Sign in to follow this  
ceelayohoyoo

We've won the hearts: Sanaag Western Bari- Its evolution.

Recommended Posts

As the de-evolution of Eastern Bari-Nugaal and Northern Mudug occurs. The process for which has started continues: self-governance free from parasites. No matter how many defensive battles we face win/lose the hearts and minds of the people of Maakhir are one.

 

In the coming months will see positive turns for Maakhir State.

 

Salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caasha Cabdalla”Faroole 66-ayaa Doortay Shacabku ma Dooran”

 

 

Xildhibaanada Caasha Axmed Cabdalla oo ka Tirsan Baarlamaan Somaliya ayaa BBC-da Waraysi ay siisay ka sheegtay in aad uga xun tahay Duulaanka Dawlada PL ku qaaday Deegaanka Galbeedka Bari, Xildhibaanada oo ka hadlaysay arintaasi ayaa xustay in Ujeedka loo Ordayaa ay tahay Shidaal Deegaankaasi ku Jira.

 

 

 

Xildhibaanada ayaa Ku cel celisay inuu Dagaalkaasi aanu Maanta ahayn Mid Ugub ah balse uu yahay mid ilaa Dawlada Cade Muuse Sanadkii 2005- kaasi oo Soo Jiitamayay, lana doonayo in la Si Dhuumaalaysi ah lagu qodo, Shidaalka Deegaankaasi.

 

“Aniga waxaan ahay Xildhibaanad TFG ka Tirsan Laakiin dadka Duulaanka lagu yahay ayaan Metelaa oo aan Meesha u Joogaa waa inaan sheegnaa Wax kasta oo dadkaasi lagu Hagar Daaminayo”Ayay Tiri Xildhibaanad Caasha Cabdalla.

 

Caasha Ayaa qeexday in Faroole Masaajid Garoowe ku Yaala ka sheegay inay weerarayaan GalGala isla markaana uu Fariin Media ah u Mariyay dadka deegaanka inay Qaxaan oo ka Guuraan deegaankaasi.

 

“Faroole iyo Wiilkiisa ayaa Shirkado Ajanib ah la soo Galay Hashiis si ay Shidaalka deegaanka u Baadhaan markaa Lama Baadhikaro Khayraadka ilaa dadka laga Tir Tiro deegaanka Ama dagaal lagu qaado waana la qaaday Dagaalkii”Ayay Tiri Caasha Cabdalla.

 

Xildhibaanad ayaa farta ku Goday in Faroole ilaa Maalintii la doortay uu waday Dagaal Beeleedyo iyada oo Cadaysay inay 66- Ruux ay Doorteen ee aanay Shacabku Codkooda Siin taasina ay dhabada u xaadhayso inay Eryaan oo ay Faroole Albaabka ka saaraan waa sida ay Hadalka u dhigtay.

 

Caasha Cabdalla ayaa Sheegtay in PL Lagu wado Joogo Xeer Hoosaad iyo Is Tix Galin Beelaha ah e,aanay Beelina Beel Ku Duulin karin ayay Qirtay Caasho.

 

Dhanka kale Caasha Cabdalla ayaa Ifisay in Cumar C/Rashiid Cali Sharmaake Raisalwasaaraha Somaliya uu Hub Ka dejiyay Garoonka Gaalkacayo kaasi oo doonaya inuu Lagu Baabiyo Shacabka Deegaanka GalGala iyada oo Sheegtay docda kalena inay Caalamka ka Dacwaynayaan Shariifka iyo Raisawasaaraha Somaliya.

 

Waxay Toos u Moostay in dadka Dilalka Bosaaso ka Fuliyaa ay Yihiin Rag Ethiopia ah oo ku Sugan Madaxtooyada Bosaaso iyada oo Farta ku Muday in Ninka Wiilka uga ah Ethiopia PL ee Garoowe ku Sugan uu Masuul ka yahay Dilalka Aqoonyahanada Dadka PL isaga oo Waliba si Toos ah u Beegsana Dadka ******ya ayay Tiri Caasha Cabdalla.

