Sign in to follow this  
General Duke

Allaha u naxariistee Gen.Maxamed Xaashi Gaanni: O Ku geeriyooday Nairobi

Recommended Posts

Nairobi:Gen.Gaanni oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi

- Monday, October 18, 2004 at 16:07

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi Allaha u naxariistee Gen.Maxamed Xaashi Gaanni oo ka tirsanaa xildhibaanada baarlamaanka KMG ee Federaalka Soomaaliya,isagoo ah xubintii 3aad ee ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo geeriyooda.

 

Allaha u naxaariistee Gen.Gaanni ayaa geeridiisu ahayd mid kedis ah ,iyadoo sida wararku sheegayaan saaka la arkay qolkiisii oo xiran oo aan la furin in muddo ah ka dibna dadkii isku deyay inay ogaadaan sida wax u jiraan ayaa ugu danbayntii jebiyey qolkii waxaana loogu tegey jananka oo meyd ah,waxana uu u geeriyoodey si caadi ah ee ma jirin wax dhaawac ama dhibaato kale ah oo ka muuqdey meydkiisa sida ay goob joogayaal u sheegeen boggan.

 

Gen.Gaanni Allaha u naxariistee waxa uu ahaa nin si aad ah looga yaqaaney dalka Soomaaliya ,isagoo ka tirsanaa saraakiishii ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,isla markaana darajada sarreeye guuto ka gaarey ciidammada XDS,marna waxa uu ahaan jirey sanadihii 80aadkii taliyihii qaybtii 26aad ee XDS oo gobollada waqooyi ee Soomaaliya jabhadii ka jirtey ee SNM iyo ciidammadii XDS ay dagaallo ba'an isaga hor yimaadeen gobolkaas sannadihii 1988kii.

 

Jananku waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii DKMG ahayd ee Carta lagu soo dhisay,shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee mudada labada sano ah ka socdey Kenyana kaalin lixaad leh ayuu ka soo qaatay isagoo ka tirsanaa murashaxiintii isu soo taagey tartanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka KMG ah ee Federaalka Soomaaliya oo uu soo gaarey kaalintii ugu danbeysey ee tartankaas,isagoo markii uu ku guulaystey Prof.Dalxa oo ay ku wada jireen wareeggii ugu danbeeyayna ugu hanbalyeeyey xilkaas,sheegayna inay doorashadaasi u dhacday si sharci ah uuna la shaqaynayo ,taasoo uu kaga dhabeeyey oo isaga oo shaqadiisii ku guda jira uu ugu danbayntii geeriyoodey,Allaha u naxariisto Gen.Gaanni intii uu ka tegey iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this