Sign in to follow this  
Qudhac

italian woman caught selling 13 year old girl from Qardo puntland

Recommended Posts

RedSea   

Sayyid you're getting rather silly with this Qardho thing. So what if you're from Qardho. Stop trolling and give people a chance to prove or disprove the validity of this story.

 

If it's true it needs to be addressed quickly, because a young girl was taken from her home. Child trafficking is totally new to us. This could have happened in any region.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Originally posted by Maaddeey:

Edit: ^Quracoow, maadaa Haatuf wax ku qora?, mise Korneeylka Booliska ee la wareystay ayaad ka war roontahay?

 

'
DH'da ma kartid miyaa?
:D

waar waan karaa ee sayid*somali ayaan dhiiga ku yara kicinaayay.

 

kornaylka booliska sources uu ka keenay inforgan ayaan u sii ayay sourcekooda :D

 

WAA FERY FERY CONFUYUSION DEE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Burco, 24 Feb, 2010 (Ogaal)- Maxkamadda Degmada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa ka gar-naqaysa Kiis u dhaxeeya laba qoys oo ka soo kala jeeda Dalka Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Oromada ee Itoobiya iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.

 

Sida aaanu ka soo xiganay Telefishanka HCTV oo warkan baahiyay, Maxkamadda Degmada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayuu ka socdaa Kiis u dhaxeeya laba qoys oo ka soo kala jeeda dalka Itoobiya iyo Maamul-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, kaas oo la xidhiidha ilmo yar oo laysku haysto.

 

Warku wuxuu intaa ku daray in Gabadh yar oo da’deedu shan jir tahay ay isku haystaan Qoys degan Magaalada Garowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland iyo Gabadh dhalashadeedu tahay Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya. Qoyska ka soo jeeda Puntland ayaa ku andacoonaya in ay iyagu dhaleen gabadha yar, halka gabadha kale ee Oromada ahina ay ku doodayso inay iyadu dhashay.

 

Aasiya Maxamed Cali oo ah Gabadha Oromada ah ee ku doodaysa in ay dhashay Ilmaha yar, isla markaana gacanta ku haysa hadda, ayaa sheegtay inay iyadu dhashay Ilmahan. "Ilmahan anigaa dhalay, si gardarro ah ayaana laygu haystaa. Inanta yari waxay ku dhalatay Jigjiga ee Kililka Shanaad, aniguna Burco maan dhaafin ee waxay igu qabsadeen oo aan deganaa Madaarka Burco. Waanan caddaynayaa" ayay tidhi gabadhan oo iyada iyo Ilmaha yarba uu hadda gacanta ku hayo oo loo dhiibay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Biin.

 

Dhinaca kale, Gabadha kale eek u doodaysa inay iyadu dhashay Ilmahan oo ku sugan magaalada Garowe ee Puntland oo magaceeda la yidhaahdo Xaliimo Cismaan Barre ayaa sheegtay in muddo sanad iyo badh ka hor ah ilmaha laga xaday, waqtigaas oo ilmaha yar da’deedu ahaa 3 sanno iyo badh. Waxay intaa raacisay Xaliimo in lagaga xaday gabadha yar Degmada Bandar-Bayla ee Gobolka Bari ee Puntland. Isla markaana markii ay maqashay in Ilmaha ay ku doodayso in ay dhashay uu joogo Magaalada Burco ay halkaa timi, lana kulantay Maamulka Gobolka Togdheer. Halkaas oo Ilmaha yar ee ay sheegtay inay iyadu dhashay lagu dhex daray Caruur badan oo ay ka dhex garatay. Iyada oo baaq u jeedisay Xukuumadda Somaliland iyo madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer. "Waxaan Dawladda Somaliland ee gacanta ku haysa Ilmahayga ka codsanayaa inay si degdeg ah iigu soo gudbiso, anigoo u mahad-naqaya Shacabka, Culima’udiinka iyo Shacabka Gobolka Togdheer. Waxaan mar kale ka codsanayaa iyaga oo sumcaddooda ilaalinaya in ay ii soo gudbiyaan ilmahayga." Ayay tidhi, waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi, "Waxa marka hore iga soo kaxaystay ma garanayo, sababtoo ah haddii aan garanayo waan kala hadhi lahaa, laakiin imika waxa gacanta ku haya Jaamac Cabdilaahi Biin (Badhasaabka Togdheer), Aadan Maxamed Ducaale iyo Aasiya Maxamed Cali. Waxaanan ka codsanayaa Dawladda sharafta leh inay si degdeg ah iigu soo gudbiyaan Ilmahayga aniga oo dhibbane ah."

