Sign in to follow this  
Kamaavi

Al-shabaab oo baneeyey Qooqaani iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka socda Jubooyinka

Recommended Posts

Kamaavi   

Warar goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada Bilis Qooqaani ay isaga guureen dhamaan fadhiisimihii ay ku lahaayeen aagaas ka dib markii uu culeys ka soo fuulay dhanka Dhoobley oo ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan.

 

Ciidamadan ayaa kolkii ay ka soo baxeen Qooqaani sedex jeer dhexda dagaal ku qabsaday iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iska hor imaadyadaas.

 

Dhanka kale waxaa habeen sedexaad magaalada Dhoobley ka dhacay dagaal mir ah oo ay soo qaadeen ciidamo daacad u ah Axmed Maxamed Islaan kuwaasoo sida la sheegay miray sedex saldhig oo fadhiisimo u ahayd ciidamada Al-shabaab ee gacanta ku haya magaalada Dhoobley.

 

Dagaalkan oo ahaa mid sedex geesood ah isla markaana dhacay amin habeen ah ayaa lagu soo waramayaa in Xarakada Al-shabaab lagaga dilay 13 askari oo 8 ka mid ah goobta lagu dilay halka 5 kalena ay dhaawac u dhinteen.

 

Wararka khaaska ah ee soo gaadhay Warsidaha Dhanaan.com ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay damceen in dhaawicii ay u qaadaan dhanka magaalada Kismaayo iyagoo dhaawicii saaray baabuurka loo yaqaan Hoomeyda, balse marka ay dhexda sii socdaan ay dareemeen cabsi ka bacdina ay dhaawicii dib ugu soo celiyeen magaalada Dhoobley.

 

Masuuliyiintii Al-shabaab ee ku sugnayd Dhoobley ayaa hadana amray in dhaawicii Kismaayo la geeyo isla markaana la raaciyo afar tiknika ah oo dhaawaca sii galbisa maadaamo uusan jidku amni ahayn.

 

Wararku waxay sheegayaan in afartii tiknikada ahayd ee dhaawaca galbinaysay ay qudhoodii khatar culus dareemeen isla mar ahaantaana ay dhaawicii dib ugu soo celiyeen magaalada Dhoobley balse nasiib daro ayagoon weli soo gaadhin Dhoobley ayeey shantii nin ee dhaawaca ahayd qudh baxday.

 

Dhinaca kale mar Warsiduhu uu la xidhiidhay dad xog-ogaal ah oo aan weydiinay halka ay qabteen ciidamadii Al-shabaab ee ka guuray magaalada Bilis Qooqaani ayaa naloo sheegay in ciidamadii gebi ahaanba la keenay Dhoobley si loo xoojiyo difaaca Dhoobley oo ay ka jirto dareen iyo cabsi badan.

 

Ciidamadii Xisbul islaam ee horay looga saaray deegaanadan ayaa lagu soo waramayaa inay dib isu soo habeeyeen isla markaana ay soo buuxiyeen dhamaan duleedyada maagaalooyinka Dhoobleey iyo Afmadoow waana tan keentay in xarakada Al-shabaab ay bandoow ku soo rogaan dadka ku dhaqan labadaas magaalo oo sida la sheegay ay kulaaxayaan ciidamo daacad u ah hogaamiyaha Ururka Xisbul islaam ee Gobolada Jubooyinka Sheekh Axmed madoobe.

 

Wararka dhabta ah ee ku saabsan xaalada Jubooyinka kala soco Warsidaha Dhanaan.com.

 

Dhanaan.com

 

Dhoobley

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dagal markale kadhacay Dhoobleey iyo Kooxda Alshaabab oo soo sartay bayaan calaacal & goodi isugu lifaaqan.

 

Dgaal ayaa markale ku dhaxmaray Ciidamada Alxizbul islaam & Kooxda Alshabaab Meel u dhow degmada Dhoobleey.

