Sign in to follow this  
Paragon

Puntland Resignations: whats up?

Recommended Posts

Paragon   

WAR DEG DEG AH:- SICIID QORSHEEL OO IS CASILEY

 

London:- War deg deg ah oo goor dhoweyd naga soo gaarey Boosaaso ayaa noo xaqiijiyey in Wasiirkii Xanaada xoolaha ee Maamul Goboleedka Puntland uu is casiley goor dhoweyd iyadoo ilaa iyo hada aysan wax war ah Dowlada Puntland kasoo saarin.

 

GOOR DHOW FILO FAAH FAAHIN.

-----

 

Warar dheeraad ah oo ku saabsan is casilaadii Gudoomiyaha Sool

 

Laascaanood:- Mudane Ibraahin Jaamac daad oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa xilkii iska casilay ka dib markii ay Maamulkiisa ka hor yimaadeen caqabado badan oo dhinaca Siyaasada Gobolka ah, sidaas darteed Maanta ayuu xilkii Gudoomiyenimo iska casilay

 

Gudoomiyaha G/sool Ibraahim jaamac daad oo khadka talefoonka kula soo xidhiidhay saxafada gobolka sool ayaa usheegay inuu iska casilay xilkii gudoomiya nimada ee G/sool istaqaaladiisana ugu gudbiyay madaxda sarsare ee D/G/PL

 

Gudoomiyaha mar aanu wax kawaydiinay sababta keentay inuu xilka iska casilo ayuu noo sheegay inay tahay sababo ugaara iyo caqabado kaga yimi dhinaca maamulka P/L gudoomiyaha ayaanu sidoo kale waydiinay warar laysla dhexmarayo ay sheegayaan in isaga iyo duqa dagmada Laas-caanood uu khilafaad soo kala dhex galay Mr Ibraahim ayaa ku jawaabay inay yihiin waxba kama jiraan Gudoomiyaha ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo maamulka gobolka hase ahaatee gudoomiyaha ayaa sheegay inuu saxaafada lahadli doono una sheegi doono sababaha ku kalifay is casilaada

 

Is casilaada Gudoomiyaha ayaa kusoo began tay xili ayku suganyihiin wasiiro iyo xildhibaano ka socda Dawlad Goboleedka Puntland kuwaasoo ujoogay sixitaanka maamulka gobolka iyo sugida amniga guud

 

Wasiir kuxigeen arimaha gudaha iyo amniga Faarax Cabdi Doorshe aanu damacnay in aanu wax kawaydiino ayay noosuurto gali wayday khadka isgaadhsiinta awgeed

 

Wariye jees nasrullaah/laascaanood

----

 

Guddoomiyihii G/Sool oo is casilay

15 May 15, 2007 - 6:34:29 PM

 

Wararka naga soo gaaraya Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanod ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolkaasi uu Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee DGPL u gudbiyey qoraal is casilaad kadib markii ay sida uu sheegay soo wajaheen caqabado dhanka Maamulka ah.

 

Guddoomiyaha oo ay saxaafadu wax ka weydiisay arimaha is casilaadiisa ayaa sheegay in ay la xiriirto arrimo dhanka Maamulka ah oo caabad ugaga yimid dhanka Maamulka.

 

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax ogolaansho ah oo ka soo baxay dhanka Maamulka Puntland oo ku saabsan is casilaada Guddoomiyaha.

 

Is Casilaada Guddoomiyaha ayaa ku soo beegantahay xilli gobolka Sool ay ku sugan yihiin Madax sare sare oo Puntland ah iyo qaarka mid ah Hay'adaha samafalka.

 

Axmad Maxamed, GO

Garowe, Somalia

---

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Few days ago, this was being rumoured:

 

Gaagaab oo laga yaabo in uu iscasilo 13 May 2007

 

Boosaaso:-Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo sida la wada ogyahay ah xubinta 3-aad ee dawladda Puntland ugu awooda badan marka laga soo tago Cadde Muuse iyo kuxigeenkiisa , ayaa waxaa suuragal ah in uu iscasilo , isagoo xiligan ka faa’iidaysanaya gol-daloolada Cadde Muuse.

 

 

Gaagaab iyo Cadde , ayaa la sheegay in ay aad u muransan yihiin , kadib markii dhagxaad aad ugu muhiima nolosha khayraadka ku jira badda laga raray dakada Boosaaso , taa soo sida la sheegay uu Gaagaab ku talabixiyay in aan la rarin dhagxaantan oo la sheegay in uu qiimo aad u badan ugu fadhiyo Ummadda ku nool gobolka.

