Sign in to follow this  
Maaddeey

Dayactirka Jidadka ee Al Shabaab (Sawirro)

Recommended Posts

Maaddeey   

Wax yar kadibba waxaad maqleysaa: Mujaahidiinta Shabaab oo Buundo hebel dhisaya, ama iyagoo Wadada isku xirta Jowhar & Beledweyne dhisaya, iyo ... & ....

 

Maanta waxan idiin heynaa iyadoo la dhisayo wadada Warshadaha!, weli ma aragteen TFG with all their foriegn finds and Tuugsi, iyagoo wax dhisaya??.

DSCF1299.jpg

DSCF1278.jpg

DSCF1341.jpg

DSCF1339.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maashaa Allaah,

 

Maadeey, ma xumid, balse qaabka aad wax u deliver gareesid ayaa kaa yara halleesan, adoo waxa aad sheegeyso wax fiican oo ammaan mudan leh ayaad hadana ku durdurisaa ood dhooqeysaa wixii dhannaa smile.gif

 

bal fiiri, erayada aad ku bilowdey topican, laga bilaabo titleka illaa erayga ugu danbeeyay eed qortey.

 

 

titelekaagu Dayactirka Jidadka ee Al Shabaab qofkii intaa akhriyaa maskaxdiisa waxaa markiiba ku dhaceeso in jidadku iska leeyihiin Alshabaab oo kaliya, oo isla ayagaana dhisanayo, markaad tiri "ee" waxey tusineysa akhristaha lahaansho, "ee" inta badan lahaasnho ma tusiuso balse waa naadir, dadka badidoodna u fahmayaan in jidadkiiba ay iska yihiin wax alshabaab mulkisey, hadaad titelkaaga ka dhigi lahed Alshabaab oo dayyactir ku sameesay jidadka magaalada markaas akhristayaal badan ayaa ku soo xoomi lahaa una qiri lahaa in nimankaasi ay waxtar leeyihiin!

 

 

intii kale eed qorteyna adaan kuu xil saarey inaad dib u akhriso ood qalqallooca ku jiro ka saxdo, oo si bi lafthan wa taqdiiran ah u nafaqee si waxa aad soo dhajisey ay u ahaato waxtar ummada Soomaaliyeed wax loogu qabanayo aysan aheyn ku faantan iyo ku naashteen lagu aamusiinayo group kale.

 

 

PS: Qoraaladaada ka saar kana ilaali cawaamisha aad horey ka galiso, ha noqdaan kuwa ka qaawan nawaasib iyo jawaasimba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Wadooyinka marka la dhisayo, amaba la dayactirayo waxaa la isticmaalaa Laami (Asphalt). Laamigu waa sheeyga kaliya ee ku fiican wado dhisida. Waayo laamigu wuxuu u adkeeysan kara roobka, qoraxda, iyo culeeyska baabuurta (gaar ahaan kuwa xamuulka ah).

 

Sida aynu sawirka ugu horeeya ku aragno. Al Shabaab waxay doonayaan in ay wadooyinka ku dhisaan Ciid, Biyo, iyo shamiito(Cement) oo kaliya. Waxay iloobeen kii ugu muhiimsanaa ee wadooyinka lagu dhisi jiray Asphalt.

 

Hadaba waxaa is weeydiin leh, Waddo lagu dhisay Shamiito(Cement), ma noqon doontaa mid jiri doonta sanado badan!!! Akhristoow ma u maleeynaysaa waddo lagu dhisay Shamiito(cement), in ay khatar iyo halis u tahay baabuurta xawaaraha ku socda waliba xiliyada ay roobabka waweyni da'ayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jidka Warshadaha maa saas u ekaaday.

 

"Wax yar kadibba waxaad maqleysaa Mujaahidiinta Shabaab oo buundo hebel dhisaya ama iyagoo wadada isku xirta Jowhar & Beledweyne dhisaya..."

 

Also, too, waxaa la maqlaa had iyo jeer munaafiqiinta Barbaar ku sheega oo isku qarxiye jid hebel iyo goob hebel. Waxaa kale la maqlaa iyagoo meel ku garaacay madaafiic si naxariisdaro la'aan ah ama iyagoo miino jid ku aasay intaas iyo intaas ku dileen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Nuune, sidaad beenta u baratayba hadalkaagu nuxurka waa beelay!, Soomaalidii baad ka dhigtay dad aan waxba fahmin oo 'ereyo' la kala bedelay uun wax ku qaata!, dad baad 'halleysnaan' ka sheegeysaa, bal ila fiiri waxaad soo qortay:

markaad tiri "ee" waxey tusineysa akhristaha lahaansho,

waxaad ku xijisay:

"ee" inta badan lahaasnho ma tusiuso balse waa naadir,

haddana:

dadka badidoodna u fahmayaan in jidadkiiba ay iska yihiin wax alshabaab mulkisey

haddii 'ee' aysan tusin lahaansho inta badan, sidee dadka intiisa badan ugu arkayaan 'lahaansho'?.

 

Showqi, Ma maqashay gabadhii aragtay dad badan oo Rooti saf ugu jira ee tiri: maa Cake iska cunaan? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ halkaa ha joogto hawsha, nin wax maqlayaa wax loo sheegaa(inaad wax dhageesato ayaan moodi jirey ood fahanto, balse kaf iyo kala dheeri weeye), war ma anigii kulahaa sidaa weeye ee iska sax qoraaladaada ayaad aniga igu soo kala fiireesay oo been iyo nuxur iyo wax aan loo joogin ka hadashey, ku galgalo awoowe, halkaasna ka wad hawshaada oo dhooqee waxaad soo gaarto dhuudhi iyo dharabowguna haka dhashee haduu doono

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Nuune, wax la maqlo keen horta!, qasab maaha taladaada in la qaato oo dadku waa kala aragti duwanyihiin, Adigu si guud baad wax iiga sheegtay, taas waxba kama dhihi karo, si gaar ahna mowduucan & title-ka baad uga hadashay, hadalkaagii baa is burinaya, asagii baan soo 'quote'gareeyey, waxay iila muuqataa inuu qaladaad xambaarsanyahay ee bal adoon waalan si fudud oo Xikmad leh uga jawaab!.

 

Beenta mawduucan ma khuseyso, threadkii ina Cabdirashiid baa is casilay aad lahayd, eed isla threadka source uga dhigtay baan ka hadlayaa & kuwo kaleed ayaantaan ku caan baxday!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Maaddeey Hadii aan ku weeydiinlahaa, Al Shabaab maxay u dhisi waayeen wadooyin Highway ah! oo tiiba ay tahay four lines. Markaas ayeey sax ahaan laheeyd in aad ku halqabsato sheekadii gabadha.

 

Originally posted by Maaddeey:

Showqi
, Ma maqashay gabadhii aragtay dad badan oo Rooti saf ugu jira ee tiri: maa Cake iska cunaan?
:D

Anigu taan ka hadlayey waxa weeye basic safety and cost effectiveness, adna markaas ayaad u fasiratay in aan ka hadlayo Luxury. Too bad we don't understand each other on this one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Ha dhiseene daa ,, berrii uun bay miino ku aasi oo ay dumine ,,,,
:D

Lol @ JB. sow ma ahan naagtii inta loo faradhaqay deedna halkii gelisay sow maaha sheekadu maxay ka dhisayaan beribaay haddana cirka geline @ Maaddeey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this