 

Dagaalkan ayaa dhacay Shalay maqribkii kadib markaay isku deyeen Kooxda Alshabaab inaay weeraraan fariisin ay ku lahaayeen ciidamada Alxizbul islaam meel u dhow magaalada Dhoobleey islamarkaasna dagaal ku qabsaday intaayan gaarin fariisimihii Xizbiga.

 

Ciidamada Alxizbul islaam aya sida muuqata ka war helay weerarka kadibna cmilgal sameeyay.

 

Ilo madax banaan oo ku sugan aaga degmada Dhoobleey ayaa K.times.com u xaqiijiyay in kooxda Alshabaab lasoo guryanoqdeen 9 meeyd ah islamarkaasna caro aad u kulul laga dareemayay wejiyadooda.

 

Weerarkan ayaa u muuqda inaay Kooxda Alshabaab ku doonayeen inaay usoo aargudaan maleeshiyo badan oo looga laayay qaar badanna looga dhaawacay weerar gaadmo ah oo dhacay habeen afaraad kaasoo lala beegsaday Sedex Xarumood oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkooda

 

Lama oga waxa xigi doona weeraradan gaadmada ah ee ay is dhaafsanayaan laba Kooxood & waxa ku soo beegay xiligaan waxaana laga warqabaa in ciidamadii la dagaalamay Koxxda Alshabaab ay bed qabaan iyaga & hubkoodii kuna suganyihiin daafaha magaalooyinya Jubadahoose.

 

Dhinaca kale Kooxda aya soo saartay bayaan isburinaya ay ay ka buuxaan hadalo iskhilaafsan.

 

Bayaanka ayaa sida muuqata loogu talagalay in lagu macneeyo dagaalkii lagu wareeray micneeyntiisa waxaana lagu celceliyay oo keliya hadalaadii ahaa Sh. Ahmed waa murtad & qabiilbaan ladagaalameeynaa, waana hadalo daashaday dhegaha shacbiga Soomaliyeed.

 

Kooxda ayaa ku andacootay inuu Sh. Ahmed u dagaalamayo qabiil iyo gaal u gargaarid, laakiin iswyydiintu waxaay tahay Sheekha lagama maqal asagoo dhahaya qabiilbaanu nahay Alshabaabna qabiilbaanu kula dagaalameeynaa, & gaalaan u gargaareynaa, taas bedelkeedana waxaanu ka haaynaa kooxda Alshabaab inaay ku dhawaaqeen

 

1.dagaal ka dhan ah Beel kamid ah Beelaha Soomaaliyeed

 

2. inaay hubeeyeen maleeshiyaad beeleed kuna goobaabiyeen inaay ladagaalamaan Beel islamarkaasna ka difaacaan magaalada.

 

3. waxaakaloo lagamaqlay afkooda Tuulooyinkaanu idinku gubeeynaa, waxaa isweeydiin mudan Sh. Ahmed Gobolka hal guri ayuu ka deganaa Tuulooyinka SHAhmed miyaa iskaleh!!

 

4. Ayagoo doonaya inay qabiil ubedelaan dagaalka ayaay ku andacoodeen inaay ONLF ladagaalamayaan oo ay ula jeedaan ONLF waxaaa u badan beesha ******.

 

Waxaa kaloo bayaankooda ay ku sheegaan in ururka Kambooniyiinta uu yahay urur qabiil uuna burburay wasidaay hadalka u dhigeene. Halkaas waxaa ka muuqda in Kooxda Alshabaab ay iyagu yihiin Kooxda qabiilka wada hadii qabiil lagahadlayo.

 

Kooxdan oo kusoo barbaartay taagerada shacbka soomaaliyaad aya lumisay taageeradii shacabka, waxaana ugu dambeeyay Gobolada Jubooyinka, waxaana gabi ahaan geyiga Soomaliyeed la wareegay naceeybka loo qabo Kooxdan mayalka adag ah markii la fahmay waxa ay yihiin iyo inaay halaag u horseedayaan Umada Soomaaliyeed.

