Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Eastern Sanaag To Participate In The Coming Somaliland Elections

Recommended Posts

Qaran news cuqdad ayaa dishey. Adeer sanaag af laguma sheegto ee awoodbaa lagu sheegtaa.. Qaran News sawirka waxay kasoo xadey Dhahar.com. warkana sidan ayuu ahaa:

 

Badhan : Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxa magaalada Badhan soo gaadhey koox ka kooban 12 qof , oo isugu jirey Injineerro iyo hawl wadeenno ka mid ah shirkad biyaha qodda , kuwaas oo ujeedadoodu ahayd iney baadhis biyood ku sameeyaan magaalada Badhan.

 

Kooxdan ayaa shaqadoodii si habsami ah usoo gebagebeeyey muddo sadex casho ah , waxana la filayaa iney dhowaan xog rasmi ah ka soo saari doonaan meelaha biyaha leh ee ku hareeraysan magaalada Badhan , iyagoo rajo aad u fiican oo hordhac ah ka muujiyey arintaas.

 

Waxana la filayaa in dhowaan laga hirgeliyo ceel riig ah magaalada Badhan , hawshaas oo uu masuul ka yahay Inj. Maxamuud Siciid Xiirey oo lagu yaqaan hawl karnimo uu kusoo fuliyey mashaariic biyood oo badan iyo weliba kuwo caafimaad iyo waxbarasho.

 

Dadweynaha ayaa si aad ah usoo dhoweeyey qorshahan , maadaama ay magaalada Badhan tahay meelaha ugu bulshada badan gobolka Sanaag , isla markaana ay ka jirto baahi biyood oo aad u daran.

qubane.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

as long as you silly waqoye galbet people keep referring to sanaag as sanaag bari, there is no hope for Somaliland in that region, In the same breath, you hope to marginalize the people of sanaag and justify the expansionist and clannish elements among your people and lay claim to the people of sanaag as one of your own. its one or the other, it can not be both silly people...

Share this post


Link to post
Share on other sites

would that group come from Bugland they would say so and so ,,,, but i can see even Dhahar.com is just reporting the activity without mentioning where the group came from ...... rings a bell ? :D

 

 

Good job reer Maakhir ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Kool_Kat:

Eastern Sanaag walaa Western Sanaag ma'ehee, just when the hell is this so called election taking place? Waanba daalnay sidii loo dhahaayay dib baa loo dhigay, agah! Riyoole tuu soo wado iyo Recognitionkaan labaatanka sano laga daba ordaayay teebaa weyn?
:D

walal the election will happen when the time is ready so is the Koomiishanka Dooroshada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

as long as you silly waqoye galbet people keep referring to sanaag as sanaag bari, there is no hope for Somaliland in that region, In the same breath, you hope to marginalize the people of sanaag and justify the expansionist and clannish elements among your people and lay claim to the people of sanaag as one of your own. its one or the other, it can not be both silly people...

who is refering to sanaag as sanaag -bari? sxb the people of Badhan chose to be called Sanaag bari if they want to isolate themsefls then let it be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well, it seems this story has got some legs to it. Even the anti-Somaliland websites of Boocame.com and AllSanaag.com are carrying it.

 

While many in this Forum attempt to hide this fact, The Suldaanka Guud of the majority group in Eastern Sanaag is and has been a vocal supporter of Somaliland and its statehood. He's the local driving force behind the integration of Eastern Sanaag into the Somaliland fold.

 

Without digressing to polemics and name-calling, the reality shows major power-centers in the local community are in Somaliland's camp, a direct replica of the Sool situation. These are the levers that Somaliland has to play in the steady expansion of its administration across the entirety of the former British Somaliland.

