Sign in to follow this  
Alle-ubaahne

A Puntland Intellectual Columnist Offering Historic Lessons to Heed On

Recommended Posts

“Xarig uma Guntamo keey harttigggga Xero Wadaagaaneâ€

 

 

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM

(All the Star-ridden areas are meant to be a clan called Harrtti)

 

ASSALAAMU CALAYUM

RAMADDAAN KARIIM

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

“Meeshu waa guryaha Xamar-bile oo ay Soomaali oo dhammi degentahay. Dagaal carruur ka dhashay ayaa laba qoys isku diray. Qoys waa reer Boosaaso, midna waa reer Berbera. Gurmad iyo hiillo qabiil baa dhacday. Islaan reer Boosaaso ah ayaa kolkii ay aragtay in dhinaceeda laga tiro badan yahay qaylisay, iyada oo leh: waryaa *****ya! Waryaa *****ya! Ciidammo booliis ah ayaa yimid oo intii diriraysey oo dhan waxaa la geeyey saldhigga Wardhiigley. Nin u Hadley reer Berbera ayaa wuxuu yiri: waxa aannu dacwad gaar ah u qabnaa oo aad dhibaato noo gaarsiiyey ninkaas reer Boosaasood ee xoogga weyn oo qadwaanka sita; mana uu deggana Xamar-bile ee waxaa keentay hiillo qabiil. Kolkii uu nikii xoogga weynaa magaciisa sheegay ayaa la iswada dhugtey, la wada qoslay oo ay labadii dhinacna heshiiyeen; taliyihii Saldhigguna uu yiri: hortii waxaan doonayey in aan idinku eedeeyo dhiirri-gelin qabyaaladeed, haddase, qabyaaladda lafteeda ayaa riwaayad silloon u ekaatay. Xoogweyne magaciisu waa Fiidoow, waana ***** ******.†Waxaa buuggiisa Kaftan-dhable ku qoray Siciid Cismaan Keenadiid.

 

Ciidamadii Baydhabo ka yimid ee qaddar xoogaa ah heystay Buur-xakabo ayaa boggagga internetka ee reer Punland waxay ku sheegeen ciidamadii DFKMS halka dadkii Buur-hakabo u dhashay oo ay u hadleyso wasiirka haweenka xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh ka tiri: waa ciidan Puntland ka yimid. Runta waxaa sheegtay Fowsiyo maxaa yeelay ciidanka meesha marayey waa kuwo reer Puntland ah. Lama yaabbani in Maxamed-dheere iyo Geeddi ay C/hi ugu soo hiiliyaan *****nimo ileyn iyaga lafteedu waa *****ye! Laakiin waxaan la yaabay goorta ciidanka Tigreegu noqdeen ciidamadii dowladda ku-meelgaarka ama kuwo ***** ah?

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdulle Xalane oon filayo inuu dhowr alif lahaa hadduu ugu bato ayaa dagaalkii aan la galnay Xabashida 1964 wuxuu reebay hadalheys cajiib ah markuu nacay in calanka Soomaaliya oo bir surnaa uu u gacangalo Xabashida. Wuxuu yiri:

 

• cadowgu bir maahe burburiya

• ciiddeyda u diidda cadaawaha.

 

Hadda waxaa la leeyahay madaxweynihii iyo ra’iisulwasaarihii oo labaduga ***** ah ayaa magaalooyin uu ka suranyahay calanka Somaaliyeed kusoo hogaaminaya cadowga Tigreega iyagoo mooddo iney leeyihiin:

 

• Cadowgu bir weeye ka beyra

• Ciiddeyda u daaya cadaawaha

 

Sidoo kale hadalka Xalane waxaa cagsigiisa yiri Jananka Puntland xukuma oo isna ***** ah wuxuuna yiri:

 

Xabashida ilaa SSDF baa saaxiibtinimo naga dhaxaysay marka waxay Gaalkacyo u yimaadeen si ay noogu tabobaraan wiilal! Kolley waxaan u gartay in wiilasha laftoodu ***** yihiin ileyn cid kale oo waxaas ku hadlikarta ma lahee.

Meeriska gabayga ah ee cinwaanku wato waxaa tiriyey nin ****** ahaa oo la yiraahdo Bariir Axmed mar uu Sayid Maxmed ku lahaa ka soo guur *****ga dhexdiisa oo na soo haleel. Bariir wuxuu yiri:

 

• haddii Maxamed lala xarbiyo Ferenji soo xeytay

• xogta nimanka aad u dhiibatee xeebta kula jooga

 

Wuxuu sii yiri:

 

• waa niman xaggeenaba ka jecel xoor-caddaha gaale

 

Soow hadda Soomaali oo dhan oo Waqooyi iyo Xamarba leh kamaanan dooran Meles Zenawi? Soow hadalka Bariir nama heysto?

