaye. However, Max'ed Dheere waxiis wee dhaaftay ka dareey, he is a league of his own -- at the bottom. Doesn't the guy have sumcad? War aawey the little sharaf the qabqable kaaga hartay? Having complete 180 degree [Qanyare ayaa dagaalka bilaabay/Qanyare ururka uu aasaasay ayaan ku biirayaa] different view in mere few hours. Even hadii dhagta wax laguugu soo sheego waala sugaa a couple more days, not a few hours. Waxaaga kaaga sii daran this isn't the first time he made a complete turnaround. It became his caado.

 

His now seems taking the art of qabyaalad Soomaali politics into a shameless, unprecedented territory.

________________

 

GABALDAYE SIYAASADEED: MAXAA BEDELAY MAX'ED DHEERE?

 

A Jahawareer siyaasadeed mararka qaarkood lagu qoslo, mararka qaarkoodna dadka ugu filan inay fadhi kudirir u noqoto ayaa ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya kadib markii masraxa siyaasadda Soomaaliya ay jilayaal ka noqdeen Kookeyaal, Darawallo iyo Qamarjiyaal aan mabda’ lahayn oo had iyo jeer isaga hadla wixii ay markaas dhuuntooda ka dareemaan.

 

Maba dheereyn xilligii Maxamed Dheere shafka u garaacday inuu dowladda Federaalka marti gelinayo, waa la ogaa mowqifkii uu ka istaagay taageerada madaxweynaha, wuxuuna qaatay go’aanadii ugu waaweynaa ee uu ku taageerayo dowladda Federaalka qeybtii Jowhar ku sugneyd, isagoo inta kale iyo xubnihii Muqdisho ku tilmaamay wax aan jirin heer uu xilka ka xayuubiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Wuxuu Maxamed Dheere shalay ka gudbay xadkii ugu danbeeyay ee isku xiri lahaa isaga iyo saaxiibkiisii hore C/llaahi Yuusuf, wuxuuna galay xerada hoggaamiye kooxeedyadii wasiirada noqday ee (MAYA & MADFACA) ku caan baxay, shirkii jaraa’id ee shalay uu qabtay waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ugu waaweynaa:

 

= Inaan la qaadin Cunaqabateynta hubka

= In C/llaahi Yuusuf Hub uu Yeman ka keenay uu siiyay ciidamo beeshiisa ah

= Iyo inaysan ciidamada Koongo ku jira ahayn ciidamo Qaran, balse ay yihiin kuwo beeleed ama Qoys.

 

Aan is weydiinnee Maxamed Dheere iminka wasiirna maaha xildhibaanna maaha, marka aragtidiisa waxba kama bedeli karto in xayiraadda hubka la qaado ama ay sii socoto,wuxuuna kala mid yahay Yuusuf Indha-cadde, waana arrin u taalla xitaa haddii la isku hayo Baarlamaanka oo leh go’aanka kala baxa sharci ahaan, sidaas darteed mowqifkiisa cusub wax qiime ah kuma fadhiyo oo aan ka ahayn murcaad ku noqoshada madaxweynaha.

 

Tan labaad haddii Maxamed Dheere maanta sanad kadib qirayo in Hub Yeman laga keenay madaxweynaha uu siiyay Puntland, maxaa hore u diiday inuu uga hadlo hubkaas, mise wuxuu u sheegayaa isagoo qeyb uu ka rabay ka waayay?, waxaa kaloo is weydiin leh Hubka Maxamed Dheere Itoobiya ka soo qaato xilli waliba ee kii ugu danbeeyay dadna lagu dilay kuwana lagu qabtay ma ogol yahay inuu wax ka siiyo hoggaamiyeyaasha kale, Cunaqabateynta uu doonayo in la qaado maxay kaas u celin weyday?.

