Sign in to follow this  
Suldaanka

Jendayi Frazer on her government's relations with Somaliland

Recommended Posts

source

 

 

S: Waa maxay mowqifka dawladda Maraykanku ka taagan tahay arrimaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland?

 

J: Somaliland rasmi ahaan uma aqoonsanin, laakiin waxaannu goob-joogayaal u dirnay doorashooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkooda, waxaanuna xidhiidh la leenahay saraakiisha reer Somaliland sida aannu xidhiidh ula leenahay waddamo kale oo badan. Waa dawlad aanaan si rasmi ah u aqoonsanayn inay dawlad madaxbannaan tahay, laakiin hubaal ahaantii waannu la hadalnaa saraakiishooda. Waxaannu la hadalnaa Madaxweynaha Somaliland oo waannu la shaqaynaa sababtuna waxay tahay xasillooni ayey ka dhaliyeen Somaliland.

 

Waxa kale oo jirta arrin ku saabsan argagixisada oo aannu kala xidhiidhno Somaliland, waana in aannu dawladdaas kala shaqaynaa sidii aannu xididdada ugu siibi lahayn argagixisadaas, kuwaas oo sii mara Somaliland, kadibna uga sii gudba ********iya, una sii dhaafa Muqdisho Kismaayo oo jidkaas isticmaala, taasina annaga ayey dhibaato nagu tahay, markaa waannu la shaqaynayaa saraakiisha Somaliland.

 

S: Somaliland waxay ku doodaysaa in jiritaankoodu sax yahay oo ay hoos tagi jireen maxmiyaddii Ingiriiska, halka koonfurtuna ka hoos tagi jireen Talyaaniga ayna qabsadeen saddex doorasho dalkoodana ay xasillooni ka sameeyeen, nabadna ahaayeen 16-kii sannadood ee tegay, markaa maxay u baahan yihiin si ay helaan fiiro ka weyn ta hadda caalamku ka aaminsan yahay?

 

J: Annagu waannu ka war-haynaa horumarka ay sameeyeen, waxaanay tusaale u yihiin Soomaaliya inteeda kale inay eegaan horumarka Somaliland samaysay iyo sida ay dawlad u samaysteen, marka taas la eegana waxay nala tahay in arrinta ugu muhiimsani tahay inay la hadlaan Midowga Afrika. Waxaannu u sheegnay in aannu raaci doono wixii ay Midowga Afrika sameeyaan, waana inay la hadlaan Midowga Afrika oo la shaqeeyaan, markaa waxaannu eegi doonaa wixii ay la yimaaddaan.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Suldaanka do you take comfort in her words, ma intaas ayaad niyada kudhisanaysaa, nothing is forthcoming mate, the reality for you is grim but certain.

 

In caalamku il kale kufiiriyaan kulahaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this