Waa in dib loogu noqdo ammaantii uu Sayidku ***** ka sheegay markuu lahaa:

 

• Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye

 

Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye

Hadda waxaad mooddaa inaan madaafiicda u sidanno qabiil kale ee Soomaaliyeed oon aan leennahay waxaan hoor ka soo qubeynaa Hawiyaha!

Xuseen Yogal Furre wuxuu yiri isagoo daaqad nagala baxay:

 

• Namiimnimo ******dhteen miyaan, wali ka niibkeenin

• Ma nifaaqii oo buuxiyuu, xalayto nooleeyey

• Naxligiyo nuxuustii miyaa, naari soo kiciyey

 

• Nasri miyuu ka sugi Eebbahay sow, ma nici doono

• Iyagiyo Namruud sow Jannadu, kama nijaasoobin…

 

• Nayroobi iyo Xamar horaad, nag uga siiseene

• Dhulmahantaa naflaha kuugu xiga, nabadse kaa waaye

• Warsangalina nabarkaad baddeen, nadigu iimeeye

 

• Adduunkii nagaa idinka iyo, naagahaa rogaye

• Nasabkiinu meel buu ahaa, nuridu waa iine

• Nacallaa ******dheen ku yaal, nolol ma haystaane

 

WALLAAHI waxaa ka yaxyaxay maalin dhoweyd markii maxkamaduhu qabsadeen Kismaayo dabadeedna maxkamaduhu sameeyeen guddi dhowr nin ka kooban ayaa waxaa muddaharaad sameeyey *****ga Waamo. Waxay dhaheen magaalada Kismaayo annagaa ugu badan marka waa in maamulka naloo badiyaa. Dhib ma lahaateen haddii sheekadu intaas ku egtahay laakiin waxaa la sheegay in ciidanka Barre-hiiraale soo wato uu C/hi Yuusuf soo siiyey hub iyo raashin. Ciidanka Buur-hakabo yimid waa ***** iyo Tigree! Marka ***** Waamo ma waxay rabaan in maxkamaduhu Barre-Hiiraale ka xoreeyaan Kismaayo, kana hortagaan, isla *****guna Shabeellaha Hoose, Muqdisho, iyo Kismaayo weerar ku soo ahaadaan; welibana *****ga loo badiyo maamulka Kismaayo?! Waxaa maxkamadaha laga rabaa in dadka Kismaayo degen la badbaadiyo diintooda, naftooda iyo cirdigooda laakiin xukunka Ilaahay baa leh marka waxaa loo dhiibayaa qofkuu xaakimku (maxkamaduhu) u gartaan.

 

Haddey jiraan dad ***** ah oo maxkamaduhu dulmeen waa soo gudbinkaraan laakiin xukunka waxaa leh ciddii meesha xukunta. Waagii Kacaanka, ma khasab bey ahayd inuu Kismaayo xukumo nin ***** ah? Inkastoon rajo weyn ka qabo Punland haddana reer Puntland weli kacdoon ma sameyn. Marka see ku dhicikartaa iyadoo Xabashi Buur-xakabo timid in reer Boosaaso iyo reer Laascaanood iska aamusnaadaan iyadoo la sheegayo in halkaas ay joogaan dad badan oo diinta Ilaah u hiilinaya?

 

Muxuu *****gu halka geela dabada uga taal uga galay kacdoonta shacabka?

 

Marka laga soo tago gabayadaas nala ku dacaayadeynayo waxaan shaki ku jirin inaan luminay kaalintii nooga aaddaneyd diinteenna iyo dalkeenna. Qolo kastoo Soomaaliyeed wey leedahay ceeb xitaa waxaa gaalo-jacaylka nalaku daraa ***** sidii Sayidku u lahaa:

 

• ****** wagaashiyo kufriga Wacad Alloow yaalle

 

Ilaah baan ku dhaartee haddaan *****gu meeshan ka kicin oon dhowr toddobaad oo kale ku sii jirno ceebtaas aan Soomaaliya horay looga arag ee ah inaan ilaa 1978 aan hadba magaalo Soomaaliyeed ku hogaaminno Xabashi waxay keeneysaa inaan durriyadeenna dambe la liido oo la yiraahdo *** gaalo-raac ama Xabashi-raac. Waxaad maqleysaa dad lagu nasabsoocay awoowgood oo gaajo la dhimanlahaa baa bakhti nafta ku ceshay! Haddii oday ruqsadii Ilaahay qaatay saas loo galay maxaad ka fileysaa rag laga kariwaayey kufri-gargaar iyo Xabashi-raac? Horray baan Balanbale iyo Galdogob u geynay Xabashi haddana waxaan soo galiney Gaalkacyo, Bandiiradley iyo Buur-hakabo. Maxaa ku xigidoona? Soow caawa uma habboonna inaan xasuusanno tixdii Aw-Muuse? Wuxuu yiri:

 

• Nin guubaabadiinna isku deyey, wow dan li’i uune

• Wax wacdigu dubaaqa u galaa, duulka khayrka lehe

• Damiin dhega la’ lama waaniyee, waa isaga daale

• Nindoor iyo dilaa iyo tolkay, deeqsi ka idlaaye

• Raggii ficilku daardaari jirey, duug la wada geeye

• Damiir waxaan lahayn baa ku haray, dohatan xeebeede

 

