Sign in to follow this  
AYOUB

Only In Africa!

Recommended Posts

AYOUB   

Daayeero Dhintay Iyo Rag Dhaawacmay Markii Dagaal Dhex-maray Reer Caynaba Iyo Raxan Daayeero Ah

Caynaba, Feb 8, 2004 (Haatuf) – ilaa 9 Daayeer ayaa dhintay, ilaa 6 nin-na waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii uu 25-kii bishii ina dhaaftay ee Jananweri magaalada Caynaba dagaal ku dhexmaray raxan Daayeero ah iyo koox niman ah oo reer Caynaba ah, wuxuuna dagaalkaasi ka dambeeyey markii ay raxan daayeerro ahi soo weerareen qoys reer Caynaba ah, halkaas ay khatar ku geliyeen caruurtii iyo dumarkii, isla markaana ay qabsadeen gurigii uu qoysku deganaa, debeddana uga saareen dadkii, taasina waxay keentay raggu u soo gurmadaan qoyskaa, halkaasna uu dagaal ku dhexmaro raggii iyo Daayeeradii.

 

Sida uu ku soo waramay Xadiis Maxamed Xadiis oo hadda booqasho ku jooga degmada Caynaba Daayeerada iyo ragga reer Caynaba waxa maalintaa dhexmaray dagaal culus, wuxuun dagaalkaasi sababay in daayeeradii oo ay tiradoodu ahayd ilaa 19 daayeer laga dilo ilaa 9 xabbo, isla markaana ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen ilaa 6 nin oo ka mid ah raggii dagaalku dhexmaray daayeerada, kuwaas oo ay ilaa hadda qaar ka mid ahi u jiifaan dhaawacyadii ay daayeeradu soo gaadhsiiyeen, waxaana raggaa inta badan dhaawacu ka soo gaadhay madaxa, lugaha iyo gacmaha.

 

Ragga dhaawaca ah ee ay daayeeradaasi dhaawacyada soo gaadhsiiyeen ilaa hadana u jiifa waxa ka mid ah Daroor Ducaale Xidig iyo Xasan Caabbi Kadiir.

 

Cumar Xirsi oo ah ninka qoyskiisa ay daayeeradu soo weerareen ayaa weriye Xadiis uga sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay Cumar inay daayeeradaasi khatar weyn geliyeen qoyskiisa, ka dibna uu qaylo-dhaan soo dirsaday, halkaasna ay rag badani u soo gurmadeen, taasina ay keentay inuu dagaal dhexmaro daayeeradii soo weeraray iyo raggii. Laakiin waxa la sheegay inay daayeeradaasi weerarka soo qaadeen markii ay aad u harraadeen, iyadoo ay degaamadaa abaarta iyo biyo la’aantu aad u saamaysay, waxaana la sheegay inuu qoyska ay daayeeradu soo weerareen dul-deganaa Laas yar oo biyaha laga cabbo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Ayoub, I wouldn't be surprised if it is one of Riyaale's dirty tactics of creating fear among people in preparation for a war na'mean. The dude might have dispatched them daanyeero to attack the city for a "military exercise" purpose na'mean :D

 

Waa xeelad dagaal. He is upto something na'mean. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^^ :D

 

Funny you should say that, I thought the Daayeero heard of the yeey incursion to Las Caanod and thought they might try their luck in Caynaba :D

 

Anyways, I can't keep out of my mind this image of some Caynaba nomad giving a sabbaaxad to a dayeer. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

I thought the
Daayeero
heard of the
yeey
incursion to Las Caanod

loool@AYOUB. Maaan that was a good one.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

^^^^ :D:D @ "nomad giving a sabbaaxad to a dayeer" and "daanyeero to attack the city for a "military exercise" purpose...waa xeelad dagaal"

 

They probably heard something. This is pre-emptive attack...gathering danger from all the directions...u know the awe and shock thing a la bamboon style :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this