 

Below is the story from Boocame.com (a virulently anti-Somaliland website)

Badhan oo la sugayo Sanaaduuqdii Maamulka Waqooyi Galbeed Somalia Shalay Jimcihii ayaa waxa ka hadlay TVga layska arko ETN Suldaanka guud ee ****** Suldaan Siciid suldaan CabdiSalaan oo sheegay in Badhan horay looga codeeyey doorashadii Somaliland,hadana ay diyaar u yihiin doorashooyinka soo socota waxana la fadhiyey Afhayeenka Komishanka somaliland Maxamed axmed Xirsi Geele iyo Ninka ku magcaban Gudoomiyaha Gobolka beenta ah ee Badhan. Sanaadiiqdan mar hore ayaa lagu keenay Degmada Badhan dhuumaalaysi ,waana sida uu caawa Suldaanku sheegay, iyada oo sida taariikhdu qorayso keenistan dhuumaalaysiga ah ee Badhameed ay sababtay inay ku dhinteen Dad birmagaydo ah oo u dhashay degaanka. Suldaanka guud oo ah mid aad u shaqeeya waqtiyada sanduuqyada ayaa Maalmahan lagu arkaayey sadexdii Xafladood oo laga keenay Hargaysa,kuwaas oo kala ahaa Ceelka Biyaha macaan ,Laanqeerta cas,iyo doorooshayinka,isaga oo ka yimid Maalmo ka hor magaalada Hargaysa. Degmada Badhan ayaa ah magaalada qura oo marka meelaha xafladaha laysugu yimaado sida xafladii Biyihii Macaan iyo tii doorashayinka maanta , ay ka soo wada dhex muuqdeen ama isna dhinac fadhiyaan Maayarkii Degmada ee Maamulka Puntland iyo Gudoomiyihii gobolka Beenta ah ee ******* . Ugu danbayntii Bulshada Reer Sanaag ayaa horay Dharbaaxo lama ilaawaan ah u dhigtay Sanduuqlayda,iyada oo ay garab taagan tahay Dawladooda Puntland ,wacyi gelina ay u samaysay Shabakada Dalka iyo Dadka ee Allsanaag, Sawirka aad kor ku aragtaan waa ceelkii biyaha macaanaa oo Laascaanood lagu khalday. Halgamaaka Webababka Sanaag Allsanaag.com Taariikhda Xusi Doonta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

lasqorey confirm it too

 

 

http://www.laasqoray.net/view_article.php?articleid=6739

 

 

Bisinka Eebahay ayaan ku bilowdey qormadan, waxaana rabigey weydiisanayaa inuu Maqfiro iigu dhaafo del qaafkeyga iyadoo maqaalkani uu ku saabsan yahay arimo xasaasi ah oo taabanaya boogta xudunteeda isla markaana dhalin karta kicin bulsho iyadoo taasba loola jeedo.

 

Tan iyo curintii Maamulka Puntland ee sanadkii 1998da waxaa horgale u maamulkan u ahaa kuwa ka shaqeeya xasarad oo lagu bartay tan iyo beri samaadkii oo intii waday xaq daro isla markaana ku caan baxay Docdayda aan Cuno iyo Docdaadba, oo aan ogoleyn wax in lala wadaago iney dhuuniga u ritaan maahee.

 

Halqabsigan aan ugu horeysiiyey waxaa tusaale ugu filan wixii ka dhacay Puntland tan iyo boobkii 1998dii iyadoo boobkaasu uu socdo laakinse maanta meesha uu marayo ay tahey martabad hooseysa oo aan loo adkeysan karin.

 

Wax badan baan isha ku qabtey kaaha iyo ololka Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug iiga soo butaacaayey runtiina ma noqon mid la xamili karo iyadoo Sadbursi, Cadaalad Xumo, afla gaado, quursi qabiil ay isugu jiraan waxa soo butaacaayey.

 

*****ga kalena aad muudsateen maamul xumadiina

oo Geri midabkaa nacay meel kale u guurey

 

Waxaan isla lahaa Faroole iyo Xukuumadiisa wax baa is bedelaya, laakinse taasina waa iga beenoodey oo horaa Somali u tiri Awrba awrka ka horeeya ayuu raacaa taas oo tusaaleba iigu filan.

 

Waxaana xusid mudan in ficiladani ay dhacin intii ka horeysey 1998dii oo aheyd bilowga is naca beelaha ***** oo runtii markaad si u eegtidba aad arkeysid erayadii uu tiriyey Abwaan Samakaab mudo hada laga joogo 160 sano oo aad moodid in saaka la meershey!