 

 

Caddde Muuse , uu khudbad dheer ka jeediyay madaxtooyadda Boosaaso taa soo aan saxaafadda laga soo dayn , kadib markii qalabkii ay wax ku duubeen wariyaashu laga qaaday , ayuu wuxuu dhaliil u soo jeediyay qaar ka mid ah Xubnaha dawlada oo uu ka mid yahay Gaagaab , wuxuuna ku dhaliilay in uu ka soo horjeedsaday siyaasadda dawladda ee la xiriirta in dhagxaantan loo iibgeeyo dalka Imaaraadka , wuxuuna sheegay Cadde Muuse in ay fikrd khaldan ay tahay in laga hadlo dhagxaantan , Gaagaab iyo cid kale toona aan laga tashan doonin rarida dhagxaantan.

 

Gaagaab , oo sida la aaminsan yahay ka mid noqon doona raga isku soo taagaya jagada M.waynaha Puntland , marka ay dhammaato wakhtiga Cadde Muuse , ayaa waxaa laga yaabaa in uu iscasilaadiisa ku soo beego xili Maamulka Cadde si wayn loo dhaliilay , isagoo ug faa’iidaysanaya tartankiisa M.waynenimo.

 

Gaagaab , ayaa wuxuu muddo dheer ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Puntalnd , ka dibna wuxuu muddo gaagaban ayaa M.kuxigeenka Puntland , iminkana wuxuu aamin sanhay in uu hanan-karo jagada u saraysa dalka ee M.waynaha.

---

 

So, are looking for the first leg of preparation for Puntland elections? Are these resigning men likely to form a coalition?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

I happen to believe that kuli fitna cinda geel inuu yahay ninkaan la yiraahdo Gaagaab. He is the most morally corrupted and a crook who has crippled Puntland. What an incompetent administration.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Then why the speculation of his resignation... If he runs the shaw and whatever bad is hapening there..

 

Honestly I want all of this admin to go... Is hard to accuse someone without credible evidence but I suspect they are all a bunch of crooks...

Share this post


Link to post
Share on other sites

To sale the state it is! The man, in the name of exploring Puntland’s resources to benefit the people, sloughed off into a shameless scrap-trader! Of course Cadde sports with royal titles. …just enough to distinguish himself from those in the south! Yaa Allah~~

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

i am starting to believe preisdent Cade Muuse's idea of economic imrovement is to sale the state, from menirals, gas, Oil and livestock to coral reef.

Why do you think Meles and the West like him so much? The softness of his beer belly? :D

 

The dude is in with the program like Yey and Riyaale are.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Castro:

^^^ It's just a generic term describing round and sexy bellies like the one Cadde has.
:D

Yeah , i think i've seen one with Indho Cadde :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^^^ Not yet, he doesn't but he is hoping though when the Ethiopians, Ugandans and Americans have cleared the way for him that he might grow a belly like Cadde does.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

It seems odeyga is getting somewhat sensitive if he is arresting people who write articles against him. No wonder others are handing in resignation. I kinda feel there is a conspiracy against the old man smile.gif . I don't like conspiracies, they give me the jitters.

---

 

Muse Cali Jamac oo xabsiga la dhigey

16 May 16, 2007 - 5:09:38 PM

 

 

 

Muuse Cali Jamac oo ay wada dhashen Jaamac Cali Jamac oo dhowan xildhibanimadii DF laga xayuubiyay ayaa xabsiga magaalada Bosaso shaley galab la dhigey kadib markii ay gurigiisa ka kexeysteen ilaalada gaar ah ee ee madaxweyne Cadde Muse.

Muse Jaamac oo horey uga tirsanaan jirey jabhadii SSDF ayaa dhowaan qorey qoraal uu uga soo horjeedo xill ka qaadista walalkiis isla markaana ku tilmaamey xubintii lagu badalayey mid ay si gooni ah uga tashadeen Cadde Muse iyo Cabdulahi Yusuf iyada oo aan wax tixgalin ah la siin beesha uu ka dhashey.

 

Dhinaca kale Muse Jaamac oo ah dadka aadka uga soo horjeeda Cabdulahi Yusuf ayaa ku tilaamey in xilka xildhibaanimada beeshiisa loo magacaabey mid ka mid ah dadka siyaasad ahaan aan ka fogeyn Madaxweynaha DFKMG ah.

 

 

Cadde Muse ayaa alaaba xabsiga u taxaaba dadka u dhashey beeshiisa hadii ay wax ka shegaan maamulkiisa.

 

Garowe Online,Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this