 

Wararka Jubbooyinka

 

Kismaayotimes.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Xoghayaha Arrimada dibadda ee Mucaskarka Ras-Kaambooni oo sheegay inay dagaal la gali doonaan Alshabaab.

 

Sida ku cad wareysi uu siiyey idaacadda VOA-da Sheekh Cabdinaasir Seeraar oo ah xoghayaha Arrimaha dibadda ee Kooxda RaasKaambooniyiinta wuxuu ku sheeegay in Alshabaab ay tahay cadow ay Soomaalidu leedahay.

 

 

Wareysigaas ayuu sheekh Cabdinaasir ku sheegay inay meel kasta oo kamid ah gobolada jubbooyinka kula dagaalami doonaan Alshabaab, kana saari doonaan dhammaan deegaanada ay ka joogaan jubbooyinka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

 

Sh. Cabdinaasir ayaa sidoo kale sheegay inay weli ku sugan yihiin ciidamadoodu deegaanada ay isku dirireen iyaga iyo Alshabaab hoggamiyehoodiina (Sheekh Axmed Madoobe) ku sugan yahay deegaanadii dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Jubbada hoose wuxuuna beeniyey inuu Axmed Madoobe u gudbey dhanka Kenya.

 

 

Sarkaalkan ayaa sheegay in shacabku taageersan yahay iyaga, diidan yihiin oo ay ka cararayaan Alshabaab.

 

 

Sheekh Cabdinaasir ayaa sheegay in ay ka tirsan yihiin Xizbul Islaam.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhaqdhaqaaq lagu tilmaamay qorshe ay ku doonayaan ciidamadii uu hoggaaminayey Sheekh Axmed Madoobe inay gabi ahaanba gobolada Jubbooyinka Soomaaliya xoog uga saaraan Kooxda Alshabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dagaal ka dhacay duleedka Afmadow

 

Warar goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in dagaal maanta uu ka dhacay duleedka Afmadow kaasoo u dhaxeeyey ciidamo u hogaaminayo Sheekh Axmed madoobe iyo ciidamada Al-shabaab ee fadhiisinka ku leh magaalada Afmadow.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada Al-shabaab ay ku baxeen fadhiisimo ciidamada Sheekh Axmed madoobe ay ku lahaayeen duleedka magaalada Afmadow halkaasoo ay ku dagaalameen labadi dhinac.

 

Mid ka mid ah dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Afmadow oo usoo waramay weriyaha Dhanaan.com ee Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in ciidamadii Al-shabaab ee markii hore duulaanka qaaday ay lasoo gurya noqdeen 18 dhaawac ah balse uusan arag wax mayd ah oo la keenay Afmadow.

 

Dagaalada goos gooska ah ee u dhaxeeya ciidamada Sh.Axmed madoobe iyo kuwa Al-shabaab ayaa u muuqda kuwa maalin kasta dhacaya iyadoo lagu soo waramayo in Al-shabaab ay mar labaad soo xoojiyeen ciidamada ka jooga gobolada Jubooyinka.

 

Dhanaan.com

Afmadow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reerka dantiisu kumajirto inay Ahmed Madoobe iyo Xisbul Islam raacaan. Why?

 

>Ahmed Madoobe did not care about reerka before Shabab told him beat it.

 

>Madoobe is not different Shabab

 

>No single somali tribe can face Shabab and reerka is not different. Sheekada reerku waa qar iska tuur.

 

>Many of the shabab commanders and fighters in this area from reerka. (Huuseen Abdi Geed, Sahal, Dhagawayne, Kabajecel, Cali-Diyaar and many others)

 

Marka sxb reerka yaan balag loolulin

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Ahmed Madoobe is just another warlord who is fighting for his own interest, he is fighting for power and money and nothing else. I don't think the reerka you are referring to has any thing to do with his recent clashes in the jubooyinka except few employees of his.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this