 

Weligoodba maal kuma xereyn muruq ay yeesheen e

Intey Nabad ku mariyaan xarbiga kuma mihiibaane

Waa niman martabadoodu yartahay maalin dirireed e

Meer meerka iyo faanku waa meheradoodii e

Markadeedka iyo beentu waa midabadoodii e

 

Waxaase intaa dheer in maanta xad gudubkoodii intuu batay tuulooyinkii Moorasaante la iska soo galo oo maatooyinka inta gunta loogu galo bariiskooda iyo wiilashoodii lasoo qaqabto magac dowladeed oo lagu socdo awgeed.

 

Waxaase ii dheer iyadoo Habowga Moorasaante aad moodid sida sahankii ku lumey dooxada Booxaaro oo kale oo biyo iyo baad bani aadam lahay

 

Taasina waxaa daliil ugu filan goortii dhowaan dhegteydu jalaq kusoo tiri weedho aan farxad i gelin oo ah in jahwareerkii siyaasadeed uu meeshii uu taagnaa wixii ka horeeyey August 2008 uu dib ugu noqdey.

 

Maxaan August 2008 usoo qaatey? waa markii ina Axmed Mataan yimi beri Maakhir oo balan qaadyo iyo Cahdi ahaa Puntland baan keeni ama Maakhir[sanaag, Haylaan, Galbeedka Gobolka Bari], waayeel, aqoon yahan, maato iyo wadaadba soo dhoweeyeen oo yiraahdeen SAMCAN WA ADAACAN.

 

Riyadii keenista Puntland hadey suuro geli weydey oo ilma ***** isaga keen hiiliyeen oo *********** iyo ********** iyo raacadoodaba ay ku heshiiyeen ineysan cadaaladi wax u dhicin.

 

Ayaa misna habowgii sii siyaadey oo niyada la isugu dhisey Ina Axmed Mataan Haylaan oo lagu awr kacsadey ayuu keeni, Deked buu keeni, Gole deegaan buu keeni, calanka Sheekh Isixaaq ee Baran suran buu siibi, kan Laasqoray Suran buu siibi, kan Ceelbuh, Ceerigaabo iyo Carmale buu siibi...

 

 

 

 

DSCF0966.JPG

Dhalinta Moorasaante oo Calankii SNM surtey Badhan, ilkajiirna kusoo dhoweeyey sidaa, ninkii ay ka shakisan tan, ha eego taariikhda Sawirka la qaadey iyo goortuu Ilko joogey Badhan

 

 

Ayaaba misna habowgii sii siyaadey oo niyadii la isugu dhisey Ina Axmed Mataan Misaaniyadii Haylaan buu keeni, gor gortan ayuu Faroole kula jiraa...

 

Mise waxaa soo butaacaya erayo aan dhegto u adkeysan oo ah qeylo maato oo guryohoodii Ceeldaahir, Laag iyo Bosaaso loogu galey oo wiilashoodii lagu qafaashey,

 

Maqaaalku ulama aanan jeedin eedeyn Ina Axmed Mataan AMA tolkeyba laakiinse waxay arimahan aan xusey ka mid yihiin xaqiiqada jirta iyo jaah wareerka Siyaasadeed ee ka tagaan Caro Maakhir, taasna waxaa dheer oo ay keentey in sharaftii reerkan xadaarada lagu ogaa ay hoos u dhacdey oo sokeeye ********** ku dhiiradey inuu wiilashoodii, dhulkoodii iyo xuquuqdoodiiba sadbursi ku sameeyo.

 

Mid kalena aan ku daro.

 

Habowgii siyaasadeed ee Moorasaante waa tan maanta keentey in niman aan cadaalad looga baran maxkamado beeleedyo wiilashoodii intey soo istaajiyaan quraan aan la aqoon meeluu ka yimi usoo daliishada iyo dastuur aysan jirin cid fahantayba!

 

Sanadkii 2008da waxaa Bosaaso ku xirnaa wiilal kor u dhaafey 20 oo xabsiga ugu jirey denbi baad gasheen oo qof baa idin soo sheegey [Cabdifataax waaba ka daran tahey oo waxa uu qaadigii ********** yiri naag baa kusoo sheegtey!!].

