Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: 22 ministers resign from Geedo's cabinet : end of the road for the PM?

Recommended Posts

In ka badan 22 wasiir oo ka mid ah xukuumadda Cali Geedi oo is casishay

 

Mogadishu 11, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- In ka badan 20 xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa saakay is casilay xilli magaalada Baydhabo uu ka soconayo olole majaraha loogu siibayo xukuumadda Ra'isulwasaare Cali Max''ed Geedi oo si weyn ay isku khilaafsan yihiin Madaxweynaha dowladda KMG ah.

 

Wasiirada is casilay ee aynu helnay magacyadooda ayaa waxaa ka mid ah:-

 

1. Max'ed Max'uud Gacmo Dheere.Wasiirka Arimaha gudaha,

2. Cabdi Max'ed Tarax, Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta.

3. Ismaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Wasiirka waxbarashada.

4. Max'ed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka

5. Cali Ismaciil Cabdi Giir wasiirka Dekedaha/.

6. Aamino Max'ed Mursal, Wasiirka Haweenka.

7. Cali Cabdulaahi Cosoble, Wasiirka Qorsheynta Qaranka.

8. C/laahi Cabdi Garuun, wasiirka amniga qaranka.

9. Xasan Max'ed Nuur Shaati gaduud, Wasiirka maaliyadda.

10. Max'ed Nuuraani Bakar, Wasiirka Macdanta iyo biyaha.

11. C/risaaq ***** Biixi, wasiirka G/dhigga.

12. Xasan Dhimbil Warsame wasiirka Garsoorka.

13. Qamar Aadan Cali, Wasiirka caafimaadka.

14. Madoobe Nuunoow, wasiirka warfaafinta iyo kuwo kale.

15. C/laahi Axmed Afrax, Wasiirka Ganacsiga.

16. Max'ed Cabdulaahi Kaamil, Warshadaha

17. C/raxmaan Jaamac Rooble, Dib u dhiska

18. Qamar Aadan Cali. Wasiirka caafimaadka.

19. Cali Max'ed Max'uud, Wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta,

20. C/laahi Yuusuf Xaraare , Wasiirka Batroolka iyo tamarta

21. Cali Axmed Jangali, wasiirka xanaanada xoolaha.

22. C/qaadir Nuur Caraale, wasiirka Beeraha

 

 

 

Sabaha wasiiradaan ay isku casileen ayaa waxa ay ku sheegeen in ay ka mid tahay xukuumadda KMG ah oo diiday in kalsooni ay weydiisato Baarlamanka KMG ah, iyadoo waqtigeeda uu ku eg yahay 12 October.

 

Wasiiradaan ayaa lagu wadaa in ay qabtaan shir Jaraa'id oo ay ku faahfaahinayaan sababaha keenay iscasilaadooda.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe ama Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

22 wasiir oo iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumada ra'isal wasaare Geedi.

 

Mogadishu ,11, September 2007 (HornAfrik Media)Iscasilaadaasi ayaa timid ka dib markii ay xubnahaasi kulan ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarun goboleedka gobolkaasi Bay, wasiiradaasi xilalka isaga tagay ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin wasiirada wasaaradaha arimaha gudaha, gaashaandhiga, ganacsiga iyo kuwo kale oo dhowr ah oo xil ka dagistootana sabab uga dhigay dalabaad guul dareystay oo ay u gudbiyeen Prof. Cali Maxamed Geedi.

 

Welina waxaa soconaya kulan albaabada ay u jiran yihiin oo ay leeyiin golaha wasiirada iyo qaar ka mida wasiiradaasi xilalka baneeyay kaasi oo ka dhacaya magaaladaasi Baydhabo.

 

Saacadaha soo socda ayaana la filayaa in wasiiradaasi iscasilay ay goor dhow ay qabteen shir jaraa'id oo ay uga hadlayaan waxyaabaha keenay rasmiyan istiqaaladaasi ay ku dhaqaaqeen goor hore oo maanta ahayd.

 

Wasiiradaasi maanta iscasilay ayey ka mid yihiin:-

 

Wasiirka wasaarada warfaafinta Madoobe Nuunoow Max'ed.

 

Wasiirka wasaarada garsoorka abuukaato Xasan Dhimbil Warsame.