 

Geesta kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Burco Maxamed Jaamac Cashuur oo gacanta ku haya Kiiskan, ayaa sheegay in Kiiskani aanu ahayn mid fudud, balse uu socdo, isla markaana ay codsi u gudbiyeen Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, si Ilmaha looga qaado baadhitaanka Dhiigga dhalashada ee loo yaqaano DNA, kaas oo suurtogalinaya in la aqoonsado Ilmahan cidda dhashay. "Ka dib markii aanu arrintan baadhnay, waxaanu ogaanay in Gabadha yar lagu hayo Burco oo ay Gabadhaasi haysatao, sidaa darteed dacwad baanu ka furnay Maxkamadda Degmada. Gabadha Oromada ah iyo Ilmaha yare e ay wadato waanu haynaa oo waxa noo soo gudbiyay qolada Booliska ee Dembi-baadhista, baadhis ka dibna waxay noo sheegeen in aanay haynin dembi dhagar ah oo Xabsi ah ee ay Maxkamaddu arrintaa si madani ah ugu gar-qaaddo labada dhinac. Sidaa darteed, waxa Maxkamadda soo galay kiis culus oo ah Ilmo laysku haysto nasabaddiisa, taas oo u baahan in aad looga baaraan-dego oo la maro Shareecada Islaamka, Shuruucda dalka u yaala iyo wixii kale ee lagu kala saari karo." Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda ee Degmada Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaliimo cismaan waxay sheegtay in ay gabadheeda la baxsatay naag oromo ah ayadoo dooneysa iney iibsato, Taas ku haystay magaalada burco ee somaliland kadibna ay ogaatay, isla markaasna ay tagtay Magaaladsi burco ayadoo markaa u dacwootay somaliland maamulka halkaasi ka jira.

 

Hooyo Xalima waxay inoo sheegtay in lagu xujeyey in lagu xujeeyay ineey Gabadheedi ka dhex aqooto gabdho farabadan oo qarkood la da'a ah, ayan markaa ka soo dhex bixiso gabadheeda.

 

Kadib markii la ogaataday arintaan ayaa waxaa amar lagu siiyey in ay hooyadu u yeedho waalidkeed abaheed iyo ehelkeeda kadibna markii ay yimaadeen magaalada burco oo ay garteen in ay tahay gabadhan yari ilmahoodi ayaa gabi aahnba loo diiday.

 

Cuqaal kala duwan oo loo saaray arintaan iyo Xukunkii Maxakamada islaamiga magaaladaasi ayaa waxaa ka horyimid oo diiday Maamulka Somaliland ee magaaladasi. :confused:

CUQAASHA.

 

1. Caaqil Baashi Cabdulaahi ibraahim.

 

2. Caaqil nuur xaaji cabdulaahi axmed.

 

3. Caaqil cali ciise aadan.

 

4. Caaqil aadan ismaaciil xuseen.

 

5. Caaqil aadan Maxamed naalaye.

 

6. Caaqil Cali suldaan rooble.

 

7. Caaqil bile caamir ducaale.

 

hooyo xaliimo waxay intaasi ku dartay in gabadhii yareed ay haatan hayaan maamulka burco gaar ahaan badha saabka Deegaankaas oo isagu hadda Gacnta ku haya gabadhaas,waxayna Hooyadan dhibanaha codsaneysaa in waxgaradka,ismida iyo dhamaan umada Somaliyeedba in ay gacan ka geystaan sidii dib loogu soo celin laha ailmaas yar ee lala baxsaday dabeedna la ibsaday, sidoo kale waxay Hooyo Xaliimo ugu baaqeysaa Hay'adaha Xuquuqul Insaanka in ay wax kala qabtaan ilaheeda ee xooga looga hayso, gaar ahaan kuwa ka howl gala Gudaha Somalia.

 

Hooyo Xaliimo waxey kaloo codsi u jeedineysaa Maamulka iyo waxgaradka Somaliland in ay usoo daayan ilamaha yar ee lagala soo baxsaday, xiligaana ku sugan Magaalada Burco.

what is going on here??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

^^^^

 

even though people will want to give the girl to xalimo but its better that its done the right way rather given it to her just because she is somali and the other is oromo.

 

 

the girl apparantly live with this oromo woman in burco, the woman from garowe says the girl was taken from her but says she doesnt know how it was taken, its very complicated case and just highlights even more how parents back home need to wake up as the world has changed and there are dadqalato everywere.

 

indeed its very dificult case....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this