 

Wiilashaasi weli qaarkood waa xiran yihiin, waxaana kusii siyaadey wiilashii laga qabtey Ceeldaahir dhamaadkii sanadkii tegey maleeshiyaad beeleedka Cabdullahi Siciid Samatar iyo Cismaan Diyaano ay afduubeen, ciidanna lama daba dirin.

 

Odayadii tegey baaq aanan ku farxin bay ka keeneen Garowe iyadoo Faroole oo Meles iyo Ethiopia ku maqan bay yiraahdeen heshiis baanu la gaarney Faroole, tolow ma yarkii ina faroole bay moodeen odeyga?

 

Waxaase ku xigey in dhacdadii Marxuumkii Cabdullaahi Cali Cismaan (Kaarad] laba wiil lasoo xirey oo booliska ka mid ahaa isla markaana ukala dhashey Dubeys iyo **********[Cismaan Maxamuud], isla markaana kii ********** lasoo daayey oo yarkii Dubays 23ka January dil ku xukumeen beesha **********.

 

Waxaanse Moorasaante xaalkiisa si fiican u sawirey oo u qeexay erayadii Cismaan Cabdi Qaac goortuu yiri :

 

Geeldoora odayadii dhisoow goobtan lagu hoogye

Sidaad uga gaboowdeen ma kicin geesi taliyaa e.

 

Hadaba Cadaalad darada ********** waxaa ka wayn habowga Moorsaante waayo ninna mabda iyo aan mara habaabin nin fiyow kusoo dhiiran maayo oo maanta dulmiga ********** i badey cid iiga hiilineysa ma jirto oo waa sidaad uga gabowdeen ma kicin geesi taliyaa e.

 

Waxaan aad iyo aad uga naxay Qaadi beeleedkii oo maxbuuskii xaqdarada lagu haystey ku daac daacaya oo lahaa dil baa lagu xukume sadex awgeed,

 

-mid khal khal lagu geliyo Puntland,{********** ileyn cidkale baruur kuma haysato e]

 

-Diinta in dadka lagu diro[Diinta ********** ee bartey in Naag keliya Markhaanti noqon karto}

 

Waxba yaaney Li-ilaafi marmarin oo i maqashiine

Anba Miimka iyo Wawga kala macneeyaa e

Masaladooda baas ma rabo iyo macalin beeneed e

 

Xaakim beeleedkii waxa uu intaa ku darey oo yiri oo weliba ku cel celiyey ''lasoo adeegsadey oo ay soo adeegsadeen cid cadow u ah Puntland.''

 

Markaasuu intuu is yiri martabadaad kor u qaad ku darey ''Baare inuu cadeeyey in qoriga uu ka ridey xabad iyo xabadii ka dhacdey oo ku dhacdey marxuumka iney tahey mid qura''

 

Hadalkaa markaan maqley waan qosley iyadoo aan is iri ma faankii lagu yaqaaney baa gaarey halkaa oo ay rabaan in dadka ku marin habaabiyaan, miyuu ilaawey iney Soomaali oo idili ay wataan AK47?

 

Waxaan kusoo geba gebayn

 

Mara xume ********** tolnimay midig ka tuureen

Walaahey *****ga meel xunbaad kala mareysaane

...

 

Hadii aan ********** markale Mudh isa soo siinin

Oo taladu meeshey lahayd toosin marinkeeda

Inaan nabadi meel mari kareyn waa midaan hubo e

 

Qore: Khadar C/rax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qudhac. This is an opinion article oo sawir burca ah lagu dawaqay. Mideeda kale mar hore ayaa la qoray. atleast two months ago. lol

 

Ilaa iyo imika sawirkii hore markaad ku fashilanteen ayaad hadba wax raadineysaan.

 

War meesha hadal uun lama hayee, ragbaa wax la isaga qaadaa. Dhahar nin horey u tagay umalaynmayo inuu kusoo noqon doono. Remember WAQAF hadalkiisii. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

walee sheekadii meel xun bay maraysaa, wey ciir ciiraysaa kuwii bossaso wax ka sugaayay they given up reerkii dhinac ayuu isu tegay...

 

there are the important people already on the ground going through finer details very very important people meeting are going on now...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this