Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland MPs in Oslo, Norway

Recommended Posts

SDWO (Norway 13/09/08) Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdirahmaan Cabdillahi Cirro iyo ku xigiinkiisa Kowaad Cabdicasiis maxamed samaale oo shalay booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway ayaa maanta xarunta shirarka rr Gronland torg kula kulmay Jaaliyadda Somaliland ee Norway gaar ahaan magaalada Oslo waxaana kulankaas ka soo qaaybgalay dadweeyne aad u tiro badnaa oo si wanaagsan u soo dhaweeyay masuuliyiinta.

 

Ugu horeeyn waxaa halkaas ka hadlay oo daadihinaaysay shirka Faadumo Madar oo ah xubin ururka ucid ka tirsan waxaayna si kal iyo laab ah u soo dhaweeysay shirgudoonka golaha wakiilada somaliland waxaana ugu horeeyn goobta ka hadlay Wakiilka somaliland ee Norway Mudane Maxamed Aden Linen isagoo ka war bixiyay oo goobta ka sheegay xafiiska safaarada somaliland in aay rasmi ahaan u furantahay isla markaana dhalinyaro badani ka shaqeeyn doonto si fursad aay u helaan dhalinyaradda aqoonyahanka ahi .

 

kadib waxaa hadalkii qatay Gudoomiyaha Jaaliyadda oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha shirgudoonka Mudane Cabdiraxmaan cabdilahi cirro oo warbixin dheer oo ku saabsan hawlaha barlamaanka intii aay joogeeyn u qabsoomay waxuu kaluu cadeeyay in aay iska dhacdo in hawlaha wada shaqeeynta golayaashu aay sababeen in waxyaabo badani aay hore u socon waayeen ayadoo buu yiri aay hadda wada shaqeeyntu soo hagaageeyso,Mudane Cirro waxa uu ku dheeraaday safarkoodii Nairobi ee ugu dambeeyay oo guul ugu soo dhamaaday khaasatan ayagoo ahaa wadanka kaliya ee afsomaliga ku hadla ee ka qaaybgaly anagoo buu yiri barbar wadnay shirar duceedyo aan kula kulanay safiiradda Ruushka iyo Mareeykanka oo aanu isla jeexjeexnay arimaha somaliland ayuu ku soo gabagabeeyay Gudoomiyuhu.

 

Waxaa kaloo Hadlay Mudane Samaale oo Dadka ku baraarujiyay alla ka cabsiga bisha rabadaan iyo tusaalooyin badan oo lagu cibra qaato oo uu ka soo qaatay ayadaha quraanka kariimka isagoo dadka ku adkeeyay in sabir wax lagu gaaro iyo shaqo lana gaari doono himilooyinka somaliland iyo ictiraafkeeda inshaa alaahu Gudoomiye ku xigiinku waxa uu cadeeyay in aay aad u jecelyihiin dadka jaaliyadda reer Norway ilaahay dartii maadaama aay mar walba soo booqdan bisha Rabadaan ee qiimaha badan.

 

Kahor intaanay iman wafdigu goobta shirka waxaay soo booqdeen xarunta xafiiska wakiilka somaliland ee Norway oo si diiran uu ugu soo dhaweeyay Wakiilka Mudane Mohamed Liinen.

waa kuwan sawiradii oo dhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^That much I understood, what was trip meant to accomplish. The article hardly mentioned anything useful and didn't divulge into any details-just snippets of feel good commentary.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

CAMPAIGN FOR What? is it not too much for this resources poor teritory? Oh, looking self independence from your own.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ilax   

JB, Saaxiib kama dhacsane, ee waan lasocdaa xaalka, lkn, laf cidlaha baad toobin ku haysaan.Halman baadna ku jirtaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

JB

 

-In appreciation of the religious rennaisance in what used to be known as Waqooyi galbeed, which only before few decades its best sheekh's could only utter (during friday prayers):

 

" Waar, Ilaahay CABASSA buu yidhi. Kagamuuse Hadhine, WA TAWALUU raaciyey. Wa bilaahi tawfiik."

 

Have now produced the likes of Sheekh Mustafa,

 

I recognise Somaliland as Somaliland. The land of Somali's who live in the provinces of Hargeisa, Saaxil and Togdheer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

" Waar, Ilaahay CABASSA buu yidhi. Kagamuuse Hadhine, WA TAWALUU raaciyey. Wa bilaahi tawfiik."

Great Sheikh indeed smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Duuliye Sare Nuune

 

Waad salaaman tahay!

 

"Mirqaan nacay hadii uu siciid miig ku kicin waayey" gabay la yidhaa unbaan xusuusan whenever I think of flying and airplanes. it was composed for someone who used to chew from dusk to dawn oo suu u qayilayo garaabadu ay buuxiso ilaa wajigiisa. So much so, they used to say qofka la qayilaya ayey ka qarin jirtay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this