 

Wasiirka wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka Max'ed Ibraahim Xaabsade.

 

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Max'ed Max'uud Gacmo-dheere.

 

Wasiirka wasaarada waxbarashada Ismaciil Max'uud Hurre Buubaa.

 

Wasiirka wasaarada qorsheynta Qaranka Cali Cabdulaahu Cosoble.

 

Wasiirka wasaarada maaliyadda Xasan Max'ed Nuur Shaati gaduud.

 

Wasiirka wasaarada macdanta iyo biyaha Max'ed Nuuraani Bakar.

 

Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Col. C/risaaq ***** Biixi.

 

Wasiirka wasaarada ganacsiga Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

 

Wasiirka wasaarada dalxiiska iyo duurjoogta Cali Max'ed Max'uud.

 

Wasiirada wasaarada caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo Aamino Max'ed Mursal oo iyaduna ah wasiirada wasaarada amuuraha haweenka iyo kuwo kale oo dhowr ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In ka badan 20-wasiir oo isku casilay maanta

Laascaano, Somaliya (Calanka.com) 11-Oktober-2007

 

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ku dhawaad 22 xubnood oo ka tirsanaa xukuumaddii Prof. Cali Maxamed Geeddi ay iska casileen xilkii ay hayeen kuwaasoo sheegay in jiritaanka xukuumadda ay xilkeeda hayeen ay ku eg tahay 12-ka bishan oo maalin qura ay naga xigto.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in wasiiradaasi ay sheegeen in Ra'iisul Wasaare Geeddi uu diiday in uu kalsooni weydiisto Baarlamaanka, taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay mid kali-talisnimo ah oo aan sharciga waafaqsaneyn iyadoo wasiirada iska casilay xilalkooda ay ka mid yihiin:

 

Xasan Dhimbil Warsame Wasiirka Garsoorka

Ismaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Wasiirka waxbarashada.

Max'ed Max'uud Gacmo Dheere.Wasiirka Arimaha gudaha

Xasan Max'ed Nuur Shaati gaduud, Wasiirka maaliyadda

C/risaaq ***** Biixi Wasiirka Gaashaandhiga

Cali Cabdulaahu Cosoble, Wasiirka Qorsheynta Qaranka.

Cabdi Max'ed Tarax, Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta

Max'ed Ibraahim Xaabsade, Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka

Cali Ismaaciil Cabdi Giir Wasiirka Dekaddaha

C/laahi Axmed Afrax, Wasiirka Ganacsiga

C/laahi Cabdi Garuun Wasiirka Amniga

Madoobe Nuunoow, wasiirka warfaafinta

Aamino Max'ed Mursal, Wasiirka Haweenka

Max'ed Nuuraani Bakar, Wasiirka Macdanta iyo biyaha

Qamar Aadan Cali, Wasiirka caafimaadka iyo kuwo kale

 

Iyo kuwo kale oo aan wali magcohooda si buuxda u helin laakiin aan idiin kugu soo bandhigi doono wararka danbe, ilaahay haduu yiraahdo.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah:-22 wasiir oo ka mid ah xukuumadii Geedi oo is casilay

 

 

Baydhabo (WNT)- 22 wasiir oo ka mid ah 30-kii wasiir oo ay ka koobnayd xukuumada R/wasaare Geedi ayaa xilkii ay hayeen iska casilay waxaana sidaas ku dhacday dawladii R/wasaare Cali Max’ed Geedi.

 

Is casilaada wasiiradaan ayaa ka danbaysay khilaaf soo soo dhex galay M/weyne Yuusuf iyo R/wasaare Geedi taasi oo ku saabsanaa in xukuumada uu waqtigu ka dhamaaday iyo inaan weli waqtigu u dhamaan.

 

Geedi ayaa hadda waxaa la gudboon inuu mooshin xagga kasoonida ah raadsado oo baarlamanka ka dalbado, ama uu sidaas ku tago.

 

Warar dheeraad ah la soco Waayaha.net

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

Editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer dont tell me you want to make an issue of this. This news is tragic for Geedi, if he lost 22 out of 30 Ministers what will he hold on to?