 

Waraysigigaasi ayaa Caasha sidoo kale Wariyuhu Waydiiyay inay tahay Mucaarad oo Masuul kasta Dhaliishay“Waxay kaga Jawaabtay” Anigu Xildhibaanad baan ahay Uma dul qaadankaro Dhibaato kasta oo Somaliya ka Jirta waxaanu doonaynaa is bedel Wanaagsan wixii Wanaagsan waanu Raacaynaa Markaa Dadka Somalida Madaxtinimada doonayaan waa kuwa dhaqaale Raadis ah Maha kuwa Xal Somaliya u wad ayay Tiri Caasha Cabdalla.

 

HALKAAN KA DHAGAYSO CODKII BBC da

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa keenay jabkii Ciidanka Puntland

 

 

Khasaaro xoog leh ayaa ka soo gaaray Ciidanka Puntland dagaalkii maanta ka dhacay Buuraha Barakaysan ee Cal madow,halka ciidankii ka soo horjeeday dad ku sugan degaanada ay noo sheegeen in ay ka dhaawacmeen Sadex wiil oo d'adoodu tahay labaatan jiro oo labo tahay ********** Dubays iyo mid ah ******ten Cali Salebaan oo dhamaantood ka soo wada jeeda degaanada Galgala.ilaa hada waxa dhimasho ah lama sheegin

 

Dagaalkan maanta ka dhacay galbeedka gobolka Bari ayaa wuxuu ahaa mid la sugaayey maalmahan danbe ka dib markii madaxweynaha jar iska xoorka ah aqoontana u lahayn dadka iyo degaanada Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu in badan ku celceliyey in uu dagaalami doono hase ahaatee awoodiisii la ogaaday sacadihii u horeeyey Aug.9,2010 markii ninkii ciidanka hogaaminayey ayna isku jufo hoose yihiin Tuuta wayne lagu arkay kaantaroolka Boosaaso.isaga oo argagaxsan hadaladiisiina ay ahaayeen ceelashii ayaan soo bur burinay

 

Dagaalkii maanta iyo mid soo socdba kuma ay guulaysan doonaan ciidan kasta oo ku soo duulaa degaanada Maakhir iyaga oo aan haysan kalsoonida shacabka reer Maakhir taasna waxaanu ka ogaanay taariikhda gobolka ,hase ahaatee Cabdiraxman Faroole sidaan horay u sheegnay wuxuu ahaa mid isku dhuftay xisaab khalad ah waana tan keentay saacadihii danbe oo dagalka in wejigii dagaalku is bedelo loona sheegay xaq jirka jar iska xoorka ah oo markuu hadlaba lumiya boqolaal qof oo aaminsanaa Puntland in uu noqdo mid aamusa,waana talo fiican.

 

Puntland waa Beelo isu tegay Tuuta wayne iyo wiilal laga soo ururiyey Dangoro iyo Sunijiif xoog kuma tegi karaan Galgala kumana dagaalami karaan sida xaqiiqdii tahay ,waana tan maanta keentay in ay ku dhacdo guul daro.

 

Taliyihii ciidamada Faroole ninka lagu magcaabo Tuuta wayne ayaa maanta wax la waydiiyey in ay ka gaareen wax guul ah dagaalada Galgala ka dhacay ,wuxuuna sheegay in Ceelashii Biyaha ee degaanka uu soo dumiyey raga noocaas ah nacaybkuna ku jiro cidina uma ogolaan doonto in ay guulaystaan.

 

Madaxda Puntland oo kala ah wasiirka amniga,madaxweyne ku xigeenka iyo taliyaashuba waraysiyadii maanta ay bixiyeen mid mid la mid ah ma lahayn,waxaana ka muuqatay jaahwareer iyo isku xirnaan l'aan dawladeed, taasina waxay kuu cadaynayasaa howsha qura oo ay ku fiican yihiin in ay tahay sidii loo lunsan lahaa xoolaha Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland maalintii jimacaha uu ka khudbadeenayey Masaajidka Garoowe,ayaa waxa ka dareeray khudbadiisii shacab reer Garoowe ah oo shaqo lahaa ,isla markiiba dadkii oo maqlaya ayaa wuxuu ku dhwaaqay Madaxweynaha in dadkaa baxay la qoro magacyadooda oo ku sheegay in ay yihiin kuwo la jira argagixisada taasina waxay kuu cadaynaysa in ninkan Wiilasha dagaalka geliyey aanu ahayn Qof maskaxdiisu fayoobeen

 

Ugu danbayntii Bulshada reer Sanaag waxay sugayaan talaabada tan xigta oo jar iska xoornimada ku jirto oo ay ku dhaqaaqi doonaan labada nin oo dantii puntland ka hormariyey Xididnimadooda kuwaas oo ah Faroole iyo Cabdisamad

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asha Abdalla although an MP ins the Somali parliament a good lady on occassions, she is big time wrong on this one.

