Sign in to follow this  
Member-sol-

Kismaayo's airport opened, new name!

Recommended Posts

KN: Dib usoo nooleynta taariikhda duugoobey, dardar galinta jihaadka dadkii qarniyo ka hor ay bilaabeen, maanta markii labaad ayaa todobaad gudahood goob muhiim ah oo ka mid ah magaalada Kismaayo loogu magac daray astaan halgankeena iyo taariikhdeena baal dahab ah kaga jirta, garoonka caalamiga ah ee kismaayo ayaa loogu magac daray, garoonka caalamiga ah ee Amiir Axmed Gurey.

 

 

Axmed Ibnu Ibraahim Al-Ghazali (Gurey) halyeeygii, mujaahidkii Soomaaliyeed ee qarnigii shan iyo tobnaad, ee Amiirka ka noqdey dowladii islaamiga aheyd ee ugu horeysey ee Soomaaliya laga hergaliyo (Cadli), ayaa maanta magaciisa lagu maamuusey, looguna magac daray garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Kismaayo, sidaasi waxaa maanta saxaafada u sheegey Sheekh Xassan Yacquub oo ah madax saxaafada ee maamulka Kismaayo.

 

Go’aankani ayaa waxaa gaaray maamulka islaamiga ah ee Kismaayo, waxaana lagu dhawaaqay xilli maanta la furayay garoonka oo xirnaa muddo bil iyo xoogaa ah, Sheekh xassan Yacquub ayaa sheegey in wixii maanta ka dambeeya uu garoonka u furanyahay dhamaan duulimaadyada rayidka ah iyo kuwa gargaarka ah.

 

Waxaa xusid muddan in talaabada Amiir Axmed Gurey garoonka loogu magac daray ay tahay tii labbaad oo nooceedo oo kala ah oo meel muhiim ah oo magaalada ka mid ah loogu magac darro astaan weyn oo quseeysa halgankeena qarniyo jirsaday iyo jihaadka faca weyn, waxaa maalmo ka hor dhulka la dhigey dhismo kaniisad ahaan jirrey, waxaana loo rogey masaajid illaah lagu caabuddo, masaajidka waxaa loogu magac daray Harar, sida ay maamulka sheegeen waxaa arrintani loogu aargudayay masaajiidki weynaa ee Harar ee qarni ka hor uu kaniisad u rogey boqorkii xabashida ee Menilik.

 

Waxaa kaloo xusid muddan in Harar ay aheyd magaaladii uu wax ka dhisey Amiir Axmed Gurey isla markaana caasimad u ahayd dowladii uu madaxda ka ahaa ee Cadli.

 

Tariikhda Axmed Gurey oo kooban haddii aan ka yara hadalno, Amiir Axmed Gureey wuxuu ahaa ninkii dhulka xabashida qabsaday 4 meel marka loo dhigo 3 meel oo ka mid ah, 10 kii qof ee Ethiopia ku noola xiligaasi 9 ka mid ah ayuu islaamiyey, waa ninkii gubey kaniisadihii caasimadii diinta Athodax-ki ee magaalada lagu magacaabo Axum, waa ninkii dilley boqorkii xabashida ee xiligaasi Ethiopia ka talin jirrey ee la oran jirrey Lubnaa Dangal, Lubnaa Dangal waxa uu galay buuraha, waxaa la sheegaa in sanooyin baddan uu buuraha ku dhuuman jirrey, qabowga iyo rafaadka ku dhacay dartiis ayaa waxaa la sheegey in jirkiisa dhogor oga baxday, kadibna uu tacdarro u dhintey.

 

Axmed Gurey waa ninkii xabashida ku qasbay in ay cunnaan hilibka ceyriinka ah (aan bisleyn), iyagoo ka baqaya in qaaca uu kusoo raaco oo uu laayo, maadaamaa ay dhumaaleysi ku jirreen.

 

Wiilkii boqorkaasi oo ay hub iyo ciidamo soo siiyeen Boortaqiiska ayaa dagaal la galay Amiir Axmed Gurey, kadibna dagaalkii dhaawicii kasoo gaaray ayuu u dhintey Amiirka, laakiin xaaskiisa oo la oran jirrey Dalwaanbara Maxfuus oo uu dumaalay Amiir Nuur oo saldanada qabsaday ayaa Amiir ku qasabtay in illaa madaxa gaalka Amiirka dhaawacay uu u keeno mooyaane aysan xaas ahaan ugu hoyanaynin, shuruudaasi oo uu Amiir Nuur kasoo baxay, waxaa la sheegaa in sanooyin baddan ka dib uu madaxa ninkaasi surnaan jirey aqalka Dalwaanbara hortiisa illaa uu ka iibsado muddo dheer ka dib nin Yurubiyan ah oo dalxiise ahaa.

 

Dad baddan oo uu ka mid yahay tifaftiraha KismaayoNews ayaa aad ugu farxay talaabadani ay maamulka garoonka ugu magacaabeen Axmed Gurey, isagoo arrintani ka hadlayay ayuu yiri “tani waa talaabo dhinaca haboon loo qaaday, waa mid lagu xasuusinaya gumeysiga in aan wali xasuusannahay wixii dhacay qarniyo ka hor, in wali aan halgankii halkiisa kasii wadno, waa talaabo fariin culus u direysa xabashida, waanan ku faraxsanahay”.

 

Axmed Gurey wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii ay xuseyn xukuumadihii Soomalaiya soo maray, tusaale ahaan waxaa jirta taalo isaga loo taagay oo caan ah kuna taala Xamar, waxaa kaloo jirra iskuulaad loogu magac daray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this