Wiilashaan shalay Buur-xakabo soo galay waxaa laga keenay Puntland. Iyadoo culumadii, odayo-dhaqameedkii, siyaasiyiintii iyo dadweynihii Puntland joogaan baa la soo aruursaday. Inkastoon maqaalo dhowr ah ka qoray arrintaas haddana ma arag qof laga tixgeliyo Puntland oo arrintaas ka hadlay. Si kastaba arrintu ha ahaatee hadda waxaa jawaab laga rabaa shacabka Puntland. Ama iney ku sifoobaan waxaas raggaas gabyijiray naga sheegijireen ama inaan isdaboqabanno oon diinta iyo dalkeenna usoo jeesanno. Macquul ma ah in nin Tigreey ah diyaar u yahay inuu ku dhinto Buur-xakabo halka daaciga jooga Boosaaso iyo Laascaano uu rabo inuu dukaankiisa iska iibsado. Marka haddaan arrintaas laga dhiidhiyin waxaan khasaareynaa aakhiro iyo adduunba. Sidoo kale bal aan fiirinno wuxuu Khaliif Sheekh Maxamuud yiri:

 

• Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye

• Haddaan taladu way daabatay, odayo daaweynin

• Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin

 

Haddii *****gaan aqoon jiray uu Puntland joogilahaa waxaan u qabanlahaa seddex beri inay u istaagaan inay furtaan maxkamado oo ka dhiidhiyaan waxa Meles Zenawi iyo gaalo la damacsantahay Soomaaliya laakiin hadda ma waxaan u qabtaa seddex toddobaad mise bilood? Maaddaama aan hadda Xabashi xero wadadegennahay waxaan shaki lahayn ineysan waxba uga hirgaleyn Soomaaliya. Waxaa ku xigeysa inta shacabka Soomaaliyeed nagu jihaadaan innaga iyo Xabashida dabadeedna naga tirtiraan Soomaaliya halka aan rabnay in inta Xabashi Soomaaliya noo qabato aan dadka Soomaaliyeed gumeysanno innago madiidin u ah Xabashi.

 

F.G. Shacabka reer Puntland wuxuu la mid yahay shacabka Soomaaliyeed ee kale keliya waxaa maqaalku ku socdaa waa dadka na horbooda. Laakiin haddaan saas ku raacno, innaguna waan la mid noqoneynaa.

 

WABILAAHI TOWFIIQ

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU.

 

By C/Waaxid Khaliif

London, U.K.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Shame on you that you can't admit the very intellectuality of your one of subclan tribes. I, as a brother to that man, would like him to be our president for Somalia, than warlord A/Y, the criminal who was responsible the destruction of our country.

 

Again, Generaale, it is sad to see that you learned tribalism before you study your history, especially that of your immediate clansmen.

 

Waa kuu dhamaatay dhanka aduunka, Aakhiro ilaah baa og xaalkaaga!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

lol Alle U baahne, Khalif's first error is sweeping generalization. His starting point or quote explains it all and he uses nonsensical clannish poems to convey his implicit message.

 

“Xarig uma Guntamo keey harttigggga Xero Wadaagaaneâ€

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Wait a minute, are you implying that he is a killer or traitor? What is wrong with him, I am sure that you are not even aware of him as the first author among the Somalis who wrote the first Book of nationalism, titled "Qiimaha Dhulka iyo Qadarin la'aanta Soomaalida".

 

He is the only outspoken critic to the warlords, and major social intellectual who has rare and valuable insights towards our country's solution.

 

Again, shame on you, that you even happen to be the most ignorant creature ever to originate from Boosaaso!

 

You need to be fainted from the rest of this year, so that you don't accumulate more sins!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxib I know who this man is, and have read his articles which are quite humurous. To my knowledge he is not a bad person, what I am judging is his ability as an author.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^He is not a bad person, yet you are judging his ability to write as an author?!!

 

Saaxiib, you don't make any sense now. But let's know if you want to remain insane breifly before we take your remarks seriously!

 

 

the Qablism in your mind has kept you so full of discriminations, hating even your immaculate cousin in tribe!

 

There is no better month you can die than this holly one, and as I said before, we may dedicate some Faataxo for you, insha-Allah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waan kula qosli lahaa, laakiin jiniyaashii qosolka ay ka fuqsadeen meeshaan sideey u badaleen ba.

 

Laakiin dhoolacadeyn ayaan kuugu jawaabayaa maadaama aa tahay nin xun oo bil ramadaan nagu helay, marka waa inaan waji fiican ku tusnaa; smile.gifsmile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

quote: aa tahay nin xun oo bil ramadaan

You are generous..
Please, don't accuse me of anything, I have only seen your negativ side, of Qabiilism and discrimination!

 

That is all.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this