Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi African heads Meeting: PM Geedi present...PICS

Recommended Posts

Shirka dalalka Harooyinka waaweyn oo ka furmay Nairobi iyo Cali Maxamed Geedi oo ka qeyb galay

Last Updated::2006-12-14 14:40:22

 

 

Nairobi:- Waxaa saaka ka furmay magaalada Nairobi

ee xarunta dalka Kenya, shirka Dalalka Harooyinka waaweyn ee Afrika.

 

Kulankaani oo ay kasoo qeyb galeen Hogaamiyayaasha dalalka Afrika ee leh Harooyinka waaweyn ayaa saaka ka furmay Xarunta Qaramada Midoobay ee Gigiri.

 

girgiri_nairobi.jpg

Madaxweynaha DR Congo Joseph Kabila iyo Madaxa Midowga Afrika Omar Konare

 

r905677997.jpg

Shirkan oo lagu waday inuu kasoo qeyb galo Madaxweynaha dalka Soomaaliya, C/laahi Yusuf Ahmed ayaa ka baaqday, ayadoo shirkaasi uu booskiisa ka qeyb galay Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Hogaamiyasha kale ee kasoo qeyb galay shirkan ayaa waxaa kamid ah:

 

1- Mwai Kibaki (Kenya

2- Yurweri Museveni (Ugandha)

3- Paul Kagame (Rwanda)

4- Joseph Kabila (DR Congo)

5- Pierre Nkurunziza (Burundi)

6- Jakaya Kikwete (Tanzania)

7- Hassan al Bashir (Sudan)

8- Levy Mwanawasa (Zambia)

 

Waxaa shirka sidoo kale ka qeyb galaya Xoghayaha Qaramada Midoobay Koffi Anan, iyo Madaxa Midowga Afrik Omar Konare.

 

 

Shirkan oo lasoo geba gabeyn doono maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiis la xariira dhinaca iskaashiga AMNIGA iyo HORUMARINTA.

 

Shirkan ayaa ah kii labaad oo ay dalalkaasi yeeshaan ayadoo shirkoodii ugu horeeyey ay ku yeesheen magaalada Dara Salaam ee dalka Tanzaaniya bishii November ee sanadkii 2004tii.

 

r3000672567.jpg

Madaxweynayaasha Kenya iyo Tanzania iyo Madaxa UNHABITAT Mrs.Anna Tibaijuka

 

r548417231.jpg

Madaxweynaha Tanzanian Jakaya Mrisho Kikwete oo shir gudoonka ku wareejiyey Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki

 

r4201472089.jpg

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo ka qeyb galaya shirka

 

capt.sge.aid66.141206112647.photo01.phot

Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni oo soo gaaray xarunta Shirka ee Gigiri

 

Ahmiyada shirkan uu leeyahay ayaa ah in wadamadaasi ay iska kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa dhinaca Amniga iyo waliba sidii loo heli lahaa iskaashi guud oo ah dib u dhiska dalalkaasi.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The TFG is headed by Yusuf/Geedi/Sharif Xasan/Buuba and so on.

 

The Clan Courts is a single clan headed by, Xasan Dahir/IndaCade/Cadow/Sharif Ahmed/Janagow/Abdulkadir Abukar Cadaan..

 

Xasan Turki position is comander of al-Shabaab much like Afgaduud is comander in the TFG armed forces, thus no decesion making capacity

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Soomaalidu goormay Haro (Lake) waa wayn yeeladay.

 

Waxay iigu qosol badnayd markay dawladii siyaad bare u soo dirtay Cabdirahman Buluq Buluq shirka wadamada Afrikee Af FRANSIISKA ku hadla.

 

He's the only one who couldn't speak French in the conference...very embarrassing

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^So he is a regional leader, while Xasan Dahir/IndaCade/Cadow/Sharif Ahmed/Janagow/Abdulkadir Abukar Cadaan.. are all national leaders within the courts structure?

 

How you confuse yourselfs, lads.

Ahmed-Gurey, go ask anyone who holds the major portfolios of the Clan Courts?

 

Yesterdays soldiers are todays soldiers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Is he not gonna fly to Addis to feedback Meliz on this conference too? As he always does whenever he goes to a trip abroad............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke walaakiis no matter how you put this is gonaa turner qabiil war ufiira adigu maalin walba waxaa tiraah daa clan court ....that is equal usc so mahan dadka dowlanda ugu jirta waa dadkii shalay dhibaatada way a/y qabiilkiis wuu caawiyay hadii aan runta isku sheegay no riyaale qabillkiis wuu caawiya waxa meesha kusoo hara waa dadka bay and bakook iyo shabelle dadka aad usc way is cawaaniyaa read this news about the governmet and tell me if this is not qabill think xaaran kunaax ciidan kiisii baa so bax saday no a/y ciidankiis anigu waxaan rumaysanahay been is laisku sheegayo

 

Ciidamo ka soo baxsaday dowladda oo ku soo biiraya maxkamadaha

 

Mogadishu 14, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ku dhowaad 100 ciidan ah oo wata 6 gawaarida dagaalka ayaa ka soo goostay dowladda Somalia, iyagoo isku soo dhiibay ciidamada maxkamadaha islaamka, haatana uu abaabul aad u xoogan uu ka socdo deegaanka Buulo Mareer oo lagu soo dhaweynayo.

 

Maleeshiyadan oo daacad u ahaa Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim oo ka tirsanaa isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee kal hore lagaga adkaaday dagaaladii ka dhacay caasimadda, horeyna uga tagay deegaanka Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta go'aansadeen in ay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho.

 

Ilaa 100 maleeshiyo ah oo wata 6 gawaari dagaal oo isugu jirta 3 yaryar iyo 3 waaweyn ayaa haatan ku soo fool leh dhinaca deegaanka Buulo Mareer, iyagoo ka soo gudbay dhinaca degmada Diinsoor, waxaana deegaanka Buulo mareer ka soconaya soo dhaweyn loogu diyaar garoobayo maleeshiyadaan sida uu shabelle u sheegay Macalin farxaan Warsame oo ka tirsan maxkamadaha islaamka Somalia.

 

Waxa uu meesha ka saaray in ay jirto wax baayactan ah oo maleeshiyadaan lala galay intii ay joogeen magaalada Baydhabo si ay ugu soo wareegaan dhinaca magaalada Baydhabo.

 

Maleeshiyadaan ayaa waxa ay isku dhaceen sida la sheegay ciidamo Ethiopian ah duleedka xerada Manaas markii ay u soo ambabaxeen dhinaca degmada Diinsoor. isku dhacaasina waxaa uga geeriyooday hal ruux oo sida haatan wararka lagu helayo lagu aasay dhinaca degmada Diinsoor.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Somalia oo ku aadan arintaan, iyadoo xiriir aanu la sameynay dhinaca dowladda aysan inoo suurto galin in aynu helno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^He might do, if he chooses to. Nothing you can do about it is there. Maybe you would like to insut his father like Bacadle while you are at it..Bacadle geedi insult creates trouble

 

Attacking Geedi will only make him more popular in the eyes of his huge Clan. The man is already becoming a hero, when Bacadle, IndaCade, Xasan Dahir, Abdiqasin and the likes of Abwan add thier two cents.....So keep it up.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this