Sign in to follow this  
General Duke

Clan Courts Sharif Ahmed agrees to talks: a change of heart?

Recommended Posts

Madaxda isbahaysiga ee Tuulada Asmara oo maalmaha soo socda kulan la qadan doona Ra'iisal wasaraha somaaliya Md Nuur Xassan Xussen "Nuur Cade" .

 

Madaxda isbahaysiga Tuulada Asmara ayaa maalmaha soo socda kulan la qadan doono Ra'iisal wasaraha somaaliya iyadoo la hadal hayo in uu wefdigaas hogaamin doonaan Gudoomiyaha Golihii Maxkamada Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya.

 

Isbahaysiga Tuulada Asmara iyo Ra'iisal wasaaraha somaliya Md. Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cade" ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan dalka Kenya magaalo madaxdiisa Nairobi maalmaha soo socda.

 

Mas'uulka u qaabilsan dalka mareykanka ee arrimaha Soomaaliya Mr Yeetis ayaa ku hawlan sidii uu isugu keeni lahaa Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cade" iyo mucaaradka dowlada kasoo horjeeda si ay u wadahadlaan.

 

War laga soo xigtey safaarada mareykanka ee dalka Kenya ayaa wuxuu ku waramayaa in Wadahadalkaan uu ka dhici doono safaarada dalka mareykanka ay ku leedahay dalka kenya magaala madaxdiisa Neyroibi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

maadeey.jpg

Sh C/raxiin Muudey "waa soo dhaweyneynaa wada hadallo hor dhac ah oo aan la yeelano Dowladda federalka".

 

Sheekh C/raxiim Cali Muudeey oo ahaa xoghayihii warfaafinta maxkamadihii beelaha midoobay ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in ay suuragal tahay wada hadallo in ay dhex maraan kooxdiisa iyo xukuumada federalka Soomaaliyeed.

"waa soo dhaweyneynaa wada hadallo hor dhac ah oo aan la yeelano Dowladda federalka".ayuu yiri Sh Muudey oo sheegtay in uu hada joogo magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

"Dhankeena aad ayaan usoo dhaweyneynaa hadalkii kasoo baxay ra'isul wasaare Nuur Cadde,waana naga go'an tahay in aan la heshiino dowladda federalka "ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Sh Muudey oo hadalkiisa laga dha dhansan karay in qoladii maxkamadaha sheegan jirtay ay hada kasoodabacday mowqifkeedii hore.

 

"Ra'iisul Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliyeed waxaan ka codsan lahayn in uu suura geliyo wada hadalo labada dhinac ee dowladda iyo maxkamaduhu ku yeesheen mid ka mida dalalka dariska ah sida jabuuti oo kale amaba meeshii kale ee la isku afgarto si is faham hor dhac ah loo gaaro"ayuu mar kale yiri Sh Muudey.

 

Sheekh muudey ayaa sheegay in ay ra'isul wasaaraha ka sugayaan in uu ku dhawaaqo mudada ay dhacayaan wada hadalada nabadeed ee uu ku baaqay hadiibuu yiri uu dhabta sheegayo.

 

xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mucaaradka dowladda oo wadahadal ogol

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 22-Marso-08

 

Madixii Warfaafinta Maxkamadahii Islaamiga Sheekh C/raxiim Cali Muudeey ayaa daboolka ka qaaday in ay ogol yihiin wadahadallo horudhac ah oo ey la yeeshaan dowladda federalka Somalia.

 

Sheekh Muudeey ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweeyeen go'aankii ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayna ka go'an tahay inay la heshiiyaan DF, wuxuuna intaa raaciyay in aysan ka tagayn go'aankoodii ahaa inay dalka ka baxaan ciidamada Ethiopia.

 

"Ra'iisul wasaaraha waxaan ugu baaqaynaa inuu tago dalalka aan dariska nahay, sida dalka Jabuti halkasna uu kulamo kula yeesho madaxda Isbaheysiga, si ay u sura-gasho inuu dhaco isfaham horudhac ah oo u dhexeya mucaradka iyo dowladda", ayuu yiri Sheekh C/raxiim Cali Muudeey oo sheegay inay ka go'an tahay inay heshiis qaataan intii ay colaad wadi lahaayeen.

 

Madaxii Warfaafinta Maxkamadaha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii aysan suuragal ahayn in wadahadalo hordhac ah lagu yeesho dalka Jabuuti ay qabaan in lagu wadahadli karo deegaanno dalka ka tirsan oo aysan ku sugnayn ciidamada Ethiopia oo uusan carrabaabin.

 

"Madaxda Dowladda waxaan ugu baaqaynaa inay kalsooni yeeshaan ayna ku kalsoonaadaan madaxda Maxkamadaha iyagoo ku dhiiranaya inay dalka ka saaraan ciidamada Ethiopia, annagu waxaan u ballanqaadaynaa inaan wax dhibaato ah loo geysanayan haddii ay dalka ka saaraan ciidamada Ethiopia", ayuu yiri Sheekh C/raxiim.

 

Wuxuu intaas ku daray Mr. Muudey "Nur Cade, waxaa looga baahan yahay inuu waqtu u qabto wadahadalada uu ku baaqay haddii ay daacad ka tahay".

C/raxiim Muudey ayaa sheegay in dalka Somalia ay aamisan yihiin inay haystaan dowladaha Ethiopia iyo kuwa kale ee nabad ilaalin ahaan u jooga Somalia, ayna ka codsanayan madaxda dalalkan iyo calaamkaba in laga saaro Somalia ciidamada ku sugan.

 

Ra'iisul Wasaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cade] ayaa horay uga dhawajiyay inuu la hadlayo kooxaha mucaaradka ah ee ka horjeeda dowladda isagoo aan kala soocayn, taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed.

 

Nuur Cadde ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay qayb ka yihiin mucaaradka ay la hadlayaan, balse afhayeen u hadlay kooxdaas oo lagu magacaabo Abu-Mansur uu ka dhawaajiyay dhankiisa inaysan la hadlayn dowlad federal walaa Nuur Cadde.

 

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa asbucii la soo dhaafey dowlada Mareykanka ku dartey liiska argagixisada caalamiga ah taas oo dhabar jab ku ah baaqa Nur Cadde.

 

Hadalka ka soo yeeray madaxii Warfaafnta Maxaakiimta ayaa weli waxan hadal ka soo saarin mucaaradka banaan jooga ah gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

G/online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che, I welcome it indeed, though I pose a question, is this real from this side?

 

Or maybe Sharif Ahmed is free now since the Al-Shabaab have been marganalised.

 

Anyhow this is an important moment if it takes place.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is indeed goog news, the reality there is no military solution to Somalia's problems, it is only political. The ICU and the TFG must come together and solve Somalia;s huge problems rather than endless violence.

 

For the KB warriors, war is hell and the one in Somalia is even more hellish. How I wish you could spend sometime in this hell so that you can appreciate the peace you have in the west.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geel family, this is a good step, talks are required. Indeed the TFG held and all clan meeting in Mogadishu, guess whow as against it?

 

Nur Cade has been calling for talks, and again the Al -Shebaab have made nothing but threats.

Xasan dahir even insulted the PM.

 

Now its clear that Sharif Xasan and his wing want peace and to come in from the cold. This is a good development and insha Allah we shall get it.

 

However a strong line must be met with any armed faction that opposes security, peace and resorts to mindless violence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che,

Don't you think they know it? But it takes both sides to realize that and come to the negotiaton table. The moderate wing of the TFG and moderate wing of the ICU perhaps can make it happen if they are brave enough to make peace.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this