 

We wait have to wait and see, but this is not good for the PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

22 Wasiir oo Baydhabo ka soo saaray Qaraar ay ku dalbanayaan in Xukuumadda Federaalka ay Kalsooni weydiisato Baarlamaanka

 

Khamiis, October 11, 2007(HOL): Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo saaray Qaraar ay ku dalbanayaan in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka.

 

22 Wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka soo saareen magaalada Baydhabo qaraar ay ku dalbanayaan in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka.

 

Wasiirradan ayaa sheegay in qaraarka ay soo saareen ay u cuskadeen qodobka 11aad ee Axdiga KMG ah qeybihiisa 8aad iyo 9aad oo dhigaya in Xukuumadda ay Baarlamaanka kalsooni weydiisato 12-ka Oktoobar 2007, iyagoo intaas ku daray in haddii aaney Baarlamaanka kalsooni weydiisan ay taasi sumcad darro u tahay.

 

Wasiir ka mid ah Wasiirrada Qaraarkan soo saaray oo HOL u waramay balse diiday in magaciisa la soo bandhigo ayaa sheegay in soo jeedintooda ay tahay mid sharci ah, isla markaana ay tahay in ay Xukuumadda kalsooni weydiisato Baarlamaanka.

 

12-ka Oktoobar 2007 ayay xukuumadda Federaalka ugu buuxsameysaa muddo labo sanadood ah oo la rabay in ay ku soo diyaariso Dastuurka Federaalka ee lagu dhaqayo Dalka Soomaaliya, iyadoo aan ilaa iyo haatanna soo diyaarin Dastuurkaas.

 

Qaraarka ay soo saareen Wasiirradan ayaa wuxuu ayidayaa go’aan uu Madaxweyne Yuusuf ku doonayo in ay Xukuumadda kalsooni weydiisato Baarlamaanka, walow ay go’aankaas ka soo horjeedaan Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo xubno Xildhibaano ah oo ku fikir ah.

 

Magacyada Wasiirrada Qaraarka soo saaray:

 

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa

Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud

C/risaaq ***** Biixi

C/llaahi Yuusuf Maxamed Xaraare

Maxamed C/llaahi Kaamil

Cabdi Maxamed Tarax

Cali Ismaacil Cabdi Giir

Qamar Aadan Cali

Cali C/llaahi Cosoble

C/raxmaan Jaamac Cabdalla

Maxamed Ibraahim Xaabsade

Cali Maxamed Maxamuud

Maxamed Nuuraani Bakar

Maxamed Maxamuud Xeyd

Madoobe Nuunow Maxamed

Cali Axmed Jaamac Jengeli

C/qaadir Nuur Carraale

Aamina Maxamed Mursal

C/llaahi Axmed Afrax

C/llahi Cabdi Garrun

Xasan Dhimbil Warsame

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

Magacyada Wasiirrada Qaraarka soo saaray:

 

Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa

Xasan Maxamed Nuur Shaargaduud

C/risaaq ***** Biixi

C/llaahi Yuusuf Maxamed Xaraare

Maxamed C/llaahi Kaamil

Cabdi Maxamed Tarax

Cali Ismaacil Cabdi Giir

Qamar Aadan Cali

Cali C/llaahi Cosoble

C/raxmaan Jaamac Cabdalla

Maxamed Ibraahim Xaabsade

Cali Maxamed Maxamuud

Maxamed Nuuraani Bakar

Maxamed Maxamuud Xeyd

Madoobe Nuunow Maxamed

Cali Axmed Jaamac Jengeli

C/qaadir Nuur Carraale

Aamina Maxamed Mursal

C/llaahi Axmed Afrax

C/llahi Cabdi Garrun

Xasan Dhimbil Warsame

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

What happens if Geedi wins the confidence vote and chooses not to name any of the above again in his new cabinet.... :D bring on the pizza the show is about to start... :D:D

 

£5 on 2/1 that Geedi will survive this - who is in?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by LLPP:

Wasiir maashee waxaan!

quote:

...end of the road?

Nacam, end of adeer Yeey too.
lol...wixii la rabo aa la iska sheegaa oo faraha laga qorayaa, wasiiroow xaal qaado, kuwaan awalba daba-dhilifeen bay ahaayeen iyo Geeddi iyo C/llaahi intuba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this