Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Waararkii ugu danbeeyay ee safarka madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

It was a simple and normal procedure fot the presidents sxb ,,,,,, that is what every government do when receiving an official delegations ,,,,,,,,,

 

 

don't be that confused niyow ,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflad balaadhan oo shalay jaaliyada reer Somaliland ee Sweden u sameeyeen waftigii madaxweynaha

 

 

Madaxwaynaha JSL Mudane Dahir Rayaale Kaahin iyo Wefdiguu uu hogaaminaayey waxay shalay ka qayb-galeen xaflad ay u diyaariyeen Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sweden. Waxa Wafdiga Madaxwaynaha JSL Xafladaasi ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Sweden Mudane Sakariye iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Sweden Mudane Xuseen Wadaad yare, xafladaasi waxa hadalo dhaadheer ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Qoyska Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane C/laahi Maxamed Ducaale iyo Madaxwaynaha JSL oo halkaasi ku siiyey warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda Dalku maanta uu maraayo iyo ta uu tiigsaanaayoba. Madaxwaynuihu dadkii halkaasi joogay wuxuu dardaaran dheer ku siiyey inay midoobaan isna jeclaadaan taasi oo wax wayn ka tari-doonta midnimada Somaliland iyo wax tarkeedaba.

 

 

 

Wefdigu waxa xalay casho laqaatay oo casho sharaftaasi u sameeyey Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Sweden isla markaana u qaabilsan Dalalka Iskandaniifiyanka.

 

 

 

 

 

Wefdiga madxweynaha Somaliland oo malamahan booqashooyin kujoogey dalka Sweden ayaa labadii malmood ee ugu danbeeyey wuxuu madxweynhu lakulmey Xubno ka tirasan barlamnka Sweden,shirkan oo ahaa mid aan saxafada Loo ogoleyn ayaa waxaa ugu badnaa ee lagaga wada hadley ay u badneyd,kalinta Sweden ay ka qadan karto masharicda horumarinta ee laga hir galin karo Somaliland.

 

Arintan ayaa ah mid runtii aad moodo in Xukumda Somaliland ay xooga sareyso in ay bulshada caalmka iyo wadamada Deeqaha Bixiya ay kaga dalbaneyso in masharic iyo waxtar baladhan lasiiyo Somaliland,taaso Somaliland ay haysato furasdii lagu caawin lahaa isal markaana ay buuxisey shurudiihi waxayabaha daruuriga u ahaa,waana mid ay jecelyihiin Dalalaka Skandenefiyanku in ay cawiyaan dalalka Soo kooraya sida Somaliland.

 

Wefdiga ayaa la kulmi doona barito Ha'yada ugu weyn ee Sweden u qaabilsan arimaha samafalka Oo marka lasoo gabiyo loo yaqaan SIDA waxaaney dhawaan Xukumda Sweden kor uqaadey,dhaqaalihii loogu talo galey Somaliland Iyo Somalia,walibana Sweden ay Go'ansatey in dhaqalaha Somaliland si toosa iyada loo siiyo.

 

Sawiradan Hoosta Waa Barlamnka Dalka SWEDEN oo ay wefdigu booqdeen.

 

 

jun6fw7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Che-Guevara:

^^^Xaa kugo dhacay.

He is not a Riyaale supporter dee. I believe Badacase wuxuu jagada la rabaa ina Waraabe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku gudo jira socdaalkii ay ku marayeen dalka Sweden, waxay kulan ballaadhan la yeesheen, dadka reer Somaliland ee deggan Dalkaasi, kullankaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha dalkaasi, waxa ka muuqatay farxad iyo raynrayn ay ku soo dhaweynayeen weftiga, iyagoo qaarkood lulayey Calankii Somaliland, kuwa kalena ku labisnaa.

 

 

 

Madaxweynaha JSL, oo khudbad u jeediyey dadkii halkaasi isugu yimid,waxa uu uga waramay ula jeedada socdaalkooda inuu yahay inay sii xoojiyaan, xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Sweden, waxana uu shirka u sheegay in Dawladda Sweden ay ka go’an tahay in Somaliland ay si gooni ah u tixgeliso, gaar ahaan Arrimaha horumarka iyo kaalmada Mashaariicda.

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay qurbo jooga reer Somaliland ee deggan Sweden in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir, iyada oo ay ka faa’idaysanayaan aqoonta iyo ilbaxnimada dadka ay la nool yihiin, uguna faa’ideeyaan dadkooda marka ay ku soo guryo noqdaan Somaliland.

 

 

 

Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisii uu halkaasi ka jeediyey “ Waa in aanu albaab walba garaacnaa oo aananu ka daallin sidii aqoonsi aanu ugu heli lahayn dalkayaga” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisii Mudane Rayaale.

 

Waxa iyana halkaa hadal kooban oo mahadnaqa ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Debedda Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiiradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta a Bulshada, Marwo Faadumo Suudi Xassan, oo iyana weftiga ku soo biirtay.

 

 

 

 

Waxa kale oo iyana hadal soo dhaweyn iyo mahadnaq isugu jira halkaasi ka jeediyey dadka reer Somaliland ee Sweden deggan oo ay ka mid yihiin, Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden iyo Madaxda Jaaliyadaha Reer Somaliland.

 

 

 

Waxa dabadeed habeenkii xalay ay Madaxda Jaaliyadaha Reer Somaliland ay martiqaad ballaadhan ugu sameeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa Huteelka Caanka ah ee la yidhaahdo Hilton Hotel martiqaadkaasi oo iyana ay ka soo qayb galeen, Safiirka Ethiopia u fadhiya Scandanevian-ka oo hadal kooban uu halkaa jeediyey ka waramay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo jaarnimo ee ka dhaxeeya labada wadan ee Somaliland iyo Ethiopia iyo Xildhibaano ka socda Axsaabta Siyaasadda ee Dalka Sweden.

 

Weftigu waxay Maanta iyana la shireen Wakaaladda Horumarinta Dhaqaalaha ee Caalamiga ah la yidhaahdo “SIDA”, halkaasi oo la isla soo qaaday xidhiidhka ka dhaxeeya labada wadan siiba, Mashaariicda Horumarinta ee Somaliland ay danaynayso in ay ka caawiso Dawladda Sweden. .

 

 

 

Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha JSL, waxa kale oo caawa Martiqaad Casho Shafar ah u sameeyn doona Safiirka Ethiopia uga wakiila Wadamada Scandinavian-ka. Mr. Dina Mufti.

Share this post


Link to post
Share on other sites

One thing thats clear is that this isnt close to being an invitation held for international dignitaries. The cars a rental (diplomat cars have blue registry), the parliament walk-around is done for tourists and kindergarten kids also on a daily basis and I could only spot one of the MPs as slightly influential, the rest are nobodies who just fills up spots for their resp. party.

 

All in all, this wasnt how I was expecting Somalilands top chiefs to be treated, but then again.

 

As a comparison, A/Y had the diplomat cars, limousine diplomat cars actually and was guarded by the Swedish Security Service during his time and his speech at the City Hall. Although he too didnt get to meet with the top political leaders of Sweden.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Although he too didnt get to meet with the top political leaders of Sweden.

LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL :D:D ,,,,, hadaa maxaad la xayaysiinaysaa ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this