 

Arrinta saddexaad Ciidamada Koongo ku sugan haddii aysan ciidamo qaran oo amar dowladeed ku yimid, maxay ahayd sababtii ay halkaasi ku yimaadeen, sidee ayuuse Maxamed ku ogolaaday inay ciidamo beeleed oo ka yimid Puntland yimaadaan Sh/Dhexe?!!, maba jirin cid tiri waa ciidamo qaran balse waxaa lagu sheegay asaaska ciidamada sidaas darteed Maxamed Dheere sow maaha in isaga is eedeynaya? Bal waa kaase adiguna faham dhaqanka Gabaldaye-nimada siyaasadeed ee Gelin kasta mowqifka cusub lala soo if baxaayo sida Duhurtii: Qanyare ayaa dagaalka ka mas’uul ah, Fiidkiina: Waxaan ku biirayaa isbaheysiga Qanyare.

______________

 

Xigasho: Yoobsan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Salaan ka dib. Kuwa aan ka sheekaynayo ee siyaasiyiinta isku sheega waxaa ka darran innagan wakhtiga ku luminayna DIFAACA ku dhisan QABYAALADDA iyo taageerada aan la garab-taagannahay ODAYAASHA WAXMAGARATADA AH, AQOONTUNA KU YARTAHAY BADANKOOD EE DALKEENNA SIDAAS U GALAY. Walaalayaaloow sidaan maan isku dhaanno oon u midowno sidaan kuwaas meel cidlo ah u taagi lahayn. Waxa ay maalin walbaa iskugu faanayaan waa shacabka Soomaaliyeed oo qabiil u kala qaybsan, been iyo huuhaa-na loo kala sheegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waa runtaa abwaan, dhibku waa shacabka noqday sida rati dacayeeysan oo meeshii la doono loo rarto, wixii la doonana lagu rarto.

 

Ilaahey ayaan sugeynaa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by Alle-ubaahne:

dhibku waa shacabka noqday sida rati dacayeeysan oo meeshii la doono loo rarto, wixii la doonana lagu rarto.

Good man, this the first time you have described yourself in the exact form, it is like coming out of the closet for you right..? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Thanks indeed, though that remark has something in it, but I think you will be more pleasing to the majority here if you would recheck those views that had proven to elevate our blood pressures. :D And you know what I am talking about, Ellegant Sister! ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

^^^^LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL..!

 

Walal raali iga ahow hadad iga cadhotey...waxay iga aheyd un qaftan...never meant it to raise your blood presuure...touchy are we ,,lol :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raali waan ahay hada, adna sidoo kale runtii. Koley culimada kooda qaldan xitaa la igama ag maro in wax laga sheego, dagaal ayaan ka xigaa, inta kale kama damqado. Balse waxaan ku iri maxaa ku fashay magacaas raga ay la baxaan, Xarago, markii iigu danbeysay wuxuu ahaa magaca wiil?! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

The warlords are for once all united. Mr Dheere, Qaynyare, Yalaxow have made a front against the interest of peace. Its important to note that for once that those who support them can only hide behind the clan, for the simple fact the men who once hated Jowhar for several reasons are now comfortable to meet in it.

Is he, Max'ed Dheere, still "useful" to The Father and Mother of Puppet and Stooge of Sanaaw? "Still serving/served his purpose" whatever it was and is?

 

:D:D:D

 

Markaas ayee dal ayaan dan ka leenahay dadka waxaan qoraayo. And they dare to call others "flip-flopper.'

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^If you have not heard the warlord era is over, dont take my words for it, but that of Qaybdeed, Dheere, and of course Mohamed Qaynyare.

 

Today Geedi, Yusuf and Dalxa are in Mogadishu guess where the warlords are today?

 

hog2.jpg

 

MMA, dont try to play here, if it wasent for Yusuf's master strategy Baidoa would still be in the hands of little warlord Xabsade[quite lately] and at the whims of A/Qasins gang in Balidoogle, with IndaCade walking in and out as he pleased. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this