 

Maamada Caadifad qabiil ayaa qaaday, waxay isku khaldaysaa Atom Ideology-giisa iyo qabiilkiisa. That's the problem she is confusing his reer and what the man stands for...

Share this post


Link to post
Share on other sites

We have nothing to do with Somaliland and the same for Pirateland.

 

We've spoken keep your SSDF nepotism to yourselves which could not be done.

 

 

Maakhir State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BreakingNews: Askar laga qabtay Maamulka Faroole jabkii ugu weynaa ka dib

August 8, 2010

By admin

Dagaaladii cuslaa ee saaka ka bilaawday duleedka magaalada Boosaaso ayaa sii xoogaystay waxaana lasoo sheegayaa in Khasaara xoogan uu soo gaaray Maleeshiyaadkii u dagaalamayay Faroole.

 

Dagaalka oo maanta duhurkii mar qaboobay ayaa markale sii xoogaystay kadib markii ay xoogaga deegaanka Galgala weeraro Aar gudasha ah ku qaadeen Firxadka Maleeshiyaadkii Faroole.

 

Sarkaal u hadlay dadka deegaanka Galgala oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in ay dileen labaatameeyo katirsan Maleeshiyaadka PIS-ta Faroole ee Weerarka ku qaaday dadka deegaanka.

 

Dagaalka ugu culus wuxuu ka socdaa laamiga Boosaaso iyo Karin kala qaybiya, Warar xog ogaal ah oo ay helayso shabakadda SomaliMeMoayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadka Faroole loosoo riixay dhanka magaalada Boosaaso oo Rasaasta wiiftada ah ay yool ka dhigtay wadad laamiga ah.

 

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan waxaana aad u yar dhaq dhaqaaqa shacabka kadib markii Maleeshiyaad lasoo dhigay dhamaanba wadooyinka magaalada.

 

Maleeshiyada Faroole ayaa beeraha shacabka ku duqaynaya madaafiicda BM-ka oo ay Itoobiya ugu deeqday Maamulka Ashahaadda ladirirka waxaa jira Maxaabiis farabadan oo laga qabtay Maleeshiyaadka PIS.

 

Maxaabiista lagu qabtay dagaalada ka socda Duleedka Boosaaso waxaa ka mid ah saraakiil iyo Xidiglayaal hor boodayay dagaaladii saaka dhacay, warar kale ayaa sheegaya in gaari Candha Maydle ah uu Maleeshiyaadka uga dhacay Tog Biyood.

 

1-Ahmed Ali Muuse Madaxii Saadka ee Ciidanka PL.

2- Mustafe Guray Laba Xidigle.

3- Maxamed Dheere

4- Jamaal Ciisa Kaar

5-Cali Muuse Xidgle.

6- Maxamuud Qodox

7-Jaamac Axmed Yuusuf [Darweel Gaadhi Dagaal]

8-Maxamuud Haybe [ Gaandhari Macaa Gaadhigiisii]

10- Farxaan Qooje

 

Waxaa Jira Saraakiil dagaalka lagu dilay oo aan weli magacyadooda lahelin balse saacadaha soo socda laheli doona, Isbitaalada waaweyn ee magaalada Boosaaso waxaa buux dhaafiyay dhaawacmayada Maleeshiyaadka Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nice to re-hash the JVA since it has no relation to Maakhir. Neither does soothing scars from which Pirateland has been dealt with.

 

Your war is against Maakhir, your broke Admin and their Pirate financiers in Australia is dwindling in funds.

 

I will bring news relevant as you to ascribe to slander the name of Maakhir through your SSDF channels.

 

Hence, Maakhir State has already won the war and the hearts of Bari Galbeed and Sanaag.

 

God Bless

 

Maakhir State.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this